Khamiis-4- April 2024 {HMC} Dhallinyaro Saxuurta u kicisa dadka oo habeen kasta socdaal ku marta wadooyinka xaafadaha
Isra’il oo lagu eedeeyay in ay si ula kac ah u leysay samafalayaal u badan reer Galbeed
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Cunta-kariye sare Jose Andres oo ah aas-aasaha Hey’adda Gargaarka ee Worl Centeral Kitchen, ayaa Arbacadi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in weerarki ay Israil ku dishay 7 ka mid ah shaqaalihiisa gudaha magaalada Gaza uu ahaa mid loo fuliyay si ula kac ah.
Wareysi qiiro lahaa oo uu siiyay Rueters, ayuu Jose Andres ku sheegay, in ay xiriir cad kala yeesheen ciidamada Israil cuntada ay ka qeybinayeen Gaza isla markaana ay ciidanka Israil ogaayeen dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka.
Shaqaalaha la dilay ayaa baabuurki ay la socdeen lagu dhuftay gantaal waxyar kaddib marki ay soo dajiyeen cunto gaareysa 100 tan oo ay Gaza u soo marsiiyeen badda. Dowladda Israil ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid u dhacay si kama ah.
Dowladaha dunida gaar ahaan kuwa galbeed ayaa cambaareeyay isla markaana dalbaday baaritaan iyo jawaabo cad.
Muxuu Yahay Isbeddal lagu sameynayo hoggaanka NISA?
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay isbeddel ku sameeyaan hoggaanka sare ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), kadib markii la sheegay inuu is casilaad gubdiyay Mahad Salaad.
Wararka ayaa sheegaya kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maanta lagu magacaabayo agaasime cusub oo halkeeda kasii wadi doono shaqada hay’adda.
Mahad Salaad ayaa doonaya inuu isku sharraxo xilka madaxweynaha Galmudug, si uu uga qayb-galo doorashada soo socota ee hoggaankaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in laga yaabo in booska Mahad Salaad loo magacaabo Xildhibaan Sanbaloolshe oo horay usoo qabtay hoggaanka NISA.
Sidoo kale baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay warka ku saabsan is casilaadda Mahad Salaad iyo inuu maanta dhacayo isbeddelka lagu sameynayo hay’adda NISA.
Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo buuxiyo kuraasta ka maqan golaha wasiirada, gaar ahaan wasaaradaha amniga iyo dibadda oo muddo bannaan.
Wasaaradda amniga waxaa horay u hayay Maxamed Cali Doodishe oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, halka wasaaradda arrimaha dibadda uu iska casilay Abshir Cumar Jaamac (Huruuse’0 oo isku sharraxay hoggaanka sare ee Puntland.
Tallaabadan ayaa haddii laga dhabeeyo waxa ay kusoo aadayaan, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Dowlada Itoobiya oo sheegtay in ay heshiis la gashay Maamulka Puntland.
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – War Arbacadi shalay lagu daabacay barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashi ay ka yeeshaan fursadaha ganaci, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee wadajirka, si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka u dhaxeeyo labada dhinac. ayaa lagu yiri qoraalka.
War saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wafdiga ka socday Puntland ay carrabka ku adkeeyeen xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, isla markaana qiray taageerada iyo iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo ammaanka.
Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, isla markaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida ku xusan bayaanka, Danjire Mesganu ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Itoobiya uga go’antahay xiriirka Puntland isla markaana hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dhinacyo badan oo kala duwan.
Heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, maalmo yar kaddib marki ay Puntland sheegtay, in ay kalsoonidi kala laabatay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sababo la xiriiray tallaabadi uu Baarlamaanka Soomaaliya ku anisixiyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka fal-celinin heshiiska ay dowladda Itoobiya ku sheegtay in ay la gashay maamul goboleedka Puntland.
Wararki ugu danbeeyay ee dhul gariirka Taiwan
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir xoog leh oo Arbacadi shalay ka dhacay jasiiradda Taiwan ayaa dhaaftay 1,000 qof, halka dhimashada ay wali taagantahay 9 qof.
