Home Blog Page 264

Hubkii fududaa ee Markabka Seaworld hore looga la degey, oo Mar kale la boobay.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Wararka laga heleyo gobolka xeebta ah ee Raasi-casayr ayaa tibaaxaya in halkaasi maanta lagu dhacay hubkii fududaa ee Markabka Seaworld hore looga la degey, kaasi oo dhawaan dowladdu ka soo uruurisey shacabkii uu gacanta u galay.

Bilowgii sannadkan ayey markii Markabka Seaworld lagu qabtay deegaanka Bareeda laga lana degey hub fudud, iyada oo markaas dowladdu la soo wareegtey markabka siina daysay kol danbe.

{DAAWO MUQAALKA} Shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo ku Sugnaa Soomaaliya oo shaqada laga Eryay.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo ku Sugnaa Soomaaliya oo shaqada laga Eryay.

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo ku Dhawaaqay War farxad galiyey Soomaaliya.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Mareeykanka oo ku Dhawaaqay War farxad galiyey Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Soomaalida Mareeykanka oo lagu eedeyey Taageero dhaqaale ineey siiyaan AS.

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Soomaalida Mareeykanka oo lagu eedeyey Taageero dhaqaale ineey siiyaan AS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dal ku yaalo Qaarada Yurub oo Aqoonsanayo Baasaboorka Soomaaliya

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Dal ku yaalo Qaarada Yurub oo Aqoonsanayo Baasaboorka Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Jarmalka oo dhawaan aqoonsaneysa Baasaboorka Soomaaliga

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow ayaa shaaciyay in dhawaan dalal badan oo caalamka ah ay aqoonsan doonaan Baasaboorka Soomaaliga.

Mr Dhuxulow ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dowladda Jarmalka dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga.

“Dalal badan ayaa juhdi na galiyay, weliba dhawaan Jarmalka ayaa dhawaan aqoonsan doono Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Dhuxulow.

Hadalka Agaasimaha ayaa ku soo aadaya xilli dalal badan oo u badan kuwo ku yaalla Yurub aysan weli aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliga.

Dalalka qaar ayaa hadda aqoonsaya baasaboorka, maadama dalka isbadalka amni ahaan soo haggaagay.

Mareykanka oo sheegay in baarayo lacago loo weeciyo AS

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu socdo baaritaan ku saabsan eedeymo culus oo la xiriira in lacago canshuureed oo laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyay kooxda as ee Soomaaliya.

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in baaritaanku weli socda, isla markaana natiijooyinka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo.

Talaabadan ayaa imaneysa xilli madaxweynaha Mareykanka uu Minnesota ku tilmaamay “xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda”, halka xildhibaanno ka tirsan Jamhuuriga ay warbaahinta u gudbiyeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shabakado maaliyadeed oo khiyaano ah ay as u horseedeen dhaqaale.

Badhasaabka Minnesota, Tim Walz, oo wareysi bixiyay Axaddii, ayaa qirtay in gobolkaasi uu soo jiito dambiilayaal maaliyadeed, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof walba oo dambiga lagu helo la horgeynayo maxkamad.

Dhanka kale, waaxda hantida dibadda ee Wasaaradda Lacagta Mareykanka ayaa hore u xayirtay bishii March 2024 shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay dhaqaale u ururiyaan al-Shabaab, kuwaas oo xarumahoodu ku yaallay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

Shabakaddan ayaa loo aaneynayaa inay taageero dhaqaale siiyeen as oo xiriir la leh al-Qaacida, isla markaana ka dambeysay weerarro badan oo ka dhacay Bariga Afrika.

Sida laga soo xigtay waaxda Maaliyadda Mareykanka, al-Shabaab ayaa sanadkii urursada in ka badan $100 milyan, iyagoo lacagahaas ka soo qaada ganacsatada iyo shacabka ku nool deegaannada ay maamulaan, ka hor inta aysan u gudbin kooxaha al-Qaacida ee ay xiriirka la leeyihiin.

Mareykanka ayaa sheegay inuu la shaqeynayo dowladda Soomaaliya iyo dalalka gobolka si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee al-Shabaab, loona burburiyo shabakadaha maalgelinta argagixisada ee taageera.

Maraykanka oo welwel ka muujiyay in Ruushka uu Saldhig Militari ku yeelanaya Suudaan

0

Talaado, 2 Dec, 2025 {HMC} Ruushka ayaa Saldhig Militari oo dhinaca Badda ah ka samaysanaya Jamhuuriyadda Suudaan kaddib markii heshiis waqti dheer soconaya oo dhexmaray Xukuumadaha Moscow iyo Khartoum, waxa uu qorshahaan noqday mid sidii dhul-gariirka oo kale Maraykanka uga welwelay.

Sida uu qoray Wargayska Wall Street Journal (WSJ), heshiiskaan waxa uu socon doonnaa mudd 25 sano, Moscow ayaa dhiggeeda Khartoum kusoo jiidatay ballanqaadyo culus oo ay ugu weyn yihiin ka garabsiinta soo afjaridda colaadda dalkaas ka jirta.

Dagaallada sokeeye ee 30 bilood socda ayaa Suudaan ku noqday Caqabad ay ka dhaqaaqi waysay, waxa ay raadisay dhismaha Isbahaysi xooggan oo ay u arko in uu noqon karo marinka ay uga gudbayso siriqda siyaasadeed ee dalalka kala duwan u dhigayaan.

Waxaa heshiiskaan lagu socodsiinaya ciidan isku dhaf ah oo badda ah oo Ruushka iyo Suudaan leeyihiin, Maamulka Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa ka dhex arkay fursad uu ku gaari karo hamigiisa ah in uu guud ahaan Dalkaas qabsan karo.

Suudaan waxa ay safka hore uga jirtaa Dalalka leh Macdanta dabiiciga ah, Dahab badan ayaa ku dhex jira sidoo kalena waxa ay ku taallaa marin muhiim ah waana tan keentay doorashada Ruushka waxa soo dadejiyay sida uu sheegay Wargayska Wall Street Journal.

Saldhigga Ruushka ee Suudaan waa Dekedda u dhow Kanaallka Suways oo ah 12% marinta Ganacsiga ugu badan uu maro gaar ahaan Yurub iyo Aasiya, waxa uu usoo dhawaanayaa Saldhigyada Maraykanka & Shiinaha ee Jabuuti ay ka kala samaysteen 2002 iyo 2017.

 

Masuuliyiin ka socdo DFS oo ka qeyb galaayo Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Nairobi, dalka Kenya.

Madashan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda.

Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

DFS oo shaqada ka joojisay Askar sameysa Musuqmaasuqa, xilliyada ay ku sugan yihiin Baraha Kontrool ee Muqdisho.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC}  Warbixin laga diyaariyay la dagaalanka musuqmaasuqa sida uu qeyb uga yahay sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Warbixin uu daabacay Telefishinka laga leeyahay dalka Jarmalka ee DW ayaa looga hadlay nabadda iyo amniga ka jira magaalada Muqdisho, gaar ahaan kaalinta ay ciidanka ku sugan Baraha Kontrool ka qaateen.

Warbixinta oo lagu soo xiganayo saraakiil dhinaca amniga ayaa sheegay in meesha laga saarey lacagaha musuqmaasuqa ee lagu laaluuliishi jiray qaar kamid ah Askarta ku sugan Baraha Kontrool oo laga yaabo in ay soo daayaan qof ama gaadiid aan la baarin.

Daraasado dhinaca amniga ah oo la sameeyay ayaa qeexaya in tan iyo sannadkii 2023 ay hoos u dhaceen tirada weerarada iyo qaraxyada gudaha Muqdisho in ka badan 86%.

Mid kamid ah Darawada gaadiidka ee gudaha Muqdisho oo warbixinta ay soo xigatay ayaa tilmaamay in sannado ka hor ay jireen askar si bareer ah u weydiisa lacago musuq maasuq ah.

Dowladda ayaa qaaday tillaabooyin dhinaca amniga ah oo xitaa sahlay in dhagaxyada laga qaado qaar kamid ah jidadka gala xaafadaha, ka dib markii la arkay sida xaaladda u soo haggaageyso.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in dowladda dhalinyarro xirfad leh ku biirisay howlaha sugida amniga, si meesha looga saaro dadka qeybta ka ah amni darrada iyo musuq maasuqa.

Warbixintaan ayaa ku soo aadeysa xilli isbadal amni laga dareemayo degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ay hoos u dhaceen falalka lidka ku ah nabadgalyada.