Home Blog Page 2623

DFS oo cayrisay safiirka Itoobiya, xirtayna laba qunsuliyad

Khamiis 4, April ,2024 {HMC}- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka cayrisay safiirka Itoobiya, waxayna xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, waxaa sidaas xaqiijiyey saraakiil ka tirsan dowladda.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay taas beddelkeed u aqoonsaneyso Somaliland dal ka madax banana Soomaaliya, inkasta oo taasi aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Saraakiisha warkan laga soo xigtay ayaa sheegay in go’aanka lagu eryey safiir Mukhtaar Maxamed Waare uu la xiriiro heshiiska ay horey u galeen Somaliland iyo Itoobiya. Soomaaliya ayaa horey ugu yeeratay safiirkeeda.

Dhinaca kale, go’aankan ayaa imanaya maalin kadib markii Itoobiya ay qaabishay wafdi ka socday maamulka Puntland oo booqday magaalada Addis-Ababa.

Barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Arbacadii lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, islamarkaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa waxaa xiisad ay muddo kala dhaxesay dowladda federaalka, ayada oo dhowaan sheegtay inay aqoonsiga kala laabatay dowladda federaalka kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey wax ka beddelka dastuurka.

 

Sanbaloolshe oo loo Magacaabay Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda ee NISA

Khamiis 4, April ,2024 {HMC}- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

{DAAWO MUQAALKA} Warqad sir ah ee uu Qoray Madaxweyne Siyaad Barre oo laga helay safaarda engriiska

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Warqad sir ah ee uu Qoray Madaxweyne Siyaad Barre oo laga helay safaarda engriiska

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Baladweyne oo u Hambalyay Idaacada Hiiraanweyn Sanadguuradii 12aad oo Manta ku Beegan.

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Shacabka Baladweyne oo u Hambalyay Idaacada Hiiraanweyn Sanadguuradii 12aad oo Manta ku Beegan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 04-04-2024

Arbaco-4- April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Cabdiraxmaan Macalin Muuse

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amniga oo Magaalada Cadaado kasoo qabtay Dad masoomayaal ah.

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Ciidamada Amniga oo Magaalada Cadaado kasoo qabtay Dad masoomayaal ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ilyaas Lugatoor oo xariga ka jaray laami qurux badan oo laga dhisay..

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Ilyaas Lugatoor oo xariga ka jaray laami qurux badan oo laga dhisay..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Daahir Riyaale “Doorashadii Cabdullaahi Yuusf ayaa igu Qasabtay in aan Furo Tva Soomaaliland

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Madaxweyne Daahir Riyaale “Doorashadii Cabdullaahi Yuusf ayaa igu Qasabtay in aan Furo Tva Soomaaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Somaliland oo u Hanjabay Dadka ka ganacsado iyo kuwa isticmaalo Waxyaabaha Maandooriyaha ah

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Booliska Somaliland oo u Hanjabay Dadka ka ganacsado iyo kuwa isticmaalo Waxyaabaha Maandooriyaha ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo deeq waxbarasho ka helay dalka Ethopia.

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Soomaaliland oo deeq waxbarasho ka helay dalka Ethopia.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA