Khamiis 11, April ,2024 {HMC}Â Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan
farsamadii;Abdiqani Osoble
Khamiis 11, April ,2024 {HMC}Â Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan
farsamadii;Abdiqani Osoble
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Haweenka.
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Ciidamada dowlada oo ka hortagay dagaal AS ku qaaden Baarsaguuuni
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dagaal ka Dhacay Magaalada Jowhar
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Mid kamid ah Dhaqaatiirta ugu Caansan Gobolka sanaag oo Xalay ku Geeriyootay Magaalada Bandhan
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} 7 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas oo lagu dilay Qaza
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Ciidamada Amniga Magaalada Muqdisho oo heegan la galiyey iyo wadooyin hor leh oo la xeray.
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Xagee ka bilaabatay saaxibtinimada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku fanay
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse
farsamadii;Mohamed Baryare Haamud
Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex caruura oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Qaza, iyaga oo sheegay in saddexda caruura ee ay bartilmaameedsadeen inay ka tirsanaayeen garabka hubaysan ee Xamaas.
Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay illaa afar caruura oo kale oo uu Ismaaciil Haniyah awoowe u yahay, kuwaas oo la socday saddexda caruura ee uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas.
Ismaaciil Haniyah, oo ku nool dalka Qatar, ayaa warkani soo gaadhay xilli uu booqanayey, qaar ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka Qaza, kuwaas oo la keenay cusbitaalka Dooxa.
Hoggaamiyaha sare ee Xamaas oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera ayaa xaqiijiyey geerida ku timi ubadkiisa, isaga oo sheegay inay caruurtiisu shahiideen iyaga oo difaacaya magaalada Qudus iyo masjidka barakaysan ee al Aqsa.
Caruurta Ismaaciil Haniyah ayaa noqonaya, dadka ugu magaca sarreeyey ee ay Israa’iil la xidhiidhinayso Xamaas ee lagu dilay dagaalka socda muddada lixda bilooda.
Israa’iil ayaa sheegtay in mid ka mid inamada uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas inuu ahaa taliye, halka labada kale ay ahaayeen askar.
Illaa haatan ma cadda sida weerarkani u saamaynayo dedaalada la doonayo in heshiis xabbad joojineed lagaga gaadho dagaalka Qaza, kaas oo ay ka odayaynayaan dhexdhexaadiyayaal caalami ahi.