Home Blog Page 2622

Maxeey U Cugsatay Dowladda Soomaaliya Xiritaanka Qunsuliyadaha itoobiya?

Khamiis 4, April ,2024 {HMC}- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyey qaraar xasaasi ah oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Soomaaliya, kaasi oo lagu faah-faahiyey sababaha loo cuskaday tallaabooyinka ka dhanka ah Itoobiya. Hoos ka aqriso qaraarka

QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markii ay arkeen: Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;

Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;

Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;

Markii ay garowsadeen: In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;

Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:

QODOBKA 1AAD: XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD: XADGUDUBYADA

1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

QODOBKA 3AAD: DHAQANGALKA

1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

{DAAWO MUQAALKA} Xukumada Soomaliya oo qaaday Tallaabo ka dhan Ah itoobiya

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Xukumada Soomaliya oo qaaday Tallaabo ka dhan Ah itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo ka Farxiyey Cauruurta Dantayar

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Gudoomiye Madaale oo ka Farxiyey Cauruurta Dantayar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidaamada Amaanka oo Gacanta kusoo dhigay Maandooriye farabadan

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Ciidaamada Amaanka oo Gacanta kusoo dhigay Maandooriye farabadan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-4-2024

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-4-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Dowlada Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii Itoobiya

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} WAR DEG DEG AH Dowlada Soomaaliya oo ceyrisay safiirkii Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ilmaheenii furimaha dagaalka ayeey jiraan anagana guryihiina ma geli gartiin ayaa nalagu yire”

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Ilmaheenii furimaha dagaalka ayeey jiraan anagana guryihiina ma geli gartiin ayaa nalagu yire”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Hay’adda NISA oo loo magacabay Sanbaloolshe

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Taliyaha Hay’adda NISA oo loo magacabay Sanbaloolshe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyarada magaalada Baladweyne oo si isqilqaan ah u dhisay wadooyin ku xirmay fatahaadii Wabiga.

0

Khamiis-4- April 2024 {HMC} Dhalinyarada magaalada Baladweyne oo si isqilqaan ah u dhisay wadooyin ku xirmay fatahaadii Wabiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 04- 4 -2024

khamiis-4- April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:mustaf cali cadoow

farsamadii; Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO