Talaado 16 April ,2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Darejada 1aad oo todoba sannaddood xadhig ah ku xukuntay askari baaray laba dumara ah
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .16 .4.2024
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Shugri baryare iyo Cabdimajid
farsamadii;Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Rasaas uu Askari Ku Furay Shacab Moota saaran oo Sababay Dhimasho
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Nin hubeysan oo xirnaa dareeska ciidanka dowladda ayaa duhurnimadii maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dilay labo nin oo shacab ah, kaddib markii uu rasaas ku furay labada nin oo wada socday.
Ragga la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahu Cusmaan Shidane , waxaana dilay askari isna magaciisa lagu sheegay Axmed Cusmaan Geelle.
Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo mid kamid ah marxuumiinta ayaa la sheegay in khilaaf dhuleed uu ka dhaxeeyay, waxaana ninkan dilka geestay uu rasaas huwiyay labada marxuum oo mooto wada saarnaa.
Ninka gacankudhiiglaha ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana socda howlgalo booliiska ay ku baadigoobayaan ninka dilka geestay oo la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Dilalka askarta hubeysan u geesanayaan dadka shacabka ah ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana maalmo kahor sidan oo kale askari hubeysan qof shacab ah ugu dilay Dayniile kaddibna baxsaday.
{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Cusub ee Arimaha Dibadda oo xilka si rasmi ah ula wareegay
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.
Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan xilka wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh , oo ah xildhibaan kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland.

Saraakiil katirsan booliiska Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho,
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Saraakiil sar sare oo katirsan booliiska dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.
Taliye Xigeenka ciidanka Booliiska S/Guuto Zakia Xussen Axmed ayaa garoonka Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeyay madaxa xiriirka Dibada ee ciidanka Booliiska Turkiga Mudane Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.
Masuuliyiintaan Ka socda Turkiga ayaa la sheegay in uu casuumay Taliye Sulub, waxaana u jeedka socdaalkooda uu salka ku hayaa xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo kordhinta mashaariicda dowlada Turkiga ay ku taageerto ciidanka Boliiska.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarada iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya , waxa ayna Tukiga si gaar ah u tababaraan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Maxeey Yihiin maraakiibta waaweyn ee Ethiopia soo iibsanaysa?
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Shirkadda adeegga maraakiibta iyo saadka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay wadahadal la yeelatay shirkadaha Shiinaha ee dhisa maraakiibta, si ay u soo iibsadaan maraakiibta waaweyn.
Ethiopia ayaa sheegtay inay doonayso in ay balaariso waaxdeeda gaadiidka badda, si ay kor ugu qaado dhoofinta iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalkeeda.
Wakiillo ka socda shirkadda maraakiibta dawladda Ethiopia ayaa wadahadal la yeeshay shirkadaha maraakiibta ee fadhigoodu yahay dalka Shiinaha.
Dhawaan, dowladda Ethiopia ayaa tababar usoo xirtay cutubyo kamid ah ciidamadeeda badda, kuwaas oo ay doonayso in ay qeyb ka noqdaan qorshaheeda ay ku galayso badda cas.
Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, iyadoo doonaysa inay deked ganacsi iyo saldhig militari ka sameysato biyaha Soomaaliya.
Ethiopia waxay sheegtay inay ka go’an tahay dhaqan galinta heshiiska badda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid heshiiskaas.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/04/2024
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/04/2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo Gudbiyey xirtay Koontooyin ganacsi.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo Gudbiyey xirtay Koontooyin ganacsi.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Faah faahino laga helayo wiil dhalin yaro ahaa oo Ku Geeriyoday Balli ku yaallo Magaaalada Hargeeysa
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Faah faahino laga helayo wiil dhalin yaro ahaa oo Ku Geeriyoday Balli ku yaallo Magaaalada Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Dr Amiin Samakaal” Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin”
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dr Amiin Samakaal” Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.



