Home Blog Page 24

Guddoomiye Aadan Madoobe oo fariin udiray Madaxweyne Laftagareen.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanaka 11aad ee JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xiisadda ka siyaasadeed ee saamaysay deegaan doorashadiisa Koofur Galbeed isaga oo faahfaahin u diray Madaxweyne Laftagareen.

Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in uu isku dayay safar uu ku tago Magaalada Baydhabo si uu uga hortago rabshada saameeya jiritaanka Dowlad-Goboleedkaas balse laga hor istaagay isaga oo eedda dusha ka saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa baaq furan u diray Madaxweyne Laftagareen waxaana uu kula taliyay in uu dhowro dedaalladii horay loo geliyay xasiloonida iyo sii jiritaanka maamulkaas lana joojiyo abaabullada iska soo horjeeda labada dhinac.

Dhinaca Mucaaradka ayuu xusay in uu kala hadlay sidii ay u joojin lahaayeen duullaanka ay ku doonayaan in ay ku qaadaan ciidamada kale ee hoostaga Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen si ay meesha uga saaraan joogisteeda Magaaladaas sida ay ku doodeen uuna sheegay Aadan Madoobe.

Waxa uu bidhaamiyay in Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu Baydhabo ka billaabay in uu qoro dad uu doonayo in ka dhigo Xildhibaanno sidaasina uu ku qabsado Doorasho boob ah oo dadka reer koofur Galbeed sii kala fogaynaysa sida uu ku dooday Aadan Madoobe.

“Cabdicasiis waxa uu rabaa in uu meel fadhiisto oo liis uu qoro kuna dhawaaqo oo si qarda-jeex ah uu u maro doorasho aan loo dhammayn, arrintaas walaalkay waan uga digayaa, wax la aqbali karana ma aha, cid xaq u siisay in uu Xildhibaan qoro ma jirto” Ayuu yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Waxa uu ka digay xiisadda siyaasadeed ee jirta isaga oo tilmaamtay in xaaladda muuqata aanay ahayn mid fudud isla markaana u baahan in wax laga qabto si loo badbaadiyo dhiigga Dadka ku sugan goobaha saansaanta ka jirto sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Aadan Madoobe.

Maxay tahay gogasha Galmudug ay udhigtay Dowladda Federaalka & DG Koofur Galbeed ?

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in maamulkiisa uu gogol u dhigayo Dowlada Federaalka & Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay.

Cali Daahir Ciid ayaa xusay in gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo in ay dhigayaan gogoshaas si ay uwada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo xaliyo khilaafaadka heerka sare gaaray sida uu hadalka u dhigay.

“Galmudug ahaan Gobol baan dhigaynaa oo diyaar ayaan u nahay in aan xalino khilaafka u dhaxeeya Muqdisho & Baydhabo, gobol ayaan dhigaynaa Gaalkacyo, haddii taasi ay socon waysana Dhuusamareeb ayaan dhigaynaa, waala soo dhaafay xiliyadii Shisheeywaxa aan diyaar u nahay in aan kaalinteenna ka qaadano” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka DG Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo looga jawaabay gogoshaan Dowlad-Goboleedka Galmudug u dhigayso si loo xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay labadaan dhinac.

Gawaari u socotay Imaaraatka oo laga dejiyay Kenya.

0

Jimco 20 March 2026 {HMC}Gawaari ku dhow 5,000 oo laga soo raray Dalka Japan una socday Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta gaar ahaan Dubai ayaa laga dajiyay Dekedda Lamu ee Dalka Kenya kaddib markii markabkii waday uu cabsi ka muujiyay colaadda Bariga Dhexe.

Gaadiidkaan waxaa kamid ah Gawaari nooca Raaxada ah oo lacago badan ku fadhiya kuwaas oo la rabay in Dubai marka la geeyo kaddib loo kala iibgeeyo dalal dhaca Qaarado kala duwan oo ku xiran suuqa Gawaarida ee Isutagga Imaaraatka Carabta.

Kenya ayaa fursad u heshay ka faa’iidaysiga Maraakiibta u socota dhinaca Imaaraatka oo gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee Japan uga yimid Dalkaas awoodi waayay in ay sii wadaan ama ay gaaraan Dekedda Dubai oo dhibaato xooggan ay gaarsiiyay Iiraan.

Maamulka Dekedda Lamu ayaa xusay in ay u diyaarsan yihiin soo dhawaynta maraakiibta sida badeecadaha maadaama ay Iiraan ka heleen damaanad-qaad rasmi ah oo la xiriira in ay ka nabadgalayaan beegsiga Dalalka qaar ay ku samaysay.

Maxa baajiyey safarka Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku tagi lahaa Baydhabo ?

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Waxaa maanta baaqday safar qorsheysnaa oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu ku tegi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow xafiiska Guddoomiyaha, safarkan ayaa u baaqday caqabado dhanka maamulka ah oo kala kulmay dhanka maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa qorshuhu ahaa inuu magaalada Baydhabo u tago hawlo la xiriira xallinta xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka ka taagan deegaannada maamulkaas, balse isku daygaas ayaa guul-darreystay.

Baaqashada safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha oo deegaan doorashadiisu tahay Koofur Galbeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed oo lagu faahfaahinayo sababta rasmiga ah ee safarka guddoomiyaha loo hor istaagay, sidoo kale xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaan weli bixin warbixin faahfaahsan oo ku saabsan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

Maxa kadhaheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed go’aanadii uu qaatay Laftagareen ?

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta ayaa soo dhaweeyey Talaabada uu qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, waxayna sheegeen in goluhu taageerayo in ay Koonfur Galbeed ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah loo dhan yahay.

Waxaa weli taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib khilaaf la xiriira hoggaanka maamulkaasi iyo habraaca doorashooyinka iyo wax kabadelka Dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay walaac ku saabsan xaaladda sii murgeysa ee ka jirta Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in arrimaha siyaasadeed lagu xalliyo si waafaqsan dastuurka dalka.

Waxaa lagu xusay warka in tani ay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida shacabka.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kale, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabelle, inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, isla markaana la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga digey ficiladiisa ku wajahan in ciidanka xoogga dalka siyaasad loo adeegsado, danihiisana uu ka shaqeynayo, taas oo ay sheegeen in ay Soomaaliya dhaawac weyn ku tahay.

 

Wasiir Jaamac ayaa u jawaabay Madaxweyne Latagareen oo shalay dhaliilay Dowladda Federaalka.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC}Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa u jawaabay Madaxweynaha Maamulkaasi oo shalay dhaliilay Dowladda Federaalka.

War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiirka ayuu ku sheegay in lagama maarmaan tahay qabashada Doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Koofur Galbeed, isla markaasna aan la aqbali karin in la duwo rajada Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa caddeeyay in mar hore dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha Koofur Galbeed, isla markaasna uu sifo sharci darro ah ku joogo Xukunka.

“Duqa ha loo sheego heshiiska kirada guriga uu ku deganaa wuxuu ku ekaa Dec.19. 2022. Wixii ka dambeeyey gurigaas Isfahan ayuu ku deganaa.
KGS goob Farmaajo mar labaad loo afduubaayo ma noqoneyso, riyada ka kac ee doorasho qof iyo cod ayaa KGS laga qabanaa” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir
Loolankan u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, iyadoo hadallo ay warbaahinta isku mariyeen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay abaabul ciidan ka wado gudaha maamulkaasi, isla markaasna aan tillaabadaasi la aqbali karin.

Laftagareen oo la doortay 19 bishii Decembar ee sannadkii 2018 ayaa muddo xileedkiisa ku ekaa 2022, balse dhowr jeer oo la sameeyay muddo kordhin ay diidanaayeen Mucaaradka, iyadoo Dowladda Federaalka ay ka dooneysay inuu qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah, balse waxaa soo ifbaxay khilaafka labada dhinac.

{DAAWO MUQAALKA Howlgalo Manta ka Socda Sh/Hoose iyo Saraakiil Booqatay.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Howlgalo Manta ka Socda Sh/Hoose iyo Saraakiil Booqatay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE. 

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerada Iiraan .

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarruumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Imaaradka Carabta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarada Iiraan kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo madaxbannaanida dalkaasi.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan dalalka Bariga Dhexe gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska

{DAAWO MUQAALKA DEG DEG :.DFS Oo Ciidamo Haramcad u qaaday Baraawe iyo Buurhakabo.

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} DEG DEG :.DFS Oo Ciidamo Haramcad u qaaday Baraawe iyo Buurhakabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE. 

{DAAWO MUQAALKA} Qatar oo cayrisay Shaqaalihii safaaradda Iran iyada oo digniin Adag soo Saartay

0

Khamiis 19 March 2026 {HMC} Qatar oo cayrisay Shaqaalihii safaaradda Iran iyada oo digniin Adag soo Saartay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE.