Home Blog Page 255

Sacuudiga iyo Iiraan oo ka heshiiyay mowqifkooda arrimaha dalka Yemen.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Sacuudiga iyo Iiraan, waxay maanta ku gaareen magaalada Tehran ; heshiiskii u horreeyay oo lagu mideynayo mowqifkooda arrimaha dalka Yemen , intaa waxaa dheer inay gaareen heshiis iskaashi oo meesha looga saarayo kala shakiga,iyadoo heshiiskan u dammaanad qaaday Shiinaha.

Si fudud Sacuudiya, Iran iyo Shiinaha waxay xaqiijiyeen taageeradooda xalka siyaasadeed ee dhammeystiran ee Yemen, xilli ciidanka uu Imaaraadku taageerrayo ay iskudayayaan inay la wareegayaan gobolka xadduudda Sacuudiga la leh ee Hadhramaut, halkaa oo ay doonayaan in laga dhiso dawlad ka madax bannaan inta kale ee Yemen, xaalad uu khatar amni u arko Sacuudiga!

Dhinaca kale Madaxweynaha Eritrea,Isaias Afwerki ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, isagoo martiqaad rasmi ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salman.

Wadahadallo ay labadaa hoggaamiye yeelanayaan, waxaa diiradda lagu saarayaa maalgashiga Sacuudiga ee dekedda Casab iyo xaaladda Suudaan , halkan si la mid ah Yemen , waxaa dagaalka in ka badan labada sanno socda ee Suudaan guulo istaraatiji ah gaaraya kooxda RSF ee lagu eedeeyo Imaaraadku inuu taageero, waxaana hoos u dhacay awoodda ciidanka milatariga Suudaan oo xiriir la leh Sacuudiga.

Si cad loollanka aamusan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka , wuxuu gaaray halkii u sarreeyay , wuxuuna Sacuudiga si bannaan yaal ah u doonayaa

inuu dheelitiro awoodda badda cas ee Imaaraadka , horey wuxuu ula wareegay deked ku taal Jabuuti, markan wuxuu ku sii jeedaa Casab ; haddii rabbi idmo waxaan berri baahin doonaa macluumaad iyo fallanqeyn arrimahan la xiriirta.

Diyaaradaha Dagaalka Shiinaha iyo Ruushka oo gudaha u galay hawada Koonfur Kuuriya oo Xulufo la ah Mareykanka.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Labo diyaaradood oo ah kuwa dagaalka Shiinaha iyo toddobo kale oo diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa maanta gudaha u galay aagga aqoonsiga difaaca hawada dalka Koonfur Kuuriya oo ah xulafada dhow ee Dowladda Mareykanka.

Arrintan ay gudaha Koonfur Kuuriya ka dhalisay feejignaan illaa diyaaradaha Koonfur Kuuriya ay ka hortageen in diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushka ay ku sii socdaan hawadooda, sida ay werisey Reuters.

Madaxweynaha Eritrea oo la kulmay dhaxal Sugaha Sacuudiga.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta ka dhoofay Asmara, isaga oo ku socda booqasho shaqo oo afar maalmood ah oo uu ku tegayo Boqortooyada Sucuudiga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uga yimid Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Inta uu joogo Boqortooyada, Madaxweyne Isaias iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay yeeshaan wada-hadallo heer sare ah oo ay la qaadan doonaan madaxda dowladda Sucuudiga, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, kobcinta mashaariicda iskaashi iyo arrimaha amniga gobolka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa lagu wadaa inay si gaar ah uga wada hadlaan xaaladaha cakiran ee Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen oo weli saamayn ballaaran ku haya marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, dagaalka Sudan oo sii kordhinaya khatarta fidsanaysa ee Geeska Afrika, iyo loolanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Sucuudiga ee ku saabsan saamaynta istaraatiijiga ah ee gobolka gaar ahaan marinada ganacsiga, dekedaha iyo siyaasadda amniga Badda Cas.

Booqashada Madaxweyne Isaias ayaa lagu tilmaamayaa mid ku soo beegantay xilli isbeddello siyaasadeed iyo amni ay ka socdaan gobolka, waxaana laga sugayaa inay qayb ka noqoto dadaallada lagu xasilinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo saameynta dalalka Geeska Afrika ee xiriirkooda Khaliijka.

100 mayd oo laga helay ‘kawaanka lagula baxo xubnaha bani’aadaamka.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} In ka badan 100 mayd oo go’go’ay ayaa laga helay kawaan xubnaha dadka lagula baxo oo dadka lagu qalo si sharci darro ah dalka Nigeria.

Booliska ayaa xiray hotel iyo goob meydadka la dhigo oo gaar loo leeyahay oo ku taal ismaamulka Umuhu ee degmada Ngor-Okpala ee koonfur bari Nigeria ee gobolka Imo ka dib markii la weeraray.

Booliska ayaa sidoo kale baaray hoyga tuhmanaha waxayna heleen cadeymo dheeri ah, afhayeenka booliska Imo Henry Okoye ayaa sidaasi sheegay Isniintii isagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Saraakiisha ayaa hadda isku dayaya inay soo qabtaan eedaysanaha oo hadda la shaaciyay in la raadinayo.

Howlgalkan ayaa waxa ka qeeyb qaatay guddoomiyaha caafimaadka Imo, dhaqaatiir ku takhasusay cudurrada faafa, mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka, kuwaasi oo si mutadawacnimo ah kula shaqeeya booliiska. Saraakiisha ayaa hadda isku dayaya inay soo qabtaan eedaysanaha oo hadda la shaaciyay in la raadinayo.

Weerarkan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha caafimaadka Imo, dhaqtar ku takhasusay cudurrada faafa, mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka, iyo kuwo feejigan oo la shaqeeya booliiska.

War qoraal ah oo uu soo saaray, Okoye ayuu ku sheegay: “Hotel iyo meel meydadka la dhigo oo gaar loo leeyahay , kuwasoo uu leeyahay tuhmanaha, oo la sheegay in ay adeegsadeen afduubayaal iyo dembiilayaasha rabshadaha ayaa la baaray.

“Xarunta meydadka, meydad goo’go’ay oo qurmay oo leh xaalado nadaafad darro ah ayaa la helay, taas oo sare u qaadeysa shakiga laga qabo hawlo lagula baxayo xubnaha bani-aadamka si sharci-darro ah.

‘Kadib baaritaannadaas, hoteelka iyo qolka meydadka labadaba waxa lagu xiray amarka Dowladda Gobolka.

“Hoyga tuhmanaha ayaa sidoo kale la baaray, waxaana la helay waxyaabo muhiim ah. Khubarada dambi baarista ayaa diiwaangeliyay oo hubiyay caddaynta.

“Taliyaha Booliiska ayaa dadweynaha u ballan qaaday in dhammaan dadkii falkaas geystay la aqoonsan doono lana horgeyn doono sharciga.”

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in baaritaan ku aadan hawl-gallo lagu tuhunsan yahay in xubnaha jirka lagula baxayey uu bilaabmay.

Okoye ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Ciidamo amni oo xooggan ayaa la dhigay waddada Owerri-Aba.

Taliskuna wuxuu u xaqiijinayaa dadka safarka ah inay ka go’an tahay in ay sugaan ammaankooda inta lagu jiro fasaxyada”.

Nayjeeriya waxaa ragaadiyay mowjado dambiyo oo isa soo taraya, iyadoo kooxaha afduubka geystay ay kordhiyeen dilal caado ah iyo kuwo looga shakisan yahay in xubnaha looga ganacsado.

Bishii la soo dhaafay, rag hubeysan oo Nigerian ah ayaa tira gabdho ah ka afduubtay dugsi hoy u ahaa ka dib markii ay dileen maamule ku xigeenkii macalimiinta, taas oo dadka soo xasuusisay afduubkii Boko Haram ee 2014 ee Chibok.

Kooxda dilka geysatay oo ku hubaysnaa qoryo ayaa 17-kii bishan November abaaro 4-tii subaxnimo weerar ku qaaday dugsiga sare ee gabdhaha ee Maga Comprehensive ee magaalada Danko Wasagu ee gobolka Kebbi.

Booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay afduubka 25 gabdhood oo arday ah, waxayna bilaabeen howlgalo lagu baadigoobayo dadka la afduubatay.

Arinkan ayaa ku soo aadaya ka dib 14-kii April 2014, halkaas oo 276 gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 18 jir ay kooxda Boko Xaraam ka afduubatay iskuul ku yaalla magaalada Chibok ee dalka Nigeria, taas oo ahayd kiiskii afduub ee ugu caansanaa ee dalkaasi ka dhaca.

Iskuulka ayaa xirnaa muddo afar toddobaad ah.

Maleeshiyada ayaa gudaha u gashay iskuulka iyagoo iska dhigaya askar ka tirsan ciidamada nabad sugida Nigeria, waxaana halkaasi ku dhintay hal askari oo milateriga ka tirsan iyo askari boolis ah.

Weerarkaasi oo socday muddo shan saacadood ah, ayaa waxaa lagu gubay dhowr guri oo ku yaalla magaalada.

Sida laga soo xigtay warbixino laga helay gabdho baxsaday, dableyda ayaa damacsanaa inay xadaan qalab makiinado ah lamana hubo waxa ay ku sameynayaan gabdhaha.

Ugu dambayntiina waxay ku amreen gabdhihii inay raacaan, iyagoo qaarkoodna ku qaaday baabuur.

Kuwo kale ayaa lagu amray inay dhowr mayl lugeeyaan ilaa uu garai kale ka qaado.

57 ka mid ah Gabdhaha Iskuulka, ayaa waxaa u suurtagashay inay isla markiiba baxsadaan, iyagoo ka booday Gawaarida xamuulka ah, halka kuwa kalana ay soo badbaadiyeen Ciidamada Nigeria.

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa sidoo kale kaalmo dheeri ah ka dalbaday Faransiiska si uu ula dagaallamo rabshadaha baahsan ee ka jira waqooyiga dalkaasi. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidaasi sheegay Axaddii, toddobaadyo ka dib markii Mareykanka uu ku hanjabay inuu faragelin doono si uu u difaaco Masiixiyiinta Nigeria.

Macron waxa uu sheegay in uu telefoon kula xiriiray Tinubu Axaddii, halkaas oo uu u gudbiyay taageerada Faransiiska ee Nigeria iyada oo la tacaalaysa caqabado dhawr ah oo dhinaca ammaanka ah, “gaar ahaan khatarta argagixisada ee Waqooyiga.”

Xigasho BBC

Soomaaliya oo La siisay $40 Milyan oo Dollar.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay kordhin $40 milyan ah oo lagu sameeyo barnaamijka Soomaaliya ee deymaha dalalka saboolka ah, taas oo suuragelisay in si degdeg ah loo sii daayo $30 milyan oo taageero miisaaniyadeed ah.

Go’aankan ayaa gaarsiiyay guud ahaan lacagaha Soomaaliya lagu taageeray barnaamijkan ilaa $100 milyan.

Barnaamijka ECF ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay la ansixiyay 19-kii December 2023, ayaa saldhig u ah istaraatiijiyadda dowladda ee dib-u-habaynta maaliyadda, taas oo lagu xoojinayo hay’adaha dhaqaalaha ee aasaasiga ah laguna taageerayo xasilloonida iyo koboca. Barnaamijku wuxuu la jaanqaadayaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan) iyo Himilada Fog ee Centennial Vision 2060.

Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee IMF ahna Guddoomiyaha KMG Nigel Clarke ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guulaysatay waxqabad adag, inkastoo cadaadisyo gudaha iyo dibedda ah ay kordheen.

Hoos u dhaca joogtada ah ee kaalmooyinka dibedda, musiibooyinka cimillada oo soo noqnoqda, iyo hubanti la’aanta sare ayaa weli culays ku haya miisaaniyadda dowladda iyo saadaasha dhaqaalaha.

Caawimada IMF ayaa sheegtay in caqabadahaasi muujinayaan muhiimadda ay leedahay in la dejiyo siyaasad taxadar leh, dib-u-habeyn qoto dheer, iyo kordhinta dakhliga gudaha si loo ilaaliyo kharashaadka mudnaanta leh, gaar ahaan kuwa bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso kharashaadka bulshada sanadka 2026 iyadoo markii ugu horreysay adeegsanaysa ilaha dhaqaale ee gudaha, taasoo IMF-ku ku tilmaamay guul taariikhi ah.

Waxqabadka maaliyadeed ee sanadka 2025 ayaa weli xooggan, waxaana horseedaya kororka dakhliga gudaha, xakameyn kharash oo nidaamsan, iyo horumar joogto ah oo laga sameynayo dib-u-habaynta muhiimka ah.

Miisaaniyadda 2026 ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxay si guud ula jaanqaadaysaa ujeeddooyinka barnaamijka, iyadoo mudnaanta la siinayo kordhinta dakhliga, xaddidaadda kharashaadka, iyo ilaalinta adeegyada aasaasiga ah.

Dib-u-habeynta ay ka mid yihiin casriyeynta kastamada, hirgelinta Xeerka Cashuurta Dakhliga, iyo hagaajinta maamulka maaliyadda guud ayaa weli udub-dhexaad u ah sii wadidda horumarka.

Maxaa Ka taqanaa Masaajidka Somalida ee ku yaalla Dalka Morocco.?

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Magaalo ku taalla wuqooyiga Morocco oo lagu magacaabo Ouarzazate, ayaa waxay muddo dheer ahayd meel halbowle u ah ganacsiga Afrikaanka, gaar ahaan kuwa doonaya inay suuq wanaagsan ka helaan wuqooyiga qaaradda iyo Yurub. Sidaas daraadeed ayay ku qaadatay naaneysta ah ‘albaabkii saxaraha’.

Ganacsatada halkaas tagi jirtay ayaa waxaa kamid ah Soomaalida, oo xiriir ganacsi la lahayd Morocco, kuwaas oo la sheegay inay dhiseen masaajidka loogu magac daray Soomaaliya ee loo yaqaano (Mosquée Somalie).

Sanadihii 1920-tameeyadii ayaa la sheegaa in xiriirka ganacsi ee ugu badan ee Soomaalida iyo Morookaanka dhexmaray uu jiray.

Darbiyada masaajidkaan ayaa waxaa ku xardhan waxyabo dhaqan ka turjumayo oo kamid yahay geela, kaas oo dhaqan ahaan ay isticmaalaan labada waddan.

Masjidka Somalia ayaa ah masaajidku ugu weyn magaalada Ouarzazate kaas oo ay ku tukudanaa musliinta ugu badan ee dalka, maadaama uu ku yaallo bartanka magaalada oo ah meel u dhaw suuqa ugu saxmadda badan magaalada.

Taariikhdu waxay sheegeysaa in masaajiddo ay horay ugu yaaleen magaalada, ka hor inta aysan Soomaalidu dhisin midkaan, inkasta oo aan la ogayn sababta ganacsatadaas Soomaaliya ya u go’aan sadeen dhismaha masaajidkaan taariikhda galay.

Mudada uu dhasan yahay ayaa haatan gaaray hal qarni.

Magaalada Ouarzazate

Magaaladaan waa mid yar, balse waxay xuddun u ahayd ganacsiga Afrika ee doonay inuu isaga kala goosho qaaradaha Afrika iyo Yurub. Waxaa imaan jiray ganacsatada doonaya inay ganacsigooda balaariyaan oo ay suuq u helaan.

Ouarzazate waxay sii balaaratay waqtigii gumaystaha Faransiiska uu maamulayay, taas oo noqotay magaalo maamul dagan yahay iyo sidoo kale meel ganacsi ku kala goosho.

Markii waddanka uu isaga tagay gumeystihii faransiiska sanadihii kontomeeyadii, waxaa ka bilowday magaalada ganacsiga aflaamta, ilaa iyo hadda sidii uu u bilowday ayuu u bulaalayaa.

Ouarzazate waxay noqotay magaalada kaliya ee marar badan ka soo muuqatay filimada, guud ahaan Morocco, waxayna u noqotay tusaale.

Magaaladaan ku taalla buuraha sare ee ku yaalla waqooyiga Morocco ee Atlas, ayaa loo garan ogyahay ‘albaabka laga galo saxaraha’.

Waxaa ku yaalla qasriga la dhisany qarnigii sagaal iyo tobnaad ee Taourirt Kasbah, iyada oo leh deegaan daawashada ku wanaagsan kaas oo ka soo muuqday filimaan badan oo Hollywood ah.

Waxaa u dhaw magaalada ciid gaduudka ah ee Aït Ben Haddou, iyo sidoo kale magaalada dhagaxda badan ee lagu magacaabo Todra Gorge.

Masaajidda kale ee ku yaalla Ouarzazate

Morocco oo ah dal muslim ah ayaa waxaa ku yaalla masaajiddo badan oo qadiimi ah, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha waddankaas taga qaarkood.

Qaar kamid ah masaajidada ku yaalla magaalada Ouarzazate ayaa waxaa kamid ah:

Masaajidka Al mouqaouma
Masaajidka Al Massira
Masaajidka Al Wahda
Masaajidka El wahda Sofla
Masajidka Ait kdif
MasaajidkaAl Qouds
Masaajidaan ayaan sidaa masaajidka Soomaaliya oo kale lahayn taariikho aad u facwayn, balse waxay caan ka yihiin magaalada.

Xigasho BBC

Macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee laga heli karo Soomaaliya oo La shaaciyay.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Al Jazeera oo xiganaysa Business Insider ayaa baahisay liiska macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee laga heli karo Soomaaliya;
•Macdanta ugu badan ee laga helo aluminium-ka (Bauxite)
•Macdanta Birta (Iron Ore)
•Yuraaniyam
•Naxaasta (Copper)
•Gypsum
•Kayd shidaal dabiici ah iyo gaas dabiici ah

Isku Duwaha Cusub ee maaliyada Gobolka Hiiraan oo Maanta Xilka La wareegay.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Gudoomiya ku xigeenka siyaasada iyo maaliyada Gobolka Hiiran Mudane: xasan Ibrahim Cabdulle (Xasan Carabeey) ayaa maanta xilka u kala wareejiyey isku duwihii hore ee maaliyada Gobolka Hiiraan Mudane: ciiloow Joobane Cawaale iyo isku Duwaha Cusub ee maaliyada Gobolka Hiiraan Mudane: Xuseen Cabdi Jimcaale ( Diini).

Xalfad Heerkeedu sareeyo isla-markaana ka qabsoontay xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa maanta si rasmi ah xilka isku duwaha maaliyada Gobolka Hiiraan ula wareegay Mudane: Xuseen Cabdi JimCale (Diini).

Xil-wareejintaan waxaa Goob joog ka ahay masuuliyiinta maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Dowlada Hirshabeele.

Gudoomiye xasan carabeey ayaa ugu horeeyn u mahad celiyey isku duwihii hore ee maaliyada Gobolka Hiiraan Mudane: Ciilooow Joobane,

sidoo kale Gudoomiyah ayaa soo dhaweeyey isku duwaha cusub ee Maaliyada Gobolka
Mudane Xuseen Cabdi Jimcale (Diini).

Ugu dambeeyn Gudoomiye Xasan Ibrahim Cabdulle ayaa kula dardaarmay isku duwaha cusub iyo Dhamaan howl wadeenada maaliyada Gobolka Hiiraan inaay shaqadooda u gutaan si masuuliyad ku dheehantahay, islamarkaana ku dadaalaan Wada shaqeeynta dhexdooda ah, si loo Hormariyo dhaqaalaha Guud ee Gobolka.

 

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mashruuc Tijaabo ah oo lagu xoojinaayo Awoodda Tirakoobka Qaran.

0

Talaado 09, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaan maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabiy Ms. Martina Durrer oo ah madaxa-goboleedka Afrika ee Horumarinta Xiriirka Wadashaqeynta Safaaradda Switzerland iyadoo sidoo kale kulanka goobjoog uu ka ahaa Agaasimaha Hay’adda Tirakiibka Qaranka Mudane Dr. Cabdisalaan Mohamed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa xoojinta Awoodda Tirakiibka Qaranka, iyadoo goobta lagu saxiixay maalgalinta mashruuca xoojinta Hey’adda Tirakiibka Qaranka iyada oo loo soo marinayo hannaanka dowliga ah ee Qasnadda dhexe ee Dowladda.

Mashruucan maalgalineed oo ah mid tijaabo ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Dowladda Switzerland ka fuliso iyada oo si toos ah u soo marinayda Dowladda Dhexe, sidoo kale Hey’adda SNBS ayaa noqotay hay’addii ugu horraysay ee dowladda ka tirsan ee hirgelisa mashruuc noocan ah, taas oo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamku ku qabto maamulka maaliyadda iyo nidaamyada hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya oo dib u heyn ku sameynaysa Manhajka Qaran sannadka soo socda ee 2026.

0

Talaado  09, Dec 2025 {HMC}Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Shiikh Cabduqaadir, ayaa ku dhowaaqay in dowladda ay qorsheyneyso dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo Manhajka Waxbarashada dalka sannadka soo socda ee 2026.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayay munaasabad rasmi ah ayaa sheegay in Manhajku door ka qaadan karo qaabka iyo tayada ardayda ka soo baxda dugsiyada dalka.

“Sannadka soo socda ee 2026 waxaan dib u eegis ku sameyn doona Manhajka Waxbarashada dalka,” ayuu yiri Wasiir Faarax Shiikh Cabduqaadir.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay qorsheynayso in la xoojiyo tayada waxbarashada, la kordhiyo xirfadaha ardayda, lana hubiyo in manhajka la jaanqaado heerarka waxbarasho ee caalamiga ah.

Taariikhda Manaahijta Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya hirgalisay

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay manhaj qaran oo ku qoran af-Soomaali ku soo saartay intii u dhaxaysay 1972–1975, markaasi oo ku aadan in yar ka dib markii la qoray Farta Soomaaliga.

Kadib burburkii dowladdii dhexe 1991, waxbarashadu waxay noqotay mid aan mideysneyn oo ururro kala duwan ay maamulaan.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sannadkii 2014 bilowday qorshe dib loogu mideynayo Manaahijta Waxbarashada, iyadoo markii ugu horreysay tan iyo burburka la hirgeliyay Manhaj Qaran oo mideysan 2017, kaas oo laga hirgaliyay dhammaan dugsiyada dalka.

Marka kale Soomaaliya ayaa 2026 dib u habeyn ku sameyn doonta Manhajka.