Home Blog Page 2585

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG-DEG AH: Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay inay heshiis la galeyso Itoobiya

0

Jimco 12, April ,2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay inay heshiis la galeyso Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 12 4 2024

Jimco 12, April ,2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Abdirahman Muse

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Australia oo sheegtay in ay Falastiin dowlad u aqoonsaneyso

jimca 12, April ,2024 {HMC}  Wasiiradda Arrimaha Dibedda Australia Penny Wong ayaa tibaaxday in dalkeedu aqoonsanayo dowladnimada Falastiin, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda.

 

Waxayse meesha ka saartay in ururka Xamaas uu wax door ah ku yeelasho dowladda Falastiin ee mustaqbalka.

 

Hadalka Penny Wong ayaa waxaa durba ka biyo diidey mucaaridka dalkaas iyo xiriirka Sahnuuniyiinta Astralia oo hadalkaas ku tilmamay mid laablakac ah.

 

Dowladda Australia ayaa in muddo ah ku adkeysaneysey in qaranimada Falastiin ay ku imaan karto xal labo geesood ah oo Isra’il raalli ka tahay oo qura.

 

Laakiin faallada Ms Wong ayaa laga dhadhansan karey hadalk uu horraantii sanadkan jeediyey Wasiirk Arrimaha Dibedda UK David Cameron, kaas oo uu ku duurxulay in Britain ay aqoonsan karto dowladnimada Falastiin iyada oo aan lagala tashan Isra’il.

 

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa Arbacadii xaqiijiyey in xukuumaddiisu ay mar horeba billowday qorsheheeda ku aadden aqoonsiga Falastiin oo uu sheegay in ay ku jirto danta Yurub.

 

Dowladda Australia ayaa waayahan dambe walaac ka muujinesey dagaalka daba-dheeraaday ee Qasa, halkaas oo dhawaan lagu diley samafaleyaal uu ku jiro muwaadin dalkaas u dhashay.

 

Shaqaalahan gargaarka oo u shaqeynayey urur samafal oo ka shaqeeya quudinta dadka baahan, ayaa waxaa duqeyn ku diley ciidamada Isra’il, taas oo aad uga careysiisay dalalkii ay u dhasheen oo ay ku jiraan kuwo si furcaddi ah u taageersanaa gulufka Isra’il ku hayso Qasa.

Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay inay heshiis la galeyso Itoobiya

jimca 12, April ,2024 {HMC} MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararar soo baxay Khamiistii, kuwaas oo sheegayay inay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X, kusoo qoray Cali Cumar ah oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Cumar ayaa intaas raaciyay “Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Khamiistii qortay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu sheegay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Korir Singwe, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hordhigay Heshiis cusub oo la xiriira dhinaca badda Soomaaliya.

0

Jimco 12, April ,2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hordhigay Heshiis cusub oo la xiriira dhinaca badda Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiisha CXD ee ku sugan furimaha dagaalka oo fariin gaar ah u diray Dhamaan Ciidanka Xooga dalka.

0

Jimco 12, April ,2024 {HMC} Saraakiisha CXD ee ku sugan furimaha dagaalka oo fariin gaar ah u diray Dhamaan Ciidanka Xooga dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan xasaasi ah oo Nairobi uga bilowday MW Xasan, Sheekh Shariif iyo Siyaasiyiin kalle

0

Jimco 12, April ,2024 {HMC} Kulan xasaasi ah oo Nairobi uga bilowday MW Xasan, Sheekh Shariif iyo Siyaasiyiin kalle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu Yahay Heshiiska dhanka badda ah ee Ruto uu hordhigay Xasan Shekh?

jimca 12, April ,2024 {HMC} – Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD.

Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya.

Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi.

Is-afgaradkan ayaa keenay in Soomaaliya ay si adag uga jawaabto.

Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go’aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi.

“IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan.

“Waxaan sii wadeynaa in aan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon,” ayuu yiri Singwe.

Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto “helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, islamarkaana madaxdooda laga codsaday inay ka wada-hadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Sing’oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama Al-Shabaab ay u adeegsan jireen khilaafkan inay dowladda Soomaaliya ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12-04-2024

Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse Osman

farsamadii:Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Xooga Dalka oo Fariin gaar ah u diray Ciidamada

0

Jimco 12, April ,2024 {HMC} Taliyaha Xooga Dalka oo Fariin gaar ah u diray Ciidamada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA