Home Blog Page 2603

Maxkamadda Maamulka SSC oo Markii Ugu Horeeysay Xukun Dil ah fulisay

isniin 8, April ,2024 {HMC}  Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ayaa maanta fulisay xukun dil ah oo ay dhowaan ku ridday Mowliid Maxamed Jaamac, kaas oo lagu helay dil uu horay uga gaystay gudaha deegaanada SSC-Khaatumo.

Maxkamada ayaa ninkan ku heshay inuu 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo.

Goobta lagu toogtay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda, maamulka degmada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne la’isugu geeyay halkaasi.

Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku ridday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed Cali Muuse.

Ehellada sarkaalka horay loo diray oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday maxkamadda oo ay sheegeen inay ka heleen cadaalad.

Dilkan ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay SSC fuliso, tan iyo markii ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Laascaanood ay kula dagaalantay Somaliland.

Tani ayaa qayb ka ah hana qaadka maamulka deegaanka oo muddo ka badan sanad dagaal adag wajahaya, kadib weeraro uga imaanayay dhinaca milariga Somaliland.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .8.4.2024

isniin 8, April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Shugri barayare maxamuud iyo Yaasiin cali Axmed

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidama Dowlada oo howlgallo ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

0

Isniin 8, April ,2024 {HMC} Ciidama Dowlada oo howlgallo ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon la degtay.

0

Isniin 8, April ,2024 {HMC} In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon la degtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Haween moobeelo soo dhacay oo gacanta lagu dhigay, Xagee ayey ka dhacay kiiskaan?

0

Isniin 8, April ,2024 {HMC} Haween moobeelo soo dhacay oo gacanta lagu dhigay, Xagee ayey ka dhacay kiiskaan?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Muslimiintii uu cinqaabi jirey ayuu dalkaan bilaabay in uu miciin bido, Maxaa ku qasbay.

0

Isniin 8, April ,2024 {HMC} Muslimiintii uu cinqaabi jirey ayuu dalkaan bilaabay in uu miciin bido, Maxaa ku qasbay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Waa Kuma Dalka Muslimiintii uu cinqaabi jirey hadda miciin biday?

Isniin April 8, 2024 {HMC} Boqollaal ka tirsan bulshada Muslimiinta Myanmar ee Rohingya askareynayo si ay ugu biiraan ciidamada dowladda oo khasaare ka soo gaarey dagaalka ay kula jiraan kooxo fallaago ah.

Muslimiinta Rohingya ayaa horay loogu diidey dhalashada dalkaas, waxaana 2017 loo geystey wax Qaramada Midoobey ku micneysay isir-sifeyn iyo tacaddiyo kale oo uu maleegay taliska militari ee dalkaas haysta.

Laakiin taliska Myanmar ayaa ka dib markii uu jab kala kulmay dagaalka uu kula jiro kooxo fallaago ah, wuxuu miciin biday dadkii dhowr sano ka hor loo quuri waayey xaquuqda muwaadinimo, islamarkaana dhulkoodi khasab looga barakiciyey.

Qaar ka mid ah bulshada Rohingya ayaa u sheegay welwelka ay ka qabaan in dowladdu u adeegsato xaabo lagu shido dagaal aysan shaqo ku lahayn.

QM oo ka digtey khatar ka soo Wajahan Warshad Nukleer oo la duqeeyey

Isniin April 8, 2024 {HMC} Madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada Adduunka (IAEA) ayaa ka digey khatar ka soo foolleh warshadda korontada nukleerka ka dhalisa korontada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Rafael Grossi ayaa weerarka lala beegsaday warshadda Zaporizhzhia, oo ah tan ugu weyn qaaradda Yurub, ku tilmaamay mid khayrul masuulnimo ah.

Khuburo ka socota hay’adda IAEA oo xarunta warshadda booqday ayaa sheegay in xarunta 3 gantaal lagu dhuftay, balse uusan khasaare saas u weyn ka muuqan.

Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ka qabsaday Ukraine bishii Fabraayo 2022, ka dib goluf xzooggan oo ay halkaas ku qaaday.

Moscow ayaa Ukraine ku eedeysay in ay ka dambeysey weerarka warshadda. Balse Kiev wey iska diiddey eedeyntaas.

Maxaad kala socotaa Qorrax-madoobaadka maanta socda?

Isniin April 8, 2024 {HMC} Malaayiin qof oo ku kala nool dalalka Maksiko, Maraykanka iyo Kanada ayaa heegan ugu jira daawashada qorrax-madoobaad guud oo hareynaya Waqooyiga Ameerika Isniinta maanta ah.

Dayax-madoobaadka nuucaan ah oo ah mid dhif iyo naadir ah ayaa jeexaya dhabbe dhuuban oo mugdi ah, kaas oo ku dherersan bad-ka-bad (Atlantic-Pacifc).

Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto inta ay qarsoon tahay ayaa waxay haystaan fursad ay ku arkaan qorraxdii oo isku beddeshey goobaabin madow oo cirifyada un ka ifeysa.

Hooska qorrax-madoobaadka ayaa ka biillaabanaya badda Pacific ka hor inta uusan dhulka ka cga dhigan ee dalka Meksiko.

Maadama qorraxdu ku ordeyso xawaare dheereeya, hooska cadceedda madow waxay saacaddiiba jareysaa misaafo dhan 15 kun oo kiilo mitir.

Muddada mugdiga lagu jirayana waxay ku xirannaan doontaa hadba sida aad ugu beegan tahay bartamaha diillinta qoran ee ay qorraxdu ku goosheyso inta ay madowdahay.

Dadka muddada ugu dheer qorraxdu ka maqnaan doontaa waa kuwa qorrax madoobaadku dhakadooda ku aaden yahay oo mugdi ku jiraya 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.

Qorrax-madoobaadku waa kala duwan yahay, waxaase ugu xiiso badan kan aan ka hadleyno oo Total Solar eclipse, kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku socoto.

Wakhtigaas ay bisha iyo cadceeddu isku aadden yihiin ee ayaana qorrax-madoobaad dhacaa.

Jarmalka oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa’iil

Isniin April 8, 2024 {HMC} Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa maanta u fariisaneysa dhegeysiga dacwad ka dhan ah Jarmalka, taas oo la xiriirta taageerada u la garab-istaagey Israa’iil.

Dacwaddan oo uu soo gudbiyey dalka Nicaragua ee ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa Jarmalka u haysata in uu meel uga dhacay Axdiga Xasuuqa, ka dib markii dalkaasi hub u diray Isra’il, islamarkaana uu taageeradii dhaqaale ka jaray hay’adda QM ee u xilsaaran kaalmada Falastiiniyiinta ee UNRWA.

Jarmalka wuu dafiray eedaha loo jeediyey.

Gal dacweedka ka furan maxkamadda ICJ ee fahigeedu yahay Hague, ayaa kaabeysa mid kale oo ay Koonfur Afrika soo oogtey, taas oo Isra’il u ku eedeeyey in ay xasuuq ka geysatay Qasa, balse eeddaas Israa’iil ay si kulul u beenisey.