Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Addow
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Ali Addow
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Burcad badeedda Soomaalida oo isku diyaarinaayo weerarro ka dhan ah maraakiibta
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Heshiis Laga Gaaray Colaad Beeleed u dhaxeeysay Beelo walaala ah
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Maxey ku Heshiiyeen Soomaaliya iyo Kenya?
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Maxeey ka badali kartaa Ciidamada Soomaaliya Wacyi-gelinta loo sameynaayo ?
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Xamaas ayaa Isniintii sheegtay in ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen, hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiska, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aasaasiga ah.
Taasi baddalkeeda, Israil waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ku noolyihiin in ka badan 1 milyan iyo badh qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.
Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira, saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin. Muddadaasi ayay ciidanka Israil uga baxayaan Gaza, labada dhinac ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Gaza iyo qodobo kale.
Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.
Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israil ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof. In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October. Israil ayaa weerartay Gaza kaddib marki ay Xamaas 7-di October weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wajiga saddex ee doorashada guud ee Hindiya ayaa maanta oo Talaada ah ka dhaceysa, ilaa 11 gobol oo uu ku jiro gobolka uu kasoo jeedo ra’isulwasaare Narendra Modi ee Gujarat.
Hindiya ayaa billowday codbixinta doorashooyinka guud 19-ki bishi hore ee April. Doorashadan oo 7 wareeg ah ayaa waxaa codadkooda ka dhiibanya dad gaaraya ku dhawaad hal bilyan oo ruux.
Tirinta codadka ayaa lagu wadaa in la billaaba 4-ta bisha June ee bartamaha sannadkaan. Xisbiga BJP ee ra’isulwasaare Modi ayaa loo badinayaa inuu guulo waaweyn kasoo hoyn doono doorashada.
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.
Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.
Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii dambe loo haystay caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaasi ayaa gabay howshii loogu tala-galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.
In ka badan 7,000 oo qaxooti ah ayaa qorsheynaya in ka baxaan xerada qaxootiga ee Comer kadib markii ay waayeen ciidamo suga amnigooda iyada oo qaarkood laga dhacay wixi yaraa ee ay heysteen.
Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.
Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa dhankeeda sheegtay in qiyaastii 27,000 oo qaxooti Suudaan ah ku nool yihiin gobolka Amxaarada, iyada oo ay sidoo kale 20,000 ku jiraan xerooyin qaxooti oo ku yaal Benishangul-Gumuz.
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose.
SODMA ayaa sheegtay inay aad u sareyso suurta-galnimada in tobanka cisho ee soo socoto ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada.
Waxay si weyn u saameyn doonaan degmooyin ay kamid yihiin; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.
“Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas,” ayaa lagu yiri digniintan.
Digniin iyo tala-bixin ku aadan fatahaaddo la filayo in ay dhacaan tobanka casho ee soo socda (07 – 16 May 2024).
➤ Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin.
➤ Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.
➤ Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.
➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.
Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SODMA, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.
SODMA waxeey bulshada kula talineynaa inay tixgeliyaan Digniinaha ka soo baxaya hay’adda SODMA iyo dhamaan xaaladaha ku soo cusboonaanaya arrimaha roobabka
Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shalay magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin iskaahsiga difaaca, amniga, iyo ganacsiga.
Heshiisyadaan ayaa daba socda booqashadii uu shalay Nairobi ku tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaana faahfaahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Wasiir Fiqi oo la hadlay Idaacadda VOA wuxuu ka mid ahaa wasiirradii wax ka saxiixay heshiisyada lagu gaaray Nairobi, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey qodobada ay saxiixeen.
Heshiiskaan ayaa dhacay saddex shir kadib, waxaana heshiisyada la galay ay kala quseeyaan, qeybna ka ahaa dhinacyadii saxiixay wasaaradaha, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Waxbarashada, Amniga, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Kalluumeysiga iyo Arrimaha Dibadda.
“Arrimaha dibadda waxaa lagu heshiiyey in dalba dalka kale uu garab ka siiyo caqabadihii soo wajaha, dhanka gaashaandhigga iyo amniga waxaa diiradda la saaray fududeynta isku socodka bulshada iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana la magacaabay labo guddi oo loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrimahaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in bisha 6-aad uu soo dhamaanayo shaqada guddiga loo xil-saaray iskaashiga gaashaandhigga, halka guddiyada loo xil-saaray isku socodka dadka, sida amniga iyo fududeynta safarrada dhulka ah iyo Fiisaha ay soca doonaan ilaa bisha October.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.
Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.