Home Blog Page 2501

DENI oo kulan qarsoodi ah Garowe kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan qarsoodi ah madaxtooyada kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo shalay galab soo gaaray Garowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Saraakiishan, oo la dajiyay Hotel caan ah oo ku yaalla Garowe, ayaa kulan dheer oo saacado badan ah la qaatay Deni, balse illaa iyo hadda xog lagama hayo wax ay ka wada-hadleen.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo Saciid Deni uu shalay un kasoo laabtay dalka Itoobiya, taasi oo dhalineysa su’aal ah; sababta uu sirdoonka Itoobiya ugu qaabilay Garowe maadaama uu ka yimid caasimadooda.

Waxa uu sidoo kale kulanka imanaya ayada oo aad uu u xun yahay xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.

Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba diiday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda Federaalka ee xiritaanka qunsuliydaha.

Somaliland waxay ku dooday inay tahay “dal madax-banaan” oo aysan aqoonsaneyn amarka Dowladda Federaalka, halka maamulka Saciid Deni uu qiil ka dhigtay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ay xilligaas soo saartay.

“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30-04-2024}

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow

farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Kulan ciyaareed udhaxeeya macalimiinta iyo bahda wariyayaasha oo lagu qabtay magaalada baladwayne

0

Talaado-30-April -2024 {HMC} Kulan ciyaareed udhaxeeya macalimiinta iyo bahda wariyayaasha oo lagu qabtay magaalada baladwayne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha ciidanka XDS oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah

0

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliyaha ciidanka XDS oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Mareykan ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xubin katirsan gudiga arrimaha dibada ee Sanateka Maraykanka oo ku baqay in lala macamilo Somaliland

0

Talaado-30-April -2024 {HMC} Xubin katirsan gudiga arrimaha dibada ee Sanateka Maraykanka oo ku baqay in lala macamilo Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Boliiska Gobalka Banaadir oo soo Qabtey Eedeysane ku eedaysan inuu Dil geeystay

0

Talaado-30-April -2024 {HMC} Boliiska Gobalka Banaadir oo soo Qabtey Eedeysane ku eedaysan inuu Dil geeystay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Jaamacad Maraykan ah oo xayiraad ku soo rogtay arday Samaysay mudaharaado lagu taageerayo Falastiin.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucday, xubnaha ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, ka dib markii ay xubnaha soo abaabulay mudaharaadada iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayeen sidii loosoo afjari lahaa debedbaxyada.

Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey ardayda soo abaabushay mudaharaadadan iyo masuuliyiinta Jaamacaddu, inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda Jaamacadda, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qaza.

Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaado kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza.

Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta.

Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii, in haddii ay ka guuri waayaan barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, isla markaana aanay awoodi doonin inay dhamaystaan waxbarashadooda.

Kadib fadeexadii musuq-maasuqa Taliyaha ciidanka XDS oo kulan la qaatay Saraakiil kasocoto Mareykanka.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay xoojinta taageerada dagaalka dalka looga xureynayo al shabaab, isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgal balaaran oo labada dhinac iska kaashan doonaan.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

Kulankan ayaa ku soo aaday xili Mareykanka uu joojiyey taageeradii dhinaca saadka raashiinka ee uu siin jiray ciidamada xoogga dalka ee DANAB ka dib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira inuu dhacay musuq.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageerada siiya ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira al shabaab, isagoo ka caawiwa dhinacyada Saadka, tababarada iyo howlgalada gaarka ah.

Maraykanka oo Xamaas ugu baaqay inay aqbalaan hindisaha cusub ee Israa’iil

Talaado-30-April -2024 {HMC} Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay Isniintii inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho, waxa uu ugu yeedhay, dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.

Dhinaca kale Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO