Home Blog Page 259

Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil oo is dilay.

0

Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil , Thomas Adzegaouskas oo toddobaadkii hore is dilay , ayaa hadda la soo bandhigay qoraal uu reebay inta uusan is dilin, sida uu baahiyay wargeyska Haaretz;

“7 Oktoobar waa maalintii nolosheyda burburisay, oo baabi’isay qofkii aan ahaa.Waan ka daalay, waxaan noqday qof naftiisa ay burbur iyo dhaawac ay gaartay.

Waxyaalo aan cafis lahayn ayaan sameeyay, mana sii noolaan karo anigoo xusuustaas la nool.

Qofna ima fahmayo.Waxaa iga dhex jira ‘jinni’ iga daba ordaya tan iyo 7 Oktoobar. Fadlan i ilaawa, oo xusuusta Thomas kii ahaa taliyaha iyo madaale (sniper commander).

Thomas-kaas wuu dhintay Oktoobar 7, waxaa haray oo keliya naf raadineysa nabad.

Laba sanno ayaan la noolaan kari waayay sida ay noloshaydu tahay, waxaana qaatay go’aan aan nafta isku dhaariyay si aan u nasto.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wefti ka socda Baarlamaanka Nabadda Adduunka.

0

Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha aqalkaas Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.

Mudane Xamsa ayaa waftiga ka dhagaystay farriimihii ay sideen oo u badnaa muhiimadda ay leedahay nabadda iyo iscafinta, iyo sidoo kale ujeeddada socdaalkooda oo daarnaa sidii heshiis is afgarad ah u wada saxiixan lahaayeen baarlamaanka adduunka iyo kan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashadooda, wuxuuna la wadaagay aragtida madaxda qaranka ee ku dhisan “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah”, iyada oo Xukuumadda DanQaran ay hawl badan ka qabatay xagga soo celinta nabadda iyo waliba heshiisiinta bulshada.

Waftiga waxaa xubno ka ahaa xildhibaanno ka socda baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxayna kala ahaayeen Mudane Cilmi Maxabah Walla iyo Mudane Cabdoow Kaamil Maxamed. Waxaa waftiga kulanka ku wehliyay xildhibaanno iyo ma’uuliyiin hore oo Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiye Axmed Bin Maxamed guddoonsiiyay hadyad khaas ah oo uu ku xardhanyahay neef geel ah oo ka mid ah astaamaha shacabka Soomaaliyeed, taas oo ka tarjumaysa hoddantinimada ummaddeed iyo u adkaysiga duruuf kasta.

 

Somaliland oo FDS ku eedaysay faragelin iyo kicinta rabshadaha ka taagan Borama.

0

Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay waxa ay ku sheegtay faragelinta joogtada ah iyo tallaabooyin qalalaase abuuraya oo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku wado gudaha Somaliland, gaar ahaan xaaladda ka dhalatay rabshadihii shalay iyo maanta ka dhacay magaalada Borama.

Warsaxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in ficillada dowladda Soomaaliya ay yihiin “kuwa si qorshaysan oo isku dubaridan loogu talagalay in lagu huriyo xiisadaha, lagu faafiyo warar marin-habaab ah, laguna kala qaybiyo bulshada nabadda jecel ee Somaliland.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in arrimahaasi ay yihiin ku tumasho xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay ka turjumayaan “faragelin aan la aqbali karin oo lagu dhexgalayo arrimaha gudaha ee Somaliland.

” Somaliland ayaa sheegtay in aanay marnaba oggolaan doonin “falal amni daro oo dibadda laga hagayo, kicin dadweyne, ama dadaallo lagu wiiqayo midnimada iyo isku-duubnida Somaliland.”

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in hay’adaha amniga ee Somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta shacabka, dejinta xaaladda, iyo ilaalinta sharciga “iyaga oo u hoggaansamaya xirfaddooda iyo xakamaynta looga baahanyahay.”

Somaliland waxay sheegtay inay ka xun tahay “khasaaraha naf ahaaneed ee ka dhashay rabshadaha,” waxaana sheegtay in hay’adaha ku shaqada leh ay wadaan qorshe baadhitaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo dhacdooyinkii ka dhacay Borama.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa ugu baaqday saaxiibbada gobolka, beesha caalamka, iyo hay’adaha mas’uulka ka ah arrimaha amniga inay “gacanta ka geystaan cambaareynta ficillada xasilooni-darrada ee ay ku eedaysay Soomaaliya.”

Marka laga yimaado eeda xukuumada Somaliland, xaalada magaalada Borama ayaa salka ku haysa muran dhuleed oo u dhexeeya dadka wada daga deegaanada Awdal iyo Salal, rabashada ayaana bilaabmay kadib markii xukuumadu ay go’aamisay in munaasibada Xeer Ciise lagu qabto magaalada Saylac ee lagu muransanyahay taasi oo dadka reer Awdal ay diideen.

Hadaba xukuumada Somaliland ayaa gabi ahaanba joojisay munaasibada xeerka oo mudaysnayd in 14-ka bishan lagu qabto magaalada Saylac, iyada oo loo balamay in gogol nabadeed loo dhigo dadka gobolada Awdal iyo Salal wada daga 10-ka bishan.

Senator Jim Abeler oo Donald Trump kula taliyay in uu la kulmo Bulshada Soomaalida ah?

Santi 06, Dec 2025 {HMC} Senator Jim Abeler oo katirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Gobolka Minnesota ayaa warqad uu uga falceliyay tallaabooyinka iyo hadallada adag ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u adeegsanayo Bulshada Soomaalida u diray hoggaamiyaas.

Jim oo lagu xusuusto in sidaan oo kale warqad u qoray Madaxweynihii hore ee dalkaas Ronald Reagan ayaa rajo ka muujiyay in uu Donald Trump ka aqbalo codsigiisa la xiriira xalka lagu damin karo xiisadda Madaxweynaha Maraykanka & Bulshada Soomaalida ah.

Waxa uu ammaan kala dul-dhacay Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool gaar ahaan Gobolka uu kasoo jeedo ee Minneosta, waxa uu ku sifeeyay in ay yihiin Dad wanaagsan oo si xushmad ku dheehan tahay ula dhaqma Bulshada kale.

Qoraalka Donald Trump uu u diray ayuu u raaciyay in jawaabtii uu ka helay Madaxweynihii 40aad ee Maraykanka uu ka dhigay Aqalka Senate-ka iyo xafiiskiisa, sidoo kale uu rajaynayo in warcelinta Madaxweynaha hadda jooga uu sidaas oo kale ugu dhejin doonno.

Soomaalida ayuu ku tilmaamay in ay isugu jirto Ganacsato, Darawallo, Shaqaale, Dad taageera ama caawiya qoysaskooda, Maalgeliyaal, Kalkaaliyaal, Arday & Culimo, isaga oo miisaankaasina ku sheegay in mid muujinaya dhaqan wanaagsan oo ku suntay Bulsho dhibkoodu yar yahay.

Waxa uu intaas ku daray intaas ay kahor imaanayaan hadalkii Madaxweynaha Maraykanka ee ahaa in ay yihiin Qashin, Burcad & ereyo kale oo miisaankooda leh, waxaana Senator Jim Abeler uu ku baaqay in ay wadahadlaan Trump & Bulshada Soomaalida.

“Badi Soomaalida waa dad sharci ku jooga Marayakanka, waa Bulsho wanaagsan, la kulan qaar kamid ah Soomaalida oo ishaada ku arag sida ay qayb uga yihiin Nolosha Minnesota, Marnaba ha ugu yeerin qashin waayo ma jiro dad kala derajo sarreeyo marka la eego dhinaca Nolosha” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Senator Jim Abeler.

Donald Trump oo xafiiskiisa lagu simay warqadda ayaa laga sugayaa jawaabta uu ka bixiyo, tani waxa ay muujinaysaa in Bulshada Maraykanka asal ahaan kasoo jeedda in ay garab istaag u muujiyeen Soomaalida oo culays xooggan la saaray maalmihii lasoo dhaafay.

Dagaal ba’an oo ka dhex qarxay Pakistan iyo Taliban

Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhex qarxay Pakistan iyo ciidamada Afgaanistaan, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeeyay inuu jabiyay xabad joojin aan jilicsanayn.

Dadka deegaanka ayaa habeen hore ka qaxay magaalada Spin Boldak ee dalka Afqaanistaan, taasoo dhacda xadka 1,600-mile (2,574 km) ee ay wadaagaan labada dal.

Ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Kandahar ee u dhow ayaa sheegay in isbitaal maxalli ah uu helay meydadka afar qof. Saddex dhaawac ayaa laga soo sheegay Pakistan.

Dagaallo goos goos ah ayaa bilihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah u dhex maray labada dhinac, halka sidoo kale xukuumadda Taalibaan ee dalka Afgaanistaan ​​ay Pakistan ku eedeysay in ay duqeymo cirka ah ka geysatay gudaha dalkaasi.

Kenya signs landmark health deal with US despite data fears.

0

Saturday 6, Dec 2025 {HMC} Kenya has signed a historic five-year health agreement with the US, the first such pact since Donald Trump’s administration overhauled its foreign aid programme.

The $2.5bn (£1.9bn) deal is aimed at combating infectious diseases in Kenya, with similar agreements expected to be rolled out in other African countries aligned with Trump’s broader foreign policy goals.

The government-to-government deal aims to boost transparency and accountability but has raised fears it could give the US real-time access to critical health databases, including sensitive patient information.

Kenya’s Health Minister Aden Duale sought to allay such fears, saying “only de-identified, aggregated data” would be shared.

On his first day in office in January, Trump announced a freeze on foreign aid as part of a government spending review, dismantled the US Agency for International Development (USAID) and cut billions in aid to poorer countries.

This has led to a drastic reduction in the availability of some drugs in developing countries.

In September, the Trump administration introduced an “America First Global Health Strategy”, making aid dependent on negotiations that officials said would cut waste and advance US priorities.

Under the deal with Kenya, the US will contribute $1.7bn, with the Kenyan government covering $850m and gradually taking on more responsibility.

The deal targets the prevention and treatment of HIV/Aids, malaria, and tuberculosis, maternal care, polio eradication and infectious disease outbreak response and preparedness.

Signing the agreement with Kenya’s President William Ruto, US Secretary of State Marco Rubio described it as a “landmark agreement,” and referred to Kenya as a “longstanding American ally”.

He praised Kenya for its role in leading and contributing to the UN-backed mission working to combat powerful gangs in Haiti.

“If we had five or 10 countries willing to step forward and do just half of what Kenya has done already, it would be an extraordinary achievement,” said Rubio.

The secretary of state explained that the US wanted its foreign aid to go directly to governments, rather than through aid agencies and charities.

“We are not going to spend billions of dollars funding the NGO industrial complex while close and important partners like Kenya either have no role to play or have very little influence over how health care money is being spent,” he said.

Kenya’s president said the money would be used to work towards the country’s priorities, such as buying modern equipment for hospitals and boosting the health workforce.

“I assure you that every shilling and every dollar will be spent efficiently, effectively, and accountably,” Ruto added.

However, some Kenyans are demanding the disclosure of the full agreement, with fears that it would allow the US to view personal medical records such as the HIV status, TB treatment history, and vaccination data of Kenyan patients.

“What specific data categories are being shared? Are genomic data, disease patterns, mental health data, insurance claims, hospital records, or biometrics included? If not, why is that not explicitly written?” lawyer Willis Otieno posted on X.

Well-known whistle-blower Nelson Amenya voiced similar concerns, urging the Kenyan government to release the full agreement so “we can read it for ourselves”.

Minister Duale has dismissed such fears, insisting that Kenya’s health data remained secure and fully protected by Kenyan laws.

“Your health data is a national strategic asset,” Duale added.

US officials are yet to comment on the data concerns.

A number of other African countries are expected to sign similar agreements by the end of the year, according to US officials.

BBC Logo
Wycliffe Muia

Haweeney Hadal hayn ka dhaluisay Soo dhaweyntii wafida Ruushka ee Hindiya.

0

Jimco 05, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Hindiya , booqashadan ayaa soo jiidatay warbaahinta , balse mid ka mid ah muuqaallada warbaahinta ay fallanqeynayso ayaa ah markii madaxweynaha Hindiya, Droupadi Murmu, ay gacan-qaadeysay xubnaha wafdiga Ruushka iyadoo Vladimir Putin goobta joogo, waxaa muuqday in ay gacanteeda ku tirtirayso saari-ga (dhar-keeda) kadib gacan-qaad kasta.

Dhacdadan ayaa si weyn uga dhex muuqday muuqaalka, waxayna dhalisay hadal-hayn badan oo ku saabsan sababta ay sidaas u sameyneysay — iyadoo qaar ku fasireen fariin siyaasadeed oo aan toos ahayn.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

0

Jimco 05, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, iyadoo booqashadiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal.

Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka.
DHAMMAAD

Diyaarad ay Sameysatay Dowladda Masar oo hadal heyn wayn dhalisay.

0

Jimco 05, Dec 2025 {HMC} Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo “Jabbar 150,” taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca “EDEX,” oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar.

Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah.

Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo.

“Jabbar 150” waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin “Jabbar 200” iyo “Jabbar 250.”

Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa’iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan.

Qaahira: “Ciidamada jooga Siinaay waxay ujeedkoodu ugu horreeyo yahay inay sugaan xuduudaha Masar kana difaacaan khatar kasta,” iyadoo dowladda maanta isu diyaarinayso inay aqoonsato Dowladda Falastiin.

Ciidamada Difaaca Masar

Bishii Agoosto 2025, hay’adda Global Firepower waxay soo saartay qiimeyntii sanadlaha ahayd ee ciidammada ugu xoogga badan dunida ee sanadka 2025, kadib daraasad lagu falanqeeyay 145 dal oo lagu salaynayay in ka badan 60 qodob, oo ay ku jiraan awoodda milatari, dhaqaale iyo tan sahayda (logistics).

Dunida Carabta gudaheeda, ciidanka Masar ayaa sii hayay kaalinta koowaad, waxaana uu ku jiray kaalinta sagaal iyo tobnaad ee caalamka.

Qiimeynta oo Masar siisay “0.3427”, ayaa muujinaysa inay weli ka mid tahay 20-ka ciidan ee ugu xoogga badan dunida, inkasta oo ay hoos uga dhacday toban boos afar sano gudaheed marka la barbar dhigo qiimeyntii 2020 oo ay ka gashay kaalinta sagaalaad ee caalamka.

Xigasho BBC

Xog Qarsoodi ah oo laga Helay Wada Hadal dhaxmaray Trump iyo madaxweynaha Venezuela.

0

Jimco 05, Dec 2025 {HMC}  Wargeyska The Telegraph ayaa soo bandhigay nuxurka wada-hadal 15 daqiiqo socday oo dhexmaray toddobaadkan Trump iyo madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro.

Inta uu wadahadalka socday wuxuu Trump ku adkeystay Maduro inuu xilka iska casilo, taa beddelkeeda Maduro ayaa shuruudo ku xiray ;

• Maduro wuxuu dalbaday in loo sii daayo $200 milyan oo ka xanniban, isla markaana cafis siyaasadeed la siiyo 100 sarkaal oo ka tirsan maamulkiisa.

• Trump, wuxuu soo jeediyay Maduro iyo saraakiisha la socota inay isaga baxaan Venezuela iyo qaaradda Ameerika.

• Maduro , ayaa diiday inuu ka baxo galbeedka qaaradda Ameerika, wuxuuna dalbaday in dammaanad buuxda iyo ilaalin ay helaan isaga iyo kooxda u dhow.

•Trump wuxuu ka carooday shuruudaha Maduro, wuxuuna usoo jeediyo inuu tago Ruushka ama Shiinaha, halkii uu galbeedka Ameerika ku sugnaan lahaa.

Wadahadalka , wixii intaa ka dambeeyay wuxuu noqday mid aan hadal la isku oggolaan oo qaylo iyo buuq lahaa, xaaladana waxay fashilisay in wax heshiis ah uu ka dhasho wadahadalka, maalmo kaddib Qatar ayaa soo dhex gashay oo hadda doonaysa inay dhex dhexdaadiso Trump iyo Maduro oo ugu dambeyn Maduro iyo kooxdiisa dib u dejin laga siiyo Qatar, kaddib marka uu xilka iska casilo, si bay dhaheen loo baajiyo dagaal uu Mareykanka ku qaado Venezuela.