Home Blog Page 2452

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Khamiis -09- may -2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa , halkaasi oo mar kale uu ku celiyey mowqif diidmo badan dhaliyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Waxa uuna ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday qodobbada xasaasiga ah sida xoojinta garsoorka, hufnaanta maamulka iyo dhammaystirka dib-u-habaynta dastuurka, isagoo xusay in dhammaan hawlahaas ay saldhig u yihiin dastuurka dalka.

Si gaar ah, ra’iisul wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan ayada oo ay si weyn u diideen mucaaradka oo ku tilmaamay “been guur uu muddo kororsi ku doonayo madaxweyne Xasan Sheekh.”

Sidoo kale wuxuu xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Mudane Xamza ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay si firfircoon uga shaqeynayso sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd saaxadda caalamka. Wuxuuna tilmaamay in ay jiraan horumarro laga gaaray xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamiga ah.

Gaba-gabadii khudbaddiisa, ra’iisul wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo in ay dowladda ku taageeraan dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda.

Waxa uuna si guud ula dardaarmay Soomaalida oo uu ku boorinayey in ay dalkooda u istaagaan si ay uga gudbaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla.

Daadad 100 qof ku dilay dalka Brazil

Khamiis -09-may -2024 {HMC} – Roobab mahiigaan ah iyo daadad xoog leh oo ku dhuftay gobolka Rio Grande do Sul ee koofurta Brazil ayaa sababay, dhimashada ugu yaraan 100 ruux, halka 128 kalana wali la la’yahay sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Fatahaadda oo billaabatay todobaadki hore ayaa burburiyay jidadka waaweyn iyo buundooyinka gobolka Rio Grande do Sul, oo ku yaalla xadka ay Brazil la leedahay dalalka Uruguay iyo Argentina.

Waaxda Difaaca Madaniga ah ee gobolka ayaa sheegtay in ugu yaraan 128 qof lagu la’yahay daadadka, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka magaalada caasimadda u ah gobolka ay fatahaaddu aafeysay ee Porto Alegre.

Xarunta qaran ee masiibooyinka Brazil ayaa Arbacadi ka digtay in roobab kale iyo daadad hor leh ay kusoo wajahanyihiin dhinaca koofureed ee gobolka Rio Grande do Sul oo ah gobol ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo ruux.

Dowlada Mareykanka oo hakiysay hubka ay siiysay Isra’il

Khamiis -09-may -2024 {HMC} – Dolwadda Mareykanka ayaa marki ugu horreysay tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il iyo Xamaas, hakisay hubka ay u daabusho Isra’il, sababo la xiriira walaaca Washington ee duullaanka ay Isra’il qorsheyneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax ee Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa marar badan si cad u sheegay inuusan taageersaneyn weerarka ay rabto in ay si toos ah ugu qaado Rafax, oo ah magaalada ay hadda ku noolyihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan horay uga soo cararay deegaannada kale ee Gaza ee ay Isra’il burburisay, kuna dishay in ka badan 34 kun oo rayid ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo codsaday inaanan la magac-dhabin ayaa sheegay, in Dowladda Mareykanka ay si taxaddar leh uga fiirsatay hubka ay u direyso isla markaana ay garatay suurtagalnimada in hubkaasi loo adeegsado Rafax.

Hubkan ayaa koo kooban 1,800-2,000 oo pound oo bambooyin ah una dhiganta bambooyin culeyskoodu gaarayo 907-kg) iyo 1,700 500 oo pound oo mabmooyin ah.

Saraakiisha maamulka madaxweyne Biden ayaa dhowr jeer ooh ore ku celceliyay in aysan taageeri doonin duullaanka Rafax, ilaa ay Israil ka keeneyso qorshe lagu kalsoonaan karo oo ay ku nabad galayaan rayidka.

Duullaan dhulka ah oo ay Israil ku qaado Rafax ayaa khatar gelinaya nolsoha ilaa 1.3 milyan oo ruux oo in badan oo ka mid ah la nool gaajo, dawo la’aan iyo cabsi. Isra’il ayaa sheegtay in dadkan ay u rareyso qeybo nabad ah oo ku yaalla Gaza, hase yeeshee Falastiinyiinta ayaa sheegay in aysan jirin meel nabad ah oo ku taalla Gaza.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay hubka kale ee dib u eegista lagu sameynayo ay ku jiraan gantaallaha loo soo gaabiyo JDAM ee ay diyaaradaha soo tuuraan.

Mareykanka ayaa iyo ilaa hadda ah dalka ugu badan hubka la siiyo Israil. Waxa uu si xoog leh usii dardargeliyay hubka wixi ka danbeeyay weerarki 7-badi October ee ay Isra’il kala kulantay Xamaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-05-2024}

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman macalin muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Dagaallo ka dhacay bariga Rafah iyadoo Israa’iil ay dib u furtay marinka gargaarka ee Kerem Shalom

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Dagaal iyo duqeymo ayaa ka dhacay duleedka magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, xilli Israa’iil ay sheegtay in marinka Kerem Shalom uu dib ugu furtay gargaarka.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku dileen dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan bariga Rafah, taasoo qeyb ka ah waxa ay ugu yeereen howlgalka “sugan” oo ka dhan ah waxa ay ugu yeereen argagaxsida. Xamaas ayaa sidoo kale lagaso weriyay dagaalka.

Mar siki horreysay, militariga Israel ayaa sheegay in gawaarida xamuulka ah ay gaareen Kerem Shalom, oo ah marin muhiim oo gargaarka ka dib markii gantaal lagu weeraray Axadii.

Si kastaba ha ahaatee, hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax sahay ah aanay kasoo galin marinka.

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii muujisay , qeylo dhaan ku saabsan waxa ay ugu yeertay “Ciriirirga” Israa’iil ee labada halbowle ee gargaarka Qaza, ka dib markii ciidamada Israa’iil ay si buuxda ula wareegeen dhanka Falastiin ee marinka Rafah ee u dhow ee Masar.

Dhanka kale, wada-xaajoodyada xabbad-joojinta cusub iyo heshiiska la-haystayaasha ayaa dib uga billowday Qaahira, iyadoo Mareykanku uu sheegay inuu rumeysan yahay in hindisaha Xamaas ee dib loo eegayo uu horseedi karo horumar.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Sharaxaad Ka Bixiyay Kororka Dakhliga Dowlada Afartii bilood ee ugu dambeysay

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in afartii bil ee u dambaysay uu kordhay dakhliga Dowladda kaddib markii howlaha muhiim ah oo laga qabtay isla xisaabtanka Dadweynaha ee dhinaca Canshuurta & la dagaalanka Musuqa.

Biixi ayaa sheegay in shaqo weliba oo Dowladda ay qabanayso uu u baahan yahay dhaqaale si aanay caqabad u imaan Dowladdu diiradda ay saartay in la dhaqaajiyo dhammaad waxyaabaha lagu gaarayo helista lacagaha la uruurinayo.

“Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa $73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa $89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah affartaas bilood dakhliga Dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sare u qaadista hannaanka dhaqaale ee Dalka waxaana ay dhinac wadaa la dagaalanka Musuqa si aanay lacagta Dowladdu loogu adeegsado si baxsan habka loogu talagalay.

Dowlada Dalka Masar oo Digniin Ka Soosaartay weerarda Ciidamada Israel ku galeen Rafah

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Masar ayaa dhaleeceysay howgalka Israel ee Rafax, waxayna uga digtay in la wareegistooda goobta laga galo Rafax ay khatar ku tahay nolosha in ka badan hal milyan oo reer Falatiin ah kuwaas oo ku tiirsan gargaarka.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

Sidoo kale waxay uga digtay Israel in aysan sameyn wax khatar ku ah “Dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin waarta”.

 

Masar aad ayey arintan u daneyneysaa maadama ay dhexdhexaadineyso in Xamas iyo Israel ku heshiiyaan xabad joojin. Hadalka Masar waa mid mug weyn leh, waana dalka ugu muhiimsan carabta ee Israel la galay heshiis nabadeed.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

 

Ciidanka Israa’iil waxa ay hadda gacanta ku hayaan dhammaan isgoysyada Filadelphi ee ku teedsan xudduudda Masar ee Qasa, waa halkii ay sheegtay Masar haddii ay qabsadaan ciidanka Israa’iil inay u aqoonsanayaan ku dhawaaqis dagaal iyo khad cas, sidoo kale tani waa jebinta heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil ee 1979, oo loo yaqaan heshiiskii ‘Camp David’.

 

Sida heshiisku dhigayo, Israa’iil ayaan loo ogoleyn in ay saldhig ciidan ka dhigato ‘Zone D’ oo ka kooban dhul ciriiri ah oo ku teedsan xuduudka Masar oo dhan.

Dowlada Britain oo ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Ingiriiska ayaa goor dhow ku dhawaaqay tallaabooyin ka dhan ah Ruushka , kaddib markii xog-hayaha arrimaha gudaha Ingiriiska, James Cleverly uu sheegay inay dalkooda ka cayrinayaan u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Ruushka oo ay ku sheegeen inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka militariga Ruushka.

 

Tallaabooyinka kale ee Ingiriiska uu maanta ku dhawaaqay waxaa ka mid ah dhismayaasha qaar ee ay adeegsato safaaradda Ruushka inay ka saari doonaan heerka ama hab-maamuuska diblomaasiyadda, gaar ahaan qaybaha difaaca iyo ganacsiga oo lagu sheegay inuu Ruushka u adeegsado goobo basaas, taa oo ka dhigan in baaritaanno lagu sameyn doono, maaddama xasaanadii ilaalinaysay ee diblomaasiyadda laga qaaday.

 

Waxaa intaa dheer in la xaddiday muddada ay Ingiriiska joogi karaan diblomaasiyiinta Ruushka, ujeeddada go’aamadan oo dhan loo qaatay waxaa lagu sheegay dhaqdhaqaaqa Ruushka ee gudaha Ingiriiska.

 

Go’aanka maanta ka soo baxay Ingiriiska, waxaa loo qaadanaya heerkii u sarreeyay ee khilaafka labada dhinac , tan oo ku soo aaday xilli shalay wakiilka Ingiriiska ee Moscow looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, iyadoo markaa si cad loogu sheegay inuu Ruushka u qaadanayo bartilmaameed sharciga ah saldhigyada Ingiriiska , haddii hubka Ingiriiska ay Ukraine ku soo weerarto dhulka Ruushka oo ay ka dhalato khasaaro iyo halis amni.

 

Reer galbeedka iyo Ruushka waxay qaadanayaan sannad xun, oo halis galinaya iskahorimaad dhexmara, xilli Ruushka uu sameynayo dhoola-tus nukliyeer, oo looga jawaabayo taageerrada Ukraine iyo hanjabaada reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

La-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka hadlay maareynta hubka Soomaaliya

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee maareynta hubka Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga qaaday cunaqabateynta Hubka.

 

Shirkaas oo labo maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyey galabta, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday beesha caalamka.

 

Xafiiska Amniga Qaranka oo madax uu ka yahay la-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin ayaa hogaaminayey quburada Soomaaliyeed ee shirkaas ka qeyb gashay.

 

Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii maanta lasoo gabagabeeyey maanta, wuxuuna sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay qorshayaasha Soomaaliya ay ku xakameyneyso hubka, iyadoo beesha caalamka ay la wadaageen, sida ay Soomaaliya isugu filan tahay arrimaheeda hubka.

 

“Cunaqabateyntu waxay aheyd howl markii hore ay masuuliyadeedu naga dadbaneed oo dad kale u taalay, balse anaga markii aan ku guuleysanay in caalamka aan ku qancino inaan isku filanahay, waxay noqotay guul weyn oo muujineysa inaan dib ula soo noqonay gobnimadeenii,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

 

Wuxuu sheegay in hadda uu bilaabanayo qorshe lagu soo dhisayo heer ay dowlad goboleedyadu kula jaanqaadi karaan hanaanka xakameynta hubka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meel fiican maraya.

 

Xuseen Macalin ayaa ku dheeraaday sharaxaada sida dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga u badan ay hubka u heystaan, iyadoo hadda lama huraan ay tahay in dadkaas laga dhaadhiciyo inuu hubka dhigo oo dowladda ku wareejiyey, isla markaana uusan u baahneyn inuu isku ilaaliyo hadda kadib.

Maxeey Tahay Sababta uu Ciidanka u qortay Xerowga loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya?

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta Afhayeenka Wasaaradda u magacaabay Xidigle Abuukar Maxamed Xasan, kaddib markii xilka laga qaaday Afhayeenkii hore Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood.

Kahor xilka maanta loo magacaabay, waxa uu ahaa Madaxa Wacyigelinta Ciidanka Soomaaliya, isagoo taa ku muteystay fahamka iyo aqoonta uu u leeyahay culuumta diinta.

Ciidamada dawladdu waxa ay dagaal kula jiraan al-Shabaab oo dagaalkeeda u isticmaasha aragti ah in ay u dagaalamayso diinta Islaamka, balse xidigle Abuukar ayaa tagi jiray furimaha dagaalka isagoo wacyigelin u sameyn jiray ciidamada miltariga, si uu ugu sheego in ay yihiin ciidanka saxda ah ee difaacaya dalka iyo diinta.

 

Muuqaallo kala duwan ayaa laga soo qaaday isagoo fagaarayaal kala duwan kula hadlaya ciidamada Soomaaliya, isagoo u sharaxaya aragtida diinta Islaamku ka qabto dagaalka ay ku jiraan iyo waxyaabaha ay tahay in ay ka fogaadaan maadaama diintu ka reebtay.

 

Mararka qaar isagoo wacyigelinta ciidanka ku jira ayaa waxaa qabsan jiray dagaallo ay soo qaadaan kooxda al-Shabaab, wuxuuna isku garab wadi jiray hawshiisa askarinimo iyo tan wacyigalinta dagaalka.

Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xidigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka dhawr jeer, isagoo ku jira hawllaha wacyigelinta ciidamada, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha uu qabsaday dagaal uga yimid dhinaca kooxaha dawladda ka horjeeda. Si gaara waxa uu u tilmaamay dagaal ka dhacay deegaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe bishii Maarso 2024.

‘’Daaru nimco anoo wacyi galin u wada ciidanka ayaa xabad nagu bilaabatay, kaddibna dagaal adag ayaan la galnay khawaarijta ina soo weerartay, illaa habeenkii ayuuna dagaalku socday, markii dambena shir jaraa’id ayaa ku qabtay halkii dagaalku ka dhacay’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar Maxamed Xasan.

Dhulka uu maray ee uu wacyigalinta ugu sameeyay ciidamada Soomaaliya xidigle Abuukar waxa kamid ah Ruunirgood, Tardo, Masagawaay iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna dhammaantood kamid ahaayeen deegaannadii laga saaray al-Shabaab sanad kii hore.

Afhayeenka cusub iyo bilowgii xernimadiisa

Xerownimadiisu waxay la bilaabatay yaraantiisii, Muqdisho ayuu ku dhashay 1996-kii, balse waalidkii ayaa geeyay miyiga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu halkaas ugu barto Quraanka Kariimka, wuxuna ku xifdiyay Quraanka sedex sanno gudahood.

 

Waalidkii waxay dib ugu soo celiyeen Muqdisho 2011-kii markaas oo uu xerow buuxda noqday, isagoo bilaabay barashada culuumta shareecadda.

 

Kutubta uu bilowgiiba masaajiddada uu ka raacday waxa kamid ahaa, kuwa fiqhiga laga bilaabo safinaha illaa minhaajka, kutubta axaadiista, tafsiirka quraanka iyo cilmiga naxwaha.

 

Waxa uu ku biiray 2011 machad islaami ah isagoo shahaadada dugsiga sare ka qaatay, wuxuna wali ku jiraa tacliinta sare isagoo diblooma ka qaatay tarbiyada Islaamka, wuxuna hadda dhigta qaanuunka.

 

Afhayeenka cusub iyo ku biiristiisii ciidanka

Afhayeenka cusub Xdigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa ciidanka Soomaaliya ku biiray 2017-kii, wax yar uun kaddib qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka ka badan shanta boqol ee qof, isagoo markaa ahaa xerow kutubta diinta raacda.

 

Qaraxa Soobe 1 markii uu dhacay, dhalinyaro badan ayaa qortay ciidanka, iyagoo aad uga xumaaday dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay qaraxaasi oo ahaa kii ugu weynaa taariikhda qaaradda Afrika.

 

Dhalintaas ayuu kamid noqday Abuukar, waxana markaa kahor dadku ugu yeeri jireen Sheekh, sababbo la xiriirra sida uu ugu go’ay barashada culuumta diinta.

 

Isagoo BBC kala hadlayay sababta uu ciidanka u qortay, xili uu ahaa ardey ku jira barashada culuumta diinta ayuu sheegay in uu adkeysan waayay, waxa uu ugu yeeray gumaadka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

 

‘’Sababta aan ciidanka ugu soo biiray waxay ahayd, markaan u adkeysan waayay gumaadka ummaddeena, shacab iyo dawlad lagu hayo, si gaara markaan arkay dhacdadii qaraxii Soobe, waxa ii soo baxday in ay lagama maarmaan tahay in dalkaan aan difaaco anigoo xerow ah’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar.

 

Shaqooyinkii uu wax ka qabtay intii uu ciidanka kamid ahaa

Sheekh Abuukar iyo dhalintii kale ee ciidanka qoratay waxa loo sameeyay Guutada 14 Oktoobar oo loogu magac daray maalintii uu dhacay qaraxa Soobe, wuxuna tababarka kaddib guutada ka noqday madaxa wacyigalinta, isagoo ciidanka ku boorin jiray in dagaalka ay ku jiraan uu xaq yahay.

 

Goor dambe waxa laga dhigay taliyaha horinta 3-aad ee ururka 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar.

Muddo kaddib waxa loo magacaabay Madaxa wacygelinta ciidanka Xoogga Soomaaliya, isagoo xilkaa hayay tan iyo maanta oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Hawllaha kale ee uu ka qayb qaatay intii uu ciidamada ku jiray waxa kamid ahaa dibu heshiisiinta beellaha degmada Marka oo dagaal u dhaxeeyay, markii guutadan 14-ka Oktoobar la geynayay magaaladaasi 2018-kii.

 

Dagaallo badan ayuu ka qaybgalay kuwaas oo ka kala dhacay Janaale, Awdheegle, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxa uu ka qaybgalay dagaallo kale oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.