Home Blog Page 2488

On World Press Freedom Day, UN highlights Somali media coverage of climate challenges

Jimco, 3 May 2024 {HMC}– Marking World Press Freedom Day, the United Nations in Somalia highlighted the important work Somali journalists carry out in reporting on the climate challenges facing their country and encouraged increased coverage.

“Somalia is on the frontline of climate change, with the climate crisis affecting the lives of millions of Somalis, especially the most vulnerable. Much more needs to be done to raise awareness of all aspects of the environmental crisis and journalism is indispensable for this purpose,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Catriona Laing.

“For Somalia to achieve its goals of stability and sustainable development, it is necessary for journalists to report accurately, timely, and comprehensively on environmental issues and their consequences, as well as on possible solutions,” she added.

In Somalia, the United Nations supports civil society to engage on the nexus between human rights and climate change – this includes understanding how climate-induced shocks intersect with fundamental human rights such as the right to life, right to health and right to access food and clean water. 

As part of the campaign to mark the 75th anniversary of the Universal Declaration of Human Rights last year, the United Nations launched media campaigns to promote and gather youth perspectives on climate change and environmental issues to hear their voices on how climate change is impacting Somalia.

Established by the UN General Assembly in 1993, the theme of this year’s World Press Freedom Day is ‘A Press for the Planet: Journalism in the face of the Environmental Crisis’ and is dedicated to the importance of journalism and freedom of expression in the context of the current global environmental crisis. 

It aims to highlight the significant role that the press, journalism, access and dissemination of information play in ensuring a sustainable future.

Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay saddex nin oo ku eedeysan fal dil ah

Jimco 3, May 2024 {HMC} Taliska Booliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta Ku soo Dhigay Edeysanayaal horay Dil ugu Geystay Marxuum Cabdullahi Cabdi Isaaq oo 18 Jir Arday Ahaa Kuwaas Oo In Mudda ah Lagu Raad-Joogay

Eedeeysanayaasha ayaa ka koobnaa illaa Saddax xubnood oo kala ah.

1- CABDI AXMED CADOW (Maleeshiyo).

2- AXMED MAXAMED RAAGE (Qataatow) Askari XDS

3- FARXAAN AADAN NUUR (Maleeshiyo)

Waxey ku eedeysan yihiin dil ka dhacay taariikhdu markey ahayd 10-APRIL-2024, Abbaaro 11:45PM, habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka Garasbaaley halkaasoo xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa.

Ciidanka Booliiska G/banaadir oo hawl- gallo kala duwan sameeyey ayaa waxaa u suurto gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa, waxaana Saacadaha Soo Socda La horgeyndoo Maxkamada si loo Marsiiyo Cadaalada.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-5-2024

Jimco-03-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin 

Farsamadii :Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

QM oo Sheegtay in Dib u dhiska Gaza ay ku bixeyso $50 bilyan

Jimco 3, May 2024 {HMC}  NEW YORK — Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in dagaalka ka socda Marinka Gaza uu 40 sano dib u celiyay horumarkii halkaasi ka socday, waxaana dib u dhiska Gaza ku kici doona balaayiin dollar sanado badan.

Abdullah Al-Dardaari, oo ah Agaasimaha Xafiiska waddamada Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa yiri, “Barnaamijka soo kabashada hore ee saddexda sano ah ee lagu celinayo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah hoy ku meel gaar ah oo ku yaala goobihii ay asal ahaan ka soo jeedaan iyada oo taageero bulsho oo dhamaystiran, ay ku kici doonto inta u dhaxaysa 2 ilaa 3 bilyan oo dollar.”

“Dib u dhiska guud ee Gaza maanta, marka loo eego qiyaastayada, wuxuu u dhexeeyaa ugu yaraan 40 ilaa 50 bilyan oo doolar.” ayuu raaciyay.

Al-Dardaari ayaa weriyayaasha kula hadlay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu ku daahfuray warbixin cusub oo ay UNDP soo saartay oo ku saabsan saamaynta bulsho iyo dhaqaale ee la filayo ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaas oo Talaadadii toddoban bilood jirsaday.

Iska horimaadka ayaa khasaare u geystay nolosha Falastiiniyiinta, iyadoo in ka badan 34,000 oo qof ay ku dhinteen illaa 78,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza.

Bartamihii Abriil, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayeen ugu yaraan 5% dadweynaha Gaza.

Dagaalka ayaa waxa uu dhulka la simay inta badan Gaza, isagoo dhaawacay ama burburiyay 370,000 oo guri iyo 9% hanti ma guurtada ah ee ganacsi.

UNDP waxay sheegtay in xitaa xaaladeeda ugu wanaagsan ay qaadan doonto 16 sano -ilaa 2040 – dib u dhiska guryihii burburay, iyada oo aan la dayactirin kuwa burburay. Haddii wakhtiga dib u dhiska uu raaco qaab la mid ah dagaaladii 2014 iyo 2021 ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil, warbixintu waxa ay leedahay, Gaza waxa ay u baahan tahay ku dhawaad 80 sano si ay dib ugu soo celiso guryihii burburay.

Wax-soo-saarka Falastiin ayaa sidoo kale si weyn dhibaato u soo gaartay tan iyo markii dagaalku billowday, isagoo hoos u dhacay 25% – ama ku dhawaad $7 bilyan.

Al-Dardaari ayaa sheegay in boqolkiiba 29 ay gaari karaan haddii dagaalku sii socdo ilaa bisha July.

Dalka Turkiga ‘oo joojinaya’ dhammaan ganacsiga uu la leeyahay Israel

Jimco 3, May 2024 {HMC}  ANKARA — Turkiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu joojinayo dhammaan noocyada ganacsi ee kala dhaxeeya Israa’iil, ilaa ay ka oggolaato in gargaarka uu si aan caqabad lahayn u soo galo Gaza inta uu socdo weerarka ka dhanka ah Xamaas ee Marinka Gaza.

“Dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka Israa’iil waa la hakiyay,” ayay wasaaradda ganacsiga ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay “Turkiga wuxuu hirgelin doonaa tallaabooyinkan cusub.”

Horraantii Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Israel Katz, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, inuu jabiyay heshiisyadii u dhaxeeyay labada dal, isaga oo ka hortagaya dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga Israel.

Tallaabadan ayaa ah dhacdadii ugu dambeysay ee xiriirka sii xumeysa kadib markii Turkiga oo ka mid ah dhowrka waddan ee Muslimiinta u badan ee aqoonsan Israa’iil uu xaddiday ganacsiga kala dhexeeya dalkaas bishii Abriil.

Marinka Gaza ayaa waxaa ka taagan dhibaato bini’aadantinimo oo ka dhalatay dagaalka ay Israa’iil ku qaadayso Xamaas tan iyo 7-dii October, iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ay ka digeen macaluul soo fool leh.

{DAAWO MUQAALKA} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Qoryahooda ayay qaateen dadka deegaanka LABI-CARAG ee duleedka Guriceel si ay ula Dagaalamaan AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Jimco-02-may -2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya eeTurkiga oo booqday xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamo Ruush ah oo gudaha u galay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah

Jimco 3, May 2024 {HMC}  Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaala dalka Niger halkaas oo ay wali ku harsan yihiin askar Mareykan ah kadib go’aankii ciidamada Niger ay dalka uga saareen.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada cirka balse ay ku sugnaayeen qayb kale.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in aysan ahayn arrin muhiim ah maadaama aysan heli karin ciidamo Mareykan ah iyo qalab kale.

“Ruushka waxay ku sugan yihiin meel kale mana arkin ciidamada Maraykanka ama ma helin qalabkeena,” ayuu yiri.

Xiriirka militari iyo midka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ahaa mid kulul tan iyo markii Ruushka uu galay dalka Ukraine.

Kahor kacaankii Niger sanadkii hore, Mareykanka wuxuu ahaa saaxiibka ugu weyn ee dalka oo ay weheliyaan saaxiibada kale ee dagaalka kula jira falaagada Islaamiga ah ee gobolka.

{DAAWO MUQAALKA}SoDMA oo 300 oo qoys gargaar ugu qeybisay dad danyar ah duleedka Gaalkacyo.

Jimco-02-may -2024 {HMC} SoDMA oo 300 oo qoys gargaar ugu qeybisay dad danyar ah duleedka Gaalkacyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {03/05/2024}

Jimco-03-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;yasiin ali ahmed

Farsamadii :Abdirahman Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA  SUBAXNIMO