Dhul gariirka oo cabbirkiisa ahaa 7.2 qiyaasta dhul-gariirrada ayaa noqday kii ugu xoogganaa ee ku dhufta Taiwan muddo 25 sano ah, ayaa laga cabsi qabaa in khasaaraha uu kordho xilli ay si xowli ah u socdaan howlaha gurmadka ee lagu badbaadinayo dadka ku hoos jira burburka.
Waaxda dab-damiska Taiwan ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariirka ay hadda mareyso 1,038, halka dadka la la’yahay ay gaarayaan 52 ruux.
Dadka maqan ayaa waxaa ku jira shaqaalo dhisayay hoteello ku yaalla agagaarka xaddiiqada Taroko National Park.
Muxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey?
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Kubadda cagta ayaa mar kale lagu soo dari doonaa mid ka mida qorshayaal loo arko inay qayb ka qaadan karaan sidii loo hormarin lahaa, balse waxaa durba soo baxaya diidmo ay ka muujinayaan dadka ku xeeldheer ciyaaraaha.
Sharci-dajiyayaasha kubbadda cagta IFAB ayaa ka doodi doona xeerar cusub oo ah anshax marin ciyaartooyda ah, waxayna arki doonaan kaararka buluugga ah.
Kaarkan waxaa la yiraahdaa ‘Sin-bins’ waa calaamad lagu ganaaxayo ciyaartoyda kubadda cagta kaasoo ku biiraya digniinaha hadda jirta ee Jaalaha iyo gaduudka ee loo taago ciyaartoyda marka ay galaan khalaadaad is xiga.
Garsoorayaal hore oo kubadda cagta ah qaar ayaa gadaal ka riixaya qorshan iyagoo ku sifeeyey inuu yahay mid loo baahan yahay xiligan kubadda cagtu ay samaysay horumaro waaweyn.
Guddiga Xiriirka Kubada Cagta ee Caalamka ee la yiraahdo IFAB ayaa qorshaynaya inay kaarkan ku qabtaan kulankooda sanadlaha ah ee Loch Lomond oo bisha soo socota ka dhici doona Scotland iyadoo si tijaabo ah loo adeegsan doono kaarka Buluuga ah.
Horyaalka Premier League ayaa horay u diiday inuu qeyb ka ahaado soo saarista bilowga ah ee tijaabo kasta, halka xiriirka kubbadda cagta adduunka ee Fifa uu sheegay in “warbixinta waxa loogu yeero ‘kaarka buluuga ah’ ee heerarka sare ee kubada cagta ay yihiin kuwo khaldan oo dhicis ah”.
Sidee loo isticmaalayaa Kaarkan Buluuga ah.

Sida uu sheegay Maxamed Axmed Deysane oo ah khabiir ka faalooda kubada cagta, kaarkan ayaa noqonaya mid qaadan doona waqti dheer si loo meel mariyo.
Labada waqti ee ugu badan ee la adeegsan doono kaarkan Buluuga ah ee ‘Sin-bins’ ayaa kala ah, marka ciyaartoy caraysan uu u ordo dhanka garsooraha taas oo aan haddda loo adeegsan inta badan calaamadda Jaalaha ah ama ‘yellow card’ iyo tan labaad oo ah marka mid ka mid ah ciyaartoyda wada ciyaaraysa uu soo jiido ama si xoog ah dhulka u dhigo mid kale.
Marka kaarka Buluuga loo taago ciyaaryahan waxaa uu banaanka u baxayaa ilaa 10 daqiiqo oo ganaax ah, taas oo fursad u ah kooxda kale. Hadii labo kaar oo Buluug ah loo taagana ciyaaryahanka ayaa la siinayaa kaarka gaduudan ‘Red card’.
Heerka uu gaarsiisan yahay ganaaxa ka dhalanaya kaarkan ayaa ah mid ka hooseeya labada calaamadood ee jaalaha iyo gaduudka.
Sida uu qabo Deysane, tan waxay meesha ka saaraysaa in garsoorayaashu ku deg degaan sida hadda dhacda calaamadaha la isticmaalo ee jaalaha iyo Gaduudka, taas oo fursad u ah ciyaaryahanada.
Kaarkan ayaa hore loo adeegsaday gaar ahaan ciyaaraha aan diiwan gashayn sida kuwada dhalinyarada.
Falcelinta kaarkan Buluuga ah

Waxaa durba soo baxaya falcelin laga muujinayo kaarkan lagu wado in lagu soo kordhiyo kubada cagta, qaar ka mida khabiirada kubadda cagta iyo ciyaartoy hore ayaa ka hadlay kaarkan.
Xiddigii hore ee Realmadrid, Arsenal iyo xulka Jarmalka Mascuud Ozil ayaa ka mid ah dadka ka hadlay kaarkan, laakiin wuxuu isagu si gaara u xusay in kooxo badan ay dhibaato ka soo gaari doonto hadii la dhaqan galiyo.
Ozil ayaa xusay in kooxda Atlentic Madrid oo ka dhisan Spain ay tahay kooxda ugu badan ee u dhibanaan doonta kaarkan isagoo ku sababeeyey in kooxdaas ay difaacyadeedu galaan khaladaad badan oo ay ku galaan ciyaartoyda kooxaha la ciyaaraya.
“Waxaa arki doontaa Atletico Madrid oo lix ciyaaryahan ku soo hareen garoonka haddii kaarkan Buluuga la hirgaliyo” ayuu si kaftana u yiri Ozil.
Tababarayaal hore oo kubadda cagta ayaa iyaguna tilmaamay in tani ay mar kale soo kordhin doonto in khilaafka uu sii xoogaysto.
Mudooyinkii danbe kubadda cagta ayaa lagu soo kordhiyey laba agab oo cusub oo kala ah Goal-line technology iyo VAR, waxayna labaduba dhaliyeen muran xoog leh oo kubadda cagta.
Nidaamka Goal-line technology ayaa lagu hubiyaa saxnaanshaha goolka iyo in kubaddu ka gudubtay xariiqinta u dhaxaysa labada birood ee goolka taas oo wargalin siisa garsooraha dhexda oo qalab ugu xiran yahay gacanta.

VAR, waa tiknoolajiyad kale oo iyadana lagu soo kordhiyey kubada cagta taas oo caawisa garsoorayaasha laakiin ilaa hadda waxaa ka tagaan khilaaf xoog leh.
Aaladan ayaa awood u leh inay soo kala dhexgasho goolasha lagu murmo, khaladaadka lagu galo diilinta ganaaxa iyo digniinta gaduudan ee ay bixiyaan garsoorayaasha.
Ilaa iyo markii VAR la ogolaaday in la isticmaalo waxaa tabasho xooggan ka muujiyey maamulayaasha kooxaha kubadda cagta ee caalamka oo tilmaamay inay iyadu qayb ka tahay khalaadaadka jira.
Lama oga in uu dhaqan gali doono qorshahan kaarka Buluuga ah ee la doonayo in lagu soo daro calaamadaha Jaalaha iyo Gaduudka ee hadda loo isticmaalo kubadda cagta.
Maxay tahay halista ay wajahayaan dameeraha Kenya?
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Dalka Kenya qaylo dhaan ayaa ka jirta, taasoo la xiriirta dameero la xadayo, ka dibna la gawracayo ayadoo hilibkood a iyo maqaarkooda laga ganacsanayo.
Dadka u oloyana in la joojiyo xatooyada dameeraha ee la qalayo waxaa ka mid ah Dennis Bahati oo ka tirsan hay’adda Africa Network for Animal Welfare (ANAW).
Wuxuu sheegay in sannadkii hore ilaa 10,000 oo neef maqaarkooda loo dhoofiyey Shiinaha, inkastoo ay dawladda Kenya mamnuucday ka ganacsiga hilibka d ameeraha iyo maqaarkooda.
Hore waxay dawladdu u xirtay sanooyin ka hor laba kawaan oo dameeraha lagu qali jiray, ka dib markii ay soo baxday qaylo dhaan la xiriirta tirada dameeraha oo aad hoos ugu dhacday, gawraca dartiis.
Xatooyada dameeraha ee hadda laga cabanayo waxaa dadka ka cabanaya ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari, ayadoo Soomaalidu ay yihiin qowmiyadda ugu badan ee sida aadka u dhaqata, una manaafacaadsata dameeraha.
“Dhibaatadaas la xiriirta xatooyada dameeraha la qaado ee ka dibna la qalo waa mid gobolkeenna haysata, waxayna aad ugu sii badan tahay deegaannada Garissa, Masalani iyo Faafi” ayuu yiri Dubbad Cali Camey oo ah guddoomiyaha guddiga suuqgaynta xoolaha ee Kenya. Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kiisas laga soo sheegayo deegaannada ay ka midka yihiin waheer iyo Mandheera.
Wuxuu sheegay in taranka dameeraha oo awalba gaabis ahaa ay arrintan saamayn ku yeelatay. “Dameeruhu waxay ku dhalaan 13 bilood oo la mid ma aha lo’da iyo ariga, ayagoo sidaas ah, xanaanada la siiyana ay yar tahay, tiradooduna ay aad ugu hoosayso xoolaha kale ayaa misna waxaa u sii dheer in la xadayo oo la qalayo, taasina waxay khatar galinaysaa jiritaankooda” ayuu sii raaciyey.
Xaawa Guuleed oo ka tirsan hay’ad ka shaqaysa dhowrista dameeraha ayaa sheegtay in muhiim uu u yahay noloshooda.
“Waa in aan la illoobin in aan ku noolnahay deegaanno ay gaadiidku ku yar yihiin, sidaa darteedna waxaan ku tiirsannahay in aan xayawaankan gaadiid ahaan u rarano marka aan geeddi galayno ee aan biyo iyo baad u hayaamayno” ayey tiri Xaawo Guuleed.
Dhibaatada dameeraha lagu hayo waxaa isna iftiimiyey Sarkaalka caafimaadka xoolaha u qaabilsan degmada Mooyaale Xasan Nura oo sheegay in dameerihii gudaha markii la mariyey iminka dalalka jaarka ah laga keenayo.
Wuxu intaa ku daray in wixii ka dambeeyey xilligii xanuunka koroonaha deegaannadooda ay aad u yimaadeen ganacsatada xoolaha ka baayac mushtara ee deegaannao kale oo Kenya ah ka soo safra.
Wuxuu intaa ku daray in dhawaan ay soo rogeen sharci dhigaya in wixii ka badan 4000 oo dameer oo loo safrinayo in la xanaanaysto loo baahan yahay in ruqsad loo jaro, taasoo ay haddaba ku dhaqaaqeen mar dameero loo safrinayey deegaanka Isiolo (Siyeelow).
Dubbad Cali Cameey ayaa isna arrin taa u dhow soo qaaday, isagoo maamulayaasha farriin u diray.
“Madaxda deegaannada gobolkeenna waa in ay goobaha laga gudbo aad u koontaroolaan haddii ay dhacdo in dameero badan laga gudbinayo buundooyinka ay ka midka tahay midda Gaarisa” ayuu yiri Dibbad.
Wuxuu ugu baaqay dadka xoolo dhaqatada ah in aysan iska aamusin haddii ay la kulmaan xatooyada xoolahooda.
“Waa in dadka xoolaha leh ay tagaan saldhigyada booliska oo ay ku wargeliyaan ciidanka booliska OB-na laga qoraa, halkii ay iska aamusi lahaayeen” ayuu ku taliyey Dubbad Cali Camey.
Dowlada Botswana oo ku hanjabtay inay 20,000 oo maroodi u diri doonto Jarmalka
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Madaxweynaha Botswana ayaa ku hanjabay inuu u diri doono 20,000 oo maroodi ah dalka Jarmalka xili uu muran ka taagan yahay ilaalinta keymaha wadanka.
Horraantii sanadkan, wasaaradda deegaanka ee Jarmalka ayaa soo jeedisay in la adkeeyo xaddidaadda saaran koobabka lagu soo guuleysto ee ugaarsigaxayawaanka.
Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa u sheegay warbaahinta Jarmalka in tani ay kaliya dhib ku tahay dadka dalkiisa.
Wuxuu sheegay in tirooyinka maroodigu ay aad u tirabateen natiijadaas oo ka dhalatay dadaallada ilaalinta keymaha ee Botswana, ugaarsigana uu hadda ka caawiyay in la xakameeyo si aysan faraha uga bixin.
Botswana waxay hoy u tahay saddex meelood meel kamidah maroodiga adduunka – in ka badan 130,000 – ayay dhaaftay inta ay boos u hayso.
Maroodigaayaa sgaystay khasaare hantiyeed, waxay cuneen dalagyo dad u baxayay, waxayna cagta mariyeen guryahooda deegaanka, ayuu yidhi Madaxweyne Masisi.
Botswana ayaa hore 8,000 oo maroodi ah u siisay dalka ay jaarka yihiin ee Angola, waxayna boqolaal kale ugu yaboohday Mozambique, si ay hoos ugu dhigto tirada Maroodiga.
“Waxaan jeclaan lahayn inaan hadiyad noocan oo kale ah siino Jarmalka,” ayuu yiri Masisi, isagoo intaas ku daray inuusan jawaab u qaadan doonin diidmo.
Dowlada Congo oo heshay ra’iisul wasaaraheedii ugu horeeyay ee dumar ah
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Félix Tshisekedi, ayaa wasiir hore u magacaabay inuu noqdo ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalkaas.
Judith Suminwa Tuluka, oo horay u soo noqotay wasiirkii qorsheynta ayaa beddeshay Sama Lukonde oo iscasishay bishii Febraayo.
“Waan ogahay in howshu ay weyn tahay, caqabadaha jirana ay yihiin kuwo aad u ballaaran, laakiin haddii garab-istaaga madaxweynaha iyo midka qof walba, waxaan ku gaari doonnaa guusha,” Marwo Tuluka ayaa shir jaraa’id ku sheegtay Isniintii kaddib magacaabisteeda.
Magacaabisteeda ayaa daba socotay baadi goob dheer oo ay ku baadi goobayeen isbaheysiga aqlabiyadda baarlamaanka dalka – tillaabo muhim ah oo ay qaadaan ka hor inta aan la magacaabin ra’iisul wasaarihii oo la soo dhisin xukuumad.
Xisbiga talada haya ee Midowga Dimuqraadiyadda iyo Xisbiga Horumarka Bulshada ayaa ku guuleystay boosaska aqlabiyadda iyagoo ka adkaaday 44 xisbi oo kale.
Marwo Tuluka ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay magacowdo gole wasiiro cusub. Ra’iisul wasaaraha ayaa hogaaminaya xukuumaddaas, oo ka koobnaan doontaa wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.
Cadaadiska Hay’adaha Caalami ah ee Isaa”iil oo Kordhay.
Khamiis 4, April ,2024 {HMC} – War qoraal ah oo ay saxiixeen 13 ka mid ah hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqul insaanka ee calamiga ah ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo caalami ah oo degdeg ah oo lagu joojinayo Israa’iil inay sii kordhiso howlgallada militari ee Rafah.
Haddii aan la joojin, heyaduhu waxay ka digayaan,wax ka daran cawaaqib xumada bini’aadantinimo ee horeyba uga dhacday koonfurta ugu xigta Gaza.
Hay’adaha – oo ay ku jiraan Save the Children, Amnesty International iyo Oxfam International waxay hoosta ka xariiqeen musiibo ka dhalata hawlgallada milatari ee Israel ee Rafah oo sii socda inkastoo dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay xabbad-joojin degdeg ah iyo tallaabooyin dheeraad ah oo ku-meel-gaar ah oo ka yimaada Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda,.
Weerarada dhulka ah ee Israa’iil ay ka waddo magaalada Rafah ee Gaza ayaa halis ku ah nolosha in ka badan hal milyan oo rayid ah, kuwaasoo intooda badan ku barokacay iyaga oo haysta adeegyo kooban oo muhiim ah oo aan lahayn meel ammaan ah oo ay gabaad ka helaan.
“Hay’adaha bini’aadantinimada iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah uga digay in duulaanka dhulka ee Israel ee Rafah uu keenayo inuu baaba’o gargaarka naf-badbaadinta ee in ka badan 1.3 milyan oo rayid ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 610,000 oo carruur ah, kuwaas oo hadda ku jira safka tooska ah ee dabka ” sida lagu sheegay bayaanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay maqnaanshaha qorshaha daadgureynta rayidka. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, Israa’iil waxa ay ku qasban tahay in ay xaqiijiso bedqabka iyo fayoobida dadka rayidka ah ee barakacay, haddana ma jiraan meelo ammaan ah oo ka jirta Gaza gudaheeda iyo bannaankeeda, ayaa lagu yiri bayaanka.



