Home Blog Page 2492

Kenya oo Shaaciyay in ay dileen xubno katirsan kooxda AS

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay dileen dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Kumba kuyaalla gobolka Lamu ee kuyaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada weerar gaadmo ah ku qaadeen dhul keymo ah ay ku sugnaayeen xubnaha Al Shabaab katirsanaa , weerarkaasi ayey sheegeen in lagu dilay lix xubnood oo Al Shabaab ah.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in xubnihii Al Shabaab ay weerareen ay ka furteen hub iyo sahay kale oo muhiim u ahaa, waxa ayna xuseen in wali socdo howlgalo ka dhan ah kooxdaasi la weeraray ee baxsatay.

Qaar kamid ah xubnihii Al Shabaab ee la weeraray ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsaden, waxa ayna booliiska ka cabsi ka qabaan ragga baxsadka ah in ay dhibaatooyin geestaan.

“Shacabka waxaa lagula talinayaa in ay feejignaadaan, sababtoo ah howlgalku wuxuu horseedi karaa dhaqdhaqaaqyo kordha oo kooxda ah,” ayuu yiri sarkaal katirsan booliiska Kenya oo warbaahinta la hadlay.

Booliiska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in nin katirsanaa kooxda Al Shabaab ee la dilay u muuqday in uu ahaa ajnabi aan aheyn Soomaali iyo Kenyan midab ahaan, halka kuwa kala ay dileen ciidamada aysan shaacin magacyadooda iyo xogtooda.

Weerarkan lagu qaaday kooxda Al Shabaab ayaa yimid kaddib markii sirdoonka Keya heleen xog ku aadan in kooxdan katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa keymaha Boni Forest ay qorsheenayeen in ay fuliyaan weeraro.

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaliya oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo ka socda Deegaanka Cali Fool dheere.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Dowlada Soomaliya oo Faah faahin ka Bixisay Howlgalo ka socda Deegaanka Cali Fool dheere.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbax looga soo horjeedo Dilka sargaal ka tirsan Dowlada Soomaliya oo ka dhacay Muqdisho.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Banaanbax looga soo horjeedo Dilka sargaal ka tirsan Dowlada Soomaliya oo ka dhacay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wifdi kasocday Dowlada Turkiga oo kormeer ku tagay Xarunta CID Ee Booliska Soomaaliyeed.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Wifdi kasocday Dowlada Turkiga oo kormeer ku tagay Xarunta CID Ee Booliska Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Cabdi Qadar Deeriye ”Dhibaato ka Weyn majirto Biyo Xireenada loo sameeyey Magaalada Baladweyne”.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Cabdi Qadar Deeriye ”Dhibaato ka Weyn majirto Biyo Xireenada loo sameeyey Magaalada Baladweyne”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Saameeyn Xoogan oo dhalatay Daadadkii xalay kusoo Rogmaday Magaalada Baladweyne.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Saameeyn Xoogan oo dhalatay Daadadkii xalay kusoo Rogmaday Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kenya: 181 qof oo ku dhintay daadadka Dalkaasi

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  NAIROBI — Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo Ururka Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas ayaa Arbacadii sheegay, in tirada dadka ku dhintay daadadka ka dhacay Kenya tan iyo bishi March ay gaareen 181 ruux.

Masiibadan oo ka dhalatay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadaha ayaa sidoo kale burburisay guryo, waddooyin, buundooyin iyo kaabayaal kale, sida ay sheegeen saraakiisha Kenya.

Laanqeerta Cas ayaa Arbacadi sheegtay, in shalay la helay meydka laba qof oo ka mid ahaa 48 ruux oo Isniinti ku dhintay daadad qaaday degmada Mai Mahiu. Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa sheegay in tirada dhimashada oo marki hore aheyd 10 ay hadda gaartay 179.

Ciidanka millatariga oo kaashanaya eeyaha tababaran ayaa ka qeybgalaya howlgallada gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka ku maqan daadadka.

Meelaha howlaga gurmadka ay ka socdaan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah deegaanka Kitengela oo 20 mile u jirta magaalada Nairobi, halkaas oo guryihi ay qariyeen fatahaadda.

{DAAWO MUQAALKA} Dibed-baxyada lagu taageerayo Falastiin oo ku sii xoogeysanaya Mareykanka.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Dambiyada Caalamka oo Dalbatay in lasoo xero madaxda Israa’iil.

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  Maxkamada Dambiyada Caalamka oo Dalbatay in lasoo xero madaxda Israa’iil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Malaayiin doollar ay dad ajnebi ah Ka diraan Gudaha Soomaaliya bil walba iyo dalalka loo diro lacagtaas

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Soomaaliya ayaa noqotay il dhaqaale oo cusub oo ay bil walba dad ajaanib ah kasoo diraan malaayiin dollar, kuwaa oo gudaha Soomaaliya ka qabta shaqooyin kala duwan ay ka sameeyaan dhaqaale.

Warbaahinta Kenya oo xiganaysa ilo diblumaasi ayaa sheegay inay Soomaaliya noqotay xarun dhaqaale oo cusub oo sanad walba dibeda looga diro kow iyo labaatan milyan oo doolar.

Dadka lacagaha u dira dibeda waxaa ka mid ab 35,000 oo qof oo Yugaandheys ah, oo kuwaas oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya. Dadkaas oo maalin walba xawila lacag u dhexeysa $50,000 Ilaa $60,000.

Nathan Mugisha, ku xigeenka Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican in lacagtaas aad u yartahay marka la barbardhigo lacagaha ay Soomaaliya kasoo diraan shaqaalaha Kenyanka ah ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo tiro ahaan ka badan Yugaandheyska.

“Waxaan halkan ku haynaa fursado badan oo ku saabsan beeraha, shaqaalaha xirfadlayaasha, gaar ahaan qaybta dhismaha iyo macdanta.”

“Waxa kaliya ee aan u baahanahay in aan hurdada kicino dadkeena si aan qiimo ugu kordhinno xirfadaha aan rabno inaan halkan ku suuqgeyno si aan wax badan uga helno dhaqaalahan,” ayuu sii raaciyay Nathan Mugisha.

Waa maxay shaqooyinka ay ka qabtaan Soomaaliya ajaaniibta Kenyanka ah iyo Ugandhayska ah
Ma jirto cilmibaaris rasmi ah oo lagu tiro koobay shaqooyinka ay Soomaaliya ka qabtaan dadka u dhashay Kenya iyo Uganda. Laakiin waxay uga dhex muuqdaan shaqooyinka dhismeyaasha, hotteelada, xarumaha waxbarashada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay – xitaa waxay qaarkood ka shaqeeyaan guryaha dadka ladan.

Diblumaasiyiinta Safaaradda Kenya ayaa ku qiyaasay tirada muwaadiniintooda ka shaqeeya Soomaaliya in ka badan 30,000 oo qof. Waxaa se la rumeysan yahay in tirada rasmiga ah ay intaas ka badan karto.

Waxaana la filayaa in tiradan ay kor u kacdo shan laab, shanta sano ee soo socota, taas oo ay sabab u tahay kubiirista Soomaaliya ee ururka bulshada Bariga Afrika.

Sidaas oo ay tahay, Soomaaliya laguma darin warbixintii ugu dambeysay ee Bangiga Dhexe ee Kenya ee ku saabsan xawaaladaha sanadkii dhamaaday, kaas oo ay ku xuseen Tanzania, Uganda, South Africa, Nigeria, South Sudan, Zambia, Ivory Coast, Masar iyo Malawi oo ah meelaha ugu badan ee ay quraba joogta kenya lacagaha ugasoo diraan dalkooda.

Uganda iyadu way ka duwan tahay sidaas, oo waxaa ba loo arkaa Soomaaliya inay ka mid tahay dalalka ugu badan ee dadka Uganda ay u shaqo tagaan. Sacuudiga ayaa ah dalka koobaad ee dadka ugu badan ee reer Uganda ay u shaqo tagaan.

Sarkaal ka tirsan Safaaradda Uganda waxa uu u sheegay warbaahinta in tirada dadka Uganda ee u shaqo tago Soomaaliya ay kor u kacday ku dhawaad labo sano gudaheed kadib markii ay xiriiro wada jira ay yeesheen ergada joogtada ah ee Uganda iyo Soomaaliya bishii Agoosto 2022.

Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa sawir rajo leh ka bixinaya dhaqaalaha sanadkan si loo xoojiyo, iyadoo kobaca GDP dhabta ah la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba, iyadoo loo eegayo dib-u-habaynta, baabiinta deynta iyo hagaajinta qulqulka xawaaladaha, sdia ay sheegtay Hay’adda Lacagta Adduunka.