Home Blog Page 25

howlgalo maanta ka socda Sh/Hoose & Saraakiil Booqatay .

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Ciidanka Qalabka Sida ayaa saacadihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo lagu xaqiiijinayo amniga ka wada deegaanno hoos yimaada gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga dalka iyo Ciidanka Sirdoonka NISA ayaa kormeeray askarta ku kala sugan deegaannada xeebta sida Gandarshe iyo Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaarey deegaanka deegaanka Gandarshe iyo tuulooyinka hoos yimaada.

May be an image of one or more people

Taliyaha ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka oo uu ugu horreeyo Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Kornayl Saahid Jareere, isagoo faray in ay dardar galiyaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda dalka.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa safar saacado kooban ah ku tagey deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

No photo description available.

Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada, isagoo kula dardarmay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah AS.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa guud ahaantiisa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah AS, kaasi oo ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Bariga dhaxe iyo Madaxweyn Trump oo Culeeys weyn Wajahayo ,

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC}  Wararkii ugu Dambeeyay Bariga dhaxe iyo Madaxweyn Trump oo Culeeys weyn Wajahayo ,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE.

{DAAWO MUQAALKA} Madax kala duwan oo ku Wajahan Baydhabo iyo Buurhakabo

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC}  Madax kala duwan oo ku Wajahan Baydhabo iyo Buurhakabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE.

Maxay Tahay farriin Sacuudiga u diray Iiraan?

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud, ayaa sheegay in dalkiisu awood u leeyahay inuu bixiyo jawaab adag oo ka dhan ah weerarrada Iiraan, balse ilaa hadda ay doorteen is-xakameyn.

Wasiirku wuxuu Iiraan ugu baaqay inay dib u eegto istaraatiijiyaddeeda ku aaddan weerarrada ay ku beegsanayso dalalka dariska la ah ee Khaliijka Carabta.

“Ma doonayo inaan Boqortooyada Sacuudiga qaado weerar ilaa hadda waan isdifaaceybaa, mana ahan Caqligal in aan Iiraan arrintaasi ku sameyno” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Laakiin waa muhiim in Iiraan ay fahamto in boqortooyada, iyo sidoo kale saaxiibadeeda la weeraray iyo kuwa kale, ay leeyihiin awood iyo karti aad u weyn oo ay adeegsan karaan haddii ay go’aansadaan.”

Hadalka Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli Iiraan ay duqeymo culus ka fulisay gudaha dalalka Carabta ee Saldhigyada ku leeyihiin Ciidanka Mareykanka.

{DAAWO MUQAALKA} IIraan oo qaadeyso Talaabo ay ka naxeen Mareykanka iyo Israaiil.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Dowladihii Carabta oo weerar lagu qaaday, xaruma shidaal oo gubanaya iyo war kasoo baxay Qatar Sida ay baahisay Al Jazeera ; ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa caawa ku hanjabay in ay burburin doonaan warshadaha shidaalka iyo gaaska ee dalalka Khaliijka haddii mar kale la weeraro qaybaha tamarta ee Iiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE.

Iiraan oo ku hanjabtay in ay burburin doonto warshadaha shidaalka dalalka Khaliijka.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Sida ay baahisay Al Jazeera ; ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa caawa ku hanjabay in ay burburin doonaan warshadaha shidaalka iyo gaaska ee dalalka Khaliijka haddii mar kale la weeraro qaybaha tamarta ee Iiraan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu yiri:

“Waxaan mar kale idin uga digeynaa inaad khalad weyn gasheen markaad beegsateen kaabayaasha tamarta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, jawaabta arrintaasna hadda waa la fuliyay.”

Waxa kale oo lagu daray:

“Haddii arrintan mar kale la sameeyo, weerarrada lagu qaadi doono kaabayaasha tamarta ee idinka iyo xulafadiinaba ma joogsan doonaan ilaa si buuxda loo burburiyo, jawaabteennuna waxay ka sii adkaan doontaa tan caawa dhacday.”

Horaantii maanta, warbaahinta dawladda Iiraan ayaa sheegtay in la weeraray xarumo gaas oo ku yaalla goobta South Pars oo ah goobta ugu weyn ee gaaska dunida,taas oo ku taalla xeebaha gobolka Bushehr ee koonfurta Iiraan.

