Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israaiil oo soo Bandhigtay haraadiga Gantaaladii iiraan ay ku garaacday.
{DAAWO MUUQAALKA} Millatariga Soomaliya oo wajahaya Niyad Jab iyo dhibaatooyin Xoogan.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Millatariga Soomaliya oo wajahaya Niyad Jab iyo dhibaatooyin Xoogan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Mucaaradka soomaaliya oo isbahaysi cusub oo ka dhan ah Xasan Sheekh ka bilaabay Nairobi.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya waxay marwalba ahaan jirtay halka uu ka bilowdo abaabulka ka dhanka ah nidaamka waqtigaasi jira ee Soomaaliya.
Si gaar ah saddexdii doorasho ee ugu dambeysay ee 2012, 2017 iyo 2022 waxaa isbeddelka laga jiheeyay magaalada Nairobi, halkaasi oo ay badi deegaan ku yihiin siyaasiyiinta xil sugayaasha ah ee Soomaaliya.
Toddobaadkii hore madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir beeleed siyaasadeed uga qeyb-galay Nairobi. Xubno mucaarad ah oo markii hore ka ganbanayay inay Nairobi shaqo ka bilaaban ayaa hadda laga soo xigtay inuu madaxweynaha siiyay fursad ay dibadda uga bilaabi karaan shirar iyo abaabul ka dhan ah nidaamkiisa.
Sabtidii waxaa Nairobi ku shiray Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Dr Cabdinaasir Cabdulle iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali. Kulankan oo Shariifka uu dalbaday ayaa ahaa mid uu xubnaha kaga warsiinayay wixii uu kala kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii ay isku arkeen Nairobi.
Xubnaha kulanka fadhiyay qaar ayaa laga soo xiganaya in uusan madaxweyne Shariif ka qarin in doodda labada nin ku jiray awood qeybsiga siyaasadda, laakiin wixii ugu muhiimsana oo ay ka dooddeen wuxu ku tilmaamay xaalka siyaasadeed ee dalka, si gaar ah; in la iska kaashado amniga, laga heshiiyo dastuurka iyo doorashooyinka, la xaliyo tabashooyinka Puntland, fikir mideysana lagu wajaho culeyska ka imaanaya dhanka Itoobiya.
Dhamaan arrimahaasi ayay isla fahmi waayeen Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
Mucaaradka ku kulmay magaalada Nairobi waxay ka sinaayeen in Xasan Sheekh la joojiyo oo aan la aqbali karin halka uu madaxweynaha dalka kusii wado, oo ay qaar sheegeen inay ku dhamaan doonto inuu dalka kala tago.
Dhinacyada Nairobi ku shiray waxay isku soo hadal qaadeen qaabka loo dhigi karo mucaaradnimada, qaar ayaa soo jeediyay in guud ahaan mucaaradka arrintaan u midoobaan oo xitaa Farmaajo iyo dhinacyo kale lagu soo daro, balse xubnaha qaar ayaa taas ka cago jiiday waxayna soo jeediyeen in qolo walba gaarkeeda ula timaado hal abuur mucaaradnimo oo ay Xasan Sheekh kula dirirto, iyaga oo ka gadoodsan inay Farmaajo ku saf noqdaan.
Sida aan xogta ku helnay go’aan buuxa lama gaarin, balse waxaa lagu balamay in kulamada lasii wado. Sidoo kale in lala hadlo wakiiladda beesha caalamka oo la dareensiiyo sida aanay Soomaalida iskugu raacsaneyn halka uu Xasan Sheekh wax ku wado ayay diyaarinayaan mucaaradka qaar.
Waxaa kale oo la filayaa inuu dhawaan magaalada Nairobi yimaado hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna si weyn u diidan hanaanka uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna kulan weyn oo dhinacyada mucaaradka ah ayaa la filayaa inuu dhaco.
Madaxweynaha tallada haya ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda duri karin in mucaaradkiisa shirar, dooddo iyo diidmaba kusoo bandhigaan dalal shisheeye kadib markii uu isagu dhawaan aqbalay, kana qeyb-galay gogol ay beeshiisu dhigtay magaalada Nairobi.
Kulamada mucaaradka ayaa imaanaya, iyada oo bisha soo aadan ee May ay madaxweyne Xassan Sheekh u buuxsami doonto laba sano, waxaana caado ahaan jirtay in labada sano ee ugu dambeysa muddo xileedka madaxweyne kasta oo fadhiya Villa Somalia in lagula dhago isteerinka haddii uu isku dayo inuu dalka u jiheeyo dhinac aan heshiis lagu aheyn.
Wasiirka Maaliyadda DF oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Sare ee Hey’adda IMF.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga guga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banginga Adduunka oo socon doona muddo hal toddobaad ah.
Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Kulankaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka Soomaaliya, caawinaada IMF iyo helidda maal-galin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kaddib.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda Sodma oo Gargaar u dirtay Deegaano laga Saaray AS
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Hay’adda Sodma oo Gargaar u dirtay Deegaano laga Saaray AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Toogasho Miyaa Mar kale lagu Xukumay raggaan ku eedaysan dilka labo wiil oo walaalo ahaa ?
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Toogasho Miyaa Mar kale lagu Xukumay raggaan ku eedaysan dilka labo wiil oo walaalo ahaa ?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada kenya oo markale Billowday dhexdhexaadinta Dowladaha Soomaliya iyo itoobiya
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dowlada kenya oo markale Billowday dhexdhexaadinta Dowladaha Soomaliya iyo itoobiya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 16-04-2024
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Mustaf Ali Addow
farsamadii; Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Gabay Cajiib ah oo Tiriyay kumaan dooska Gor Gor
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Gabay Cajiib ah oo Tiriyay kumaan dooska Gor Gor
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Cida rasmiga ah ee dishay Drkii iyo Macalinkii Isla dhashay oo la ogaaday.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Cida rasmiga ah ee dishay Drkii iyo Macalinkii Isla dhashay oo la ogaaday.



