Sida haweenaydan 98-sano jirkaa cagaheeda ugu baxsatay colaadda dad kumanaan ah ay ku dhinteen.
Khamiis 2, May 2024 {HMC} Iyadoo colaaddu ku sii xoogaysanaysay bariga Donetska, asbuucii hore ka dib marki ciidamada Ruushku ay gudaha u galeen, dadka ayaa ka barakacaya deegaanadaas.
Haweenay lagu magacaabo Lidia Stepanivna Lomikovska, oo da’deedu tahay 98 sano jir ayaa masaafo 10km ah kaligeed lugaysay iyadoo ka baxsaysa colaadda.
Waxay ku tukubaysay bakoorad, waxayna xirnayd kabo dacas ah si ay ugu baxsato colaaadda magaalada Ocheretyne, ee bariga Donetsk, halkaas oo dagaaladu ku siqayeen.
“Waxaan ku toosay rasaasta hareerahayga ka dhacaysay taas oo cabsi lahayd,” Lomikovska ayaa ku tiri wareysi muuqaal ah oo ay soo bandhigeen booliska gobolka Donetsk.
Waxaa la arkayey iyada oo mid ka mida ciidamada Ukriane uu garab galayo, xilli ciidamada ay soo bandhigeen muuqaal haweenaydan da’da ah.
“Waan ka badbaaday dagaalkaas,” ayay tiri iyadoo tixraacaysa dagaalkii labaad ee aduunka. “
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01-05-2024}
Arbaco-01-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Maxkamadda ICC oo la filayo inay soo saarto amar lagu soo xirayo madaxda Israel
Arbaco 1, May 2024 {HMC} TEL AVIV — Madaxweynaha Israa’iil ayaa Arbacadii ku booriyay xulafada Israel inay diidaan dadaallada loo adeegsanayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ka dhanka ah dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, isagoo ka digay” halista ku wajahan dimoqraadiyadda meel kasta oo dunida ah.
Kulan uu magaalada Tel Aviv kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxweyne Isaac Herzog waxa uu ku nuuxnuuxsaday awoodda nidaamka sharci ee Israa’iil iyo ixtiraamka sharciga, waxaanu diiday baaritaan ay Maxkamadda ICC ku hayso hab-dhaqanka Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.
“In la isku dayo in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada loo adeegsado Israa’iil oo la dagaalameysa argagaxisada, waxay halis cad oo taagan ku tahay Dimuqraadiyada iyo dalalka xorta ah ee nabadda jecel ee raacaya qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xulafadayada iyo asxaabtayada inay diidaan oo ay diidaan dadaal kasta oo noocaas ah.”
Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ka cabsi qabaan in maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ay dhawaan soo saarto amarro lagu soo xirayo madaxda Israel qaarkood.
Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu arrintan kala hadlay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden isaga oo wacay dhamaadkii toddobaadkan.
Netanyahu wuxuu ku adkaystay goor dambe oo Talaadadii ah fariin uu soo dhigey barta Telegram “ma jiro go’aanka Hague ama mid kale, oo sinaba u dhaawici doona go’aankeena ah inaan gaarno dhammaan yoolalka dagaalka”.
Ujeedada tallaabadan, ayuu yiri haddii la fuliyo, waa in loo hanjabo madaxda iyo askarta dawladda Israa’iil, taas oo asal ahaan lagu curyaaminayo awoodda dawladda Israa’iil ee is-difaaca, ayuu yiri.
“Israa’iil waxay filaysaa in hogaamiyayaasha caalamka xorta ah ay si adag uga soo horjeestaan tallaabadan fadeexadda leh.”
Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in uu ka soo horjeedo baaritaanka ICC-da.
{DAAWO MUQAALKA} Meydadka ilaa hadda la la’yahay ayaa gaaraya ilaa 13 ka mid ah dadkii ay doontu kula rogmatay.
Arbaco 1, May 2024 {HMC} Meydadka ilaa hadda la la’yahay ayaa gaaraya ilaa 13 ka mid ah dadkii ay doontu kula rogmatay wabiga Tana ee ku socday magaalada Gaarisa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Taliye xigeenka Booliiska oo kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sarkaalkii lagu weerarey D/Boondheere oo hadda u geeriyoodey dhaawicii soo gaarey
Arbaco 1, May 2024 {HMC} Sarkaalkii lagu weerarey D/Boondheere oo hadda u geeriyoodey dhaawicii soo gaarey
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey yihiin Xogaha Sirdoon ee ku qarsan Booqashadii Madaxa sirdoonka Turkiga uu ku yimid Somaliya?
Arbaco 1, May 2024 {HMC} Maxeey yihiin Xogaha Sirdoon ee ku qarsan Booqashadii Madaxa sirdoonka Turkiga uu ku yimid Somaliya?
{DAAWO MUUQAALKA} Siddee ayuu u dhacay shilka ay ku geeriyootay AUN Hodan Gaabo?
Arbaco 1, May 2024 {HMC} Siddee ayuu u dhacay shilka ay ku geeriyootay AUN Hodan Gaabo?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Odoyaal iyo Waxgarad Eedeyn Culus u jeediyay Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Arbaco 1, May 2024 {HMC} Odoyaal iyo Waxgarad ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa Eedeyn Culus u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.



