Sabti-4-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04/05/2024
Dalka Kenya oo laga cabsi qabo in duufaano ku dhuftaan
Sabti-04-may -2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay duufaano iyo daadad horleh oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah dalka Kenya, xilli ay sii kordhayaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay daadadkii hore.
William Ruto oo khudbad Qaran u jeediyay muwaadiniinta dalka Kenya ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in duufaano xooggan dalka ku dhuftaan, xilli horey dalka ula daalaa dhacayay fatahaadyo iyo dhul go’.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka Kenya oo ka bad baaday bur burka ka dhashay roobabka xooggan ee da’ay ayna ka dhasheen fatahaadyada iyo dhul go’ sida uu tilmaamay, isagoona xusay in hadda jiro xaalad kale oo cabsi leh.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in duufaanta Hidaaya ay suurto gal tahay in xilli kasta ay ka dhacdo dalka Kenya, waxa uuna xusay in sidoo kale jirto cabsi laga qabo fatahaadyo gaar ahaan dhibaatooyin ka dhaca dhulka xeebaha kuyaalla.
“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasoo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaqdhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale amray wasaaradda Waxbarashada dalkaasi in dib loo dhigo furitaanka goobaha waxbarashada, waxa uuna amray in ay xirnaadaan goobaha waxbarashada ilaa ammar dambe .
Dad ka badan 200-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen gudaha dalka Kenya labadii bil ee lasoo dhaafay, waxaana dadkaasi dhimashooda sababeen roobabka xooggan ee da’ay kuwaa oo sababay fatahadayo iyo dhul go’.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 04-5-2024
Sabti-04-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Yaasiin Cali Axmad
Farsamadii :Abdiqani osoble
Ururka iskaashiga Islaamka oo mar kale si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland
Sabti-4-May-2024 {HMC} Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC}, ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 – 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa “Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo wada-xaajood waara. Horumarin.
Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ka soo baxay kulanka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga caawiyo agab iyo farsamo labadaba si loo xoojiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada caqabadaha ay abaaruhu ku hayaan haqab-beelka cuntada Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray in Soomaaliya ay Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam u sharaxdo xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee muddada {2025-2028}.
Shirweynaha 15-aad ee madaxda dalalka Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC} ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan iyo caqabadaha ka jira dunida Muslimka, gaar ahaan arrinta Falastiin iyo xaaladda Marinka Gaza.
{DAAWO SAWIRADA Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta kulan sagootin ah la qaatay Catriona Laing
Sabti-4-May-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.
Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas xasan Ugaas khaliif oo Gaaray Buulo burde
Sabti-4-May-2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas xasan Ugaas khaliif oo Gaaray Buulo burde
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Jilaa caan ka ahaa mid kamid ah waddamada Yurub kuyaalla oo qaatay diinta Islaamka
Sabti-4-May-2024 {HMC} Jilaa caan ka ahaa mid kamid ah waddamada Yurub kuyaalla oo qaatay diinta Islaamka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Shil Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeeysa.
Sabti-4-May-2024 {HMC} Shil Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Howlgal Qorsheysan ku burburiyay Saldhig AS Ku lahaayen Gedo.
Sabti-4-May-2024 {HMC} Ciidamada Dowlada oo Howlgal Qorsheysan ku burburiyay Saldhig AS Ku lahaayen Gedo.



