Jimco 12, April ,2024 {HMC} Dagaal is baheysi leh oo looga dhawaaqay Kuuriyadda Waqooyi.
{DAAWO MUUQAALKA} Wilisaqo Loogu Dabaal dagaayo Munaasabada Ciida.
Jimco 12, April ,2024 {HMC} Wilisaqo Loogu Dabaal dagaayo Munaasabada Ciida.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sida Looga Ciiday Dagmada Jalalaqsi.
Jimco 12, April ,2024 {HMC} Sida Looga Ciiday Dagmada Jalalaqsi.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Haweeneey toogasho lagu xukumay Kadib Markii lagu eedeeyay musuqmaasuq
Jimco 12 April , 2024 {HMC} Haweney beeca dhismooyinka ka shaqeysa dalka Vietnam ayaa lahu xukumay dil toogasho ah iyada oo loo aaneeyay doorkii ay ku lahayd mid ka mid ah kiisaskii musuq maasuq ee ugu xumaa taariikhda.
Maxkamadda ku taalla magaalada Ho Chi Minh ayaa waxay sheegtay in Truong My Lan ay ahayd maskaxdii ka dambeysay in afartan bilan oo doolar laga qalin shubateeyo bangiga Saigon muddo toban sano ah.
Waxaa lagu eedeeyay in ay ay si dadban ula wareegtay milkiyadda in ka badan sagaashan boqolkiiba saamiyada baniga ka hor inta aysan si sharci darro ah u qaadan cadad badan oo deyn ah. 85 ruux oo kale ayaa waxaa ku dhacay xukuno intaa ka qafiifsan.
Maxey tahay Sababta Itoobiya ay ugu biireyso Beesha Bariga Afrika ?
Jimco 12 April , 2024 {HMC} Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan.
Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.
Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Beesha Bartiga Afrika.
Peninah Malonza oo uu soo xigtey Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC intaas ku dartay in dalalka ku midoobey Beesha Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.
Beesha Bariga Afrika waxaa ku bahoobay 8 dal oo kala ah: Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaana xarun u ahmagaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya.
Inkastoo aan dhanka Itoobiya weli laga hayn wax xaqiijinya jiritaanka xogta ay bixisay wasiirddu, haddana waxaan qarsooneyn in EAC dooneyso in ay isku ballaariso Bariga Afrika, waxayna sidoo kale u gacan haatineysaa dalalka Jibuuti, Eriteriya iyo Sudan.
Sidee loo kala badiyay ciyaarihi xalay ee Europa League
Jimco 12 April , 2024 {HMC} Natiijooyin lama filaan noqday ayaa kasoo baxay ciyaarihi xalay ka dhacay magaalooyin ku yaalla Yurub, ciyaarahaas oo ka tirsanaa is aragga koowaad ee wareegga siddeeda koox ee koobka Europa League.
Liverpool oo loo saadaalinayay in ay koobkan ku guuleysan doonto, ayaa khasaaro xoog leh kala kulantay ciyaar ay la dheeshay kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga.
ciyaarti xalay oo ka dhacday gagida Afield ee magaalada Liverpool, ayay Atalanta ku badisay 3-0.
Laba ka mid ah goolasha waxaa saxiixay laacibka weerarka ka ciyaara Gianluca Scamacca halka goolka saddexaad ee quusiyay Liverpool uu dhammaadki ciyaarta saxiixay Mario Pasalic.
Si ay Liverpool ugaarto wareega xiga ee Semi-finalka, ayay Khamiista danbe u baahnaan doontaa in ay Atalanta uga soo badiso 4-0.
AC Milan oo aanan waligeed qaadin koobka Yurub Leage, balse ah kooxda labaad ee ugu hanashada badan koobka Champions League Yurub, ayaa ciyaar ay xalay garoonkeeda San Siro ku martigelisay naadiga Roma ku khasaartay 1-0.
Goolka guusha ee Roma waxaa daqiiqaddii 17-aad madaxa ugu dhaliyay laacibka difaaca dhexe ka ciyaara ee Gianluca Mancini.
Milan, oo aanan soo bandhigin ciyaarihi todobaadyadi dhawaa looga bartay ayaa u baahnaan doonta in ay Roma kaga badiso 2-0 ama wax ka ka badan, marka ay todobaadka danbe isku arkaan magaalada Roma, si ay ugu gudubto wareega afar dhamaadka.
Kooxdaha xalay badiyay waxaa ka mid ah hogaamiyaasha horyaalka Jarmalka ee Bayer Leverkusen, oo xilli ciyaareedkaan aanan marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin dhammaan ciyaaraha ay dheeshay, ee horyaalka Jarmalka, kan koobka Jarmalka iyo horyaallada Yurub. Waxay 2-0 xalay ku garaacday West Ham United oo ka dhisan Ingiriiska.
Liverkusen oo Axadda soo socota ku guuleysan karta horyaalka Bundesligaha Jarmalka, ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay xalay Hofmann iyo Boniface.
Ugu danbeyntiina, kooxda difaacaneysa horyaalnimada Bortuqiiska ee Benfica ayaa 2-1 ku garaacday naadiga Olympique de Marseille ee dalka Faransiiska.
Labada gool waxaa Benfica u kala dhaliyay Rafa Silva iyo Angel Di Maria.
Lugta labaad ee wareeggan sideedda ee koobka Yuruba Liig ayaa la dheeli doonaa Khamiista soo socota.
Maxeey Ka Wada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif?
Jimco 12 April , 2024 {HMC} – Shir wadashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka Argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo hor jeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan qorshihiisa dastuurka, waxaana ugu horeeya Sheekh Shariif oo caawa uu kulan gaar ah la yeeshay.
Madaxweynaha ayaa maanta tegay Nairobi, wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya, safarka Xasan Sheekh ayaa labo geesood ah, wuxuuna ku qotomaa xiisada kala dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shirar gaar ah oo madaxda Kenya uu la yeelanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.
Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.
Iran iyo Israa’iil oo lagu boorriyay in ay xiisadda qaboojiyaan
Jimco 12 April , 2024 {HMC} Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa Khamiistii ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran.
Iran ayaa ku eedeysay Israa’iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.
Weerarkaas ayaa lagu dilay jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran.
Isaa’iil wali ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, laakin hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad uu Arbacadi jeediyay ku yiri: Israel “waa in la ciqaabaa waana ay noqon doontaa “,
Ra’isulwasaaraha Israa’iil, ayaa sheegay in ay waxyeeleyn doonaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelleyso.
Diyaaradda Lufthansa ee dalka Jarmalka, oo ka mid ah laba diyaaradood oo laga leeyahay Galbeedka oo tagi jiray Tehran, ayaa kordhisay hakad ay gelisay duulimaadyadi ay ku tagi jirtay caasimadda Iran.
Ruushka ayaa isna uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Israa’iil, Lubnaan iyo dhulka Falastiin.
Wasiirrada arrimaha dibadda Jarmalka, Ruushka, Ingiriiska ayaa ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan isla markaana aysan gobolka u horseedin colaad hor leh.
Mareykanka ayaa isna sheegay in qaboojinta xiisadda taagan uu kala hadlay dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Sacuudiga.
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada AS looga Dilay Weerarkii Baar Sanguuni.
Jimco 12 April , 2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 27 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.
Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Al Shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.
Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.
Malawi police arrest journalist over fraud story
Friday 12 April , 2024 {HMC} Police in Malawi have arrested a newspaper journalist over an online story published last year exposing fraudulent activities involving a corruption suspect charged with conspiracy to defraud the Malawi government.
The journalist, Macmillan Mhone, who works for the daily Nation Newspaper in Blantyre, was arrested Monday following the story he allegedly wrote in August of last year when he was working for the online publication Malawi24. The story exposed fraudulent activities involving corruption suspect Abdul Karim Batatawala, who was charged with conspiracy to defraud the Malawi government.
Mhone’s lawyer, Joseph Lihoma, told VOA on Tuesday that Mhone was yet to be charged.
Mhone’s preliminary charges include conduct likely to cause breach of peace and cause public alarm.
The arrest comes two months after another local investigative journalist, Gregory Gondwe, went into hiding following a tip from military sources about plans to arrest him for writing a story about corruption in the military.
Several press freedom advocates and human rights campaigners, including the Committee for Protection of Journalists and the Media Institute for Southern Africa — known as MISA-MALAWI — have condemned Mhone’s arrest.
Golden Matonga, the chairperson for the Media Institute for Southern Africa in Malawi, called on police to release the journalist without conditions.
“Malawi is one of [the] beacons of hope for democracy,” said Mantonga. “To see this backsliding of our democracy is saddening for us in the journalism profession and also for everyone who wished our democracy to continue to grow.”
In a statement, MISA-Malawi also said the story in question does not cause fear or public alarm.
Pearson Nkhoma, the director of the board of the online publication Malawi24, where the story was published, said police have arrested Mhone based on wrong information because he never wrote the story.
“If anyone has a screenshot indicating that Macmillan has the byline, then those people are basically lying,” he said.
Nkhoma said it is surprising that police have arrested someone who no longer works for Malawi24 on the matter concerning the publication.
VOA did not get a comment from the police because calls to the national police spokesperson went unanswered.
SOURCE VOA



