Home Blog Page 2461

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo dhaxal-gal ah.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan.

Dhanka Kenya, waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista.

Heshiiskaan waxaa kor loogu qaadayaa xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

{DAAWO MUQAALKA} Ganacsade Maalkiisa ku qoray Magaca SSC Khaatumo Fariina u diray shacabka iyo Madaxda Maamulkaas.

Isniin 6, May 2024 {HMC} Ganacsade Maalkiisa ku qoray Magaca SSC Khaatumo Fariina u diray shacabka iyo Madaxda Maamulkaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qofkii hadda kaddib Berdaale isbaare dhigta xukunkiisa waa Dil”Wasiirka Amniga KGS”

Isniin 6, May 2024 {HMC} Qofkii hadda kaddib Berdaale isbaare dhigta xukunkiisa waa Dil”Wasiirka Amniga KGS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxwaynaha Khaatumo ayaa u mahad Naqey Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Hubkii uu ku Wareejiyey Mulk

Isniin 6, May 2024 {HMC} Madaxwaynaha Khaatumo ayaa u mahad Naqey Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Hubkii uu ku Wareejiyey Mulk

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan hore Maxamed Isaaq oo si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Bardaale iyo xaalada KGS

Isniin 6, May 2024 {HMC} Xildhibaan hore Maxamed Isaaq oo si kulul uga hadlay xiisada ka taagan Bardaale iyo xaalada KGS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ransom payment could trigger new wave of Somali pirate attacks

Seatrade Maritime
Monday May 6, 2024
By Marcus Hand

EU naval forces have warned in a surge of events by Somali pirates that have combined with the end of the monsoon season could result more attacks on shipping.

In an update on the piracy threat off the coast of Somalia EU NAVFOR ATALANTA said there had been a notable surge in events that could escalate the Somali piracy threat.

The pirates modus operandi involves hijacking dhows that are used as motherships to launch attacks as far out as 600 nm from the Somali coast. The dhows provide effective cover for the pirates blending into normal shipping traffic in the region.

“Although there have been no piracy-related incidents in the past seven days, the payment of ransom could create a new wave of Dhow hijackings which in their turn they will create future skiff attacks on M/V etc,” EU NAVFOR ATALANTA said.

In the case of the Bangladeshi bulker Abdullah that was released on 14 April after being held by Somali pirates for a month Reuters reported a $5 million ransom was paid.

Since the surge in piracy incidents since November last year 18 dhows have been hijacked and while some have been released six or seven are believed still be under control of pirate groups.

In the previous 30 days before the report was issued on 3 May there had been four suspicious approaches of vessels in the Gulf of Aden in the vicinity of the island off Socotra.

EU NAVFOR ATALANTA said it was estimated there were at least two pirate action groups could be sailing off the Somali coast in the area around Socotra and 500 nm east off the island in the Arabian Sea.

The European naval force said it continued to assess the threat as moderate where pirate attack was a realistic possibility. It is crucial that vessels operating in the Western Indian Ocean and Gulf of Aden, particularly those within 700 nm of the Somali coast adhere to the BMP5 recommendations,” the update said.

Burcad badeedda Soomaalida oo isku diyaarinaayo weerarro ka dhan ah maraakiibta.

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Warbixin ku saabsan khatarta burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya oo kasoo baxday howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday dhacdooyinka sii kordhin kara khatarta burcadbadeednimada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in burcad badeeddu ay bilaabeen afduubashada doomaha dheereeya, si ay ugu isticmaalaan si ay weeraro uga soo qaadaan meelo 600nm u jira xeebaha Soomaaliya.

“Inkasta oo aysan jirin dhacdooyin la xiriira budhcad-badeednimo todobadii maalmood ee la soo dhaafay, haddana bixinta madaxfurasho waxay abuuri kartaa mowjad cusub oo afduubasho ah,” EU NAVFOR ATALANTA ayaa sidaas yidhi.

Howlgalka ATALANTA ayaa sheegay in la qiyaasayo in ugu yaraan labo koox oo burcad badeed ah laga yaabo in ay ka shiraacdaan xeebaha Soomaaliya, iyagoo isku diyaarinaya weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.

Ciidamada badda ee Yurub ayaa sheegay weerarrada burcad-badeeddu ay yihiin kuwo macquul ah oo mar walba dhici kara. Waxay sheegeen in ay muhiin tahay in maraakiibta ka howlgala Galbeedka Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwa u jira 700nm ee xeebaha Soomaaliya ay u hoggaansamaan talooyinka amniga,.

Bishii March ee sannadkan, Markab laga leeyahay dalka Bangladesh ayaa laga qaatay lacag madax furasho ah oo lagu sheegay 5 milyan oo dollar, taasoo ah madax furashadii ugu horraysay tobanaan sano ka dib la siiyo burcad badeedda Soomaalida.

Maxkamad xabsi iyo ganaax ku xukuntay dhallinyaro taageero u muujiyay Soomaaliland

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Maxkamada Gobolka Sool ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa 4 dhallinyaro ah oo da’adoodu u dhaxayso 19 ilaa 30 sanno ku xukuntay midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo dollar oo ganaax ah.

Guddoomiyaha Maxkamada oo adeegsanaya Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, ayaa sheegay in dhallinyarada lagu helay in ay galeen danbi ah kicin dadwayne iyo qarandumisnimo, isla markaana ay qirteen danbiga ay galeen, sidaasna lagu xukumay.

Waxa uu sheegay in xeer ilaalintu ay heshay muuqaalo iyo hadalo muujinaya dhallinyaradan oo taageero u muujinaya Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in lagu xukumay qodobadii ay xeer ilaalintu kusoo eedaysay.

“Maxkamadu waxay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Xamdi Cawil Maxamed oo 30 jir ah, Nimco Jamaal Maxamed oo 20 jir, Khadra Cawil Cali oo 21 jir ah, iyo Cabdiwali Jaamac Xasan oo19 jir ah midkiiba 3 sanno oo xadhig ah iyo 500 oo ganaax ah” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadu.

Magaalada Laascaanood ayaa gacanta Somaliland ka baxday badhtamihii sannadkii hore kadib dagaalo dhexmaray dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo uga soo gurmaday deegaanada Puntland iyo Ciidamada Somaliland.

Pakistan, Somalia call for immediate ceasefire in Gaza

Monday 6 May, 2024 {HMC}  Pakistan and Somalia have underlined the urgency of an immediate ceasefire in Gaza and unimpeded delivery of humanitarian aid for the people of Gaza.

This was expressed by Deputy Prime Minister and Foreign Minister Senator Mohammad Ishaq Dar and Deputy Prime Minister of Somalia, Salah Jama during their meeting on the margins of 15th OIC Islamic Summit in Banjul, today.

Both Deputy Prime Ministers expressed solidarity with the people of Palestine.

The two sides appreciated the longstanding friendly ties between Pakistan and Somalia and discussed measures to further strengthen bilateral relations with special focus on trade, economic cooperation and people-to-people exchanges.

They also discussed bilateral cooperation at multilateral fora including the United Nations and OIC, and exchanged views on a range of recent regional and global developments, especially in the Middle East.