Isniin 8, April ,2024 {HMC} In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon la degtay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin 8, April ,2024 {HMC} In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon la degtay.
Isniin 8, April ,2024 {HMC} Haween moobeelo soo dhacay oo gacanta lagu dhigay, Xagee ayey ka dhacay kiiskaan?
Isniin 8, April ,2024 {HMC} Muslimiintii uu cinqaabi jirey ayuu dalkaan bilaabay in uu miciin bido, Maxaa ku qasbay
Isniin April 8, 2024 {HMC} Boqollaal ka tirsan bulshada Muslimiinta Myanmar ee Rohingya askareynayo si ay ugu biiraan ciidamada dowladda oo khasaare ka soo gaarey dagaalka ay kula jiraan kooxo fallaago ah.
Muslimiinta Rohingya ayaa horay loogu diidey dhalashada dalkaas, waxaana 2017 loo geystey wax Qaramada Midoobey ku micneysay isir-sifeyn iyo tacaddiyo kale oo uu maleegay taliska militari ee dalkaas haysta.
Laakiin taliska Myanmar ayaa ka dib markii uu jab kala kulmay dagaalka uu kula jiro kooxo fallaago ah, wuxuu miciin biday dadkii dhowr sano ka hor loo quuri waayey xaquuqda muwaadinimo, islamarkaana dhulkoodi khasab looga barakiciyey.
Qaar ka mid ah bulshada Rohingya ayaa u sheegay welwelka ay ka qabaan in dowladdu u adeegsato xaabo lagu shido dagaal aysan shaqo ku lahayn.
Isniin April 8, 2024 {HMC} Madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada Adduunka (IAEA) ayaa ka digey khatar ka soo foolleh warshadda korontada nukleerka ka dhalisa korontada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.
Rafael Grossi ayaa weerarka lala beegsaday warshadda Zaporizhzhia, oo ah tan ugu weyn qaaradda Yurub, ku tilmaamay mid khayrul masuulnimo ah.
Khuburo ka socota hay’adda IAEA oo xarunta warshadda booqday ayaa sheegay in xarunta 3 gantaal lagu dhuftay, balse uusan khasaare saas u weyn ka muuqan.
Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ka qabsaday Ukraine bishii Fabraayo 2022, ka dib goluf xzooggan oo ay halkaas ku qaaday.
Moscow ayaa Ukraine ku eedeysay in ay ka dambeysey weerarka warshadda. Balse Kiev wey iska diiddey eedeyntaas.
Isniin April 8, 2024 {HMC} Malaayiin qof oo ku kala nool dalalka Maksiko, Maraykanka iyo Kanada ayaa heegan ugu jira daawashada qorrax-madoobaad guud oo hareynaya Waqooyiga Ameerika Isniinta maanta ah.
Dayax-madoobaadka nuucaan ah oo ah mid dhif iyo naadir ah ayaa jeexaya dhabbe dhuuban oo mugdi ah, kaas oo ku dherersan bad-ka-bad (Atlantic-Pacifc).
Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto inta ay qarsoon tahay ayaa waxay haystaan fursad ay ku arkaan qorraxdii oo isku beddeshey goobaabin madow oo cirifyada un ka ifeysa.
Hooska qorrax-madoobaadka ayaa ka biillaabanaya badda Pacific ka hor inta uusan dhulka ka cga dhigan ee dalka Meksiko.
Maadama qorraxdu ku ordeyso xawaare dheereeya, hooska cadceedda madow waxay saacaddiiba jareysaa misaafo dhan 15 kun oo kiilo mitir.
Muddada mugdiga lagu jirayana waxay ku xirannaan doontaa hadba sida aad ugu beegan tahay bartamaha diillinta qoran ee ay qorraxdu ku goosheyso inta ay madowdahay.
Dadka muddada ugu dheer qorraxdu ka maqnaan doontaa waa kuwa qorrax madoobaadku dhakadooda ku aaden yahay oo mugdi ku jiraya 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.
Qorrax-madoobaadku waa kala duwan yahay, waxaase ugu xiiso badan kan aan ka hadleyno oo Total Solar eclipse, kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku socoto.
Wakhtigaas ay bisha iyo cadceeddu isku aadden yihiin ee ayaana qorrax-madoobaad dhacaa.
Isniin April 8, 2024 {HMC} Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ka dhan ah Jarmalka, taas oo la xiriirta taageerada u la garab-istaagey Israa’iil.
Dacwaddan oo uu soo gudbiyey dalka Nicaragua ee ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa Jarmalka u haysata in uu meel uga dhacay Axdiga Xasuuqa, ka dib markii dalkaasi hub u diray Isra’il, islamarkaana uu taageeradii dhaqaale ka jaray hay’adda QM ee u xilsaaran kaalmada Falastiiniyiinta ee UNRWA.
Jarmalka wuu dafiray eedaha loo jeediyey.
Gal dacweedka ka furan maxkamadda ICJ ee fahigeedu yahay Hague, ayaa kaabeysa mid kale oo ay Koonfur Afrika soo oogtey, taas oo Isra’il u ku eedeeyey in ay xasuuq ka geysatay Qasa, balse eeddaas Israa’iil ay si kulul u beenisey.
Isniin 8, April ,2024 {HMC} Duqeymo xoogan oo ka dhacay Mudug iyo khasaaro la wariyay in lagu gaarsiiyay AS.
Isniin 8, April ,2024 {HMC} Howlgal Lagu Xaqiijinayo Amaanka oo laga sameeyay Magaalada Baydhabo.
Isniin 8, April ,2024 {HMC} Dowladda Sucuudiga oo war ka soo saaray maalinta ay Tahay ciidda