Axad 7, April ,2024 {HMC} faah faahin laga helayo Nabadoon Lagu Dilay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Dowlada Soomaliya oo war kasoo Saartay Maraakiibka ka Kalluumeeysta Xeebaha Soomaliya.
Axad 7, April ,2024 {HMC} Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya.
Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay.
Iyada la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.
Waxaa loogu baaqan dhammaan dhinacyada ay digniintaan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 07/4/2024
Axad 7, April ,2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka NISA oo soo badbaadiyay nin ajnabi ah oo Katirisan A S
Axad 7, April ,2024 {HMC} Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo kaashanaya ciidanka booliiska, ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ay kusoo badbaadiyeen nin ajnabi ah oo u afduubnaa kooxda Al Shabaab.
Howlgalka ay ciidanka huwanta ah fuliyeen ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Najax iyo Abdi Ducaale oo hoostaga Baled Xaawo, waxaana halkaasi ka kala firxaday dagaallamaal katirsanaa Al Shabaab oo goobtaasi ku sugnaa.
Ciidanka ayaana goob ay ka carareen kooxda Al Shabaab ugu tagay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada oo u afduubnaa Al Shabaab, ninkan ayaana ka xirnaa gacmaha waxaana ka muuqday jirdil iyo dhibaatooyin kale uu la kulmay.
Saraakiisha ciidanka nabad sugida ayaa ninkan u afduubnaa Al Shabaab usoo waday taliskooda ku yaalla degmada Balad Xaawo, waxa ayna ciidanka ninkaasi weediinayaan su’aalo ,iyaga oo sidoo kale xaaladiisa caafimaad la tacaalaya.
Al Shabaab ayaa ku sugan deegaanno kuyaalla duleedka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ayna kooxdan isaga cararaan deegaannadaasi marka ay gaaraan ciidanka dowladda, iyagoona dib ugu soo laabtay marka ay ciidanka ka baxaan.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .7 .4.2024
Axad 7, April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Shugri barayare maxamuud iyo Abdimajiid Abdiramaan
farsamadii; C/Kaafi
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Axad 7, April ,2024 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saaka oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda, waxaana uu wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay Axmed Macallin Fiqi oo hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.
Xafiiska Warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa shaaciyay magacaabistan.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.
General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaan ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.
Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa isna loo magacaabay wasiirka wasaarada tamarta iyo biyaha, halka Maxamed Aadan Macallin loo magacaabay wasiirka wasaaradda boostada, is-gaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.
Ra’isul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale Axmed Cumar Maxamed u magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda bay’ada iyo is-bedelka cimilada.
{DAAWO MUUQAALKA} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Manchester United 🆚 Liverpool
Axad 7, April ,2024 {HMC} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Manchester United 🆚 Liverpool
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Fanaanin Soomaaliyed iyo kuwa Itoobiyaan ah oo isku haysta xiisadda badda
Axad 7, April ,2024 {HMC} Fanaanin Soomaaliyed iyo kuwa Itoobiyaan ah oo isku haysta xiisadda badda
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka gaystay gudaha magaalada garowe
Axad 7, April ,2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.
Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.
“Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland.
Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in soo qabashada eedeysanaha ay soo gacan geliyeen ehelladiisa, ayna u mahadceliyaan maadaama ay la shaqeeyeen ciidanka amniga.
“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Puntland aya sidoo kale farriin u dirtay shacabka waxayna ka codsatay inay la shaqeeeyaan laamaha amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga.
“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.
Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, inkastoo ay dadaallo sameeyaam ciidamada ammaanka ee ku sugan magaaladaasi.
DEG DEG: Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabay wasiirro cusub
Axad 7, April ,2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto ayaa magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.
Wareegtadan ayaa waxaa lagu soo dhameystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaanaa, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.
Xamza ayaa soo magacaabay illaa 4 wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo ay kamid yihiin:-
Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Sidoo kale Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.
Maxamed Aadan Macallin ayaa isaguna loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya.
“Wareegtadan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo ra’iisul.wasaaraha, XJfS wuuna saxiisay” ayaa lagu yiri qoraalka.



