Home Blog Page 263

Dowladda Jarmalka oo si rasmi ah u aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga

Arbaco 3 Dec 2025 {HMC} Dowlada Jarmalka ayaa maanta si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Hay’adds Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaan ay tahay mid muhiim ah oo xoojineysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta socdaalka labada dal.

Hay’adda Socdaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku faraxsan tahay in aqoonsiga Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya ay ku dhawaaqdo dowladda Jarmalka, maadaama lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee dowladda dalkaasi.

“Tallaabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee dhanka maniga dukumintiyada safarka, casriyeynta, adeegyada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed

Baasaboorka Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya maqaamkiisii caalamiga ahaa, taasoo astaan u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee sii kordhaya iyo adkaysiga uu muujiyay kadib tobannaan sano oo uu go’doon kaga jiray dunida inteeda kale sababo la xiriira ammaan-darro iyo masiibooyin dabiici ah.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxa uu soo maray isbeddello is-daba-joog ah, oo ay ku jirto soo bandhigidda nooc casri ah oo leh muddo ogolaansho oo gaaraysa shan sano.

Isbeddelladan ayaa ka tarjumaya dadaallada ballaaran ee dalka loogu jiro dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta maqaamkiisa caalamiga ah.

Sannadkii 2016-kii, Baasaboorka Soomaaliya waxa uu ku jiray kaalinta 101-aad ee qiimeynta Tilmaamaha Baasaboorrada ee Henley (Henley Passport Index), oo ah shirkad la-talin iyo cilmi-baaris oo caan ku ah qiimeynta awoodda socdaalka caalamiga ah.

Hadda, waxa uu kor u kacay siddeed darajo isagoo soo gaaray kaalinta 95-aad, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee lasoo saaray bishii Luulyo 2025. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa hadda u safri kara in ka badan 30 dal iyaga oo aan u baahnayn fiiso hore loo sii dalbaday.

Qiimeyntan, oo ku saleysan xog laga helay Hay’adda Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) iyo cilmi-baaris socotay labaatan sano, ayaa lagu qiimeeyaa 199 baasaboor iyadoo la eegayo 227 dal oo loo safri karo, waxaana lagu kala saaraa iyadoo lagu saleynayo tirada waddamada ay dadka wata baasaboorkaas ku booqan karaan fiiso la’aan.

Duqa Minneapolis oo u jawaabay Trump, Soomaalida-na taageeray

Arbaco 3 Dec 2025 {HMC} Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, oo ka jawaabayay warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times oo sheegeysay in ciidamo federal ah oo ka socda, Laanta Socdaalka Mareykanka la geeyay magaaladiisa ayaa sheegay in Soomaalida uu jeclyahay oo uu garab taaganyahay, xilligan ay wajahayaan culeysyo kaga imaanaya mamaulka Trump.

Wuxuu sheegay in dad ka badan 80,000 oo Soomaali ah oo ah muwaadiniin ay ku suganyihiin gobolka Minnesota, isagoo intaa ku daray in xitaa boolis Soomaali ah ay ammaanka ka qayb qaadanayaan.

Wuxuu ugu baaqay dadka in aysan albaabada ka furin askarta guryaha tageysa, arrintaasi oo argagax ku beertay bulshada.

Dowladda Soomaaliya miyay Ka jawaabtay Hadalada Trump?

Arbaco 3 Dec 2025 {HMC} Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa bartiisa X, ku daabacay qoraal dad badan u arkeen in dowladdu ugu jawaabayso madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo maalmahaan si is daba joog ah weerar afka ah ugu qaaadayay Soomaalida Mareykanka ku nool iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dalka Soomaaliya dal aan dowlad, milatari iyo nidaam midna ka jirin.

Qoraalka Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad, ayaan u dhignaa sidaan:”Dadka qaarkood waxaa aad ugu fududaatay inay Soomaaliya u adeegsadaan marmarsiiyo ama inay ku qariyaan guuldarradooda. Sheekadan ma aha oo keliya mid been ah, balse waa aflagaado loo geystay adkeysigeenna iyo naf-hurnimadeenna. Waa inaan midnimo muujinaa, ilaalinaa karaamadeenna, una muujinnaa caalamka inaanan ahayn wax uu qof doonayo oo sida uu rabo u adeegsado”.

Ilaa iyo hadda lama oga in warkaan uu jawaab u yahay hadalladii Trump ee maalmahaan uu wax kaga sheegayay Soomaaliya.

Hadalkaan Cali Balcad ayaa imaanaya xilli madaxweyne Trump oo hadallo adag u adeegsaday Soomaalida uu ku celceliyay in Soomaaliya ay tahay dal dowlad la’aan ah oo uraya.

Muusa Biixi oo Duleedka Hargeysa ka bilaabay Aruurinta Ciidamo Beeleed Asiga ka amar qaato.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa koox hubaysan oo isaga ka amarqaadata kana soo jeeda beeshiisa ku ururinaya deegaanka Faroweyne ee Duleedka Hargeysa.

5 Nin oo sita 2 qori oo AK ah iyo qori kale oo bilaa qasnad ah, una muuqda mid xumaaday oo ay dadka ku cabsiinayaan ayaa Warbaahinta kasoo muuqday, kuwaas oo sheegay inay la dareen yihiin Korneyl Biixi oo isagu ku jira xaalad samri waa ah kaddib markii shacabka Somaliland si aqlabiyad ah kursiga uga tuureen.

Hay’addaha ammaanka ee Somaliland, ayaan ka soo xiganay inay qorsheynayaan in taalabo qadhaadh laga qaado dadka ku kaca falalka lidiga ku ah amniga & abaabulka maleeshiyo beelleedkan Korneylku wado.

Dhanka kale shacbiga Somaliland ayaa aad uga yaaban dulqaadka & samirka xukuumadda Madaxweyne Cirro ugu seeto dheeraynayso Korneyl Biixi iyo Madaxdhaqameedka deegaankiisa ee ka shaqeynaya falalkan halista ku ah nabbadgelyada.

Ambassador Jamal Beker presents Letters of Credence to the President United Arab Emirates.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Jemal Beker, Ambassador of the Federal Democratic Republic of Ethiopia to the United Arab Emirates, today presented his letters of credence to H.H. Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, President of the United Arab Emirates, during an official ceremony at Qasr Al Watan Presidential Palace.

Ambassador Jemal conveyed the warm greetings and best wishes of President Taye Atske Selassie and Prime Minister Abiy Ahmed to the President, the Government, and the brotherly people of the United Arab Emirates.

Ambassador Jemal also took the opportunity to extend his heartfelt congratulations and best wishes on the occasion of the 54th National Day of the United Arab Emirates.

During the handover ceremony, the Ambassador reaffirmed Ethiopia’s unwavering commitment to strengthening the strategic partnership between the two nations across key sectors.

H.H. Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan warmly received the Letters of Credence and extended his best wishes to Ambassador Jemal for a successful tenure. The UAE President underscored the importance his country attaches to its relations with Ethiopia.

The President further reiterated the UAE’s continued support for Ethiopia’s development, prosperity, and its leading role in advancing regional peace and integration initiatives.
Following the ceremony, Ambassador emal expressed his profound honour at the gracious reception accorded to him and pledged to work closely with UAE authorities to elevate bilateral relations to even greater heights.

Suudaan oo usoo bandhigay Ruushka , heshiis 25 sanno ah.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Milatariga Suudaan ayaa usoo bandhigay Ruushka , heshiis 25 sanno ah oo u oggolaanaya inuu saldhig badeedkii u horreeyay oo Ruushka uu ku yeelanayo Afrika , taa oo Ruushka siinaysa awood istaraatiiji ah oo cusub oo gaarsiinaysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa warbixin uu baahiyay waxaa lagu sheegay in saldhigga Ruushka uu ka helayo xeebaha Suudaan uu martigelin karo illaa 300 oo saraakiil iyo milatariga Ruushka ah ,afar markab oo dagaal iyo xataa maraakiib leh awoodda nukliyeerka. Ruushka illaa hadda kama falcelinta heshiiska ay soo bandhigeen milatariga Suudaan, oo dhankooda ay ku beddelanayaan taageerro milatari.

Haddii Ruushka heshiiskan aqbalo , wuxuu helaya waddo isku xiraysa Bariga Afrika, Badda Cas, iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab – oo ah goob ka mid ah kuwa ugu xasaasisan ganacsiga caalamka.

Suudaan , oo ku jirta dagaal ba’an iyo loollan awood oo u dhexeeya militariga iyo RSF, waxay u muuqataa inay raadineyso xulafo militari iyo dhaqaale oo dibadda ah.

Moscow waxay muddo dheer dooneysay saldhig ku yaal Badda Cas, iyadoo hore ula gashay heshiisyo horudhac ah xilligii dawladda hore ee Cumar al-Bashiir.

Saldhig uu Ruushka halkaa ka helayo ayaa sidoo kale beddelaya khariirada amni iyo awoodda badda cas, xilli Maraykanka, Shiinaha, Turkiga iyo Iiraan ay sidoo kale ku lug leeyihiin siyaasadda gobolka.

Wasiir Maareeye oo si weyn u dhaliilay arrimaha ka socda gudaha Somaliland.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si weyn u dhaliilay arrimaha ka socda gudaha Somaliland isaga oo sheegay in Somaliland wajahayso xaalad aad u adag oo ka dhalatay jihayn la’aanta bulshada wakhtigan haysta.

Maareeye wuxuu xusay suurtagalnimada in uu Somaliland yimaado si uu qayb uga noqdo dib u sixida Somaliland sida uu aaminsan yahay.

Hadalka Maareeye oo qoraal ahaa waxa ka mid ahaa “Ogaada, hadaan si degdega rag taliya loo helin, hada ka fursan mayso in aan anigu tago oo dalka iyo dadka meel uun u tujiyo!”

Hadalka wasiir Maareeye ayaa loo fasirikaraa laba mid uun in uu yahay kaftan iyo hadal tire aan dhaafsiisnayn qoraalka Face Book iyo in uu jiro qorshe uu xilka kaga degayo kadibna uu cafis soo waydiisto xukuumadda Somaliland sidaasna uu ula jaanqaado siyaasadda Somaliland.

Hadalka wasiir Maareeye ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya sheegay in uu quus joogo qaranimo Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye ayaa Afartan wax ku dhaliilay arrimaha ka socda Somaliland.
1. Talo xumo time dhaaftay oo aan cid dib u qiimeynaysa lahayn.

2. Qof masuuliyad sheegana oo iskaga hadlaya af-xumo aan loo meel dejin, badiil siyaasadeed lahayn, oo dadkii nabadna ka kaxaysay, colaad wax ugu tarin.

3. ⁠Odayaal Koofiyado xunxun oo jifo qabiil sheeganaya oo saf ku jira oo isu jiibinaya colaad iyo caay ku wajahan dawladda iyo jufi kale oo ay Hargeysa wada degaan oo cid wax ka qabanaysaa oo xidhxidhaysa lahayn.

4. ⁠Siyaasad foorarta oo xifaaltanka Hargeysa ku filan, laakiin aan fahmin karin waxa ka socda gobolada ku wareegsan, geeska Africa iyo caalamka, iyo 30 Sano been cad laysu sheegayo, oo nin waar ka daaya dhahaya lahayn.

Dawladda Ethiopia oo shaacisay qarashka Xajka lagu aadaayo sannadka 2026.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Dawladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday kharashaadka Xajka ee sannadka 2026-ka taas oo 4000 oo Dollar-ka Maraykanka ah laga dhigey.

Qiimahan ayaa kor loo qaaday marka la barbardhigo sannadadii hore oo qiimaha Xajka Ethiopia lagu tago ahaa mid aad u hooseeya.

Inkasta oo qiimaha Ethiopia ee Xajka kor loo qaaday haddana weli wuu ka hooseeyaa qiimaha lagu tago Xajka Soomaaliya kaas oo dhan 4500 dollar.

Go’aan cusub oo ka dhan ah Soomaalida ku nool Minnesota oo soo baxay, sidee bay tahay inay u wajahaan?

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Maamulka Trump, wuxuu maanta ku dhawaaqay inay billaabayaan baaritaan la xiriira eedeymaha soo baxay oo lagu sheegay in canshuurta gobolka Minnesota oo la musuq maasuqay ay gaartay ururka al-Shabaab ee Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha maaliyadda Mareykanka,Scott Bessent.

Tallaabadan waxay ka dhigantahay in la baarayo shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka faa’iideystay mashaariicda dawladda , kuwa taageerrada ka hela barnaamijyada dawladda iyo halka ay lacagaha geeyeen. Waa arrin cadaadis leh oo suragal ka dhigaysa in hab siyaasadeed looga faa’iideyso Soomaalida gobolkaa oo malaayin doollar sannad walba u dira Soomaaliya , iyagoo ku taageerraya qoysaskooda, xilli toddobaadkan uu Trump yiri ; “ Ma jirto sabab Soomaaliya lacag loogu diro.”

Maxay ka dhigantahay ku dhawaaqistan?

Eedeymaha ah in lacag canshuur ah oo Minnesota laga ururiyay ay gaartay AS, xataa haddii aan weli la xaqiijin waxay leeyihiin saameyn weyn oo toos iyo dadbanba ah oo taabanaysa Soomaalida. Minnesota waa halka ugu badan ee ay ku urursan yihiin Soomaalida Mareykanka, waxaana dhacdadan loo arki karaa arrin halis ku ah sumcadda bulshada oo dhan.

1. Saameyn siyaasadeed oo toos ah
Trump ayaa horey u muujiyay aragti adag oo ka dhan ah Soomaalida Minnesota. Eedeymaha noocan ah waxay noqon karaan kuwa ay siyaasiyiinta qaar ka faa’iideystaan , taas oo keeni karta:

•Kormeer iyo cadaadis dheeraad ah oo la saarayo bulshada Soomaaliyeed.
•Sharciyo cusub oo socdaalka iyo lacago diris adag oo ay wajihi karaan Soomaalida, iyadoo loo calaamadeyn karo gobolka Minnesota , meel ay ka jirto khatar dhaqaale.
2. Saameyn bulsho iyo amni Xitaa haddii baaritaanka uu caddeeyo in eedeymaha aysan sax ahayn, hadalka iyo mowduuca la abuuray waxay dhaawacayaan xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo dawladda Mareykanka.
Waxa laga yaabaa:

•In bulshada Soomaaliyeed lagu eedeeyo dembiyo ayan qayb ka ahayn.
•In shaqooyinka, ganacsiga, iyo barnaamijyada bulshada la adkeeyo
•In kor u kacaan hadallada naceybka ah.
Maxaa la gudboon bulshada Soomaalida, si ay uga hortagaan caqabadaha ay wajihi karaan?

Waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabooyin kobcinaya kalsoonida dadweynaha iyo dawladda Mareykanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waa in hoggaankeeda, masaajidda, ururrada bulshada, ganacsatada, iyo dhalinyarada ay isla markiiba muujiyaan:

•Eedeymuhu inaysan matalin bulshada oo dhan
•In la taageero baaris hufan oo runta lagu ogaanayo
•In la muujiyo in Soomaalida Minnesota ay yihiin bulsho sharciga u hoggaansan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka gobolka
•In bulshada Soomaalida ay la shaqeeyaan hay’adaha dawladda, halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo ka fogaada.

•Qabshada kulan furan oo lala yeesho maamulka Minnesota
•Muujinta in aysan jirin wax la qarinayo. Waxa keliya oo bulsho ku dhaqaaqdo marka ay dareento in la eedeynayo waa in ay caddeyso daahfurnaan buuxda.
•In la sameeyo olole wacyigelin gudaha jaaliyadda Bulshada waa in si gaar ah loogu sheegaa:

•In barnaamijyada dawliga ah ee lagu xad-gudbo ay keeni karaan ciqaab culus
•In la qabto tababaro iyo casharro sharci oo dadka loogu sharraxayo sida canshuuraha, welfare-ka iyo deeqaha loo isticmaalo Waxaa muhiim ah in khaladka shakhsiyaad gaara uusan saameyn u rogin bulshada oo dhan.

Miyay jirtaa bulsho kale oo Mareykanka kula kulantay xaaladan oo kale ?

Mareykanka waxaa hore ugu dhacay bulshooyin kale oo lagu tuhmay maalgelin argagixiso, balse qaar badan waxay uga gudbeen iyagoo u maray hab daahfuran oo sharci iyo bulsho isku jira.

Intii lagu jiray 2001–2010, bulshada ka soo jeeda Lubnaan iyo Falastiin ee ku nool Michigan ayaa si joogto ah u wajahday eedeymo la xiriira in lacagaha gurmadka ee loo diro qaraabada ay gaari karaan Xisbullah ama kooxo kale.
Sidee bay u wajaheen xaaladan?

•Waxay sameeyeen ururro sharci oo difaaca
•Waxay la shaqeeyeen FBI iyo hay’adaha maaliyadda
•Waxay dhiseen xarumo bulshada lagu wacyigeliyo
•Waxay abuureen olole warbaahineed oo muujinaya wax-soo-saarka bulshadooda
Natiijadu waxay noqotay in Dearborn maanta loo arko bulsho sharci u hoggaansan oo kaalin wanaagsan ku leh dhaqaalaha Michigan.

Kadib 9/11, bulshada Pakistan ka soo jeeda waxay wajahayeen eedeymo ah in lacagaha xawaaladaha ee ay u diraan Pakistan ay gaari karaan Taliban ama kooxo kale.
Waxay sameeyeen:

•Ururro ka taageera arrimaha sharciga
•Wada shaqeyn toos ah oo ay la yeesheen FBI-da
• Furitaanka xisaabaadka lacagaha ay dalkooda u direen oo ay sharraxeen, sida ay qoysaskooda u gaarsiiyaan.

Waxay ku guuleysteen in ay ka baxaan jawigii tuhunka.

Bulshada Soomaalida ayaa xaaladan oo kale horey usoo wajahay intii u dhaxeysay 2008 illaa 2010, markii ay soo baxeen dacwadihii dhalinyarada lagu eedeeyay inay ku biireen AS, Soomaalida Minneapolis waxay sameeyeen:

•Shirar bulsho oo joogto ah
•Wada shaqeyn dhex martay masaajidda iyo FBI
•Barnaamijyo daahfuran oo lagu wacyigeliyo dhalinyarada
•Hoggaan mideysan oo bulshada difaacay Taas waxay ka badbaadisay in jaaliyadda Minnesota aysan markaa noqon bulsho la eedeeyo guud ahaan.

W/Q Iman Jamac

Dowladda Pakistan oo ku faantay Jawaabtii ay siiyeen Hindiya.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Taliyaha Ciidamada Cirka ee Pakistan Zaheer Ahmed Babar Sidhu ayaa sheegay in habeenadii 6 iyo 7 May Pakistan ay soo rideen diyaarado badan oo ay ku jiraan diyaaradaha Rafale ee Hindiya.

Isagoo ka hadlayay xaflada qalin jabinta ee PAF’s Asghar Khan Academy oo ku taal Risalpur, wuxuu sheegay in markii madax banaanida Pakistan la loolamay habeenimadii May 6 iyo 7, ciidamada cirka Pakistan ay siiyeen jawaab ku haboon Hindiya oo ay soo rideen diyaaradahooda dagaalka ee ugu casrisan oo ay ku jirto Rafale.

Wuxuu sheegay in awoodda diyaaradda Rafale ay eber yihiin marka ay wajahaan ciidamada cirka Pakistan. Zaheeruddin Babar wuxuu yiri “Ciidanka Cirka Pakistan waxay la socdeen dhaqdhaqaaq kasta oo Hindiya daqiiqad gudaheed, ficilladeenna iyo hawlgalladeenna waxay caddeeyaan wax ku ool ah daqiiqad gudaheed, adduunka casriga ah ee maanta, Pakistan Air Force waxay ku qalabaysan tahay karti xirfadeed.”

Waxa uu yiri, “Dunidu ma aysan filaynin tan, laakiin wixii ay sameeyeen ciidamada cirka Pakistan, dunidu waa yaabtay.”

Taliyaha ciidamada cirka Marshal Zaheer Ahmed Babar Sidhu ayaa yiri, “Waxaan u geysan karnaa dhaawac intaas ka badan Hindiya, laakiin waxaan nahay ciidan xirfad leh, ficilladeenna waa kuwa la xisaabiyo, dheellitiran oo wax ku ool ah, annaga oo ujeeddadu tahay kaliya in