Home Blog Page 2458

Faransiiska oo Ukraine garab ku siinaysa dagaalka ay kula jiraan RUUSHKA.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood ayaa si weyn u baahiyay wararka sheegaya in ciidamo ka socda dalka Faransiiska ay gaareen dalka Ukraine, kuwaa oo taageero siinaya ciidamada dagaalka kula jira milatariga Ruushka.

Ciidanka Faransiiska ee la geeyay dalka Ukraine ayaa la sheegay in ay gaarayaan 1,500 askari oo aad u hubeysan, waxaana jira warar sheegaya in ay jiraan ciidamo kale oo Faransiiska iyo dalal kale qorsheeyeen in ay u diraan dalka Ukraine.

Warkan ku aadan in dowladda Faransiiska ciidamo u direen dalka Ukraine ayaa si weyn ugu baahay caalamka, waxaana tallaabadan si weyn uga carrootay dowladda Ruushka oo durba si deg deg ah ugu yeertay safiirka Faransiiska u joogay Moskow.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Faransiiska ayaa si adag loogu beeniyay warkan la baahiyay, waxa ayna Faransiiska sheegeen in aysan jirin wax ciidan ah ay u direen dalka Ukraine ee dagaalku ka socdo.

Dowladda Ruushka oo ka carrootay ciidamada la sheegay in Farandiiska u direen ayaa si deg deg ah ugu yeertay danjiraha Faransiiska u jooga Muskow Pierre Levy , waxaana danjiraha su’aalo laga weediyay jiritaanka ciidanka Faransiiska u direen Ukraine.

Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa horey u sheegay in ciidamo u dirayaan dalka Ukraine, haddii ay milatariga Ruushka soo jabiyaan ciidamada Ukraine ee dagaalka xooggan kula jira.

MADAALE oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada kaaraan.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Karaaan Abshir Kaaraan , halka uu guddoomiye cusub u magacaabay degmadaasi.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabo gaashaanle Faarax Cadaani Maxamed .

Sargaalkan loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska ee saldhigyada degmada Yaqshiid iyo sidoo kale deegaanka Daarusalaam.

Degmada Kaaraan oo kamid ah degmooyinka ugu ammaanka xun gobolka Banaadir ayaa muddo sannado badan ah waxaa guddoomiye ka ahaa nin lagu magacaabo Abshir Kaaraan, kaa oo awood badan ku lahaa degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa hadda bilaabay in isbadal ku sameeyo qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in maalmaha soo soca xilka ka qaado guddoomiyaal kale.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Ruushka oo hanjabaad Culus u dirtay Mareeykanka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowlada Ruushka oo hanjabaad Culus u dirtay Mareeykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} 10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan!

Talaado 7 May, 2024 {HMC} 10 arrimood oo ay ragga sameeyaan, dumarkana ka xanaaqaan!

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.05.2024}

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida oo isku diyaarinaayo weerarro ka dhan ah maraakiibta

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Burcad badeedda Soomaalida oo isku diyaarinaayo weerarro ka dhan ah maraakiibta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Heshiis Laga Gaaray Colaad Beeleed u dhaxeeysay Beelo walaala ah

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Heshiis Laga Gaaray Colaad Beeleed u dhaxeeysay Beelo walaala ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxey ku Heshiiyeen Soomaaliya iyo Kenya?

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Maxey ku Heshiiyeen Soomaaliya iyo Kenya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxeey ka badali kartaa Ciidamada Soomaaliya Wacyi-gelinta loo sameynaayo ?

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Maxeey ka badali kartaa Ciidamada Soomaaliya Wacyi-gelinta loo sameynaayo ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Isra’iil oo diiday Xabbad-joojinta iyo Xamaas oo Aqbashay.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Xamaas ayaa Isniintii sheegtay in ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen, hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiska, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah.

Taasi baddalkeeda, Israil waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ku noolyihiin in ka badan 1 milyan iyo badh qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira, saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin. Muddadaasi ayay ciidanka Israil uga baxayaan Gaza, labada dhinac ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Gaza iyo qodobo kale.

Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.

Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israil ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof. In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October. Israil ayaa weerartay Gaza kaddib marki ay Xamaas 7-di October weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.