Home Blog Page 252

Waqtiga Laqabanaayo Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo shaaciyay.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Cali Cabdi Maxamed Shiinno Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Tartanka Kubadda Cagta Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu dib u bilaaban doono bilowga sanadka 2026, kaddib labo sano oo hakad ku yimid.

Gudoomiye Shiinno ayaa xaqiijiyay in isku-aadka tartanka la qaban doono 22-ka December 2025, halka kulammada rasmiga ah ay bilaaban doonaan 24-ka January 2026 sida xiriirka uu qorsheenayo.

Madaxweynaha SFF ayaa sheegay in tartanka oo dhan ay si toos ah u maamuli doonto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyadoona Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ay yeelan doonto taageero farsamo.

Tani waxay muujinaysaa isku-duwid heer qaran ah oo lagu doonayo in tartanka laga dhigo mid nidaamsan oo xirfad leh.

Cali Shiinno ayaa xusay in sanadkan ay markii ugu horreysay ka qaybgali doonto Maamulka Waqooyi Bari, taas oo kor u qaadaysa tirada maamullada tartamaya.

Tartankii ugu dambeeyay ee heer dowlad-goboleed waxa la qabtay January 2024, waxaana ku guuleystay Galmudug, oo ka adkaatay dhiggeeda Banaadir kadib ciyaaro aad u xiiso badan oo ay labada dhinac soo bandhigeen.

Tartankaas waxaa aad loo xusay ciyaaryahannadii dhalinyarada ahaa ee ka soo muuqday, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ku biiray kooxo heer sare ah oo gudaha dalka ka ciyaara.

Turkey oo Dib Ugu Celinaayo Ruushka Nidaamka difaaca cirka ee S-400.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkey ayaa qorsheynaysa in ay nidaamka difaaca cirka ee S-400 dib ugu celiso Dowladda Ruushka.

Haddii taasi dhacdo, Ruushka ayaa la sheegay inuu dib u iibin doono, taasoo ka saari karta Maraykanka sababtii uu Turkiga uga hor istaagay barnaamijka diyaaradaha F-35.

Saraakiisha Turkey ayaa sheegay in qorshahaan la dhaqangalinayo, islamarkaana ay suuragal tahay in xal laga gaaro khilaafka labada dal. Maraykanka ayaa shuruud ka dhigay in aan diyaaradaan laga iibin doonin Turkey inta ay haysato nidaamka difaaca Ruushka.

Haddii taas la dhamaystiro, waxay Turkiga u furi kartaa waddada dib ugu soo laabashada barnaamijka F-35.

Lacagtii lagu dhisilahaa wadada Laamiga ah ee isku Xirta Baladweyne iyo Feerfeer oo la ansixiyay.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay $76.37 milyan si loo horumariyo waddooyinka Soomaaliya, ee qaybta ka ah mashruuca Horn of Africa Corridor. Lacagta waxaa bixinaya African Development Fund iyo Transition Support Facility.

Mashruucu wuxuu casriyeynayaa waddooyin muhiim ah (Zaylac–Asha Addo 15 km, Beled Weyne–Kalabeyr 22 km), kor u qaadaya ganacsiga xuduudaha, isku xirka gobolka, iyo taageeridda bulshada iyadoo la dhisayo ceelal, suuqyo, bakhaaro, xarumo caafimaad iyo fasallo lagu barto xirfadaha.

Wasiir Fiqi oo ujawaabay Madaxweyne Trump.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uusan aqbali doonin in layaso, kadib markii madaxweyne Donald Trump mar kale aflagaado u jeediyay Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah.

Fiqi oo qoraal u diray wakaaladda Reuters ayaa ugu baaqay Trump inuu diiradda saaro ballan-qaadyadiisa uu u sameeyay shacabka Mareykanka, halkii uu waqtiga uga lumin lahaa arrimaha Soomaaliya.

Inkasta oo uu uga mahadceliyay Maraykanka taageerada militari ee uu siiyo Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, haddana waxa uu si cad u diiday ereyada uu Trump ku tilmaamay dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaannaa adkeysi, karti iyo shaqo-jaceyl. Waxay wajahaan dhibaatooyin badan iyo cadow badan ka imaanaya kuwaas oo xitaa diidan jiritaankooda balse way ka gudbeen oo mar walba way guulaysanayeen.”

Puntland oo maanta koox ajaaniib dalxiisayaal ah ka hor istaagey in ay ka dhoofaan Garoowe.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Laamaha Ammaanka Puntland ayaa maanta koox ajaaniib dalxiisayaal ah ka hor istaagey in ay ka dhoofaan Magaalada Garoowe,

Ajaanibtan Dalxiisayaasha ah ayaa loo haystoa in socdaal aysan ogaysiin Puntland ku tageen magaalada Laascaanood, sida ay inoo xaqiijiyeel ilo amni.

Kooxdan Dalxiisayaasha ah ayaa  ku wajahan Magaalada Muqdisho ayaa caawa ku hoyday Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay berri ka duulayaan.

Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo weli ka soo baxday Maamulka Puntland iyo dalxiisayaasha midna.

Israa’iil oo markii u horreysay shaacisay in uu bilowday xiriir ay la yeelanayaan Soomaaliya.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Israa’iil ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu bilowday xiriir gaar ah oo ay la yeelanayaan dawladda Soomaaliya , gaar ahaan wax lagu sheegay ‘danaha ay wadaagaan’ ee la xiriira ka hortagga saameynta Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Majiro hada xiriir rasmi ah oo horey Soomaaliya iyo Israa’iil u yeesheen , hadana wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil, Sharren Haskel ayaa waraysi muuqaal ah oo ay siisay warbaahinta Israa’iil ka soo baxda ee i24NEWS, waxay ku sheegtay Soomaaliya inay tahay dal saameyn ku leh dhaqaalaha, kalluumaysiga.

Marin-biyoodka ganacsiga iyo badeecadaha caalamka ka gudba Bab al-Mandab, taana ay Soomaaliya ka dhigayso dal muhiim u ah arrimaha badda cas iyo nabadgalyada caalamka.

Xiriirkan waxaa lagu sheegay inuu ka dhashay khatarta ay Soomaaliya ka wajahayso Xuutiyiinta ee ka dhalanaysa iskaashiga ay yeelanayaan Xuutiga iyo kooxda AS, iyadoo la tixraacayo warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu sheegay inuu jiro xiriir kobcaya oo u dhaxeeya AS iyo Xuutiyiinta.

Dawladda Soomaaliya horey ugama hadlin xiriirka gaarka ah ee dhex maray Muqdisho iyo Telaabiib, lamana shaacin xafiisyada ama saraakiisha xiriirkan ku metalay Soomaaliya, kaa oo ku soo aaddaya xilli ay Israa’iil ballaarinayso iskaashigeeda geeska Afrika.

{DAAWO MUQAALKA} Go’ aan laga soo saartay Hubka sharci darada ku soo gala Soomaaliya.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aano kasoo saartay Hubka sida sharci darada ah ku soo galo gudaha Dalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTAN 

Prime Minister Barre Discusses Strategic Investment and Humanitarian Aid with Saudi Ambassador

0

Thursday December 11, 2025 (HMC)  Prime Minister Hamza Abdi Barre hosted a high-level diplomatic meeting at his office on Thursday, receiving the Ambassador of the Kingdom of Saudi Arabia to Somalia, Ahmed Bin Mohamed Salah Al-Muwallad. The discussions centered on bolstering the historic bilateral relations between the two nations, with a specific focus on expanding economic cooperation and accelerating development initiatives.

The meeting provided an opportunity for both leaders to review the current state of cooperation across security, economic investment, and social affairs. A primary objective of the dialogue was to identify mechanisms to fast-track development projects currently funded by Saudi Arabia, ensuring they deliver tangible benefits to the Somali people without delay.

During the exchange, Prime Minister Barre expressed the Federal Government’s gratitude for the unwavering support provided by Riyadh. He noted that the Kingdom has consistently stood with the Somali government and its citizens during challenging periods.

Looking toward the future, the Prime Minister emphasized the importance of transitioning from aid to trade. He specifically advocated for increased Saudi investment in Somalia’s critical infrastructure, describing it as a necessary engine for the country’s economic recovery and long-term stability.

Given the presence of Mohamud Moallim Abdulle, the Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SoDMA), the meeting also addressed the humanitarian landscape. The officials discussed the Kingdom’s vital role in delivering emergency assistance to communities affected by climate shocks. Both parties agreed on the need to coordinate efforts to reach vulnerable populations still recovering from the impact of severe droughts.

Ambassador Al-Muwallad reaffirmed the Kingdom’s commitment to its strategic partnership with Somalia. He assured the Prime Minister that Saudi Arabia is ready to scale up its support, not only through humanitarian channels but also by implementing new development projects that align with Somalia’s national transformation goals.

The meeting was also attended by the Permanent Secretary of the Prime Minister’s Office, Kamal Dahir Guutaale, and other senior government officials.

Source Sonna

DFS oo mudo ka dib markii ugu horaysay soo saartay cutub cusub oo ka tirsan gaarka ah ee Haramcad.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mudo ka dib markii ugu horaysay soo saartay cutub cusub oo ka tirsan gaarka ah ee Haramcad kuwaas oo ku biiraya ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Tababarka waxaa bixinaayay saraakiil ka socotay ciidanka gaar ah booliska Turkey ee loo yaqaano Ozel Harekat waxaana la baray ka hortaga qaraxyada, fulinta howlgalada gaar ah iyo farsamooyinka ciidanka gaarka ag ee booliska Soomaaliya.

Diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha oo gudaha u galay Hawada Japan.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Ruushka iyo Shiinaha ayaa toddobaadkan joogteeyay inay diyaaraddo dagaal ku duuliyeen hawada ku dhow dalalka xulafada la ah Mareykanka ee Japan iyo Koonfur Kuuriya , iyadoo dhaqdhaqaaqan uu cabsi geliyay labada dal, wuxuu ku qasbanaaday Mareykanka inuu diyaaradihiisa istaraatijiga ah ee nukliyeerka xambeera ee B-52 geeyo aagga ay ku duuliyaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ,

Waxayna diyaaradaha Mareykanka dhoolatus la sameeyeen diyaaradaha Japan ee F-35 iyo F-15, tallaabo ay Japan ku sheegay mid lagu xaqiijinayo sida labada dal ay uga hortagayaan iskudey kasta oo xoog dagaal loo adeegsanayo, sida ay werisey Reuters.