Home Blog Page 2487

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xeebta Liido oo si isxilqaan ah Lagu nadiifiyo Jimco Kasto

Sabti-4-May-2024 {HMC} Xeebta Liido oo si isxilqaan ah Lagu nadiifiyo Jimco Kasto

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shir looga hadlayey iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya oo ka dhacay Magaalada Nairobi.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Shir looga hadlayey iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya oo ka dhacay Magaalada Nairobi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Cali Jeyte iyo Beesha Xawaadle oo go’aan ka gaaray Isbaarooyinka

Sabti-4-May-2024 {HMC} Cali Jeyte iyo Beesha Xawaadle oo go’aan ka gaaray Isbaarooyinka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Booliska Canada oo xiray 3 nin oo Hindi ah

Sabti-4-May-2024 {HMC} Booliska Canada ayaa Jimcihi shalay xiray isla markaana dacwado kusoo oogay saddex nin oo Hindi ah, oo looga shakisanyahay in ay dileen Hardeep Singh Nijjar oo ahaa hogaamiye ka tirsan koox gooni u goosad ah oo u ololeysa madaxbannaanida dadka Siiqa ee Hindia.

Nijjar, oo ahaa 45 jir ayaa bishii June lagu toogtay bannaanka macbad ay bulshada Siiqa Hindiya ku leeyihiin degmada Surrey ee magaalada Vancouver.

Bilo yar kaddib, ayuu ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in dowladda Hindiya ku lug laheyd dilka hogaamiyaha, arrintaas oo dhalisay qalalaase diblamaasiyeed oo soo kala dhexgalay Ottowa iyo New Delhi.

Booliska Canada ayaa magacaabay saddex nin ee la xiray, kuwaas oo kal ah Karanpreet Singh, oo 28 jir ah, Kamalpreet Singh, oo 22 jir ah iyo Karan Brar oo 22.

Safaaradda Hindiya ee Ottawa ayaanan wali ka jawaabin xariga loo geystay saddexdaasi dhalinyaro ee Hindiya kasoo jeeda ee looga shakisanyahay falka dilka hogaamiyihii kooxda gooni-u-goosadka Siiqa Hindiya.

Nijjar ayaa ahaa muwaadin heysta dhalashada Canada, wuxuu u ololeyn jiray in la abuuro qaran loogu magac-daray Khalistan, kaas oo damacu yahay in ay harsadaan bulshada Siiqa ama Singa-singaha Hindiya.

Qaramada Midoobay: Macluul Buuxda ayaa ka jirta Waqooyiga Gaza

Sabti-4-May-2024 {HMC} Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihi in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto macluul buuxda, kaddib muddo ka badan lix bil oo weerar dhan walba leh iyo xayiraad dhanka sahayda ah oo ay ciidanka Israil ku hayaan guud ahaan Marinka Gaza.

Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain, ayaa sheegtay dadka ku nool qeybta waqooyi ee Gaza ay galeen macluul.

Wareysi ay siiyay warbaahinta NBC ee dalkan Mareykanka ayay McCain oo ah muwaadin Mareykan ah sheegtay, in xaaladda ka jirta waqooyiga ay tahay “argagax,”

“Waxaa jirta macluul— macluul buuxda ayaa ka jirta waqooyiga, waxayna hadda kusii socotaa xagga koofurta.”

Waxay sheegtay in xabbad joojin iyo kordhinta gargaar bani’aadannimo oo la marsiiyo badda iyo barriga ay muhiim u yihiin ka hor tag lagu sameeyo masiibo bani’aadannimo oo ku habsata in ka badan 2.3 milyan oo ruux oo ku nool.

Dhanka kale, ururka Xamaas ee maamula Gaza ayaa rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay la saxiixdaan Israil, xilli ay Israil ku adkeysaneyso weerar ay ku qaado degmada Rafax.

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in ay dhawaan ay wafdi u dirayaan dalka Masar si ay u dhameystiraan wadahadallada xabbad-joojinta ee dhawaanahanba socday.

Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa hogaaminaya dhex dhexaadinta wadahadallada labada dhinac.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03-05-2024}

Jimco 3, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Osmaan Muuse

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Muxuu yahay Hubka halista ah ee uu Ruushka u isticmaalay dagaalka Ukraine.

Jimco 3, May 2024 {HMC} Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in hubka kiimikada uu u isticmaalo “hab dagaal” marka ay noqoto gudaha Ukraine, taasoo xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah oo mamnuucaya.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Ruushku u adeegsaday kiimikada loo yaqaanno chloropicrin ee neef-qabatinka si uu u gaaro “guulaha dagaalka.”

Tallaabooyinka lagu eedeeyay ciidamada Ruushka, oo ay saraakiisha Maraykanku sheegeen ayaa noqonaya xad-gudub ka dhan ah heshiiskii hubka kiimikada ee (CWC), oo uu Ruushku saxiixay.

Kremlin-ka ayaa diiday eedeymahaas, waxayna ku tilmaameen “mid aan sal iyo raad lahayn”.

Afhayeen Dmitry Peskov ayaa u sheegay koox saxafiyiin ah oo ku sugan magaalada Moscow in Ruushka uu u hogaansamo heshiiskii CWC, kaasoo ka mamnuucaya dowladaha inay sameystaan ama helaan hub noocaas ah.

Waa maxay Hubka loo yaqaanno chloropicrin

Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), oo ah ilaaliye caalami ah oo kormeera hirgelinta heshiiska CWC, ayaa sheegaya in hubka kiimikada uu yahay walax loo isticmaalo in lagu dilo ama waxyeello ula kac ah loogu geysto iyada oo loo marayo sifooyinka sumeynta ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalo si kiimikada chloropicrin uu “ciidamada Ukraine uga saaro meelaha furimaha ah.”

Maaddadu waa saliid waxaana si weyn loo isticmaali jiray dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Waxay keentaa cuncun sambabada, indhaha iyo maqaarka ah, waxayna sababi kartaa matag, lallabbo iyo shuban , sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Maraykanka ee (CDC).

Isticmaalka kiimikadaan dagaalka waxaa si cad u mamnuucay heshiiska CWC, maadaama uu ururka OPCW u aqoonsaday inay tahay walax neef-qabatin leh.

Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay Ruushka in uu hubka kiimikada ah gaarsiiyo dalka Ukraine.

Bishii Maarso 2022-kii, toddobaadyo kadib markii Moscow ay billowday duullaankeeda, Biden wuxuu ballan qaaday in madaxweyne Vladimir Putin uu “ka shallayn doono” haddii uu oggolaado isticmaalka hubka la mamnuucay.

“Waan ka jawaabi doonnaa haddii aad isticmaasho, qaabka jawaabta waxay ku xirnaan doontaa nooca isticmaalka,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in Moscow ay iska dhego tirtay digniintaas.

Ku-xigeenka Xoghayaha Xakamaynta Hubka ee Maraykanka Mallory Stewart ayaa hore u sheegay in Ruushku uu dagaalka u adeegsaday walxaha kiimikada ah ee lagu xakameeyo rabshadaha.

Waxayna Ukraine sheegtay in ciidamadeeda ay la kulmeen weeraro kiimiko ah oo sii kordhaya bilihii la soo dhaafay.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa horraantii sanadkan sheegtay in ciidamada Ruushka ay adeegsadeen bam gacmeedyo ay ku raran yihiin gaaska dadka ka ilmaysiisa ee CS iyo CN.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in ugu yaraan 500 oo askari oo Ukrain ah laga daaweeyay gaaska sunta ah oo mid ka mid ah uu dhintay kadib markii uu ku neef qabatoobay.

2017-kii, OPCW waxay sheegtay in Ruushku uu burburiyay kaydkii ugu dambeeyay ee hubkii xilligii dagaalkii qaboobaa, sida ay u baahisay CWC.

Tan iyo 2017-kii lafteeda, Ruushka ayaa si gaar ah loogu tilmaamay ugu yaraan laba weerar oo kiimiko ah: weerarkii Salisbury ee sarkaalkii hore ee sirdoonka Soofiyeedka iyo suntii 2020-kii ee hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa dilka hogaamiyaha mucaaradka. Balse xaaska uu ka dhintay Navalny ayaa ku eedaysay madaxweyne Putin inuu mas’uul ka ahaa dhimashadiisa.

Dhanka kale, ciidamada Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine ayaa sii wada horay u socodkooda ka hor dabaaldegga maalinta guusha ee 9-ka May, oo ah ciidaha lagu xusayo guushii Soviet-ka ee dagaalkii labaad ee aduunka.

Dagaalka intiisa badan ayaa ka dhacay agagaarka Chasiv Yar oo ah goob ay gacanta ku hayaan Kyiv oo Ruushka uu isku dayayo inuu gaaro kadib markii uu qabsaday magaalada Avdiivka .

Moscow ayaa la rumeysan yahay inay doonayso inay la wareegto magaalada ka hor fasaxyada toddobaadka soo socda.

Arrimahan oo dhan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu shaqada ka ceyriyay madaxii waaxda amniga internetka dalka Ukrain Illya Vityuk, iyadoo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu awooddiisa u adeegsaday ciqaabida wariye u dhashay Ukraine oo ka warbixiyay eedeymo musuqmaasuq oo isaga ka dhan ah.

Dhinaca kale, Human Rights Watch ayaa ku baaqday in la baaro dembiyada dagaalka kadib markii la ogaaday caddaymo muujinaya in ciidamada Ruushka ay toogasho ku dileen in ka badan 12 askari oo Ukraine ah oo isa soo dhiibay.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Nin xaaskiisii hore ku dilay Muqdisho

Jimco-02-may -2024 {HMC} Nin ayaa maanta xaaskiisii hore ku dilay Magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in uu maseeray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gantaal Nooca Cruise-ka oo maanta ku soo dhacay Gobolka Sool ee Soomaaliya