Home Blog Page 253

Wasiir Fiqi oo weerarka afka ah ku qaaday Mucaaradka.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Mucaaradka dowladda ka hor yimaadeen saddex horumar uu sheegay in wax laga qabtay.

Fiqi ayaa sheegay in Madasha Samatabixinta ay diideen; doorasho, dastuur, iyo amniga, isaga oo yiri, “Doorasho waa diideen, dastuur waa diideen, haddana Amniga jira ee shisheeye iyo shacabba la wada qirayo ayay muran gelinayaaan.”

Hadalkaan uu Wasiir Fiqi ku faafiyay bartiisa Facebook ayaa uga falceliyay wareysi uu dhawaan bixiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaas uu uga warramayey xaaladda guud ee dalka sida; doorashooyinka, amniga iyo dhameestirka dastuurka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho bishan taariikh dhigi doonta, iyada oo dooraneysa, “dad ay kala xisaabtami karto amniga iyo horumarka, qofkii intaas diidanna waa mid shabaabka la jecel in ay dalka ka taliyaan,” sida uu ku yiri qaraalkiisa.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa todobaadkaan Muqdisho ka waday isku soo baxyo ay ku mujinayaan sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hirgalinta doorasho dadweyne iyo sida ay shacabka Muqdisho uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada loo asteeyey in gobolka Banaadir ka dhacdo December 25, 2025.

Duqeymo laga fuliyay gobolka Jubbada Dhexe

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday degmada Jilib oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in la duqeeyay goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan AS oo ku taalla degmada Jilib, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Bayaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu xusay in duqeyn la gaarey hadafkii laga lahaa, isla markaasna dhawaan la bixin doono faahfaahin dheeraad ah.

Howlagalka duqeynta ayaa waxaa fuliyay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka AS gaar ahaan dowladda Mareykanka.

Sidaan oo kale saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyay tuulada Jambaluul ee hoos timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, inkasta oo dad rayid ah khasaare ka soo gaarey howlgalkaasi.

Muxuu yahay dalabka DF ay u gudbisay Mareykanka.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan dalab culus u gudbisay Mareykanka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan abaaraha laga soo sheegayo gobollada qaar.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta la kulmay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV, waxaana kulankooda ay diiradda ku saareen xaqiijinta iskaashi bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, xilli Maraykanku ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca gargaarka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyay in ka badan USD 7 bilyan oo gargaar iyo kaalmo horumarineed ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii ay Washington mar kale door muuqda uga qaadan lahayd iskaashiga lagu wajahayo abaarta hadda ka taagan dalka iyo caqabadaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa safaaradda iyo dowladda Maraykanka ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka dadka tabaaleysan, wuxuuna sidoo kale kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku aaddan howlgallada bani’aadannimo iyo guud ahaan dadaallda muddada dheer ah ee geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in keydkii cuntada degdegga ahaa ee dalka uu gebi ahaanba faaruqay, xilli ay dalka ka jirto xaalad bini’aadantinimo oo daran.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay halista xaaladda taagan ayaa sidoo kale ka digay in dowladda aysan awood u lahayn inay si wax-ku-ool ah u taakuleyso tirada sii kordheysa ee dadka ay abaartu saameysay.

“Ilaahay unbaa umaddan u maqan, ka bacdina culimada Soomaaliyeed, waa in dadka muslimiinta ah aad u gashaan oo runtii dadka loo gurmado,” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Si kastaba, Tani waxay imaaneysa xilli malaayiin dollar oo gargaar shisheeye ah hore loogu qoondeeyay in lagu taageero bulshooyinka ay abaartu ku sii xoogaysaneyso, uuna dhawaan Shiinuhu ku wareejiyay hay’adda SODMA hal milyan oo dollar oo loogu talagalay gurmadka abaaraha.

 

Cabdul Shiikh Daahir oo kamid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqo Soomaaliya Minneapolis. oo Xabsiga la dhigay.

0

Khamiis 11, Dec 2025 {HMC} Wararka ka imanaya Gobolka Minnesota ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) oo muddo 30 sano ah sharci ku lahaa Dalka Maraykaka.

Cabdul ayaa waxa uu ka mid yahay dadka u dhaqdhaqaaqo bulshada (Community activist) si weynna looga yaqaan magaalada Minneapolis.

Cabdul waxaa uu leeyahay 5 caruur ah iyo xaas, waxa ayna dagan yihiin Magaaladda Minneapolis.

Wuxuu la shaqeeyay siyaasiyiin badan oo heerar kala duwan ah.

Mr Cabdul Waligiis lama xirin, weligii dembi looma xukumin, mana uu gelin wax fal dambiyeed ah sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah Jaaliyadda Magaaladda Minneapolis oo noo warramay.

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Mareykanka (U.S. House of Representatives) iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Minneapolis ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ilhaan iyo Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) ay walaalo yihiin
Cabdul Sh. Daahir Sh. Ibraahim (Baraawe) ayaa ka soo jeedo qoys deggan Degmadda Kaxda Iyo Magaalada Hargaysa oo aad looga yaqaano Aabihiis.

Taliska Militeriga Soomaaliya oo war ka soo saaray qarax ka dhacay xerada ciidanka Jeneraal Dhaga-badan.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay toogteen nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo isku dayay inuu galo Xerada Jeneraal Dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Shiikh Shariif “Doorashada qof iyo cod magac uun bay ka tahay.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Shiikh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in dadka Soomaaliyeed aan weli loo diyaarin hannaan doorasho oo dhab ah oo qof iyo cod ah, isla markaana uu jiro khatar weyn oo ku saabsan amniga iyo mustaqbalka dalka.

Shariif Shiikh Axmed ayaa ku dooday in doorashada ay dowladda hadda waddo ay tahay mid aan ka tarjumeyn xaqiiqada dalka, islamarkaana ay ku kooban tahay hadal siyaasadeed oo aan weli lahayn ficil muuqda iyo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu isku raacsan yihiin.

“Doorashada qof iyo codka hadal keliya laguma gaaro, waxay u baahan tahay shuruuc, xisbiyo shaqaynaya, iyo amni la isku halleyn karo,” ayuu yiri Madaxweynaha hore oo wareysiga siiyay BBC-da laanteedi Af Soomaaliga ah.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, wuxuu tilmaamay inay jiraan cabsi dhab ah oo ku saabsan sii jireenka dowladnimada haddii aan la helin qorshe lagu mideysan yahay.

Wuxuu sheegay in xaaladda amni ay marayso heer khatar ah, taas oo keentay in dadka qaar ay ka welwelaan sida ay u ekaan doonto Soomaaliya sanadaha soo socda.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah u dhaliilay guddiga doorashada ee ay dhawaan magacaawday dowladda, isagoo ku tilmaamay mid aan lagu heshiin oo aan metelin talada guud ee dalka.

“Farsamo ahaan marka la eego, waxaa loo baahan yahay guddi la isla oggol yahay, balse mid uu magacawdo hal dhinac oo kaliya ma horseedayo kalsooni,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in hal xisbi oo keliya, gaar ahaan midka la xiriira Villa Soomaaliya, uu ka muuqdo dhammaan hannaanka siyaasadda, taas oo uu ku tilmaamay arrin dhaawaceysa tartanka xisbiyada iyo dimoqraadiyadda.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu dowladda ugu baaqay inay la timaaddo hannaan siyaasadeed oo lagu heshiiyay, si looga fogaado khilaaf hor leh oo dowladda iyo mucaaradka, laguna badbaadiyo dowladnimada Soomaaliyeed.

12 xubnood oo ka tirsan Kooxda AS oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo, ayaa intii uu socday isu badalay dagaal fool-ka-fool ah, iyada oo uu cadawga Khawaarijta Hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla markaana, waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo Dowladdu ay gacanta ku heyso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad.

Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga dhismaha Gudiga madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Gudiga madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Sharcigan uu saxiixay madaxweynaha waxaa horay u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxiixa madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhigayaa mid si rasmi ah u dhaqan galaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in talaabadani ay muujinayso go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, isagoona amaanay wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku diyaarisay hanaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay dhismaha guddi awood u leh gudashada waajibaadka Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimada ku dhisan caddaalada iyo isla xisaabtanka.

Gabagabadii Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey fududeynta howsha Guddiga, isaga oo xusay muhiimadda ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta dowladnimo ku dhisan caddaalad iyo isla xisaabtan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Al-makhzumi ayaa ka mahadcelisay saxiixa uu maanta ku sameeyay madaxweynaha dhameystirka dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

“Waxaan si miisaan leh ugu mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay ama u saxiixay dhameystirka dhismaha Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay horey usoo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada, ayadoo saxiixaasina uu Madaxweynaha kusoo beegay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka” ayay tiri Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Al-makhzumi.

Wasiir Khadiijo Maxamed ayaa sidoo kale xustay in dhameystirka sharcigan ay kusoo bixisay Wasaaradeeda dadaal iyo juhdi xooggan oo mudo sanado badan soo socday.

Faransiiska oo ciidan gaar ah u diray dalka Benin.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Dowladda Faransiiska ayaa ciidan gaar u diray dalka Benin, si ay xukunka ugu ilaaliyaan madaxweynaha Benin, Patrice Talon oo toddobaadkan uu fashilmay iskuday lagu doonayay in lagu afgambiyo, iyadoo hadda la sheegay saraakiishii hoggaamineysay afgambiga inay u baxsatay dalka Togo, oo ay hadda Benin ka dalbatay in loo soo gacan geliyo, sida ay werisey AFP.

Faransiiska ayaa bixinaya awoodiisa oo dhan si Benin iyo dalal kooban oo Afrika uu uga hortaggo in afgamibiyada uu ku lumiyay dalal galbeedka Afrika ah inay wajahaan.

Somali FM Discusses Humanitarian Support and Development Projects with Qatar’s State Minister for International Cooperation

0

Wednesday 10, Dec 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Wednesday in Doha with the State Minister for International Cooperation at the Ministry of Foreign Affairs of the State of Qatar, H.E. Dr. Maryam bint Ali bin Nasser Al-Misnad, and discussed with her strengthening relations and expanding cooperation frameworks between the two brotherly countries.

The meeting touched on development initiatives and humanitarian support, exploring ways to enhance joint efforts in these critical areas.

Dr. Mariam reaffirmed Qatar’s commitment to supporting efforts to achieve security and stability in Somalia and emphasized her country’s unwavering support for Somalia’s unity, sovereignty, and territorial integrity.