Home Blog Page 250

Abdullah bin Marda’oo caan ka ah baraha bulshada ayaa ku geeriyooday shil gaari.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Abdullah bin Marda’ Al-Qahtani “Abu Marda’”, oo ahaa shaqi caan ka ah baraha bulshada una dhashay dalka Sacuudiga, ayaa ku dhintay shil gaari.

Gaariga uu saarnaa oo marar wado uu dayactir ka socday ayaa ku dhacay mashiin dayactirka jidadka ah, waxaana goobta lagu xaqiijiyay geeridiisa, halka laba wiil oo lasocotay laguna kala magacaabo Abu Hissa iyo Dakhiil—ay dhaawacmeen, Dakhiil ayaa lasheegay in uu dhaawaciisu daranyahay hadana uu koma kujiro.

Waaxda taraafikada ee gobolka Hail ayaa sheegtay in baaritaan lagu wado shilka, halka kumannaan taageerayaal ah ay baraha bulshada ka muujiyeen murugo iyo tacsi.

Maanta oo Jimco aheyd dad aad u tiro badan ayaa salaadda janaasada uga tukaday Masjidka Al Rajhi, waxaana lagu aasay qabuuraha Sodiyan ee gobolka Hail.

Xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka oo baaritaan adag la galiyay.

0

Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya ganacsiyada xawaaladaha Soomaalida ee dadka u fududeeya dirista lacagaha dibadda, gaar ahaan kuwa lacagaha loogu diro qoysaska Soomaaliya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay baaritaannada musuqmaasuqa Minnesota oo ay ku badan yihiin Soomaalida.

Madaxweyne Trump ayaa horey u sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay ku lug leeyihiin lacag-dhaqid, inkasta oo aan caddeyn badan loo hayn.

Tallaabadan cusub waxay timid kaddib kiis musuqmaasuq ah oo lagu eedeeyay hay’ad lagu magacaabo Feeding Our Future, oo loo haysto inay lunsatay $300 milyan oo loogu talagalay cuntooyinka carruurta intii lagu jiray Covid-19.

Warbixin uu soo xigtay xoghayaha Hantida, Bessent, ayaa sheegtay in lacagaha laga dhacay barnaamijyada dowladda ay gaareen Al-Shabaab. Warbixintan kuma jiraan caddeymo rasmi ah, mana jiro qof loo xiray eeddaas.

Bessent wuxuu sheegay in Wasaaradda Hantidu ay soo saari doonto amar cusub oo ah in shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ay keenaan xog dheeri ah oo lagu hubinayo macaamiladooda.

Hay’adda FinCEN oo la dagaallanta lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ayaa arrintan qayb ka noqon doonta. IRS-na waxay baari doontaa shirkadaha lagu eedeeyo musuqmaasuqa.

Bessent wuxuu sheegay in shaqaalaha Wasaaradda Hantida ay hadda goobaha ku sugan yihiin, oo ay wadaan baaritaanno si ay runta u ogaadaan.

Israa’iil oo isku diyaarinaysa weerar ay ku qaado Iiraan

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Sida ay sheegeeyso xog uu baahiyay mid kamid ah warbaahinta yahuud, Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa weerar ay ku qaado Dowladda Iiraan.

ka hor waxay inta aysan weerarin Iran Israa’iil waxa ay weerarro ka fulin doontaa Dalka Lubnaan, si ay beegsado ururka Xisbullah oo laga hortaggo inuu ku biiro weerarrada suragal ah ee Israa’iil ay ku qaadayso Iiraan,

Duulaanka ay israaiil ku qaadeyso iran ayaa waxa uu imanaa xili dhawaan ay ku fashilantay israiil weerkii ay ku qaaday Iran Bartamihii sanadka sida ay waxyar ka hor werisey Al Jazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Kanaalka 12.

Madaxweynaha Vietnam, oo waraaqaha aqoonsiga denjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Vietnam, Lương Cường ayaa waraaqaha aqoonsiga denjirenimo ka guddoomay Danjiraha JFS Hodan Cismaan oo noqonaysa diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee si rasmi ah loogu aqoonsado Vietnam heer danjire, iyada oo loo qaabiley si maamuus-sare leh.

Danjire Hodan ayaa JFS🇸🇴 u fadhida dalka Shiinaha & sida oo kale qaar ka mid ah dalalka Koonfur-bari Aasiya.

Vietnam maanta waa mid ka mid ah dhaqaalaha hormuudka ka ah dunida, kuna jirta 30-ka dal ee ugu waaweyn dhaqaale ahaan, iyadoo si xawli ah u kobcaysa, iyada oo khibrad muuqata u leh dhinacyada warshadaha, beeraha, wax-soo-saarka iyo ganacsiga.

Duulimaadyada Hargaysa iyo Muqdisho oo gaareen heerkii ugu saraysay Xili Somaliland ay Sheegtay in ay Joojisay.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Garoonka caalamiga ah ee Hargaysa ee Cigaal ayaa asbuucii hela 65 duulimaad, 24 ah ka mid ah waa Muqdisho iyo Hargaysa.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ay joojisay duulimaadyada Muqdisho iyo Hargaysa balse ma dhaqan galin. Saraakiisha garoonka ayaa sheegay in duulimaadyada Hargaysa iyo Muqdisho ay gaareen heerkii ugu saraysay taariikhda.

Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo ah duulimaad caalami ah iyo kuwa gadaha ayuu u adeegaa Garoonka Hargaysa oo muhiim u ah ganacsiga iyo socdaalka Somaliland iyo Caalamka.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa xaqiijiyay muhiimada xiriir saaxiibtinimo.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Soomaaliya iyo Serbia ayaa xaqiijiyay muhiimada xiriir saaxiibtinimo oo xooggan, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha kor u qaadista iskaashiga labada dal. Kulankii labada dhinac dhexmaray waxaa lagu adkeeyay inay muhiimad gaar ah siinayaan horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, beeraha iyo tignoolajiyada casriga ah.

Labada dal ayaa ballanqaaday in ay sii xoojiyaan xiriirka laba geesoodka ah si ay uga faa’iidaystaan fursadaha wada jirka ah.

Puntland oo gacanta ku dhigay Doon sidday buddooyinka laga sameeyo qaraxyada.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Ciidamada PMPF Puntland ayaa gacanta ku dhigay Doon sidday buddooyinka laga sameeyo qaraxyada oo maraysay xeebta Eyl, iyo Dadkii wadday oo labo kamid ah ay yihiin Yemeniyiin, halka 5 kalena ay yihiin Soomaali, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada PMPF.

“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda ee degmada Eyl ayaa gacanta ku dhigay Doon siddey Budooyinka laga samee qaraxyada, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo lagu farsameeyo jaadadka qaraxyada waxyeelada ba’an-geysta.”

“Doonta iyo Dadka saarnaa oo gaarayey 7 ruux oo 2 ka mid ah yihiin Yamani, 5-ta kalena Soomaali ayaa dhammaantood kujira gacanta ciidanka.”

Mareykanka oo Dadka Itoobiyaanka ka saaray Barnaamijkii Tarxiilka ahaa Temporary Protected Status (TPS)

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ayaa maanta ku dhawaaqday in la joojiyay barnaamijkii Temporary Protected Status (TPS) ee Itoobiya, barnaamijkaas oo markii hore loo bixiyay si loogu ilaaliyo muwaadiniinta Itoobiya xaaladihii colaadeed iyo amni-darro ee dalkooda ka jiray.

USCIS ayaa sheegay in TPS uu yahay mid ku meel gaar ah, isla markaana Itoobiya aanay hadda buuxin shuruudihii khatarta amni ee horay loogu aqoonsaday.

Sidaas darteed, go’aanka lagu joojinayo TPS-ga Itoobiya ayaa lagu macneeyay “in dib loogu soo celinayo habsami u socodka nidaamka socdaalka Mareykanka.”

Muwaadiniinta Itoobiya ee aan haysan sharci kale oo ay ku joogaan dalka Maraykanka waxaa la siiyay 60 maalmood si ay si iskood ah uga baxaan Mareykanka.

Ka dib 13 Febraayo 2026, Maraykanka waxa uu xaq u leedahay inay qabato oo dalkooda ku celiyo qof kasta oo Itoobiyaan ah oo aan sharci lahayn.

Donald J. Trump, ayaa sidaan oo kale ka joojiyay dadka Soomaaliyeed asbuuc ka hor waxaana muuqata in hada la beegsanaya dhamaan dadka madowga ah ee Maraykanka ku nool.

IGAD oo sheegtay in ay ka shalaayneyso in Eritrea ka baxday Ururka.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} IGAD ayaa sheegtay in ay ka “shalaynayso” in Eritrea ka baxday Ururka oo muuqda mid gacanta u galay Itoobiya. IGAD ayaa sheegtay in Eritrea aysan ka qaybgalin kulamada iyo shaqooyinka ururka tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay Ururka sanadkii 2023.

Eritrea, ayaa sanadkii 2007 sidaan oo kale ka baxday Ururka markaas oo diiday go’aankii ciidanka Itoobiya ku weerareen Muqdisho.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 ku goodisay in ay ka baxayso Ururka ka dib hadal dhex dhexaad u muuqday oo ururka ka soo saaray markii Itoobiya ay heshiiskii muranka dhaliyay la gashay Muuse Biixi Cabdi madaxweynihii hore ee Soomaaliland.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay ajandaha shirka Kismaayo.

0

Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay ajandaha shirka mcuaaradka isugu imaan doonaan magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay in la helo aragti mideysa mucaaradka Soomaaliya.

Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamay in shirka Kismaayo uu diiradda saarayo in la helo hannaan doorasho oo suurtagal ah, caddaalad ah oo ay bulshada oo dhami ka qaybqaadan karto.

Wuxuu si cad u beeniyay wararka sheegaya in qorshahoodu yahay in ay dhisaan dowlad cusub.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Golaha Samata-bixinta iyo shirka guud ee Soomaalida ay yihiin madallo muhiim ah oo lagu falanqeeyo arrimaha qaranka, isla markaana ka qaybgalayaashu yihiin shakhsiyaad mudan in la dhageysto, lagana faa’iidaysto taladooda ku saabsan dowlad-dhisidda iyo doorashooyinka.

Isagoo ka hadlayay doorashooyinka dowladdu ku qabaneyso Muqdisho ee Golaha Deegaanka, ayuu sheegay in aanay xal u noqon karin waxa uu ku tilmaamay fashilka dowladda ee arrimaha doorashooyinka.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka dib ugu celinayo hubanti la’aan siyaasadeed, isagoo ka digay in haddii dowladdu ku guuldaraysato doorashooyinka dalka ay adkaan doonto in dalka uu kasoo kabto burburka gaara.