Isla markiiba, ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan waxay ku hanjabeen inay beegsan doonaan kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta,waxaa xigtay in dhammaan goobaha ay caawa weerartay Iiraan, iyadoo weerarka ugu culus uu ka dhacay xarunta gaaska ee Ras Laffan ee dalka Qatar.

Maxay Iiraan u beegsatay xarumaha gaaska dalka Qatar?

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC}  Iiraan waxay caawa qaaday tallaabo culus oo si toos ah u beddeleysa jihada dagaalka, kadib markii la beegsaday magaalada warshadaha ee gaaska Qatar ee Ras Laffan , oo ah meesha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaasi ku tiirsan yahay.

Saameynta weerarkan si dhaqso ah ayaa looga dareemay gudaha Qatar, iyadoo Doha ay isla markiiba ku jawaabtay go’aan adag oo ay ku cayrisay saraakiisha milatariga iyo amniga ee safaaradda Iiraan. Taasi waxay muujinaysaa in arrintu ay ka gudubtay weerar caadi ah oo militari, oo ay gashay heer siyaasadeed iyo mid istaraatiiji ah.

Ras Laffan muhiimaddeeda lama dhayalsan karo. Halkaas ayaa laga maamulaa inta badan gaaska Qatar, oo ah dal ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee gaaska dabiiciga ah dhoofiya.

Gaaskaas wuxuu ka yimaadaa kaydka ugu weyn gaaska adduunka ee North Field, oo Qatar ay la wadaagto Iiraan (South Pars). Sidaas darteed, wax kasta oo Ras Laffan ka dhaca, saameyntu ma joogsanayso gudaha Qatar, waxay si toos ah u gaareysaa suuqyada tamarta ee dunida.

Haddii wax soo saarka halkaas uu hakad galo, qiimaha gaaska si degdeg ah ayuu u kici karaa. Taasi waxay taabanaysaa korontada, warshadaha, iyo guud ahaan nolosha dalal badan.

Yurub oo hore uga soo wareegtay gaaska Ruushka ayaa si gaar ah ugu tiirsan Qatar, sidoo kale dalalka Aasiya sida Japan iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidaas darteed, Ras Laffan waa meel si weyn u saameysa xasilloonida dhaqaale ee caalamka.

Weerarkan wuxuu muujinayaa wax ka duwan wixii hore loo arkayay. Iiraan waxay u muuqataa inay ka gudubtay bartilmaameedyo militari oo keliya, oo ay si toos ah u taabanayso meelaha dhaqaalaha laf-dhabarta u ah, ujeedkuna waa haddii la cadaadiyo Iiraan, iyaduna waxay awood u leedahay inay dhaawacdo meelaha ugu xasaasisan ee tamarta.

Qatar muddo dheer waxay isku dayaysay inay dhexdhexaad ahaato, balse marka xarumaha muhiimka ah la beegsado, ma sahlan in la aamuso.

Tani waxay keeni kartaa in xiriirka labada dhinac uu sii xumaado, isla markaana gobolka uu sii kala fogaado.

Maxay Iiraan u beegsatay warshadahan?

Iiraan waxay ogtahay in tamarta ay tahay meesha ugu nugul ee dunida maanta. Marka qiimaha shidaalka iyo gaaska uu kaco, cadaadiska ugu badan wuxuu gaarayaa Mareykanka iyo xulafadiisa.

Trump horey ayuu ula tacaalayay cadaadis ka dhashay xaaladda marinka Hormuz, oo ah marin ay maraan 20% shidaalka dunida.

Haddii taas lagu daro weerarro toos ah oo lagu qaado xarumaha wax soo saarka, cadaadiskaasi wuu sii laba jibbaarmaya, wuxuuna Trump wayn doona hurdada, maaddama tamarta ay saameyn ku leedahay lacagta dollarka.

Waxa u dambeeya ee ay Iiraan raadinaysa waa in Mareykanka lagu qasbo inuu dib u eego dagaalka, oo uu raadiyo waddo uu ku joojiyo ama ku yareeyo xiisadda.

Marka la soo koobo, waxa dhacay caawa ma aha oo kaliya weerar, waa fariin. Fariin leh saameyn dhaqaale, mid amni iyo mid siyaasadeedba oo jawaabteeda weli la sugayo.

W/Q Iman Jamac

{DAAWO SAWIRADA} Taliye Mahad Salaad oo Ciidamada Amniga kula afuray Gobolka Sh/hoose.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa galabta Ciidamada Amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran.

Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo iyaga oo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka, isaga oo xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.

Agaasime Mahad Salaad ayaa caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA, Booliska iyo Boolis-Militeri ayaa Agaasime Mahad Salaad kala qeyb galay kulankaan uu kula afuray Ciidamada Qaranka ee deegaanada fog ka suga amniga caasimadda Muqdisho.

Qatar says Iran missile attack sparks fire, causes damage at gas facility.

0

Wed 18 March 2026 {HMC} Qatar’s Ministry of ⁠Interior says civil ⁠defence teams are responding to a fire at the country’s main gas facility after an Iranian attack.

In a statement on Wednesday, QatarEnergy said there was “extensive damage” following the “missile attacks” on Ras Laffan Industrial City.

“All personnel have been accounted for and no casualties have been reported at this time,” the world’s largest liquefied natural gas (LNG) producer added.

The announcements came hours after Iran threatened to attack oil and gas facilities across the Gulf region in retaliation for an Israeli attack on its South Pars gasfield, as the fallout from the United States-Israeli war on the country continues to escalate.

Iran’s warning of attacks was directed at Qatar’s Mesaieed Petrochemical Complex, Mesaieed Holding Company and Ras Laffan Refinery; Saudi Arabia’s Samref Refinery and Jubail Petrochemical Complex; and the United Arab Emirates’s Al Hosn Gas Field.

In a statement, Qatar’s Foreign Ministry strongly condemned “the brutal” Iranian targeting of Ras Laffan Industrial City.

“Qatar considers this assault a dangerous escalation, a flagrant violation of its sovereignty, and a direct threat to its national security,” it said.

On March 2, Qatar suspended LNG production following an attack on the Ras Laffan facility as well as on a water tank at a power plant in Mesaieed Industrial City.

The Ras Laffan complex, located 80 kilometres (50 miles) north-east of Doha, is the world’s largest LNG production facility and produces about 20 percent of the global LNG supply, playing a major role in balancing both Asian and European markets’ demand for the fuel.

“This is what Qatar’s wealth is built on,” Al Jazeera’s Victoria Gatenby said. “We’ve also have had alerts here in Doha and the threat level has been raised.”

The attack comes as Saudi Arabia is scheduled to host a meeting of foreign ministers from Arab and Muslim-majority countries in Riyadh to discuss finding an off-ramp from this conflict.

“The focus of this meeting now will very much be on the threats they are facing from Iran and dealing with the aftermath of those attacks,” Gatenby said.

Saudi Arabia’s Ministry of Defence on Wednesday said its air defences had intercepted four ballistic missiles launched towards Riyadh, as well as two launched towards the country’s eastern region.

Alerts were issued warning of danger in the governorates of Riyadh and al-Kharj by Saudi Arabia’s National Early Warning Platform for Emergency Cases.

The UAE’s Defence Ministry said its air defences dealt with 13 ballistic missiles and 27 drones coming from Iran.

It added that since the start of the attacks, it has faced 327 ballistic missiles, 15 cruise missiles and 1,699 drones.

SOURCE ALJAZEERA

{DAAWO SAWIRADA} Saraakiil Sar sarre oo Maanta kormeertay Jiida hore ee Dagaalka.

0

Arbaco 18 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Kornayl Saahid Jareere, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa halkaas u gaaray dhiirrigelinta geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee guulaha ka gaaray howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidanka kusugan halkaasi ku ammaanay naf-hurnimada iyo dhiirranaanta ay muujiyeen, iyo sida mar walba ay uga hortagaan dhagarta cadowga.

Gobolka Shabeellaha Hoose, geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgalka Badar ee bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo Khawaarijta looga saaray dhul ballaaran oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen.