Home Blog Page 2614

Hadalhaynta Madaxtooyada Soomaaliya ee Isku Shaandhayn lagu sameenayo Golaha Wasiiradda…

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay suurto gal tahay in isku shaandhayn kooban lagu sameeyo qaar kamid ah golaha wasiiradda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu buuxiyo boosaska wasiirro dhowr ah oo ka bannaan xukuumadda, kuwaa ay kamid yihiin wasiiradda Arrimaha Dibadda , Amniga iyo sidoo kale Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qaar kamid ah golaha wasiiradda loo kala beddeli doono boosaskooda, waxaana suurto gal ah in xilka laga qaado oo ay meesha ka baxaan qaar kamid ah wsiiradda Xukuumadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu horey isaga casilay Abshir Cumar Huruuse ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in loo magacaabayo Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa isna wararka sheegayaan in la geenayo booska wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya .

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu banneeyay safiiska Soomaaliya u jooga dalka Qatar ayaa iyana wararku sheegayaan in loo magacaabayo siyaasiga caanka ah Sen. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa in uu xilka ka qaado kuwa cusubna u magacaabo qaar kamid ah golaha wasiiradda, waxaana xukuumadda cusub kasoo dhax muuqan doono xildhibaanno ballanqaad horey loogu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana xildhibaanno badan u ballanqaaday xilal kala duwan ay kamid tahay in xukuumadda kasoo dhax muuqdaan, kaddib ansixintii wax ka bedelka afar cutub oo katirsan Dastuurka KMG.

Howlgal lagu baadi goobayo maydka marxuum Cabdiraxmaan oo ka socda xeebaha Soomaaliland.

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa xaalad halis ah oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awday, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka oo ku dhacay dhaamka biyaha ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagy magcaabyaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa.

Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maaintii labaad ku sugan halkaasi, ayada oo dadaallo wadaan bad-maaxiyeen la geeyay goobta.

“Dilla:- Hawl-gal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali oo uu liqay dhaamka Degmada Dilla ee gobolka Awdal ayaa maalintii labaad ka socda dhaamkaasi,” qoraal kasoo baxay Somaliland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa goobta ku sugan qaar kamida ciidanka ilaalada xeebaha, dab-damiska iyo bad quusayaal ku xeeldheer arrimaha dabaasha”.

Ciidamada iyo mas’uuliyiinta deegaanka oo is kaashanayo ayaa ilaa xalay dadaal ku bixinaya sidii loosoo saari lahaa maydka marxuumka.

Ehellada oo horay gurmad uga dalbatay dowladda ayaa iyaguna goobta ku sugan, si ay helaan maydka wiilkooda oo maalintii labaad laga raadinayo halkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo DENI ku eedeeysay inuu caqabad ku yahay shacabka Puntland.

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war xasaas ah kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mashaariicdaas oo ku kacaya boqolaal milyan oo dollar ay u xayiran yihiin saxiixa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Deni inuu caqabad ku yahay shacabka Puntland, maadaama ay muhiim u yiihiin dhammaan mashaariicdaas oo ay diyaarisay dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aysan garanayn sababta madaxweyne Deni uu ku hor istaagan yahay in mashaariicdan loo fasaxo dadka reer Puntland.

Cabdiqafaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka madaxweynaha uu yahay inuu gaajo dareensiiyo shacabka, si ay shaqo la’aan u noqday, waa sida uu hadalka u dhigay,

“Deni wuxuu doonayaa inuu reer Puntland gaajeysiiyo oo ay shaqo la’aan uu noqdaan, loona diido inay fekeraan, waana calaamadaha lagu garto dikteetarka shiibka (kaligii-taliska),” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in aan la’isku qadlin khilaafka siyaasiga ee jira iyo waxa danta u ah shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu meeshii ugu hooseysay uu gaaray khilaafka labada dhinac, kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, sababo la xiriira meel-marinta wax ka beddelka dastuurka dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal lagu baadi goobayo maydka marxuum Cabdiraxmaan oo ka socda xeebaha Soomaaliland.

0

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Howlgal lagu baadi goobayo maydka marxuum Cabdiraxmaan oo ka socda xeebaha Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Norway oo sheegtay in Ninkii Qur’aanka gubay oo lagu daray Liiska tarxiilka

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Norway ayaa xabsiag dhigtay qaxootigii Ciraaqiga ahaa ee ku sugnaa Sweden, Silwan Momika, kaasoo dhaliyay mowjad caro ah sannadkii hore ka dib markii uu qur’aanka gubay, waxayna go’aansatay inay sida ugu dhakhsaha badan u masaafuriso Swede.

Booliska Norway ayaa qabtay Momika 28-kii bishii March, isaga oo dhamaadkii bishii hore magangalyo weydiistay Norway kadib markii laga xayoobiyay sharcigii uu ku joogay Sweden.

Norway waxa ay damacsan tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan” ugu masaafuriso Sweden iyadoo la raacayo
heshiiska qaxootiga ee Dublin, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda Oslo oo ay aragtay wakaaladda FrancePresse.

{DAAWO MUQAALKA} Shan qof oo dilal kala duwan ka geystay Muqdisho Oo La qabtay.

0

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Shan qof oo dilal kala duwan ka geystay Muqdisho Oo La qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} AS oo saakay Weerar xoogan ku qaaday Degmadda Balcad gudahana u gaay qeyb ka mid ah Magaaladda.

0

Sabti 6, April ,2024 {HMC} AS oo saakay Weerar xoogan ku qaaday Degmadda Balcad gudahana u gaay qeyb ka mid ah Magaaladda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06-04-2024

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

farsamadii;Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Kooxda AS oo weerartay xaruntii Hay’adda NISA ee Balcad

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Kooxda AS ayaa saaka weerar ku qaaday degmada Balcad, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. kooxda ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis amni oo ku yaalla magaalada.

Ilo wareedka ayaa xusay in dableyda ay u muuqdaan inay dib uga gurteen magaalada kadib duulaanka. Wararka qaar ayaa tibaaxaya in meelaha la beegsaday ay kamid tahay xaruntii Hay’adda NISA ee degmada Balcad uuna soo gaarey burbur baaxad leh.

AS ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ay gudaha u galeen saldhigga iyo “inta badan” xaafadaha magaalada.

Balse ilo deegaanka ah ayaa hadda sheegaya in AS ay dib u gurteen isla markaana ay ka baxeen magaaladda

Joe Biden ayaa ugu gooddiyey Ra’isul Wasaaraha Isra’il in uu talaabo ka qaadi doono.

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu gooddiyey Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu in haddii uusan joojin beegsiga dadka rayidka ah uu Mareykanku wax ka beddeli doono siyaasadiisa ku aadden dirirta Qasa.

Madaxweyne Biden oo khadka teleefoonka kula hadlay Ra’isul Wasaare Netanyahu ayaa u sheegay uu sharuud ku xirayo taageerada Mareykanku u fidiyo Isra’il haddii uusan qaadin tillaabooyin dhab ah oo lagu dhowrayo nolosha shaqaalaha samafalka iyo dadka shacabka ah oo dhibbane u noqday colaadda ka aloosan marin Qasa.

Mareykanka oo si buuxda isku garab taagey wixii ka dambeeyey weerarkii Xamaas ku qaadday Isra’il 7-dii Oktoobar ee kal hore, ayaa markii ugu horreysey isku dayaya in uu cadaadis saaro mid ka mid ah xulifadiisa ugu dhow ee Bariga Dhexe.

Arrintan ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii ciidanka Isra’il ay duqeyn ku dileen 7 shaqaale gargaar ah oo u shaqeynayey urur samafal oo Mareykanka laga leeyahay, kaas oo hawlo quudin ka wadey marinka Qasa.

Madaxweyne Biden oo in muddo ah dhegaha ka fureystay baaqyo isdaba-joog ah oo looga dalbanayo in uu adeegsado saameynta dhaqaale iyo tan militari ee Mareykanku ku leeyahay Is’ra’il, si loogu qasbo xabad joojin, ayaa hadda u muuqda in cadaadiska uga imaanaya gudaha iyo dibbedu uu soo karay.

Lama saadaalin karo in Ra’isul Wasaare Netanyahu uu u dhego-nuglaan doono dalabka Madaxeweyne Biden uga yimid iyo in kale. Balse waxaa muuqda in dowladda Mareykanka dulqaadka ay u haysey hab-dhaqanka ciidanka Isra’il ee ku aadden bedqabka dadka biri-ma-geydada ah uu sii idlaanayo.