Talaado 16 April ,2024 {HMC} Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo Gudbiyey xirtay Koontooyin ganacsi.
{DAAWO MUUQAALKA} Faah faahino laga helayo wiil dhalin yaro ahaa oo Ku Geeriyoday Balli ku yaallo Magaaalada Hargeeysa
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Faah faahino laga helayo wiil dhalin yaro ahaa oo Ku Geeriyoday Balli ku yaallo Magaaalada Hargeeysa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Dr Amiin Samakaal” Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin”
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dr Amiin Samakaal” Abshir Aduunyada Cadaalad kuma helin”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Sheekh Maxamed oo wacyi galin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciida ka xooga Dalka.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Sheekh Maxamed oo wacyi galin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciida ka xooga Dalka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} “Abshir Gaarane ma dhiman waa suuxsan yahay, waxaa usoo raacay halka la geynaayo in aan arko”:-
Talaado 16 April ,2024 {HMC} “Abshir Gaarane ma dhiman waa suuxsan yahay, waxaa usoo raacay halka la geynaayo in aan arko”:-
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Baraawe iyo Odayaasha dhaqanka oo billaabay Xalinta Dagaalkii dhawaan dhacay.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Maamulka Baraawe iyo Odayaasha dhaqanka oo billaabay Xalinta Dagaalkii dhawaan dhacay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Shir weeynaha Nabadeeynta beelaha Gobolka Mudug oo ka Furmay mareeykanka.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Shir weeynaha Nabadeeynta beelaha Gobolka Mudug oo ka Furmay mareeykanka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale hogaaminaya dagaal lagu xureeyo deegaanada hirshabelle iyo galdumug.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale dib u bilaabeysa dagaalka ka dhanka ah kooxda AS, ee wali ku xooggan deegaanno iyo degmooyin katirsan maamul goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.
Ciidanka xoogga dalka ayaa guulo waa weyn horey uga gaaray howlgallo ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabelle iyo Galmudug, hasa ahaatee ciidamada ayaa dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaanno ay AS horey uga qabsadeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqday xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kasii sagootiyay ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay hoggaamiyaan howlgalo cusub oo bilaabanaya.
Ciidankan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh kula dar daarmay in ay soo afjaraan kooxda AS ee wali ku sugan deegaanno dalka katirsan, waxa uuna u sheegay ciidankan furumaha dagaalka loo dirayo in shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan guulo.
Sida aan xoaha ku helnay ciidankan laga sagootiyay Muqdisho ayaa ku biiraya ciidanka jooga furumaha hore ee dagaalka, waxa ayna ciidankan hoggaamin doonaan howlgalo cusub oo la doonayo in AS looga saaro deegaanno ay maamulaan.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr mar qaaday guluf dagaal ayaa guulo wax ku ool ah soo hoyisay, hasa ahaatee guulahaasi ayaan noqon kuwa sii waara, waxaana ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaanno badan ay AS ka saareen.
Maxey tahay Ujeedka uu u sameeyay Abwaan Amiin heesta ‘dadka badan oo Soomaali ah ka oohisay?
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahday hees jacayl oo dad badan is weydaarsadeen.
Qaar ka mid ah dhallinta caanka ka ah baraha bulshada ay adeegsaday iyaga oo shucuur muujinaya.
Heestan oo lagu magacaabo ‘Iifur Buugga naxariista” ayaa waxaa qaaday fannaan da’yar oo lagu magacaabo Amiin yare waxaana qoray Abwaan isagana lagu magacaabo Amiin Samadoon.
Abwaanka ayaa sheegay in heestu ay ku qotonto qiso jacayl oo dhab ah isla markaana uu uga sheekeeyay nin dhalin yaro ah
”Inanka waxaa iskaaya bartay gabadh la yidhaado Hibo oo ay isaga is garanayeen, waanu ballannay, waxaanuna ku ballannay guri uu leeyahay nin fannaan ah” ayuu yiri Amiin Samadoon oo dib u xasuusanaya sidii ay isku barteen wiilka qisadu ku qotonto.
Amiin waxaa uu sheegay in badanaa ay dhacdo in qofi kuu sheego qisa jacayl kadibna aad ogaato in aysan run ahayn balse markii uu la sheekaystay wiilka qisadani ay ku saabsan tahay waxa uu Abwaan Amiin sheegay in uu fahmay in uu yahay dhibbane Jacayl.

”Markii aan waraystay dhowr qof oo kale oo aniga aan isnaqaanano oo ay iiga warrameen ayan xaqiiqsaday arrinta uu ii sheegayo in ay dhab tahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Amiin.
Abwaan Amiin ayaa markaas ka dib go’aansaday in uu erayada heestan ka sameeyo qisada looga sheekeeyay isaga oo leh: “qofku marka uu kuu warramay haddii uu dareenku ku galo waxa lagaaga warramay ay ku galaan, xitaa qofkii oo aan kaa dalbanin ayaad is arkaysaa adiga oo waraaq iyo qalin inta soo qaadatay wax qorqoraya”.
”Markii aan aad u dhuuxay ayaan is arkay iniga oo durba wax qorqoraya” ayuu kusii daray.
Haddaba maxay yihiin erayada heesta ku jira ee ”dadka ka oohiyey”?

Erayada heesta qaar ka mid ah
Heestaan oo ah waa mid calaacal ah, ayaa qabsatay baraha bulshada ee Soomaalida.
Dadka ka faalooda heesaha ayaa amaan u soo jeediyay erayada, laxanka iyo muusiga oo qudhoodu qayb ka qaata sida heesta loo turjunto micno ahaan.
Heestan ayaa sida uu sheegay fannaanka qaaday waxay sawir ka bixinaysaa qof dib ula kulmay jacaylkiisii oo ay muddo kala maqnaayeen. Haseyeeshee kama muuqato heesta in jacaylku ahaa amid laba geesood ah.
Erayada heesta siiba ku kuwa ku jira qaybta ku baahday baraha bulshada ayaa waxa ka mid ah:
Haddaan idhi bidhaantaada uma xiisin waa been’e
Ma anaa qof booskaaga heli karaya ii buuxsha
Ma anaan u boholyoobin kulankiyo bilkhayrtaada
”Waxaa igu bannaanaatay halkii aad ku beegnayde
Sidan eeg bal muuqayga u badalay waageenu
Kaalay arag buseelkaagu siduu iiga dhigay baylah,”
Da’ yarta qaar ayaa iska soo duubay muuqaalo iyaga oo muujinaya in ay la ilmaynaya erayada heesta lana qaadaya fannaanka.
In ka badan laba milyan oo jeer ayaa laga daawaday heesta barta YouTube oo lasoo galiyey shan maalmood uun ka hor balse markii hore ku baahday Tiktok.
“Berigii hore in qofku jacayl dartii la ooyo ceebbaa loo arki jiray laakiin haddii imika ay wax iska caadiya noqotay… dee waa wax weyn oo soo kordhay” ayuu yiri Amiin Samadoon oo fallo ka bixinayey sida uu u arko saamaynta ay heestu ku yeelatay dadka qaar.
{DAAWO MUUQAALKA} Israa’iil oo jawaab ka bixinayso weerarkii Iran iyo dagaal laga cabsi qabo
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israa’iil oo jawaab ka bixinayso weerarkii Iran iyo dagaal laga cabsi qabo



