Home Blog Page 254

Midowga Yurub oo sii adkeynaya xuduudaha sharciyada Socdaalka

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Midowga Yurub wuxuu sii wadaa inuu adkeeyo sharciyadiisa socdaalka. Go’aamadii u dambeeyay ee arrintan ku saabsan waxaa ka mid ah tallaabooyin kordhin doona hababka magangalyada ee ka baxsan xuduudaha Midowga Yurub iyo dardargelinta masaafurinta.

Wadamada Midowga Yurub ayaa isku raacay mowqifkooda gorgortanka ugu dambeeya ee dhowr sharci oo socdaalka ah oo la soo jeediyay oo ku saabsan sharciyada cusub ee magangalyada.

Waxaa siyaasadahani ka mid ah siyaasada guud ee Midowga Yurub ee soo celinta muhaajiriinta sharci darrada ah, sida ku cad bayaan ay soo saareen Golaha Midowga Yurub.

Wasiirada arrimaha gudaha ee dalalka Yurub oo ku shiray Brussels waxay isku raaceen fikradda in soo galootig la geyo dal saddexaad oo ammaan ah iyo qodobo kale.

Somali opposition condemns forced evictions and arrests in Mogadishu.

0

Wednesday December 10, 2025 {HMC} Somalia’s main opposition coalition, the Somali Salvation Forum, on Tuesday condemned what it called the unlawful arrests and forced evictions carried out by federal security forces in the Dab-dhamiiska section of Mogadishu’s Wadajir district, warning that the operation reflects a growing pattern of rights violations linked to government-led land reclamation drives across the capital.

In a statement, the Forum said it had received credible reports that residents were forcibly removed from their homes and subjected to severe hardship during the operation, actions it described as violations that have “crippled their lives and fundamental rights.” The coalition said the measures contravene the Provisional Federal Constitution and principles of good governance, calling the operation “reprehensible” and demanding accountability for those responsible.

advertisements
The group urged security agencies and federal authorities to launch a transparent investigation and ensure that confiscated homes and property are immediately returned to their owners. It also called on national leaders to end the use of force in civilian areas and uphold their responsibility to safeguard citizens’ rights.
The incident in Wadajir comes amid rising public concern over a series of eviction-related confrontations reported across Mogadishu in recent months. In October, the Forum denounced the arrest of Himilo TV journalist Khadar Abdirahim and several rights advocates who were documenting the displacement of residents from the Sinai Market area. The coalition said at the time that the arrests violated constitutional protections for free expression, property rights and citizen safety.

Similar allegations resurfaced in late November, when the Forum condemned what it described as the forced displacement of families in Yaqshiid district and the killing of Abdullahi Abdi Raage, a longtime resident of Buulo-Geesaale. According to the group, he was shot while protesting ongoing evictions. A Himilo Media photographer and a Mogadishu municipal staff member were also reportedly detained during that operation.

Opposition leaders have repeatedly accused the federal government of mishandling public land and using security forces to enforce displacement. In a broader statement earlier this year, the Forum accused the administration of President Hassan Sheikh Mohamud of “selling public land while neglecting the fight against terrorist groups.” The coalition reiterated that stance during a two-day meeting in Mogadishu, arguing that the government’s land policy and redevelopment initiatives have lacked transparency and placed vulnerable families at risk.

Concerns intensified in recent months after Forum leadership and allied lawmakers announced plans to file lawsuits in Somali courts and international jurisdictions, accusing senior officials of constitutional violations, corruption and human rights abuses. The group cited alleged unlawful amendments to the 2012 constitution, failure to organize overdue state elections and the forced eviction of low-income families as evidence of a broader governance crisis.

The federal government has said it is reclaiming public land that was unlawfully sold or repurposed, but critics contend that the process has been marred by unclear procedures and heavy-handed enforcement. The government has not yet commented on the Wadajir incident or the latest allegations from opposition figures.

The Somali Salvation Forum, which recently aligned with Puntland and Jubaland leaders through the formation of the Somali Future Council, has urged Somalis to defend constitutional order and press for accountability ahead of the 2026 electoral transition. The bloc says continued evictions and property disputes risk further eroding public trust and destabilizing efforts to strengthen federal institutions.

UPDATE: This story has been updated to include additional context from earlier Hiiraan Online reporting on eviction-related operations in Sinai Market and Yaqshiid district, as well as background on the Somali Salvation Forum’s previous allegations concerning land sales, constitutional disputes and planned legal action against senior federal officials. The update also clarifies the Forum’s political alignment through the recently formed Somali Future Council.

Source Hiiraan online

€250,000 EU aid targets hunger, disease, and disaster relief in Kenya

0

Wednesday December 10, 2025 {HMC} The European Union (EU) has announced €250,000 (approximately Sh40 million) in humanitarian aid to support Kenyan communities facing a worsening convergence of drought, floods, food insecurity, and disease outbreaks.

In a statement issued Tuesday, the EU said the funding comes “in response to Kenya’s rapidly deteriorating humanitarian situation, marked by prolonged drought, severe flooding, and fast-spreading disease outbreaks.”

advertisements

Currently, more than 1.8 million people are experiencing acute food insecurity, a figure expected to rise to 2.1 million by January 2026.
Shrinking water sources, rising malnutrition, and a decline in humanitarian financing have further strained already vulnerable communities, particularly in arid and semi-arid regions (ASALs).

The EU aid will be channeled through the Disaster Response Emergency Fund (DREF) of the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) to support the Kenya Red Cross Society (KRCS).

“The EU’s emergency contribution will enable the Kenya Red Cross Society to provide essential food assistance, clean water, cash support, healthcare, and protection services to the most affected communities,” the EU said.

6-month programme

The six-month emergency programme, running until May 2026, will target more than 150,000 people affected by the overlapping crises.

Kenya is experiencing one of its most complex humanitarian seasons in recent years, as simultaneous climate shocks converge with growing public health threats.

Consecutive failed rains have left 179,000 people in emergency conditions and placed 741,000 children and 109,000 pregnant or lactating women at risk of acute malnutrition.

Recent heavy rains have also triggered flooding and landslides, destroying homes and livelihoods.

Cholera is spreading rapidly in Narok and Nairobi counties, with a 9 per cent case fatality rate reported in Narok, while communities in ASAL regions remain at high risk of other waterborne and zoonotic diseases.

These health threats, coupled with shrinking humanitarian resources, are straining essential food, nutrition, and health programs, leaving vulnerable families increasingly exposed.

The latest EU contribution is part of a broader humanitarian partnership with IFRC. Earlier this year, the European Commission signed a €16 million agreement to replenish DREF, which provides rapid, flexible funding for small- to medium-scale emergencies.

Established in 1979, the DREF allows National Red Cross and Red Crescent Societies, such as KRCS, to immediately access funds when crises strike, without waiting for international appeals.

Source the Capital tv

Dowlada Soomaaliya oo Bilaawday Tirakoobka Dugsiyada Qur’aanka.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in wasaaraddu bilaawday tirakoob lagu samaynayo dugsiyada Qur’aanka, kuwaas oo intooda badan ku shaqeeya xaalado aan ku habboonayn waxbarashada carruurta.

Roobow ayaa sheegay in ujeeddada tirakoobkani tahay in lagu qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha dugsiyada Qur’aanka, si wasaaraddu u qorshayso miisaaniyad loo qoondeeyo, lana daboolo cabashooyinka muddooyinkan soo baxayay ee ku saabsan goobaha ay ku yaalliin dugsiyadan.

“Wasaaraddu waxay wadaysaa tirakoobka dugsiyada Qur’aanka, xataa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulankii culimada ka sheegay in kuwa badani ku yaalliin meelo aan ku habboonayn, Waxaan hubin doonaa macallimiinta iyo duruufahooda,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

“Hore miisaaniyad looma qoondeyn, laakiin dowladda wixii ay awoodo ayay kaga qayb qaadan doontaa horumarintooda.” ayuu warkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale, Wasiirka Awqaafta ayaa si adag u dhaliilay waalidiinta qaarkood oo uu sheegay in ay sameeyaan takoor u dhexeeya carruurta dhigata dugsiyada Qur’aanka iyo kuwa dhigta iskuulada caadiga ah, gaar ahaan dhanka labiska iyo daryeelka.

“Dadka qaarkood sidaan ayay u dhaqan yihiin, Tusaale ahaan, cunuga Qur’aanka dhigta waxaa lagu diraa dhar duug ah oo guriga yaal, halka cunuga iskuulka dhigta loo tolaayo dhar wanaagsan oo la feereeyo, Waxaan ka rabnaa waalidiinta in carruurtu ku qiimeeyaan waxbarashada Qur’aanka oo loo labbiso si sharaf leh,” ayuu ku daray.

Shirkii Mucaaradka Soomaaliya Oo Xalay ka dhacay Muqdisho.

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa xalay shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay ka arrinsadaan shirka siyaasadeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay heleen casuumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

Arrintan ayaa abuurtay hadal hayn xooggan oo gudaha dalka ka dhex dhalisay dood siyaasadeed.

Shirka Madasha Samatabixinta wuxuu xooga saaray, Qiimeynta casuumaadda Kenya ee ku saabsan shirka Nairobi, Saamiga Madasha ee shirka lagu qabanayo, Xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka doorashada

Xubnaha madasha waxay ku heshiiyeen in loo baahan yahay in la yeesho hal wakiil oo awood buuxda u leh matalaadda Madasha, si looga fogaado jahwareer iyo faro badan oo kala duwan oo ka dhasha haddii xubno badan la diro.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa go’aamiyay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame uu noqdo qofka keliya ee Madasha ku matali doona shirka Nairobi.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa lagu tilmaamay mid leh khibrad siyaasadeed oo qoto-dheer, isla markaana si weyn ugu xiran beesha caalamka. Doorashadiisa waxay muujineysaa in mucaaradku doonayaan in si mideysan oo rasmi ah loo dhageysto aragtidooda ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Shirka Nairobi oo ay qabanqaabinayso dowladda Kenya, isla markaana ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin iyo wakiillo caalami ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa, Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay qaabka doorashada Soomaaliya, Habsocodka doorashada qof iyo cod ah ee dowladda ay wado, Kala aragti duwanaanta sii kordheysa ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka, Xaqiijinta in hanaanka doorashada lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo waafi ah

Wararka soo baxaya waxay tilmaamayaan in beesha caalamka ay daneynayso inay fahanto dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sida ay u wajahaan muranka xukuumadda iyo mucaaradka.

Golaha Mustaqbalka oo Isku Diyaarinaya Kulamo Diblomaasiyadeed

Sidoo kale, xubnaha ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay Nairobi kula kulmaan qaar ka mid ah:

Muxuu yahay Sharciga Cusub ee laga dhaqan galiyey Australia.?

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Dalka Australia waxaa maanta ka dhaqangalay sharci Isticmaalka Baraha Bulshada ka reebaya Carruurta da’doodu ka yar tahay 16ka sano, waxaana ujeedka lagu sheegay in lagu xakamaynayo sumcaddooda iyo mustaqbalkooda si aanay waxbarashada uga mashquulin.

Australia waxa ay ku goodisay in qofkii jebiya xeerkaan uu mutaysan doonno ciqaab culus, waxa ay intaas ku dartay in waalidiinta la faray in ay carruurtooda ka ilaaliyaan soo galista baraha Bulshada sida hadalka loo dhigay.

Dalal badan ayaa qaatay go’aamo culus oo lagu xakamaynayo adeegsiga Baraha Bulshada ee dhinaca Carruurta iyo goobaha Waxbarashada, waxaa sababta lagu sheegay in ay ka dhalatay hoos u dhac dhinaca fahamka ah sida daraasado lasoo bandhigay lagu xusay.

Hay’adda Maamusho Baraha Bulshada ee Australia ayaa lagu wargeliyay in ay si dhow uga warqabto adeegsiga Carruurta ee Barahaan maadaama la hakinayo koontooyin badan oo ay lahaayeen carruurtaas da’doodu ka yar tahay 16ka sano.

Madaxweyne Trump oo mar kale weeraray Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.

Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.

Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.

Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ”kuwii ugu xumaa” ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ”naag xun” kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ”dib u celiya”.

Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ”koofiyad yar” isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

Minnesota gudaheeda, Soomaalida Maraykanka waxa ay ku jiraan cabsi tan iyo markii Madaxweyne Trump uu ugu yeeray ”qashin” howlgallada ICE ee guud ahaan gobolka ayaa sababay in in ka badan toban qof la qabto, taas oo keentay in dad badan ay soo qaataan baasabooradooda Maraykanka si ay isaga ilaaliyaan in si khaldan loo xiro.

Khudbadda Trump oo soconaysay 90 daqiiqo ayaa Ilhaan iyo Soomaaliduba ay qayb ka ahaayeen, iyada oo dhowaanahanba si gaar ah ay diiradda ugu saarnayd Soomaalida Maraykanka ee dhowaan uu ku tilmaamay ”khashin iyo inay Jahannama ka yimaadeen”

Trump ayaa markii dambe ku faanay inuu hakiyay socdaalka dadka ka imaanaya ”meelo cadaab u ek sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo dalal kale oo badan.”

”Anigu ma oran ‘kuwo xun’ idinkaa yiri” Trump ayaa yiri ka dib markii mid ka mid ah taageerayaashiisa uu ku qayliyay ereygaas, iyada oo horay Trump uu ugu qeexay dalalka Afrikaanka intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad.

Ilhaan Cumar, oo Mareykanka iyadoo yar tagtay sanadkii 1995-tii ayay dhowr jeer erayo is dhaafsadeen Trump.

Trump ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in Ilhaan ay “si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed.”

“Waxay guursatay walaalkeed, si ay dalka usoo gasho, sax?” Ayuu yiri.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump sheego in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed. Sheegashadan ah inay si sharci darro ah u guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho Maraykan ah ayaa markii ugu horreysay ka soo shaacbaxday mareegayaasha muxaafidka ah sannadkii 2016, markaas oo ay u tartamaysay xildhibaanka gobolka Minnesota.

Isla sanadkaas, Ilhaan ayaa ku tilmaantay “xan aan sal iyo raad toona lahayn” oo ah “gabi ahaanba been iyo wax lagu qoslo.” Tan iyo markaas way sii wadday inay beeniso sheegashada.

Wararkii ugu dambeeyay Dab ka kacay caasimadda Indonesia oo dad badan ku dhinteen

0

Arbaco 10, Dec 2025 {HMC} Dab ka kacay dhismo dheer oo ku yaalla caasimadda Indonesia ayaa ugu yaraan labaatan qof ku dhimatay.

Taliyaha booliska Jakarta ayaa sheegay in dab-damisyadu weli baarayaan dhismaha si ay u raadiyaan dadka suurtagalka ay tahay in ay ku dhex xayiranyihiin.BBC-du waxay soo warisay in mas’uuliyiintu sheegeen in dabku u muuqdo inuu ka bilowday kadib markii baytari ku qarxay shirkad soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ku dhex taalla dhismaha.

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen haween, midkoodna ay uur lahayd, islamarkaana ay u badantahay inay u dhinteen qiiqa ay nuugeen.

Qiiq madow ayaa ka soo baxay qaybta sare iyadoo dab-damisyadu adeegsanayeen 28 gaari dab-damis iyo ku dhowaad 100 shaqaale si ay dabka u xakameeyaan.

Dabkii waa la damiyey, waxaana shaqaalaha gurmadku diiradda saarayaan baadi-goobka dadka la rumeysan yahay inay wali ku xayiran yihiin gudaha dhismaha.

Maraykanka oo Dajiyay Israatiijiyad uu kaga kahor tagaayo dagaal dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Istaraatiijiyad cusub oo amniga qaranka ah oo uu soo saaray maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegaysa in Maraykanku uu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo kaashanaya Afrika.

Ilaa 33 bog oo uu dukumintigan ka kooban yahay ayaa xoogga saaraya mabda’a maamulka Trump ee America First ”Ameerikaa u horreysa”, iyada oo loogu talogalay in la abuuro faham wadajir ah oo ku saabsan waxa Maraykanku uu rabo, waddooyinka loo marayo in la gaaro iyo sida natiijooyinka hab raacyadu u waafaqsan yihiin istaraatiijiyadda amniga qaranka.

Waxa uu dukumintigu muujinayaa isku-duwidda cusub ee maamulka Trump marka loo eego kuwii hore oo lagu dhaleeceeyay xiriirka Maraykanka iyo Afrika ee ku saabsan gargaarka, isla markaana sharraxaya beddelitaanka loogu guurayo mid ganacsi iyo maalgashi.

Maraykanka ayaa sheegay in xasiloonidu muhiim u tahay iskaashiga uu la leeyahay Afrika, isla markaana uu ka shaqayn doono xallinta dagaalka iyo khilaafaadka suuragalka ah inay ka dhacaan qaaradda.

Tusaale ahaan, dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa muujinaya in wada-hadallo ay socdaan iyo xalka khilaafka colaadda u dhaxaysa Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo iyo Rwanda.

Madaxweyneyaasha Rwanda iyo DR Congo Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi ayaa ku saxiixay Washington heshiis 4-tii December ee asbuucii aynu soo dhaafnay, iyada oo uu Madaxweyne Trump uu dhexdhexaadinayay.

”Waa maalin ku weyn Afrika iyo caalamka. Labada dalba wax badan ayay u dabaaldegayaan,” ayuu yiri Trump isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu heshiisyo la saxiixday labada dal kuwaas oo ”furaya albaabbo cusub” oo isticmaalka macdanta muhiimka ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo uu kula shaqaynayo dowladaha ka midka ah dalalka afarta ee kamid ah dalalka la isku yiraahdo Quad, si xal loogu helo colaadaha Suudaan. Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa booqday Washington bilowgii bishan, isaga oo ka codsaday Trump inuu wax ka qabto khilaafka dhinacyada Suudaan.

Dukumintiga istaraatiijiyadda cusub ee amniga Maraykanka ayaa intaa ku daraya inuu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal dhex mara Ereteriya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ergayga sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Afrika Massad Boulus ayaa kula kulmay Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Qaahira oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Osman Saalax.

Xigasho BBC

Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa.

Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977

Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika.