Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wiilashadeydda iska qabta Askariga leh balwadda waa AS”Madaxweyne Xasan”
{DAAWO MUUQAALKA} Wacyi galin Diini ah oo loo sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wacyi galin Diini ah oo loo sameeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo mudo ka dib yeelatay Wasiir rasmi ah.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo mudo ka dib yeelatay Wasiir rasmi ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Puntland oo mar kale si adag ugu hortimid qorshaha madaxwayne Xasan sheikh.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga jawaabay go’aanka dowladda federaalka ay wax uga bedeleyso dastuurka dalka iyo hadalkii Sheekh Cali Wajiis ee ahaa in dowladda federaalka ay weerari karto maamul goboleedkii amaradeeda diida.
Wasiirka ayaa su’aal geliyey wax la isku weerarayo hadiiba la bedelay dastuurkii heshiiska lahu ahaa, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu gaaray go’aan isaga u gaar ah oo danta umadda Soomaaliyeed aysan ku jirin.
Sidoo kale, wasiir Maxamuud ayaa sheegay in culimada Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ay ka jawaabeen hadalkii Sheekh Cali Wajiis, isla markaana ay Puntland cadeyneyso in fadwada Shiiqaas ay ka digeyso, dagaal ay la gasho dowladda federaalkana aysan diyaar u aheyn Puntland.
“Xarigii dadkaan Soomaaliyeed isku hayey wuxuu ahaa dastuurka, hadii isagii la jebiyey dowladnimo ma jirto, wax dambena lama qeybsan karo, hadii xukun la adeecayo Sheekh Cali Wajiis wuxuu adeeci lahaa kii Maxamed Siyaad Barre oo adeegyada bulshada oo dhan ay dowladu bixin jirtay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Wasiirka ayaa culimada uga digay inay dadka iyo dowladda fidno iyo dagaal sokeeye ku hagaan, “Qolo gaar ah halagu duulo waa fidno aan ka digeyno,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yiri doorashaan qabanayaa, doorashada yaa loo qabanayaa? Ma dadka Muqdisho jooga ee guryaha ay dhaceen ku nool ayaa doorasho loo qabanayaa?” Ayuu yiri.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku taliyey in horta maqaamka Muqdisho laga wadahadlo inta aan laga tashan nooca doorashada la qabanayo, “Muqdisho maxay noqoneysaa ma caasimad dowlad goboleed, mise caasiamdda umadda Soomaaliyeed, taas ayaa u baahan in la qeexo,” ayuu yiri.
Israa’iil oo ku adkaysatay inay jawaab ka bixinayso weerarkii Iran
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israa’iil ayaa u muuqata inay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.
Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.
Taliyaha ciidamada Israa’iil Lieutenant General Herzi Halevi ayaa sheegay in weerarka Israa’iil “jawaab ka bixin doonaan”.
Wuxuu sheegay in Iraan ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.
Milateriga Israa’iil faahfaahin badan kama bixinin nooca jawaabta ah ee ay bixinayaan, inkasta oo afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil inuu sheegay inay tallaabadaas qaadi doonaan marka ay go’aamiyaan wakhtiga.
Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ku booriyey inay is xakameeyaan, isaga oo sheegay in guuldarrada ku timi weerarkii Iran, in taas lafteedu ay tahay guul ballaadhan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in gantaalladii iyo diyaaradihii ka badnaa 300 ee ay ridday Iran, in 99% la soo riday.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa isna Isniintii sheegay in Israa’iil ay haatan joogto boos ka xoog badan kii ay maalmo ka hor joogtay.
Britain, France, Jordan iyo Sucuudiga ayaa ku biiray isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil si loosoo rido gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Cuba returns to ask the US for answers on the disappearance of two of its doctors in Somalia

They are Assel Herrera Correa and Landy Rodríguez Hernández, kidnapped by al Shabaab but who according to the jihadist group were killed in a raid carried out by the United States
Tuesday 16 April ,2024{HMC} Abdi Nageeye, the Olympic silver medalist from the Netherlands, reclaimed his title in dramatic fashion, setting a new Dutch record with a time of 2:04:45, improving his previous best by 11 seconds. The race was tightly contested until the finish, with Nageeye outpacing Ethiopia’s Amedework Walelegn by a narrow five-second margin. Birhanu Legese of Ethiopia also performed well, claiming third place in 2:05:16.
The marathon began under ideal conditions, with a leading pack closely following the pacemakers. The contest tightened near the 30K mark, leaving a smaller group vying for victory.
In the final kilometres, Nageeye’s strategic acumen and endurance came to the fore. He stayed with the lead pack, conserving his energy for a decisive move in the closing stages. This move saw him pull ahead of Walelegn, a lead he maintained to the triumphant finish line. This tactical play not only showcased his physical prowess but also his mental strength and race intelligence.
In the women’s race, Ethiopian runner Ashete Bekere left no room for doubt about her dominance in the field. She reaffirmed her prowess as a long-distance runner, leading the race from start to finish. Her victory was a testament to her skill and determination. Bekere, who previously won the 2019 Berlin Marathon, clocked in at 2:19:20, steadily building her lead through the race and ultimately securing a comfortable victory over Kenya’s Viola Kibiwot and Selly Chepyego, who finished in 2:20:57 and 2:22:46 respectively.
The Rotterdam Marathon was marked by competitive spirit and a poignant tribute to the late Kelvin Kiptum, a world marathon record-holder who tragically passed away earlier this year. Before the start, a moment of silence filled the air as runners and spectators remembered Kiptum, with many athletes donning black ribbons in his honour.
SOURCE

Ruushka u ballanqaaday Iran inuu gacan ka siinayo difaaca duqeymaha Israa’iil.
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Wargeyska Washington Post ee ka so baxo Dalka mareykanka ayaa goor dhow daahqaaday isagoo xiganaya ilo sirdoon.
Ruushka inuu u ballanqaaday Iran inuu gacan ka siinayo sidii ay isaga difaaci lahayd duqeymaha Israa’iil.
Ballanqaadka Dowladda Ruushka ee wargeyska uu soo bandhigay waxaa ka mid ah nidaamka difaaca S-400 iyo qalab kale oo militari oo ka hortagga inay weerarro ka dhacaan bartilmaamaadyada muhiimka ah
Saraakiisha sirdoonka ee wargeyska Washington Post uu xigtay ay sheegeen in iskaashiga sii kordhaya Tehran ay la leedahay Moscow inuu xoojinayo awoodda labada dal.
dhinaca jaka Xarunta dhexe ee Difaaca Cirka Dowladda Iran ee Khatam al-Anbia ayaa soo saartay xayiraadaha duullimaadyada caalamiga ah ee galbeedka, waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed Iran.
Maxey tahay Ujeedka uu u sameeyay Abwaan Amiin heesta ‘dadka badan oo Soomaali ah ka oohisay?
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahday hees jacayl oo dad badan is weydaarsadeen.
Qaar ka mid ah dhallinta caanka ka ah baraha bulshada ay adeegsaday iyaga oo shucuur muujinaya.
Heestan oo lagu magacaabo ‘Iifur Buugga naxariista” ayaa waxaa qaaday fannaan da’yar oo lagu magacaabo Amiin yare waxaana qoray Abwaan isagana lagu magacaabo Amiin Samadoon.
Abwaanka oo BBC la hadlay ayaa noo sheegay in heestu ay ku qotonto qiso jacayl oo dhab ah isla markaana uu uga sheekeeyay nin dhalin yaro ah.
”Inanka waxaa iskaaya bartay gabadh la yidhaado Hibo oo ay isaga is garanayeen, waanu ballannay, waxaanuna ku ballannay guri uu leeyahay nin fannaan ah” ayuu yiri Amiin Samadoon oo dib u xasuusanaya sidii ay isku barteen wiilka qisadu ku qotonto.
Amiin waxaa uu sheegay in badanaa ay dhacdo in qofi kuu sheego qisa jacayl kadibna aad ogaato in aysan run ahayn balse markii uu la sheekaystay wiilka qisadani ay ku saabsan tahay waxa uu Abwaan Amiin sheegay in uu fahmay in uu yahay dhibbane Jacayl.

”Markii aan waraystay dhowr qof oo kale oo aniga aan isnaqaanano oo ay iiga warrameen ayan xaqiiqsaday arrinta uu ii sheegayo in ay dhab tahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Amiin.
Abwaan Amiin ayaa markaas ka dib go’aansaday in uu erayada heestan ka sameeyo qisada looga sheekeeyay isaga oo leh: “qofku marka uu kuu warramay haddii uu dareenku ku galo waxa lagaaga warramay ay ku galaan, xitaa qofkii oo aan kaa dalbanin ayaad is arkaysaa adiga oo waraaq iyo qalin inta soo qaadatay wax qorqoraya”.
”Markii aan aad u dhuuxay ayaan is arkay iniga oo durba wax qorqoraya” ayuu kusii daray.
Haddaba maxay yihiin erayada heesta ku jira ee ”dadka ka oohiyey”?

Erayada heesta qaar ka mid ah
Heestaan oo ah waa mid calaacal ah, ayaa qabsatay baraha bulshada ee Soomaalida.
Dadka ka faalooda heesaha ayaa amaan u soo jeediyay erayada, laxanka iyo muusiga oo qudhoodu qayb ka qaata sida heesta loo turjunto micno ahaan.
Heestan ayaa sida uu sheegay fannaanka qaaday waxay sawir ka bixinaysaa qof dib ula kulmay jacaylkiisii oo ay muddo kala maqnaayeen. Haseyeeshee kama muuqato heesta in jacaylku ahaa amid laba geesood ah.
Erayada heesta siiba ku kuwa ku jira qaybta ku baahday baraha bulshada ayaa waxa ka mid ah:
Haddaan idhi bidhaantaada uma xiisin waa been’e
Ma anaa qof booskaaga heli karaya ii buuxsha
Ma anaan u boholyoobin kulankiyo bilkhayrtaada
”Waxaa igu bannaanaatay halkii aad ku beegnayde
Sidan eeg bal muuqayga u badalay waageenu
Kaalay arag buseelkaagu siduu iiga dhigay baylah,”
Da’ yarta qaar ayaa iska soo duubay muuqaalo iyaga oo muujinaya in ay la ilmaynaya erayada heesta lana qaadaya fannaanka.
In ka badan laba milyan oo jeer ayaa laga daawaday heesta barta YouTube oo lasoo galiyey shan maalmood uun ka hor balse markii hore ku baahday Tiktok.
“Berigii hore in qofku jacayl dartii la ooyo ceebbaa loo arki jiray laakiin haddii imika ay wax iska caadiya noqotay… dee waa wax weyn oo soo kordhay” ayuu yiri Amiin Samadoon oo fallo ka bixinayey sida uu u arko saamaynta ay heestu ku yeelatay dadka qaar.
Xigasho BBC
Wararkii Ugu Danbeeyay Israa’iil iyo Iran
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Israa’iil waxay sare u qaaday saacadihii u dambeeyay surtagalnimada weerar ay xilli hore ku qaadi karto Iran, kaa oo jawaab u ah weerarkii habeen hore ee Iran ay ku qaaday Israa’iil.
Sida laga arkay natiijada kulamada wasiirrada dagaalka iyo taliyayayaasha ciidamada , si la mid ah dhaqdhaqaaqa diyaar garowga saldhigyada ciidanka cirka Israa’iil, intaaba waxay soo muujiyeen saan-saan inay dhowdahay waqtiga ay Israa’iil ka aargudan lahayd Iran.
Dhaqdhaqaaqan xooggan ayaa xata dhaliyay baaqyo caalami ah oo lagu dalbanayay inay Israa’iil hoos u dhigto xiisadda.
Waaxda difaaca Mareykanka iyo afhayeenka amniga Aqalka cad ayaa si isku mid ah u sheegay inay Israa’iil iyadu go’aan ka gaari doonto inay weerar ku qaado Iran, waxay sheegeen Mareykanka hadda inuusan diyaar u ahayn isku horimaad dhexmara Israa’iil iyo Iran inuu door ku yeesho,laakin hadalkan dhab ma loo qaadan kara? Jawaabta ugu habboon waa mayo, sababto ah haddii Israa’iil ku adkaysato dagaal ballaaran oo ay u baahato kaalmada Mareykanka iyo xulafadiisa si wadajir ah ayay u duuli doonaan.
Su’aasha ah Israa’iil weerar ma qaadi doonta? Waxay u muuqata inay dhici doonto weerar ay qaado Israa’iil!
Laakin muxuu noqonaya weerarka?
Waxaa maxay natiijada ay doonayo Israa’iil?
Sirta laga helay Netanyahu iyo xata Mareykanka waa inay Israa’iil qaadi doonto weerar aan ku qasbi doonin inay Iran ka soo jawaabto ama aan horseedin dagaal weyn! Maxay la macno tahay taa? Waxay u muuqata Israa’iil inay qaadi doonto mid ka agdhow weerarkii Iran , laakin soo muujiya khatar, si aan loo helin dacaayad! Filashooyinka ugu weyn waa inay Israa’iil dab ka kicin doonto saldhigyo iyo goobaha muhiimka ah ee difaaca Iran , meelo aan ka fogayn, weerarkaa oo qaadan kara waqti kooban, mid kale oo aan sugi karno waa weerar ka dhaca saldhigyada dibadda ee hantida Iran ,weerar internat ama howlgal kale oo lagu dilo saraakiil.
Arrimahan waa kuwa u waqtiga soo muujin doono!
Marka laga hadlayo natiijada ay ka doonayso sare u qaadista xiisadan oo noqotay mid dunidda oo dhan soo jiidatay waqti horana saameyn ku yeelatay isku socodka iyo dhaqaalaha adduunka, ayaa loo arka inay jiraan arrimo kale oo ay Israa’iil u arkayso inay u baahanyihiin in indhaha laga leexiyo.
Ma aragtay inaysan cidna ka hadal xaaladda Qasa ee ka sii-daraysa, macaluusha ka jirtana ay gaartay heerkii u sarreeyay, lama arag , sababtana waa xiisadda Iran iyo Israa’iil , si la mid ah waxaa la tirtiray kiiskii la wad waday ee duqeynta ay Israa’iil ku dishay samafalayaashii u dhashay Yurub, Mareykanka , Canada iyo Australia, waxaa kalo ay gaartay Israa’iil inay reer Yurub iyo Mareykanka ka heshay taageerro dheeraad ah oo uu ku diirsanayo Netanyahu! Intaa oo dhan ayaa inoo xaqiijin kara si dhaqso ah inan saacadahan loo sugeyn inay weerar qaado, waxaaa suragal ah xata maalin kale inan ku jirno marxalad ka hadalka xiisadan ah! Laakin ha iloobin marka ay go’aanka ku jirto qof sida Netanyahu oo kale ah waqti kasta ayaa waxaa ku dhici kara wax lama filan ah si xiisadda ay u sii taagnaato, miiska shaqada ee reer Yurub iyo Mareykankana waxay markaa noqonayaan kaliya in laga hadlo Israa’iil iyo taageerradeeda!
Xataa waqti hore , waxaan orankarnaa in mowjadan lagu dhex jiro waxay u tahay Israa’iil , arrin wax u taraysa, waana nacas-nimo xilli hore oo ay duulaan ku qaadan Iran!
Ugu dambeyntii, waxa walaaca leh ee saacadihii u dambeeyay laga hadlayo waa surtagalnimada in xiisadan ay ku fiirinayaan Israa’iil iyo Mareykanka dulqaadka Iran oo la tuhmayo inuu u diyaar yahay farsamada u dambeysa ee soo saarista gantaaladeeda nukliyeerka, taa oo jirta inta aan faalladan ku dhex jiray Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta Nuclear ee loo soo gaabiyo IAEA ayaa ka digtay inay Israa’iil weerarto goobaha lagu tuhmayo inay ka socoto horumarinta nukliyeerka Iran .
Iman Jamac
Maxay tahay sababta u diiday Mareykanku in uu Israa’iil ku garabsiiyo aargoosi Ay ku sameyso Iran?
Talaado 16 April ,2024 {HMC} Aqalka Cad ayaa uga digay Israa’iil in Mareykanku uusan ka qeyb qaadan doonin weerar kasta oo aargoosi ah oo ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen saraakiisha sare.
In ka badan 300 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo gantaallo ayaa lagu soo riday Israa’iil habeen hore, kuwaas oo Iran ay sheegtay in ay jawaab u ahayd weerar 1-dii April lagu weeraray qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya.
Ku dhawaad dhammaan hubka waxaa toogtay ciidamada Israa’iil, Mareykanka iyo xulafadooda ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.
Saraakiisha ayaa sheegay in Joe Biden uu ku booriyay Israa’iil inay uga fiirsato jawaabteeda “si taxadar leh”.
Isagoo la hadlayay warfidiyeenka Axaddii, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Biden uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “si taxadar leh oo xeeladaysan uga fikiro” sida ay ciidamadiisu uga jawaabayaan falkii aan horay loo arag, oo ah weerarkii ugu horreeyay ee toos ah oo ay Iiraan ku qaado dalkaas.
Sarkaalku waxa uu intaa ku daray in maamulka Biden uu aaminsan yahay in Israa’iil ay “si fiican u heshay” is-dhaafsiga, kaas oo bilaabmay markii taliyeyaal sare oo militariga Iran lagu dilay dhisme qunsuliyadda Iran ku leedahay Suuriya.
Ku dhawaad 99% gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada loo yaqaanno cruise-ka ee la riday intii lagu jiray hawlgalkii aargoosiga ahaa ee Iran ayaa la qabtay -taasi oo saraakiisha Maraykanku ay ku tilmaameen in ay calaamad u tahay in ay Israa’iil ka sarreyso Iran.
Diyaaradaha Mareykanka iyo maraakiibta badda ayaa soo riday tobanaan gantaal oo Iran laga leeyahay markii uu weerarku dhacay. In ka badan 80 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn iyo ugu yaraan lix gantaal oo nooca ballistic-ga ah ayaa waxaa soo riday diyaaradaha iyo maraakiibta Maraykanka ama ciidamada difaaca cirka ee Ciraaq.
Wadahadal ayaa dhex maray Biden iyo Netanyahu xilli uu “mashaqo badan” ku jiray wax yar ka dib weerarka, oo ay ku jireen ilaa 100 gantaal oo ballistic ah oo isku mar u duulayay dhanka Israa’iil.
Intii lagu guda jiray wicitaanka, labada hoggaamiye waxay ka wadahadleen “sidii looga fikiri lahaa arrimaha”, iyadoo Mr Biden uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil “ay sameysay sida ugu wanaagsan”.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaalku wuxuu diiday inuu sheego, in Aqalka Cad uu ka digay jawaab celin muhiim ah, isagoo sheegay oo kaliya “waa taxadar ay tahay inay Israa’iil sameeyaan”.
Muuqaalo is daba joog ah oo laga sii daayay shabakadaha Maraykanka subaxnimadii hore, afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa ku celceliyay in Maraykanku u caddeeyey Israa’iil in ay doonayso in ay ka fogaato isku dhac ballaaran.
Maamulka sare ayaa sheegay in fariin tan la mid ah loo diray Iran iyadoo loo marayo dariiqo diblomaasiyadeed.
Mr Kirby iyo sarkaalka ayaa labaduba sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono difaacidda Israa’iil, laakiin wuxuu meesha ka saaray in uu ka qayb qaadan doono wax jawaab ah oo ay Israa’iil bixiso.
Mawqifkan ayaa ah mid ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Maraykanka iyo masuuliyiin hore oo ka tirsan labada dhinac ee siyaasadda.
Wakiilka Jamhuuriga Ohio Mike Turner, oo u shaqeeya gudoomiyaha guddiga sirdoonka ee Aqalka, ayaa sheegay in hadalada Mr Kirby ee ku saabsan dejinta colaadda ay “khalad tahay”.
“Marka horeba way ka sii daraysa xaaladdu, maamulkuna wuxuu u baahan yahay inuu ka jawaabo,” ayuu ku yiri NBC.
Sidoo kale John Bolton, oo ahaa la taliyaha amniga qaranka xilligii madaxweyne Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu ku biiro Israa’iil haddii ay doorato in ay weerarro aargoosi ah ku qaaddo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
“Waxay ila tahay in [Israa’iil] ay burburin karto ama baabi’in karto qayb aad u muhiim ah, haddaysan ahayn gebi ahaanba,” ayuu u sheegay NewsNation.
Kadib weerarkii Iran ay ku qaadday Israa’iil, Mike Johnson, oo ah afhayeenka aqalka wakiillada, ayaa sheegay in hay’addu “ay mar kale isku dayi doonto” in gargaar milatari ay u gudbiso Israa’iil.
Isku dayo hore oo gargaar dheeri ah loogu dirayay Israa’iil ayaa hakad ku yimid iyadoo ay jiraan baaqyo dimuqraadi ah oo ah in xirmada gargaarka ay sidoo kale ku jirto kaalmada Taiwan iyo Ukraine.
XIGASHO BBC



