Sabti -20-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdimajiid Abdirahman Aadan
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Sabti -20-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdimajiid Abdirahman Aadan
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Sabti -20-April-2024 {HMC} Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulankii uu Cilaamiyay Madaxweyne Xasan Shiikh ?
Sabti -20-April-2024 {HMC} Senator Cabdi qeybdiid” Dhulka Dabdamiska waxaa isla leh Dowladda
Sabti -20-April-2024 {HMC} Shirkii Wadatashiga Qaran ee NCC oo lagu ballansanaa inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa arrimo farsamo awgeed u baaqday, sida uu xalay shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib u dhaca shirkan uu sabab u yahay mad-madow iyo kala shaki ka dhex billowday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyadii xiriirka dhow la lahaa dowladda Federaalka.
Arrintaan waxay ka dhigan tahay in markii ugu horeysay ay labo waddo kala qaadeen Villa Somalia iyo afartii dowlad goboleed ee raacsanaa, maadaama Puntland ay horay xiriirka ugu jartay Villa Somalia.
Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaysa in qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay qorsheynayaan inay ka hor-yimaadaan isku dayga Villa Somalia ay ku dooneyso inay muddo kororsi hor leh ugu sameyso.
Shirkaan waxaa horay u iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna qorshuhu ahaa in maanta oo Sabti ah 20-ka Abriil uu Muqdisho ka furmo, balse taasi ma dhicin, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee shirka loo baajiyey.
War-saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shirkaas dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faahfaahin kale lagama bixin arrimahaas.
“Shirkaan oo muhiim u ah dardargelinta hormarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta, dhameystirka Dastuurka iyo artimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.
𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲:- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa.
𝐔𝐊:- dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer.
Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol ah.
𝐈𝐌𝐅: Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sideeda Sano ee soo socota.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Saddex caruur oo walaalo ah oo ku Geeriyooday daad qaaday.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Geerida Taliyihii Ciidamada Kenya Jeneral Francis Ogolla ayaa noqotay mid ay Kenyanku ka argagaxeen kadib markii Madaxweyne William Ruto uu Khamiistii ku dhawaaqay warka murugada leh.
Ogolla ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Kaben oo ah bariga Marakwet Khamiistii.
Ogolla ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Difaaca kadib isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidanka Abriil 2023-kii.
Waxa uu xilka kala wareegay General Robert Kibochi oo ka tagay markii uu 62 jirsaday.
Ka hor inta aan la magacaabin, General Ogolla waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca.
28-kii Abriil 2023-kii, madaxweyne William Ruto ayaa u dallacsiiyay Sarreeye Guud Francis Omondi Ogolla darajada Jeneraal wuxuuna u magacaabay taliyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya.
General Francis Omondi Ogolla waxa uu ku biiray Ciidanka Difaaca Kenya 24-kii Abril 1984-tii, waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sare 6-dii May 1985-kii waxaana loo diray Ciidanka Cirka ee Kenya. Waxa uu tababar duuliyenimo ah ka qaatay difaaca cirka ee Mareykan ee USAF iyo macallin duuliyenimo oo ciidanka cirka Kenya ah.
Waxa uu sidoo kale qaatay tabobarro kale oo ay ka mid yihiin sawirrada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada iyo baaritaanka shilalka.
General Francis O Ogolla waxaa uu ka qalin jebiyey EcoleMilitaire de Paris iyo Akadeemiyada Difaaca Qaranka Kenya. Waxa uu Shahaadada Diploma ee Daraasaadka Caalamiga ah iyo Cilmiga Millateriga ka qaatay Jaamacadda Egerton, Bachelor of Arts in Political Science, Armed Conflict and Peace Studies (Shahaadda Koowaad) iyo Master of Arts in International Studies oo uu ka qaatay Kulliyadda Nairobi.

Waxa uu darajadaasi ka gaaray Sarreeye Gaas, waxaana 15-kii July 2018-kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Kenya, isagoo xilkaasi hayay muddo saddex sano ah. Waxa uu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Tababare, Talisyo iyo Shaqaale ay ka mid yihiin Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Cirka ee Kenya, Taliyaha Saldhigga Ciidanka Cirka ee Laikipia, Sarkaalka Sare ee Garabka Dagaalka, Macallinka Duulimaadyada ee Dugsiga Tababarka Duulista Hawada ee Ciidanka Cirka Kenya iyo Madaxa Xafiiska Hawlgalka Ciidanka Cirka ee Kenya.
Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Kormeere iyo Sarkaalka Warfaafinta Milliteriga laga bilaabo 1992-dii ilaa 1993-dii, isagoo ah guddoomiyaha Isbahaysiga Militariga Masiixiga 1994-tii ilaa 2004-tii iyo guddoomiyaha Ururka Madaxda Ciidamada Cirka ee Afrika intii u dhaxaysay 2018-2019-kii.
Wuxuu lahaa xaas lagu magacaabo Aileen, waxayna haystaan laba carruur ah iyo mid ay awoowe u yihiin. Wuxuu jeclaa inuu wax akhriyo oo ciyaaro ciyaarta loo yaqaanno golf-ka.
Wasiirka Gaashaandhiga Aadan Ducaale iyo Taliyaha General Francis Ogolla ayaa mar booqday ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Booqashadan ayaa ujeedadeedu ahayd sare u qaadida niyada askarta iyo mahadnaqa dadaalka wanaagsan ee ay ugu jiraan ka qayb qaadashada nabadda, amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika sida ay wasaaraddu sheegtay.
Intii ay ku guda jireen kormeerka CS iyo CDF waxay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka labaad, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo warbixin dheer ka jeediyay xaaladda amni ee Jubaland

Waxay caddeeyeen in ciidamada difaaca Kenya ay ka go’an tahay in ay gaarto waajibaadka ATMIS ee ah in ay taageerto Geedi-socodka Nabadda ee ay Soomaalidu hoggaamiso, iyaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya oo nabad ah ay tallaabo weyn u tahay gobol nabdoon si loo gaaro kobac dhaqan mid dhaqaale iyo mid barwaaqo.
CDF ama Chief of Staff waa sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada difaaca Kenya iyo madaxa lataliyaha ciidamada ee Madaxweynaha Kenya iyo Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha uu Ogolla ugu magacaabay taliyaha ciidamada difaaca CDF.
Sida uu sheegay Ruto, waayo-aragnimada Ogolla ee ka badan 39-ka sano ayaa keentay in loo dalacsiiyo xafiiska ugu sarreeya ee ciidamada dalka si uu u beddelo Robert Kibochi oo shaqada ka fariistay.
“Aniga oo tixgelinaya magacaabistaada, waxaan qiimeeyay taariikhdaada, halka aad ka timid, waxa aad qabatay, iyo socdaalkaaga ciidan, waxaana ku qanacsanahay inaad u qalanto,” ayuu xilligaas yiri Ruto.
“Baaqeyga cad waa hal ciidan, hal howlgal, waxaan noqon doonnaa hal ciidan oo ku mideysan hal hadaf si aan u difaacno difaac iyo daacadnimo aan ku sii jirno hal-ku-dhiggeena Difaaca Mar walba,” ayuu yiri Ogolla markii la dhaariyay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inuu sii wadi doono wada shaqeyn dhow oo uu la leeyahay hay’adaha kale ee amniga.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk ayaa ku baaqay in waddamada ku lugta lahaa ay qaadaan tillaabooyin la taaban karo oo magdhow lagu diinayo, dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee la addoonsaday ama addoonsi ahaan looga ganacsaday.
Hadalkaan ayuu Jimcihi ka sheegay, gaba gabadi kulan afar maalin xarunta Qaramada Midoobay uga socday Madasha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Dadka Afrikaanka ah ee loo soo gaabiyo (PFPAD).
Volker, ayaa codkiisa ku biiray baaqyo iyo cadaadis isa soo taraya oo loogu baaqayo dalalki reer Yurub ee addoonsi ahaan uga ganacsaday dadka madow ee asal ahaan kasoo jeeday Africa, kuwaas oo loo iib geeyay meelo badan oo dunida ah.
Taageerada loo hayo baaqyada magdhawga arrintaan ayaa kusii xoogeysanaya dalalka Africa iyo kuwa kariibiyaanka, kuwaas oo riixaya in Qaramada Midoobay ay dhisto maxkamad arrintan u gar-qaadda si lacago magdhaw ah ama baddal kale loo siiyo awlaadda dadki laga soo ganacsadat ee madoobaa.
“Waxaan idinkula biirayaa dalabkiinna aad ficilka ku rabtaan hadda, magdhawga waa inaan waa cusub galnaa ugu danbeyntii. Dowladuhu waa in ay sare kacaan si ay u muujiyaan hoggaan dhab ah iyo ballan qaad la taaban karo una gudbaan ficil si loo xalliyo qaladaadki lasoo dhaafay,” sidaa waxaa yiri Madaxa Guddiga Saree e Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Lama oga sida loo bixi doono magdhaw, iyo in dalalka reer Yurub ee arrintaasi ku lugta lahaa ay aqbali doonaan.
Holland ayaa raalli gelin ka bixisay doorki ay ku laheyd ka ganacsidi dadki la addoonsaday ee Africa, isla markaana ballan qaadday in ay bixin doono 200 oo milyan oo yuro oo magdhaw ah.
Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu qirayo doorki ay ku lahaayeen ka ganacsiga dadki la addoonsaday, balse uusan qorshaha ugu jirin inuu magdhaw bixiyo.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Malaayiin Hindi ah ayaa Jimcihi shalay codkooda ka dhiibatay, wajiga koowaad ee doorashada baarlamaaniga ah ee Hindiya oo ah tan ugu ballaaran ee guud ahaan caalamka.
Ilaa 166 milyan oo ruux ayaa la sheegay in ay ka codeeyeen 21 gobol oo ku yaalla waqooyi bari ilaa koofurta, kuwaas oo ay ka sharaxanyihiin 102 mudane.
Ka hor inta aysan xirmin goobaha codbixinta Jimcihii, guddiga doorashada ayaa sheegay in tirada codbixiyeyaashu ay u dhexeysay 40 boqolkiiba gobolka ballaaran ee waqooyiga ee Bihar, halka gobolka yare e Tripura ee dhaca waqooyibari ay dadka u soo baxay gaareen ilaa 68 boqolkiiba.
Doorashadan ayaa loo arkaa mid afti u ah Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo doonaya in markiisii saddexaad uu ku guuleysto doorashada. Hase yeeshee xisbigiisa Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa loolan adag la gali doona in ka badan 12 xisbi oo isu tagay kuwaas oo wacad ku maray in ay badbaadin doonaan hey’adaha dimoqraadiga ee Hindia.
Saadaasha ayaa muujineysa in xisbiga BJP uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, waloow aysan dadka ku qanacsaneyn heerka shaqa la’aanta oo aad u sarreysa, cabburinta iyo gacanta adag ee ay dowladdiisu kula dhaqantay dadka laga tirada badanyahay, gaar ahaan Muslimiinta.
Modi oo ah hogaamiye qowmi ah, ayaa muddadi uu xafiiska joogay 10-ki sano ee lasoo dhaafay sumcad ku helay, sare u qaadidda siyaasad ku dhisan wadaniyad salkeedu yahay diinta Hinduuga.
Haddii Modi uu guuleysto, waxa uu noqon doonaa ra’isulwasaarihi labaad ee saddex jeer hogaamiyo Hindia, ka dib Jawaharlal Nehru, oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaasi.
Wajiga labaad ee doorashada maaraddoonka ah ee Hindiya, ayaa lagu wadaa in la qabto 26-ka April, markaas oo 13 gobol laga soo doora doono 89 xildhibaan.
Wajiga ugu danbeeya ayaa dhici doona 1-da June, waxana lasoo dooran doonaa 57 mudane oo ka tartameysa ilaa 8 gobol.
Sabti -20-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.
“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.
Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.
“Berri waa sii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka.
Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas.