Home Blog Page 257

Booliiska Jigjiga oo xiray nin muuqaallo anshax xumo ah ka duubay gabdho Soomaaliyeed

0

Isniin 08, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Booliiska magaalada Jigjiga ee Caasimada Dowlad Deegaanka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo anshax xumo ka duubay, una geystay handadaad gabdho Soomaaliyeed oo kala nool meelo badan.

Eedaysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Ayuub, lana sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo magaalada Muqdisho balse marar kala duwan ku noolaa dalalka Yurub sida Talyaaniga iyo Austria, ayaa lagu qabtay Jigjiga kaddib markii lasoo dacweeyay.

Saraakiisha booliska Dowladd Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabayay cabashooyinka haweenka ayaa sameeyay hawlgallo gaar ah oo ay ku soo xireen ninkan.

Intii lagu guda jiray baaritaanka, waxaa taleefankiisa laga helay muuqaallo badan oo uu si qarsoodi ah uga duubay hablo Soomaaliyeed oo uu kula kulmay magaalooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga.

Booliska ayaa sheegey in Ayuub uu marka hore ku billaabi jiray inuu gabdhaha kala xidhiidho baraha bulshada, si tartiib ahna u kasbado kalsoonidooda.

Wuxuu la samayn jiray xiriir shukaansi u eg, isagoo adeegsanayay fariimo iyo wicitaanno muuqaal ah (video call), isagoo duubi jiray muuqaalada gabdhaha oo mararka qaarkood dhar la’aan ah.

Markuu helo muuqaalada koowaad, ayuu ku cadaadin jiray inay u diraan kuwo kale oo ka sii xasaasisan, kuwa diidana wuxuu ugu hanjabi jiray inuu si fagaare ah u faafinayo kuwii uu hore uga duubay. Booliiska ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhaha uu ku khiyaameeyay kalsooni been ah, halka qaar kalena uu ka faa’iidaystay duruufo nololeed oo ay ku jireen.

Booliska magaalada Jigjiga ayaa bulshada ku wacyigeliyay inay ka taxadaraan dadka ku dhuumaaleysanaya baraha bulshada oo u adeegsada si khaldan. Waxay dadka deegaanka Soomaaliyeed uga digay dhaqamada xun ee ku soo badanaya internet-ka, kuna boorriyeen in qof walba si taxaddar leh ula macaamilo dadka aan la aqoon ee soo baxa baraha bulshada.

Somalia’s poets keep hope alive for storytelling and for peace.

0

Monday 08, Dec 2025 {HMC} Somalia — In a theater where a suicide bomber detonated years ago, Hassan Barre stepped forward to offer a different hallmark of Somalia: poetry.

In one of the world’s most volatile nations, Somalis must be aware of their responsibility to their country and each other, he said in a recital emphasizing good citizenship.

The 70-year-old Barre cut a somber figure at the podium. His message echoed in the largely empty hall of the National Theater in Mogadishu, the capital, where aging poets in austere suits gather to share verses and recall the good old days.

The men, some with hennaed beards and glaucoma eyes, represent a fading measure of hope for a country that has been slowly stripped of its cultural wealth during decades of conflict.

There may be no higher art in Somalia than oral poetry, which is recited in the most remote outposts and even by militants in the bush.

Somalis, after all, are often described as “a nation of poets.” Their work often venerates pastoral well-being and the traditional roles of men and women in the predominantly Islamic society.

Some poets like Hadraawi — the “Shakespeare of Somalia” who died in 2022 — have achieved universal recognition.

“Hadraawi’s oeuvre includes a broad repertoire, from love songs to laments of war,” Harvard University’s Archive of World Music noted after his death.

Poets flourished during the reign of Siad Barre, who ruled Somalia with an iron hand but was known to respect the intellectual work of artists.

His removal in 1991 by clan-based militias provoked a civil war as warlords fought for authority — chaos that eventually led to the deadly rise of the al-Qaida-affiliated al-Shabab.

Somalia is now known far more for bombings than poetry. The violence has not spared its cultural institutions, now mostly in limbo as the fragile federal government spends the bulk of its budget on national security.

The National Theater, like the National Museum next door, is largely inactive. To reach the venue in a heavily guarded area near the presidential palace, visitors traveling in a vehicle must notify the intelligence agency in advance, part of security precautions that demand not just the car’s license plate number but even its make and color.

On the morning Hassan Barre sang his poem, a group of young Somalis were practicing a folk dance that emphasized traditional values, like dutifully cultivating the land. A group of poets, including one woman, sat nearby, talking quietly.

Some told The Associated Press they are trying to keep Somalia’s poetic tradition alive despite security concerns and financial challenges that limit programming.

Traditional poets still perform at community gatherings like weddings, and poems are recited daily on local radio stations.

But during Siad Barre’s reign “we were treated like kings,” with some receiving free housing, said the poet Barre, who is not related to the former president. “The present administration, they are not giving much treatment to the poets and singers. We expect them to treat us the way we used to be treated.”

Daud Aweis, Somalia’s culture minister, said poets still play “a vital role in Somali society, serving as a foundational pillar for cultural vitality, individual well-being and peaceful coexistence.” While his ministry provides limited funding for culture and the arts at the National Theater, “the long-term goal is to expand support,” he told the AP.

Inaugurated in 1967, less than a decade after independence, the National Theater shut down in 1991 following Barre’s ouster. It reopened in 2012 after African Union peacekeepers pushed al-Shabab fighters out of Mogadishu in a counter-terrorism campaign.

Months later, however, a suicide bomber blew herself up at the theater during a speech by the prime minister, killing the head of Somalia’s Olympic committee and at least seven others. The prime minister survived.

Still, the poets who meet at the National Theater are not giving up. Gathering there fosters a sense of community in a sandbagged city ringed by checkpoints.

Hirsi Dhuuh Mohamed, who chairs the Somali Council of Poets, said the group has 400 members, including many in the diaspora. He said things had improved from “the worst” in the late 1990s, when Mogadishu was divided into zones as warlords fought for dominance.

“One thing that unites all Somali poets, whether in Eritrea, whether in Somalia, everywhere, we stand for peace,” he said, adding that they never engage directly in politics. Instead, he said, the overarching message of their work is security, good governance and community integration.

Another poet, Maki Haji Banaadir, a curmudgeon with gold-rimmed glasses, is among those trying to keep the National Theater operational as its deputy director.

In 2003, he and six other poets traveled across Somalia to preach reconciliation. That kind of journey is impossible now. The federal government has little hold on territory outside of Mogadishu, and at least two semi-autonomous regions are seeking secession.

Maki, as he is commonly known, is a popular cultural figure in Somalia. A decade ago, he composed a song about the apparent uselessness of the Somali shilling, which is no longer accepted in local markets amid the dollarization of Somalia’s economy.

Asked if he and his peers were grooming the next generation of Somali poets, he said he hoped so: “We are working day and night.”

AP Logo
By RODNEY MUHUMUZA Associated Press and OMAR FARUK Associated Press

Xaaska hoggaamiyaha ISIS oo ka hadashay waxa ay ka ogtahay halka uu ku sugan yahay ninkeeda.

0

Isniin 08, Dec 2025 {HMC} Muna Abdule, xaaska hoggaamiyaha cusub ee Daacish, Cabdulqaadir Muumin, oo ku nool dalka Britain, isla markaana korineysa saddexda carruur oo ay dhashay, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay waxa ay kala socoto halka uu ku sugan yahay seygeeda.

Muna ayaa u sheegtay warbaahinta Daily Mail in saygeeda Cabdiqaadir Muumin uu isaga tagay iyada iyo carruurteeda iyaga oo da’ yar, islamarkaasna uusan ogeysiinin halka uu u socdo, si uu u fuliyo ujeeddadiisa argagixiso ee caalamiga ah.

Waxay tiri: “Wuu naga tegey, maxaan kale oo aan dhihi karaa? Hore uma aanan arag, mana maqal in ka badan 10 sano. Carruurtu way garanayaan, laakiin xiriir lama lahan.”

Muna, xaaska hoggaamiyaha Daacish waxay intaas ku dartay in ay ku adkaatay inay sharaxaad ka siiyo carruurteeda halka uu aabahood joogo iyo waxa uu sameynayo.

Waxay sheegtay in mar ay ku booqatay ninkeeda Soomaaliya, uu u sheegay inuu is beddelay, balse waxay sheegtay in aysan run noqon.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeya waxay sheegtay in aysan xiriir dambe la yeelan.

Wareysiga ay bixisay ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee ISIS uu weli ku dhuumaaleysanayo buuraha Cal Miskaad, xilli ay socdaan howl-gallo xooggan oo ay wadajir u fulinayaan ciidamada Puntland iyo kuwa gaarka ah ee Mareykanka.

25-kii November, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ISIS ku lahayd togga Baalade. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen saraakiisha sare ee kooxda.

Howlkaas ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ISIS ah iyo15 dagaalame oo u kala dhashay Suuriya, Turkiga, iyo Itoobiya.

Turkiga oo ku dhawaaqday in Soomaaliya 2026 ay si rasmi ah Loo bilaabaayo Qodista Ceelka shidaalka.

0

Isniin 08, Dec 2025 {HMC} Turkiga ayaa si cad u muujiyay in sannadka 2026 uu noqon karo taariikhda markii u horreysay ee Soomaaliya ay si rasmi ah uga billaabanayso qodista shidaalka iyo khayraadkeeda dabiiciga ah,tallaabo haddii ay hirgasho beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka.

Hadalkan wuxuu ka soo yeeray Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, oo todobaadkii hore shaaciyay in Ankara ay soo iibsatay maraakiib cusub oo si gaar ah loogu talagalay baarista iyo soo saarista khayraadka ku jira xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar isagoo ka hadlaya sahannadii lagu sameeyay badaha Soomaaliya, wuxuu yiri:
“Sanadkan waxaan fulinnay hawlgallada seismic-ka, waxayna u badan tahay in 2026 uu noqon doono sannadkii qodista rasmiga ah ee xeebaha Soomaaliya.”

Wuxuu intaas ku daray in natiijo rasmi ah oo ku saabsan halka iyo sida qodistu u bilaabmi doonto lagu dhawaaqi karo bisha Janaayo , taas oo ka dhigan in wejigii qiyaasta iyo saadaasha uu marayo heer gabagabo ah.

Laakiin waxa warbixinta Turkiga ka dhigay mid culays siyaasadeed iyo dhaqaale leh ayaa ah xaqiijinta wasiirka inaysan ku ekaan doonin badda oo keliya.

Turkigu wuxuu qorsheynayaa in uu baaro khayraadka ku jira dhulka Soomaaliya, taas oo u baahan qorshe amni oo adag, maalgashi weyn, iyo kaabeyaasha lafteeda oo dowladdu aysan maanta haysan.

Bayraktar wuxuu qiray in goobaha lagu tuhmayo shidaalka ay yihiin kuwo aan waddooyin gaarin, taasoo micnaheedu yahay in marka hore la dhisi doono wadooyin, adeegyo iyo xarumo tababar oo ka dhigaya in howsha qodista dhulka Soomaaliya ay noqoto mid dhab ah oo suurtagal ah arrin u baahan lacag badan iyo waqti qorsheysan.

Xogta ka soo baxaysa dhinaca Turkiga waxay ku soo aadaysaa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo kala-guur ah, halkaas oo weli aan la caddeyn nooca doorashada la qabanayo, jadwalka iyo cidda siyaasadda dalka hoggaamin doonta inta lagu jiro sannadkan muhiimka ah.

Waxaa dheer kalsooni darrada sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa dawladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyo su’aasha weli taagan ee ah; Sidee loo maareyn doonaa khayraadka dalka haddii qodistu billaabato iyadoo aan la haynin heshiis qaran oo qeexaya qaybinta dakhliga, maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida shacabka?

Marxaladan waxay siin kartaa madaxweyne Xasan oo bilaha u dambeeya ee muddo xileedkiisa ku jira inuu ka tago raad dhaxal-reeb ah oo ka dhalan kara marka caqabadaha jira meesha laga saaro ama la diyaariyo jawigii looga bixi lahaa, iyadoo lagu dhinac wado xasilloonida siyaasadeed iyo wacyi gelin bulsho.

Arrin aan laga tagi karin waa in la helo hay’adaha ay khayraadka quseeyaan illaa xukuumadda inay yeeshaan tayadii lagula xisaabtami lahaa Turkiga iyo illaa ka fogaanshaha in khayraadka uu uga daro xaaladda Soomaaliya , taa oo lagu xaqiijin karo markabka helo hoggaamiyeyaal khibrad iyo xogogaalnimo u leh marxaladda ay isku diyaarinayso Soomaaliya.

Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah oo ku dhiban kulamada ay ku yeelanayaan saldhig ku yaalla koonfurta dhulka ay Israa’iil

0

Isniin 08, Dec 2025 {HMC} Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah ayaa ku dhiban kulamada ay ku yeelanayaan saldhig wadajir ah oo ku yaalla koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato,

Halkaa oo lagu qabto wadahadallada lagu dardar gelinayo gargaarka galaya Qasa iyo qorshaha mustaqbalka Qasa, kaddib markii xubnahaa Israa’iil ee ku sugan xarunta ay joogteeyeen inay duubaan wadahadallada xaruntaa ka dhacaya,

Taa oo la sheegay inay xataa ka caraysiisay saraakiisha Mareykanka oo qaarkood si toos ah u aflagaadeeyay howlwadeennada Israa’iil oo ay ku sheegeen inay u dhaqmayaan sidii ‘sheydaankii.’

 

Shirweynaha Afrika ee Shirkadaha soo Koraya oo Sanadkan Diirada Lagu saaray Hal Abuurka.

0

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Shirweynaha Afrika ee Shirkadaha soo Koraya (African Startup summit) oo sanadkaan diiradda lagu saarayo taageerada shirkadaha hal abuurka ee sookoraya, xoojinta isku-xirka dhijitaalka, hal-abuurka teknolojiyadda iyo dhismaha kaabayaasha ICT-ga ayaa maanta lagu soo xiray magaalada Algiers ee dalka Algeria.

Waxaa si gaar ah maanta u qabsoomay Wadatashiga Heer-Wasiir (Ministerial Roundtable) oo ay ka qayb galeen wasiirrada isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo ka wada hadlay mustaqbalka dhijitaalka ee qaaradda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Soomaali, oo kumatalayay Soomaaliya shirka, ayaa si qoto dheer uga hadlay:

Istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo isku-xirnaanta dhijitaalka ah ee Afrika, Habraacyada amniga dhijitaalka iyo ilaalinta xogta, soo saarista siyaasado dhiirri-geliya hal-abuurka iyo ganacsiga ICT-ga, Iyo kaabayaasha lagama maarmaanka u ah in Afrika u gudubto dhaqaalaha dijitaalka ku dhisan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si ay uga wada hadlaan arrimaha ku saabsan Madasha Doha Axaddii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Kulankii 23-aad ee Madasha Doha ayaa ka bilaabatay caasimadda Qatar Sabtidii iyadoo cinwaan looga dhigay “Caddaaladda Ficilka: Ballanqaadyada Horumarka ka baxsan.”

Munaasabaddan oo socon doonta laba maalmood ayaa isugu keentay mas’uuliyiin iyo hoggaamiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Fidan, Madaxweynaha Suuriya Ahmad Al-Sharaa, Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton, iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates.

FM Hakan Fidan meets Somali President Mohamud in Doha

0

Sunday 06, Dec 2025 {HMC}  Turkish Foreign Minister Hakan Fidan met Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud for talks on the margins of the Doha Forum on Sunday, Türkiye’s Foreign Ministry said.

The 23rd edition of the Doha Forum kicked off in the Qatari capital on Saturday under the theme “Justice in Action: Beyond Promises to Progress.”

The two-day event brought together officials and global leaders, including Fidan, Syrian President Ahmad Al-Sharaa, former US Secretary of State Hillary Clinton, and Microsoft co-founder Bill Gates.

Anadolu is the event’s global communications partner.

Masar oo xaqiijisay in Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay amniga Qaranka Dalkeeda Carabta iyo Afrika.

0

Axad 06, Dec 2025 {HMC} Dr. Badr Abdel Aaty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar ee ayaa maanta sheegay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo gaar ah, isaga oo ku tilmaamay “tiir-dhexaad ka mid ah amniga qaranka Masar, Carabta iyo Afrika”.

Hadalkan ayuu ka jeediyay madal dood ah oo ciwaankeedu ahaa dowladnimo ka hanaqaada Soomaaliya: Istaraatiijiyado isku dubbaridan oo lagu ilaalinayo horumarka la gaaray”, taas oo lagu qabtay Madasha Doha.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay wajaheeyso caqabado isbiirsaday oo u baahan qorshe mideysan iyo iskaashi caalami ah, si loo sii xoojiyo guulaha la gaaray.

Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhinacyo isku dayaya inay u beddelaan Gobolka Badda Cas goob tartan siyaasadeed oo khatar gelin karta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Dr. Abdel Aaty ayaa sharaxay in siyaasadda Masar ee ku wajahan Soomaaliya ay ku dhisan tahay dhowr mabda’ oo ay ugu muhiimsan yihiin, taageeridda midnimada dhuleed ee Soomaaliya, diidmada talaabo kasta oo lagu beddeli karo xaqiiqda dhulka, iyo ka qaybqaadashada dhismaha hay’adaha dowliga ah ee awoodda u yeesha sugidda amniga, ka hortagga argagixisada iyo ilaalinta sharciyadda.

Wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Masar ee dhanka tababarrada, waxbarashada iyo horumarinta aqoonta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ay ka faa’iideysteen barnaamijyada ay bixiyaan hay’adaha Masar sida Al-Azhar, jaamacadaha dalka iyo Machadka Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka.

Isagoo sii hadlaya ayuu ka digay caqabadaha cusub ee dalka ka jira, oo uu ku sheegay argagaxisada iyo duruufaha adag ee la socda marxaladda dhismaha dowladnimada.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay muhiimadda ay leedahay Baahinta Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya, isagoo sheegay in ka qeyb-qaadashada Masar ay muujineyso masuuliyad istaraatiiji ah oo ay ka leedahay badbaadada gobolka.

Wuxuu uga digay beesha caalamka hoos u dhaca joogtada ah ee ku yimid maalgelinta howlgalka.

Ugu dambayn, Dr. Abdel Aaty ayaa ku baaqay in la helo maalgelin joogto ah oo ku filan Howlgalka AUSSOM si ay u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay u taageerto ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala guurka.

Soomaaliland dadkii ku dhintay rabshadahii Boorama waxaa Dilay dad shisheeye ah.

0

Axad 06, Dec 2025 {HMC}  Millatariga Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay daba socdaan xogo sheegaya in dad ku hubaysan qoriga isnaybarka ay qayb ka qaateen laynta shacabka Boorama maalmihii ay rabshaduhu socdeen.

Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdille, oo ku hadlay afka ciidanka, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland aanay suurtagal ka ahayn inay si badheedh ah u beegsadaan shacabka.

“Ciidamada qaranku waa ciidamadiinnii idinku aad lahaydeen, amnigiinna ka shaqaynayay, kama suurtagasho inay shacabkooda, hablahooga, carruurtooda iyo dumarka reer Awdal iyo Salal wax si badheedh ah u gaadhsiiyaan,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdille.

Waxa uu sheegay inay tuhunsan yihiin in dad reer Somaliland aan ahayn ay sheedda ka tooganayeen shacabka: “Waxaanu dareensanahay inay jirto gacan saddexaad, dad meelo fog fog wax ka shiishayay, in la isticmaalay qoriga isnaybarka la yiraahdaa. Waxaanu daba soconnaa warbixino caynkaa ah oo isdaba xidhiidhsan.”

Gaashaanluhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dhallinyaradii ku geeriyootay dhibaatadii ka dhacday magaalada, isaga oo sheegay in ciidanka millatarigu uu diyaariyay dawooyin, dhakhaatiir iyo gaadiid caafimaad oo loo diray magaalada Boorama si ay qayb uga qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhaawaca ah.

Waxa uu nabad ugu baaqay dadka dega gobollada Awdal iyo Salal, isaga oo sheegay inay ahaayeen tiir-dhexaadka Somaliland muddadii ay jirtay, isla markaana loo baahan yahay in salaadiintu ay ka shaqeeyaan nabadda oo aanay ku baaqin dagaal beeleed.

Haddaba, ciidamadu may soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaysa in gacan saddexaad ku lug lahayd dilka dadka. Ilaa hadda ma jiraan dad arrintan loo soo qabtay, balse taa beddelkeeda waxa la arkayay ciidamada oo shacabka rasaas u adeegsanaya maalmihii qalalaasaha.