Home Blog Page 2617

Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan AS

0

Jimco,  5, 4,2024 (HMC) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda As oo ku dhuumaaleysanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanada kala ah Jir jir farey iyo Burka Fiiqey oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda AS, islamarkaana sidoo kale lagu gubay gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen kooxda.

“Diyaaradaha dagaalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay laba goobood oo ah dhul hood, waxaana Howlgalkaan uu ka dhacay halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood. Maleeshiyada Argagixisada ah ayaana jab weyn lagu gaarsiiyay Howlgalkaan waxaana lagu dilay maleeshiyaad badan, iyadoona gaadiid looga gubay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caalamka ayaa marar badan duqeymo dhinaca cirka ka fuliyay deegaano iyo goobo ay joogaan kooxda Al-AS, waxaana duqeymahaasi qaarkood lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsanaa kooxda AS

{DAAWO MUQAALKA} Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur-Afrika oo ka aragti dhiibtay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalka kaga cayrisay Safiirkii Ethiopia

0

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur-Afrika oo ka aragti dhiibtay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalka kaga cayrisay Safiirkii Ethiopia

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Gobolka Mudug”dastuur xoog ah ma Aqbaleeyno.”

0

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Mudug”dastuur xoog ah ma Aqbaleeyno.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sheekh Cali Xoogsade ”Ciidamada Xooga Dalka ayaa Laga Rabaa Gudaha iyo dibada in dalka ka ilaaliyaan.”

0

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Sheekh Cali Xoogsade ”Ciidamada Xooga Dalka ayaa Laga Rabaa Gudaha iyo dibada in dalka ka ilaaliyaan.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 05-4-2024

0

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 05-4-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} 50 Carwo oo lagu iibinaayey Dharka Ciidda ee Sanadkan oo ku gubtay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha.

0

Jimco 5, April ,2024 {HMC} 50 Carwo oo lagu iibinaayey Dharka Ciidda ee Sanadkan oo ku gubtay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu Xil Abdiraxmaan Abdishakuur Ka Yiri Qilaafka Hogaamiyaha Puntland Iyo MD Xasan

Jimco-5- April 2024 {HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrinta cusub ee kasoo cusboonaatay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo qeyb ka tahay Puntland ayaa waxa uu runta u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamoye Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in arrinta taagan ay ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday, kuwaasi oo sii fogeeyay Puntland, “Way cadddeed, dhowr jeerna waan ka dignay tillaabooyinka ay bilihii dambe qaadayeen Madaxda dowladda federaalka in ay ahaayeen kuwo dadka iyo dadka kala geynaya.”

Sidoo kale waxa uu hoggaamiye Saciid Deni iyo kooxdiisa ku dhaliilay in ay xilligaan miciin bidaan dowlad duulaan ku ah madax-banaanida dalkeenna, taasi oo uu sheegay in ay wax dan ah ugu jirin Puntland heshiis ay la gaarto Itoobiya.

“Dunida maanta ma aha mid ay beelo, gobollo iyo degaanno isbixin karaan, balse dalal dhisan ayaa la liqayaa,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalka uu soo saaray maanta.

Labada nin ayuu kula taliyay inay dhinac iska dhigaan damaca shaqsiga, islamarkaana danta Soomaaliyeed lagu raadiyo tanaasul, dhimrin iyo dhega nugayl, ayada oo dhabta la wajahayo, lana garawsado duruufaha adag ee dalkeenna iyo dadkeenna ku xeeran.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waa in ay ogaadaan madaxda haysa hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka in halbeegga guushoodu yahay kartida ay u leeyihiin isku haynta dalka iyo dadka, iska jirka damaca gurracan ee shisheeyaha, ixtiraamka wixii heshiiska lagu ahaa, dhisidda kalsoonida iyo is aaminaadda bulshada iyo ka fogaanshaha xasarad iyo xiisad kicinta.

Way cadddeed, dhowr jeerna waan ka dignay tillaabooyinka ay bilihii dambe qaadayeen Madaxda dowladda federaalka in ay ahaayeen kuwo dadka iyo dadka kala geynaya, laakiin waxaan iyana dan Soomaali iyo mid Puntland toona ku jirin maciinsiga dowlad aan aqoonsanayn madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dalkeennu wuxuu ka soo kabanayaa colaad sokeeye, xasilloonida yar ee la haysto waxaa tiir dhexaad u ahaa sharciyada siyaasadeed ee ku dhisan awood qaybsi iyo doorasho afartii sano mar la qabto, mar kasta oo ay labadaasi dheeliyaan waxaa halis gala geeddi socodkii dowlad dhiska ee nugaylka iyo gaabiska ahaa.

Waxaan ku talinaynaa in caqligu shaqeeyo oo qabka (ego), iyo damaca shakhsiga ah dhinac la iska dhigo, danta Soomaaliyeedna lagu raadiyo, tanaasul, dhimrin iyo dhega nugayl, dhabta la wajaho, lana garawsado duruufaha adag ee dalkeenna iyo dadkeenna ku xeeran, sida argagixisada, shaqo la’aanta, amni xumida, colaadaha, abaaraha, iyo in xil iyo masuuliyad loo hayo dal dadkiisu bar qaxooti iyo barakacayaal yahay, kaalmo shisheeye ku tiirsan, welina burbur iyo colaadihii sokeeye ka soo kabanaya.

Askari Horay Qof Ugu Dilay Sabab Yaab Leh oo La soo Qabtay

Jimco-5- April 2024 {HMC} Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya oo maalin ka hor nin shacab ahaa ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Askariga ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in qofka shacabka ahaa uu ku dhex dilay goob timaha lagu jarto, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in askariga uu doonayay inuu ka hor maro ninka shacabka ahaa oo ku fadhiyay kursiga timaha lagu jarto.

“Askariga oo qorigiisa wata ayaa tagay goob Timajare ah nin ayaa ka horeeyey wuxuu ka dalbaday inuu ka horumaro ninkii ayaa diiday arrintaas ka dibna askariga qorigiisa ayuu la baxay halkaas ayuu ninkii ku dilay” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay falkaan uu askariga ku dilay muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in sharciga la horkeeni doono askariga dilka geystay.

“Booliska oo kaashanaya laamaha kale ee amaanka iyo shacabka ayaa gacanta ku dhigay askariga oo ku jiray xaalad baxsad ah sharciga ayaana la soo taagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.

Qaar ka mid ah askarta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mararka qaar sidaan oo kale waxyaabo iska fudud u dila dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

muxuu maamulka Somaliland Ka yiri go’aanka DF ku xireyso qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa?

Jimco-5- April 2024 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go’aankii shalay ka soo baxay DF ee lagu eryey safiirkii Itoobiya u fadhiyey Somalia laguna amray iney xirto qunsuliyadaha aay ku leedahay Puntland iyo Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay waxba ka khuseynin Somaliland

“Dowlada Muqdisho awood uma laha inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa” ayey tiri Rowda Jaamac Cilmi oo hadalka DF ku sifeysay wax lala yaabo.

Waxay sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan Somalia, go’aamo ka soo baxay dowlada federeaalkana aysan ka shaqeyneyn.

“Qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa markii hore kuma iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri karin” ayey intaas ku dartay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Rowda Jaamac Cilmi .

Maamulka Puntland oo Sheegay in aanay khuseeynin go’aanka xiritaanka qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe

Jimco-5- April 2024 {HMC} GAROOWE — Maamul goboleedka Puntland ayaa ku gacan sayray go’aanka kasoo baxay Dowladda Federaalka ee lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garowe.

Dowladda Federaalka ayaa shalay qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada ku tiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa Itoobiya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

“Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer oo ku salaysan dhaqan-dhaqaalaha, amniga iyo isu-socodka bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Puntland

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay “Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Waxay intaas ku dartay “Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya.”

“Hadaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garoowe aanu khusayn Puntland.”