Home Blog Page 2462

Dowlada Dalka Masar oo Digniin Ka Soosaartay weerarda Ciidamada Israel ku galeen Rafah

Arbaco-08-may -2024 {HMC} – Masar ayaa dhaleeceysay howgalka Israel ee Rafax, waxayna uga digtay in la wareegistooda goobta laga galo Rafax ay khatar ku tahay nolosha in ka badan hal milyan oo reer Falatiin ah kuwaas oo ku tiirsan gargaarka.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

Sidoo kale waxay uga digtay Israel in aysan sameyn wax khatar ku ah “Dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin waarta”.

 

Masar aad ayey arintan u daneyneysaa maadama ay dhexdhexaadineyso in Xamas iyo Israel ku heshiiyaan xabad joojin. Hadalka Masar waa mid mug weyn leh, waana dalka ugu muhiimsan carabta ee Israel la galay heshiis nabadeed.

 

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

 

Ciidanka Israa’iil waxa ay hadda gacanta ku hayaan dhammaan isgoysyada Filadelphi ee ku teedsan xudduudda Masar ee Qasa, waa halkii ay sheegtay Masar haddii ay qabsadaan ciidanka Israa’iil inay u aqoonsanayaan ku dhawaaqis dagaal iyo khad cas, sidoo kale tani waa jebinta heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil ee 1979, oo loo yaqaan heshiiskii ‘Camp David’.

 

Sida heshiisku dhigayo, Israa’iil ayaan loo ogoleyn in ay saldhig ciidan ka dhigato ‘Zone D’ oo ka kooban dhul ciriiri ah oo ku teedsan xuduudka Masar oo dhan.

Dowlada Britain oo ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Ingiriiska ayaa goor dhow ku dhawaaqay tallaabooyin ka dhan ah Ruushka , kaddib markii xog-hayaha arrimaha gudaha Ingiriiska, James Cleverly uu sheegay inay dalkooda ka cayrinayaan u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Ruushka oo ay ku sheegeen inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka militariga Ruushka.

 

Tallaabooyinka kale ee Ingiriiska uu maanta ku dhawaaqay waxaa ka mid ah dhismayaasha qaar ee ay adeegsato safaaradda Ruushka inay ka saari doonaan heerka ama hab-maamuuska diblomaasiyadda, gaar ahaan qaybaha difaaca iyo ganacsiga oo lagu sheegay inuu Ruushka u adeegsado goobo basaas, taa oo ka dhigan in baaritaanno lagu sameyn doono, maaddama xasaanadii ilaalinaysay ee diblomaasiyadda laga qaaday.

 

Waxaa intaa dheer in la xaddiday muddada ay Ingiriiska joogi karaan diblomaasiyiinta Ruushka, ujeeddada go’aamadan oo dhan loo qaatay waxaa lagu sheegay dhaqdhaqaaqa Ruushka ee gudaha Ingiriiska.

 

Go’aanka maanta ka soo baxay Ingiriiska, waxaa loo qaadanaya heerkii u sarreeyay ee khilaafka labada dhinac , tan oo ku soo aaday xilli shalay wakiilka Ingiriiska ee Moscow looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka, iyadoo markaa si cad loogu sheegay inuu Ruushka u qaadanayo bartilmaameed sharciga ah saldhigyada Ingiriiska , haddii hubka Ingiriiska ay Ukraine ku soo weerarto dhulka Ruushka oo ay ka dhalato khasaaro iyo halis amni.

 

Reer galbeedka iyo Ruushka waxay qaadanayaan sannad xun, oo halis galinaya iskahorimaad dhexmara, xilli Ruushka uu sameynayo dhoola-tus nukliyeer, oo looga jawaabayo taageerrada Ukraine iyo hanjabaada reer galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

La-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka hadlay maareynta hubka Soomaaliya

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee maareynta hubka Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga qaaday cunaqabateynta Hubka.

 

Shirkaas oo labo maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyey galabta, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday beesha caalamka.

 

Xafiiska Amniga Qaranka oo madax uu ka yahay la-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin ayaa hogaaminayey quburada Soomaaliyeed ee shirkaas ka qeyb gashay.

 

Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii maanta lasoo gabagabeeyey maanta, wuxuuna sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay qorshayaasha Soomaaliya ay ku xakameyneyso hubka, iyadoo beesha caalamka ay la wadaageen, sida ay Soomaaliya isugu filan tahay arrimaheeda hubka.

 

“Cunaqabateyntu waxay aheyd howl markii hore ay masuuliyadeedu naga dadbaneed oo dad kale u taalay, balse anaga markii aan ku guuleysanay in caalamka aan ku qancino inaan isku filanahay, waxay noqotay guul weyn oo muujineysa inaan dib ula soo noqonay gobnimadeenii,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

 

Wuxuu sheegay in hadda uu bilaabanayo qorshe lagu soo dhisayo heer ay dowlad goboleedyadu kula jaanqaadi karaan hanaanka xakameynta hubka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meel fiican maraya.

 

Xuseen Macalin ayaa ku dheeraaday sharaxaada sida dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga u badan ay hubka u heystaan, iyadoo hadda lama huraan ay tahay in dadkaas laga dhaadhiciyo inuu hubka dhigo oo dowladda ku wareejiyey, isla markaana uusan u baahneyn inuu isku ilaaliyo hadda kadib.

Maxeey Tahay Sababta uu Ciidanka u qortay Xerowga loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya?

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta Afhayeenka Wasaaradda u magacaabay Xidigle Abuukar Maxamed Xasan, kaddib markii xilka laga qaaday Afhayeenkii hore Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood.

Kahor xilka maanta loo magacaabay, waxa uu ahaa Madaxa Wacyigelinta Ciidanka Soomaaliya, isagoo taa ku muteystay fahamka iyo aqoonta uu u leeyahay culuumta diinta.

Ciidamada dawladdu waxa ay dagaal kula jiraan al-Shabaab oo dagaalkeeda u isticmaasha aragti ah in ay u dagaalamayso diinta Islaamka, balse xidigle Abuukar ayaa tagi jiray furimaha dagaalka isagoo wacyigelin u sameyn jiray ciidamada miltariga, si uu ugu sheego in ay yihiin ciidanka saxda ah ee difaacaya dalka iyo diinta.

 

Muuqaallo kala duwan ayaa laga soo qaaday isagoo fagaarayaal kala duwan kula hadlaya ciidamada Soomaaliya, isagoo u sharaxaya aragtida diinta Islaamku ka qabto dagaalka ay ku jiraan iyo waxyaabaha ay tahay in ay ka fogaadaan maadaama diintu ka reebtay.

 

Mararka qaar isagoo wacyigelinta ciidanka ku jira ayaa waxaa qabsan jiray dagaallo ay soo qaadaan kooxda al-Shabaab, wuxuuna isku garab wadi jiray hawshiisa askarinimo iyo tan wacyigalinta dagaalka.

Afhayeenka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xidigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa BBC-da u sheegay in tiro ka dhawr jeer, isagoo ku jira hawllaha wacyigelinta ciidamada, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha uu qabsaday dagaal uga yimid dhinaca kooxaha dawladda ka horjeeda. Si gaara waxa uu u tilmaamay dagaal ka dhacay deegaanka Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe bishii Maarso 2024.

‘’Daaru nimco anoo wacyi galin u wada ciidanka ayaa xabad nagu bilaabatay, kaddibna dagaal adag ayaan la galnay khawaarijta ina soo weerartay, illaa habeenkii ayuuna dagaalku socday, markii dambena shir jaraa’id ayaa ku qabtay halkii dagaalku ka dhacay’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar Maxamed Xasan.

Dhulka uu maray ee uu wacyigalinta ugu sameeyay ciidamada Soomaaliya xidigle Abuukar waxa kamid ah Ruunirgood, Tardo, Masagawaay iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxayna dhammaantood kamid ahaayeen deegaannadii laga saaray al-Shabaab sanad kii hore.

Afhayeenka cusub iyo bilowgii xernimadiisa

Xerownimadiisu waxay la bilaabatay yaraantiisii, Muqdisho ayuu ku dhashay 1996-kii, balse waalidkii ayaa geeyay miyiga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si uu halkaas ugu barto Quraanka Kariimka, wuxuna ku xifdiyay Quraanka sedex sanno gudahood.

 

Waalidkii waxay dib ugu soo celiyeen Muqdisho 2011-kii markaas oo uu xerow buuxda noqday, isagoo bilaabay barashada culuumta shareecadda.

 

Kutubta uu bilowgiiba masaajiddada uu ka raacday waxa kamid ahaa, kuwa fiqhiga laga bilaabo safinaha illaa minhaajka, kutubta axaadiista, tafsiirka quraanka iyo cilmiga naxwaha.

 

Waxa uu ku biiray 2011 machad islaami ah isagoo shahaadada dugsiga sare ka qaatay, wuxuna wali ku jiraa tacliinta sare isagoo diblooma ka qaatay tarbiyada Islaamka, wuxuna hadda dhigta qaanuunka.

 

Afhayeenka cusub iyo ku biiristiisii ciidanka

Afhayeenka cusub Xdigle Abuukar Maxamed Xasan ayaa ciidanka Soomaaliya ku biiray 2017-kii, wax yar uun kaddib qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka ka badan shanta boqol ee qof, isagoo markaa ahaa xerow kutubta diinta raacda.

 

Qaraxa Soobe 1 markii uu dhacay, dhalinyaro badan ayaa qortay ciidanka, iyagoo aad uga xumaaday dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay qaraxaasi oo ahaa kii ugu weynaa taariikhda qaaradda Afrika.

 

Dhalintaas ayuu kamid noqday Abuukar, waxana markaa kahor dadku ugu yeeri jireen Sheekh, sababbo la xiriirra sida uu ugu go’ay barashada culuumta diinta.

 

Isagoo BBC kala hadlayay sababta uu ciidanka u qortay, xili uu ahaa ardey ku jira barashada culuumta diinta ayuu sheegay in uu adkeysan waayay, waxa uu ugu yeeray gumaadka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

 

‘’Sababta aan ciidanka ugu soo biiray waxay ahayd, markaan u adkeysan waayay gumaadka ummaddeena, shacab iyo dawlad lagu hayo, si gaara markaan arkay dhacdadii qaraxii Soobe, waxa ii soo baxday in ay lagama maarmaan tahay in dalkaan aan difaaco anigoo xerow ah’’ ayuu yiri Xidigle Abuukar.

 

Shaqooyinkii uu wax ka qabtay intii uu ciidanka kamid ahaa

Sheekh Abuukar iyo dhalintii kale ee ciidanka qoratay waxa loo sameeyay Guutada 14 Oktoobar oo loogu magac daray maalintii uu dhacay qaraxa Soobe, wuxuna tababarka kaddib guutada ka noqday madaxa wacyigalinta, isagoo ciidanka ku boorin jiray in dagaalka ay ku jiraan uu xaq yahay.

 

Goor dambe waxa laga dhigay taliyaha horinta 3-aad ee ururka 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar.

Muddo kaddib waxa loo magacaabay Madaxa wacygelinta ciidanka Xoogga Soomaaliya, isagoo xilkaa hayay tan iyo maanta oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

 

Hawllaha kale ee uu ka qayb qaatay intii uu ciidamada ku jiray waxa kamid ahaa dibu heshiisiinta beellaha degmada Marka oo dagaal u dhaxeeyay, markii guutadan 14-ka Oktoobar la geynayay magaaladaasi 2018-kii.

 

Dagaallo badan ayuu ka qaybgalay kuwaas oo ka kala dhacay Janaale, Awdheegle, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxa uu ka qaybgalay dagaallo kale oo looga soo horjeedo Al-shabaab oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya

Arbaco-08-may -2024 {HMC} Nairobi — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhanka dimoqraadiyadda dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taas oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato, hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay eedeyntii Amnesty International

Arbaco-08-may -2024 {HMC} MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warbixin hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shalay ku sheegtay in duqeymo mataano ah ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay dad rayid ah bishii March.

 

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku dhinteen 23 qof oo rayid ah, kuna dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan,

 

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal uu soo Saaray ku yiri “Ma hayno illaa hadda xogo ku saabsan in hawlgallada ciidamada ay Wwaxyeelo kasoo gaartay shacabka, waana waajib na saaran dawlad ahaan in aan hubino badqabka muwaadiniinta xilli kasta.”

 

Al-Cadaala ayaa qoraalkaasi ku sheegay in ciidamada Soomaaliya uu halbeeggooda koowaad yahay “xaqiijinta inaan waxyeello soo gaarin shacabka.”

 

Hay’adda Amensty International ayaa warbixinteedii shalay ku sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weeraradii ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka TB2 ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

FESOJ held Panel Discussion on Press Freedom in Somalia in marking the WPFD in Beledweyne city, Hirshabelle State

Mogadishu, Wednesday, May 8, 2024 The Federation of Somali Journalists (FESOJ) has organized One – day Panel Discussion on press freedom in Somalia held on Wednesday, May 8, 2024 in signifying the World Press Freedom Day in Beledweyne city, Hirshabelle State, Somalia.

The panel discussion in remembrance of World Press Freedom Day, an event annually celebrated on May 3, 2024 was dedicated to strengthening the importance of press Freedom Day in Somalia and to stress environmental issues and their significance to Somalia.

Five-member lead panelists comprising of Mohamed Ibrahim, office of the Prosecutor, Hirshabelle State, Lieutenant Yusuf Abdulkadir Ahmed, police officer, Hawa Ahmed Rajaal , Ministry of Environment/Member of the Regional State, Farhan Anshur , Senior journalist and Abdifatah Adan Osman , expert of environmental issues were the key in roundtable discussin.

The discussions touched on issues related with freedom of expression, press freedom and environment protection. The discussions have highlighted the number of violations against the Somali Media and journalists that have taken place.

The need of the media in reporting environmental matters was also discussed.

The one -day panel discussion event has been participated by 35 selected persons including members from editors, journalists, media directors, police, prosecutor, district authorities and civil society activists.

Furthermore, in signifying the occasion of this year’s World Press Freedom Day May 3, 2024, the Federation of Somali Journalists (FESOJ) has prepared, produced and circulated Somalia Annual Press Freedom Report 2023 – 2024 entitled: – “Somalia: Government Violated Media Law it Previously Endorsed, Undermining Press Freedom.” Following is the link of the report: –

FESOJ ANNUAL REPORT 2023-2024

Furthermore, FESOJ has displayed number of brochures in support of marking the World Press Freedom Day event highlighting expressions signifying the occasion.

In conclusion, in press conference, brief statement was made about the major points discussed during the panel discussion and the FESOJ Annual report presentation.

End

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ka duceeyay Marti soon Maanta loogu sameeyay Magaaladda Buulo-Burte.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ka duceeyay Marti soon Maanta loogu sameeyay Magaaladda Buulo-Burte.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA