Talaado-30-April -2024 {HMC} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Talaado-30-April -2024 {HMC} Qarax Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Duleedka Baladweyne.
Talaado-30-April -2024 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa baaq culus u dirtay beesha caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, oo nabad-sugidda u xirtay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka dalbaday caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.
Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socoto xariga iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’addo dawladeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Waxa uuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xoriyadooda loo soo celiyo dadkaasi xiran, oo uu tilmaamay in jirdil loo geystay, islamarkaana sifo sharci darro ah u xiran yihiin tan iyo bartamihii Febraayo, iyada oo aan loo haynin wax lagu xukumo
Wasiir Ciise Keyd ayaa ugu dambeyntiina soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya hay’addaha ICAO iyo WFP
1. Mubaarig Nuur Cali – ICAO
2. Nuuradiin Ileeye – ICAO)
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
4. Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
5. Almis Saleebaan –WFP
Horey waxaa warbaahinta dhowr jeer kasoo muuqday ehellada raggan u xiran nabad-sugidda Soomaaliya, iyagoo sheegay in jirdil ba’an loogu geysto si joogto ah, ayna aad u liidato xaaladooda.
Dhalinyaradan oo u badan reer waqooyi ayaa loo soo qabtay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.
Talaado-30-April -2024 {HMC} Shiinaha ayaa asbuucaan hawada sare u diraya dayax-gacmeed oo uu ciidd iyo dhagxaan ka soo ururiyo dhinaca gadaale ee dayaxa ee aan ku soo jeedin dhulka.
Shiinuhu wuxuu horumar ka sameeyay sahaminta dayaxa, kagana hormaray Mareykanka iyo Ruushka. Wuxuu dhawaan xaqiijiyay in aaga dayaxa laga helayo biyo baraf ah.
NASA oo ah hay’ad lagaleeyahay maraykan ka ayaa walaac ka muujisay hawlgalka shiinuhu ku tagayo dayaxa ayagooo sheegay in ay ka walwal qabaan in shiinuhu hadhoow sheegto biyahaya dayaxa in isagu uuleeyahaay.
Hawlgalka dayaxa ee Shiinaha ayaa noqonaya mid aan waddan waligeed samayn oo ah in dayaxa dhinaca shishe looga baxo halka hawlgaladii gore ee lasameeyay ay ku ekaayeen afka hore ee dayaxa dhanka ku soo jeeda dhulka
NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha
Talaado-30-April -2024 {HMC} Dahabka Soomaaliya laga dhoofiyo iyo gobalada laga soo saaro
Talaado-30-April -2024 {HMC} Markab nuuca xamuulka qaada ah oo ka shiraacday dekad kutaalla dalka Jabuuti ayaa lagu weeraray biyaha dalka Yemen, xilli markabkaasi uu kusii jeeday dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa la sheegay in saddex gantaal ku tuureen markabkan ka shiraacday dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in mid kamid ah gantaalada uu ku dhacay markabka uuna waxyeelo geestay.
Shirkadda UK u qaaabilsan ammaanka Baddaha (The British maritime security firm) ayaa sheegtay in markabka lagu weeraray saddex gantaal, waxa ayna sheegeen in uu jiro khasaaro soo gaaray markabka la weeraray
Markabka weerarka la kulmay ayaa waxaa ka babanayay calanka dalka Malta, waxaana masuuliyadda weerarkan si cad u sheegatay kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen.
Xuutiyiinta ayaa si joogta ah u weerarada maraakiibta shisheeye ee isticmaala badda cas, waxa ayna marar badan gantaalo ku weerareen maraakiib dhowr ah oo qaarkood waxyeelo kasoo gaartay weerarka.
Talaado-30-April -2024 {HMC} Maxamed Yoonis Bashiir Bu Xuweysh Al-Menfi oo ah Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya (The Presidential Council) waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Ergay Khaas ah oo ka socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Yuusuf Axmed oo ah La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha JFS waxa uu Al-Menfi gaarsiiyey Dhambaal Qoraal ah oo uu u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaabilaadaasi waxay ka dhacday Xarunta Golaha Madaxtooyada Libya oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Libya
Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya (PC) oo Qaabilaadaasi la hadlay waxa uu ka hadlay Xiriirka laba Geesoodka ee u dhexeeya Somalia iyo Libya, isagoo diirada saaray Xiriirka xoogan ee dhinacyada badan taabanayo.
Waxa kale oo uu diirada saaray Xoojinta Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.
Xafiiska Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Nuxurka Dhambaalka Khaaska ee uu Madaxweynaha JFS u soo diray dhigiisa dalkaasi.
Wafdiga uu horkacayey La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka koobnaa 4 Xubnood waxaa ka mid ahaa Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ah Diblomaasi Rug-Cadaa ah.
Talaado-30-April -2024 {HMC} khasaaro kala Duwan oo ka dhashay Dagaal AS iyo Ciidamada Deegaanka ku dhaxmaray Galbeedka G/Hiiraan
Talaado-30-April -2024 {HMC} Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyey dil 28-kii April ka dhacay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag oo loo gaystay Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood iyo Maxamed Axmed Aadan Ducaale.
War-saxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in dilkaas ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan maamulka Somaliland, ujeedkuna uu ahaa in gobolka laga huriyo colaad beeleed, sida hadalka loo dhigay. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.
Taariikhdu markay ahayd 28.04.2024 waxaa lagu dilay deegaanka Laymadh ee Gobolka Sanaag. Alle ha unaxariistee Marxuum Cismaan Maxamuud Colgondood & Maxamed Axmed Aadan Ducaale.
Dilkaas waxaa gaystay maleeshiyaadka Somaliland, kuwaas oo muddaba wadey in ay colaad ka huriyaan deegaannada gobolka Sanaag. Sida la ogyahay Somaliland waxay ciidammo maleeshiyaad ah ku uruurisay Galbeedka Gobolka Sanaag. Ciidammadaas oo u jeedkoodu yahay inay mar kale dhibaato u geystaan shacabka reer SSC-khaatumo ee ku dhaqan gobolka Sanaag, iyagoo baahinaya colaadda iyo amni darrada uu ku fooggan yahay maamulka Soomaali-diidka ah iyo horjoogahooda danbiile muuse Biixi.
Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ummadda Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u caddaynayaa in wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dilalka qorshaysan ee loo geysanayo shacabka SSC-Khaatumo uu masuuliyaddeeda qaadayo taliska ka arrimiya Hargeysa oo weli u oomman inuu daadiyo dhiig hor leh.
Ugu dambayn, maamulka SSC-khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran deegaankiisa iyo shacabkiisaba wuxuu caddaynayaa in uusan marna aqbali doonin duullaanka gardarrada ah ee ay Somaliland ku waddo guud ahaan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.
Talaado-30-April -2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan qarsoodi ah madaxtooyada kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo shalay galab soo gaaray Garowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Saraakiishan, oo la dajiyay Hotel caan ah oo ku yaalla Garowe, ayaa kulan dheer oo saacado badan ah la qaatay Deni, balse illaa iyo hadda xog lagama hayo wax ay ka wada-hadleen.
Kulanka ayaa imanaya ayada oo Saciid Deni uu shalay un kasoo laabtay dalka Itoobiya, taasi oo dhalineysa su’aal ah; sababta uu sirdoonka Itoobiya ugu qaabilay Garowe maadaama uu ka yimid caasimadooda.
Waxa uu sidoo kale kulanka imanaya ayada oo aad uu u xun yahay xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.
Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba diiday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda Federaalka ee xiritaanka qunsuliydaha.
Somaliland waxay ku dooday inay tahay “dal madax-banaan” oo aysan aqoonsaneyn amarka Dowladda Federaalka, halka maamulka Saciid Deni uu qiil ka dhigtay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.
Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ay xilligaas soo saartay.
“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.
“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”
Talaado-30-April -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud