Home Blog Page 2486

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Sabti-4-May-2024 {HMC} Booliska Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay heshiiska Dhiibidda dembiileyaasha ee Soomaaliya la gashay Turkiga?

Sabti-4-May-2024 {HMC} Muxuu yahay heshiiska Dhiibidda dembiileyaasha ee Soomaaliya la gashay Turkiga?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.05.2024}

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::yasiin cali axmed

Farsamadii :maxamed baryare

          HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Jilaa caan ah oo u dhashay dalka Holand oo qaatay diinta islaamka.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Holand, Donnie Roelvink ayaa labo isbuuc kahor ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka ,wuxuuna ku dhawaaqay kelmadda towxiidka ama shahaadada.

Donnie oo ahaa shaqsi shacbiyad weyn ku dhex leh gudaha dalkiisa ayaa la arkay muuqaal uu kelmadda towxiidka ku dhawaaqayo oo aad u qabsaday baraha bulshada sida instagram-ka isaga oo ku sugan masjid.

“Ilama ahan dad badan inay ogaayeen shalay inay ii ahayd maalin ii gaar ah,” ayuu ku dhex yiri muuqaal lasoo dhigay, sida ay kusoo warramayso Telegraam. “Muuqaallada iyo sawirrada baahaya ee maalintaydan gaarka ah la xiriirta aad bay marqaati nool iigu yihiin.”

26 jirkan filim-sameeyaha ah wuxuu sheegay inuusan dhib ku qabin in dunida maqasho inuu qoyska ugu weyn adduunka maanta oo uu kala jeeday Islaamka kamid noqday!

Labo dhacdo oo halis caafimaad leh ayaa jilaagan ka dhigtay inuu bal si dhab ah u dabagalo macnaha dhabta ah ee jiritaanka nolosha adduunyada. Waxayna taasi ugu dambeyntii ku hoggaamisay inuu diinta Islaamka qaato.

Islaamku waa diinta ugu weyn uguna faafidda badan adduunka oo ay heystaan in ka badan 2 bilyan iyo bar dad ah. Waxaana la filayaa in marka la gaaro 2050 labadii qofba uu mid noqdo Muslim!

Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Aw-barkhadle, kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo ku socdaalayay halkaasi.

Baabuurka isku dhacay ayaa siday rakaab, waxaa dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacmeen 4 kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee laga soo wariyay maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwna oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sababta ugu wayn ee soo cel-celisa shilalka gaari ayaa waxaa lagu sheegay darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada maamulkaas.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xaasan oo Manta ku Wajahan Degmada Buulo Burde.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Manta Laga Dareemayaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo Haween ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Degmadaasi.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Hogaaminayo Wafdi iskugu jiro Xildhibaano iyo Madax dhaqameed kuwaas oo hada ku sugan Garoonka diyaaradaha Ugaas Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ugaaska ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula qaato Waxgaradka Degmada Buulo Burde, kuwaas oo kala hadli doono xaaladaha Gobolka ka jiro iyo Sidii Odoyaasha ay door weyn uga qaadan lahaayeen Xalkooda.

Intaasi kadib Ugaaska iyo Wafdiga la socda ayaa usoo gudbi doono Magaalada Bakadweyne ee Gobolka Hiiraan, oo ay ka socoto Qaban qaabada Munaasabada Caleema-saarka Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhici doonto 13 Bishan.

Ciidamada amaanka SSC oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka gaystay Laascaanood.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Ciidamada booliiska maamulka Khaatumo State ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu dil geestay.

Howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen magaalada Laascaanood ayey kusoo qabteen Gacankudhiigle Cabdi Oog Maxamed Abokor, kaa oo ku eedeysan uu dilay marxuum Cabdiraxmaan Cawil Daahir.

Ninkan dilka geestay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka, waxaana xog booliiska siiyeen shacabka magaalada horseeday in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglaha.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay ayna horgeenayaan caddaaladda, waxa ayna xuseen in Laascaanood ka dhamaatay in uu baxsado qofkii dil geesta.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhowr dil oo ka dhacay gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay, waxaana qaar kamid ah dadkii dilalkaasi geestay lagu xukumo xukunno dil ah.

BOOLISKA oo waji gabax kala kulmay baaritaanka kiiska dilkii Aadan Biit.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu baadi goobayeen kooxiii ka dambeeyay dilka Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo ku hubeysan bistoolad, xilli uu ku sugnaa agagaarka iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday raggii dilay.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa sameeyay howlgal, balse waxa uu ku fashilmay inuu soo qabto dambiilayaasha dilka u gaystay marxuumka.

Aadan Biit oo muddo kasoo tirsanaa Booliska Soomaaliya ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Dalsan, halkaas oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, waxaana la is waydiiyanaa sida ay ku suuragashay in marxuumka lagu dilo goobtaas oo ay afarta dhinac ka jiraan ciidamo ku sugan kontaroolo ku yaalla halkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dhacdadan, sida madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” ayuu qoraalka ku yiri madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit”.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.

{DAAWO MUQAALKA} Siddee ayuu u dhacay Dilka Muqdisho loogu geystay Sargaal sare oo ka tirsanaa Booliska.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Siddee ayuu u dhacay Dilka Muqdisho loogu geystay Sargaal sare oo ka tirsanaa Booliska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} kulan looga hadlayey faragelinta Itoobiya oo lagu qabtay Magaalada Aarhus ee dalka denmark.

Sabti-4-May-2024 {HMC} kulan looga hadlayey faragelinta Itoobiya oo lagu qabtay Magaalada Aarhus ee dalka denmark.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA