Home Blog Page 2545

{DAAWO MUQAALKA} Xiisadda u dhexeeysa Israa’iil iyo Iran ma horseedi doontaa dagaalkii saddexaad ee adduunka?

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Xiisadda u dhexeeysa Israa’iil iyo Iran ma horseedi doontaa dagaalkii saddexaad ee adduunka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo Ankara ka degay.

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Turkiga oo Ankara ka degay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo diiday Codsi ka yimid dalalka G7 oo ku aadan xiisadda ITOOBIYA

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo diiday Codsi ka yimid dalalka G7 oo ku aadan xiisadda ITOOBIYA

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudi ka socdey Koonfur Galbeed oo la kulmay ciidamadii dhawaan ku dagaalmey Diinsoor,

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Gudi ka socdey Koonfur Galbeed oo la kulmay ciidamadii dhawaan ku dagaalmey Diinsoor,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xaafad kamid ah Muqdisho oo la xiray masaajidada ganacsiga iyo Waxbarashada Amni daro dartee.

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Xaafad kamid ah Muqdisho oo la xiray masaajidada ganacsiga iyo Waxbarashada Amni daro dartee.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Galdogob, Muxuu yahay ujeedka safarkooda.?

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Galdogob, Muxuu yahay ujeedka safarkooda.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Qaramada Midoobay oo so jeedisay in magdhaw la siiyo dadka la addoonsaday

Sabti-20-April-2024 {HMC} Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday.

Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD).

Volker, ayaa codkiisa ku biiray baaqyo iyo cadaadis isa soo taraya oo loogu baaqayo dalalki reer Yurub ee addoonsi ahaan uga ganacsaday dadka madow ee asal ahaan kasoo jeeday Africa, kuwaas oo loo iib geeyay meelo badan oo dunida ah.
Taageerada loo hayo baaqyada magdhawga arrintaan ayaa kusii xoogeysanaya dalalka Africa iyo kuwa kariibiyaanka, kuwaas oo riixaya in Qaramada Midoobay ay dhisto maxkamad arrintan u gar-qaadda si lacago magdhaw ah ama baddal kale loo siiyo awlaadda dadki laga soo ganacsadat ee madoobaa.

“Waxaan idinkula biirayaa dalabkiinna aad ficilka ku rabtaan hadda, magdhawga waa inaan waa cusub galnaa ugu danbeyntii. Dowladuhu waa in ay sare kacaan si ay u muujiyaan hoggaan dhab ah iyo ballan qaad la taaban karo una gudbaan ficil si loo xalliyo qaladaadki lasoo dhaafay,” sidaa waxaa yiri Madaxa Guddiga Saree e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Lama oga sida loo bixi doono magdhaw, iyo in dalalka reer Yurub ee arrintaasi ku lugta lahaa ay aqbali doonaan.

Holland ayaa raalli gelin ka bixisay doorki ay ku laheyd ka ganacsidi dadki la addoonsaday ee Africa, isla markaana ballan qaadday in ay bixin doono 200 oo milyan oo yuro oo magdhaw ah.

Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu qirayo doorki ay ku lahaayeen ka ganacsiga dadki la addoonsaday, balse uusan qorshaha ugu jirin inuu magdhaw bixiyo.

XIGASHO VOA

Soomaaliya oo mar kale diidday in ay wadahadal la furto Itoobiya

0

Sabti-20-April-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykankahoray u kuwaas oowalaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada.

War-saxaafadeedka Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid war kasoo baxay dalalka G7 oo ku aadan xiisadda ITOOBIYA.

Sabti -20-April-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay baaq kasoo baxay dalalka ugu hodansan caalamka ee la isku yiraahdo G7, kaasi oo ku aadanaa wada-hadal laga galo xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya.

Wasiirada Arrimaha Dibedda dalalka G7 ee Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya “inay furaan dhammaan marinada wada-hadalka si looga hortago in xiisadda ay kasii darto.”

“Waxaan walaac ka muujineyaa heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ee lagu dhawaaqay Janaayo 2024. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Itoobiya iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sii furnaadaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada gobolka, Midowga Afrika iyo iyada oo loo marayo xiriiro laba geesood ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka G7.

Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya sheegtay inay soo dhoweyneyso adkeyntooda ku aadan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Soomaaliya. Si kastaba, waxay meesha ka saartay wada-hadal ay la gasho Itoobiya.

“Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada waarta ee Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wada-hadal lala galo Itoobiya ayaa ah mid aan suurta-gal ahayn illaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujiso ixtiraam buuxa oo ay u hayso midnimada, madaxbannaanida iyo mabda’a faragelinta la’aanta ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo la saxiixay 1-dii Janaayo ayey Hargeysa waxay Addis-Ababa ku siisay dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo ku bedeleneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Itoobiya.

Is-afgaradka oo qorshuhu ahaa in heshiis rasmi ah loogu beddelo muddo bil gudaheed ah ayaan illaa hadda dhaqaaqin ayada oo laga joogo ku dhowaad afar bilood, waxaana muuqata cago-jiid dhanka Itoobiya ah, oo la kulantay cadaadis caalami ah.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay qorshaha la xiriira muhaajiriinta ay Soomaalida ku jirto oo ay So saartay Canada ?

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Muxuu yahay qorshaha la xiriira muhaajiriinta ay Soomaalida ku jirto oo ay So saartay Canada ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA