Jimco-02-may -2024 {HMC} Kitabka aad ku dhaarateen haddii aadan ka dhabeyn adiga ayey ku qabaneysaa”Sheeq Abuukar Mucalim”
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Baladweyne ka Cusub kadib Daadadkii ku dhuftay Xaafadaha qaar
Jimco-03-may -2024 {HMC} XaafadaMaxaa Baladweyne ka Cusub kadib Daadadkii ku dhuftay ha qaar
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ciidamada Booliska ee Dalka UK oo xabsiga dhigay tobanaan qof oo hor-istaagay gaadiid lagu qaadayey ‘dad magangelyo doonka ah’
Jimco 3, May 2024 {HMC} LONDON — Ciidamada Booliska ee Britian ayaa xabsiga u taxaabay illaa 45 qof Khamiistii, kuwaas oo isku dayayey inay hor-istaagaan, in dadka magangelyo doonka ah laga qaado goob ay deganaayeen.
Tobanaan qof ayaa isu-soo baxyo ka sameeyey barxadda hore ee Hotel ku yaalla Koonfurta London, iyaga oo xilligaas doonayey inay joojiyaan bas ay saarnaayeen dad magangelyo doon ah, waxayna wararku sheegayaan inay dadka debedbaxa samaynayey ay naqaska ka siidaayeen taayirada gaadhiga isla markaana ay isku hareereeyeen.
In xal loo helo dadka sida sharci-darrada ah ku imanaya Britian, ayaa ka mida qodobada ugu xasaasisan ee horyaalla xafiiska ra’iisal wasaare Rishi Sunak, waxaana kharash badani kaga baxaa, goobaha ay dejiyaan dadka magangelyo doonka ah, inta ay sugayaan in kiiskooda meel la saarayo.
Dhawr askari ayaa waxyeello soo gaadhay, xilli ay isku dayayeen inay xakameeyaan dadka mudaharaadayey. Booliska ayaa sheegay, in sababaha ay dadka u xidheen inay ka mid tahay, inay xannibeen isu socodka gaadiidka, inay ka horyimaaddeen booliska ama ay waxyeello soo gaadhsiiyeen.
Tobaneeyo dalxiiseyaal ah oo lagasoo bad-baadiyay daadad ka dhashay wabi fatahay
Khamiis 2, May 2024 {HMC} 40 dalxiisayaal ah iyo shaqaale badan ayaa laga soo badbaadiyay Beerta Masai kadib markii wabiga Talek uu qararka jabsaday oo uu buux dhaafiyay goobta.
Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay hoteelka Sarova Mara Lodge, barasaabka gobolka Narok Patrick Ntutu ayaa waxa uu sheegay in aan la soo sheegin wax dhimasho ama dhibaato ah.
Daadadka ayaa saameeyay sagaal xero oo ay dadka dalxiiseyaasha ah degaan.
Guddoomiye Ntutu ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay Wabiga uu buux dhaafiyay islamarkaana uu saameeyay qeybo ka mid ah magaalada, dadkii soo booqdayna ay ku xayiran yihiin dhowr xero oo ku teedsan wabiga.
Sidoo kale Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Xaafada Mosiro ay si weyn u saameeyeen Roobabkii isdaba jooga ahaa iyadoo 100 qoys oo ku noolaa agagaarka deegaanka Moosiro ay ka guureen guryahoodii.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dadka ku nool agagaarka webiyada inay u guuraan dhul sare.
Israa’iil oo lagu eedeeyey wax noqon kara dambi dagaal
Khamiis 2, May 2024 {HMC} Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay suuragal tahay in ay gashay dambiyo dagaal kaddib markii ay daanta galbeed ku dishay wiil Falastiini ah. 9-ka bishii Nofermber sanadkii tagay goor aroor ah wiilal Falatiiniyiin ah oo wadda ku ciyaarayay ayey askarta Israel rasaas ku fureen.
Daqiiqado kaddib labada wiil dhulka ayey ku dhaceen. Basil 15 jir ayuu ahaa halka Adama uu jiray 8 sano.
Baaris ay BBC-da ku sameysay daanta galbeed oo ciidamada Israel joogaan waxay BBC-da soo ururisay wixii maalintaas ku dhacay wiilasha la dilay.
Muuqaalo lagu duubay teleefoonada gacanta iyo kameerooyinka guryaha ku xirnaa, xogta dhaq dhaqaaqa militeriga Israel, goobjoogayaal iyo goobta oo si weyn loo baaray marka intaas laysku daro waxay muujineysaa in xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha la galay.
Ergayga gaarka Qaramada Midoobay ee xuquuqda adanaha, Ben Saul, waxa uu sheegay sida uu u dhintay Adam in ay muujineyso in dambi dagaal uu dhacay.
Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay baarayaan sababta geerida carruurtaas balse waxay sheegeen in rasaas nool ay u adegsadeen si ay uga hortagaan khatar ku wajahneyd ciidankooda.
Markii ay kordheen rabshadaha daanta galbeed bilihii u dambeeyay iyo weerarkii Xamaas waxay BBC-da heshay caddeymo ah in guryaha reer Falastiin burbur loo geystay iyo in loogu sheegay dadka in ay ka baxaan dalka oo aadaan Urdun.
XIGASHO BBC SOMALI
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02-05-2024}
Khamiis-02-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble
Farsamadii :Abdirahman Muse
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Maxeey Ka Wada Hadleen Catriona Laing iyo laftagareen?
Khamiis 2, May 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Catriona Laing
Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiil Catriona Laing ayaa ka Wada Hadlay Arimaha Bini’adanimada, Amniga, Isbedelka Cimilada, Siyaasada Dalka Dhinacyada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga, Dhamaystirka Dastuurka iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.
Kulanka ayaa lagaga hadlay Mashaariicda Dhinacyada Horumarka iyo Dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka taageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Antony Blinken oo Bariga Dhexe ka laabtay natiijo la’aan
Khamiis 2, May 2024 {HMC} WASHINGTON — Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa soo geba-gebeeyay safarkiisii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe, isagoo aan wax war ah kasoo saarin heshiis xabad-joojin ah iyo mid lagu sii deynayo la haystayaasha Isreal ee Xamaas gacanta ugu jira.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Blinken intii uu socday kullan ay yeesheen Arbacadii in aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ku saabsan sii daynta la haystayaasha oo shuruud looga dhigayo joojinta dagaalka Gaza.
Waxaana uu sheegay in howlgal milateri oo qorsheysan oo lagu qaado magaalada Rafah uu dhici doono haddii ay jirto xabbad joojin iyo haddii kaleba.
Remarks by the UN Special Representative for Somalia, Catriona Laing, to the media, during her visit to Baidoa, South West State
Thursday 2, May 2024 {HMC} It’s such a great pleasure to be back here in Baidoa, and I want to say a huge thank you to Mr. President and his team for welcoming me here today. Sadly, this is also my farewell call as I depart Somalia fairly soon.
The focus of our discussion today was in two main parts. The first was around the state-building process, the issues around the Constitution, the role of the NCC [National Consultative Council] and elections, and the President assured me of his commitment to an inclusive dialogue, including work he’ll be doing to try and encourage President Deni from Puntland to return to the NCC to ensure his voice is heard as they debate and reflect on the agreement around the first four chapters of the Constitution and, of course, prepare for the debate that will take place on the remaining chapters.
Secondly, we talked about the elections, and I commended the President for the work already done to formulate district councils here, and, in particular, the fact that he has good female representation on six of his district councils so that is very good progress and to be showcased.
Going ahead, we discussed the importance of ‘one person, one vote’ at district level – recognizing there’s still work to be done to get the laws in place, to do voter registration and so on – but I think we both agreed that it is at the district level that democracy needs to embed in any society and that is therefore an important priority going forward.
Thirdly, we talked about the fight against Al-Shabaab and the importance of the campaign continuing, followed on by stabilization to showcase the role of the state in areas recovered from Al-Shabaab. And then, linked to security, we talked about the ATMIS [African Union Transition Mission in Somalia] troop presence and how important they have been in providing an enabling security environment.
And, as we transition into the new AU [African Union] mission, the importance of having adequate security, including through ENDF [Ethiopian National Defense Forces] forces, who’ve played a particularly important role.
And then finally, Baidoa is suffering from enormous humanitarian challenges, and we are both committed to trying to transition out of humanitarian crisis response into building resilience and development, including through Baidoa accessing climate finance that will be coming to Somalia – so the importance of Baidoa playing its role in that [was discussed].
‘We are still engaged with West African juntas’ – US Africom head Gen Michael Langley
Thursday 2, May 2024 {HMC} The US is still engaged with Niger and Chad, despite withdrawing troops from the countries, the head of the US Africa Command has told the BBC.
On Wednesday, dozens of US troops left Chad after the country’s military leaders raised concerns over their presence ahead of the 6 May elections.
Gen Michael Langley told the BBC it was a “temporary repositioning” of troops.
Last month, US troops left neighbouring Niger after being ordered out by the country’s junta.
Russian military instructors have arrived in Niger as part of a new agreement with the military leaders.
Several other military-led countries in the Sahel region have also recently strengthened ties with Russia and cut them with France, the former colonial power, as they try to fight an Islamist insurgency in the region.
The Sahel region is considered the new global epicentre of the Islamic State group.
Gen Langley said that violent extremist organisations were the biggest threat to Africa’s stability.
Last year, Niger and Burkina Faso both announced they were following Mali in withdrawing from the G5 international force set up to fight Islamists in the region. The three military-run countries have instead set up their own grouping – the Alliance of Sahel States.
The US set up a drone base in the central Niger city of Agadez, 750km (460 miles) north-east of the capital, Niamey, in 2016 to help monitor regional jihadist activity.
But in March after Niger ordered US troops to leave. Military spokesperson Col Amadou Abdramane accused the US of raising objections about the allies that Niger had chosen.
Col Abdramane condemned the US for its “condescending attitude” and “threat of reprisals”.
But Gen Langley said that the “ultimate goal” of the US was to continue a dialogue with those countries that have been taken over by juntas.
He told the BBC the US hopes to get the juntas “on a roadmap back to democracy”.
“That’s the ultimate goal of the US government – of our continued engagement with these countries that have been taken over by juntas.
He said that he had spoken several Chadian leaders. “They are still inviting us in for continued relations because we’ve enjoyed a lot of success in helping Chad fight terrorism,” he said.
“In Niger, our talks are still ongoing, whether we reset or reposition will just really be based on the threat, but also – every country we engage with is at the request of that country.”
SOURCE BBC



