Home Blog Page 265

Sanad kadib Doorashadii Axmed Madoobe sidee loo kala maamulaa degmooyinka gobolka Gedo.?

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Gobolka Gedo waxa uu ka tirsan dawlad goboleedka Jubaland, waxa uuna ka kooban yahay todoba degmo. Muddadii sanad ka ahaa ee uu taagnaa khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland waxa uu loollan adag ku dhexmaray labada dhinac oo midba midka kale uu doonayay in uu ka fara maroojiyo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo waxa gacanta ku haya maamulka gobolka ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka.

Degmooyinka Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq waxaa maamula wakiillada Jubaland ee gobolka Gedo.

Magaalooyinka qaar dagaal la isugu awood sheegtay ayaa ka dhacay sida Beledxaawo, Baardheere iyo Doolow.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee wadashaqaynta la leh dawladda federaalka Cabdillaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa BBC-da u sheegay in inta badan gobolka uu hoos tago maamulkiisa.

“Gobolka inta badan dee sidii madaxweyne Axmed Madoobe uu mar labaad isugu caano shubay si sharci daro ah, gacanta dawladda ayuu inta badan ku jiray, marka waxa jira degmo Doolow la yiraahdo oo inta badan ay itoobiyaanku gacanta ku hayaan, marka meelahaasi saraakiishiisa iyo madaxda uu soo diro ayay tagtagaan, marka Ceelwaaqna horey gacanta waxay ugu jirtay oo awalba iska ahayd Jubaland, in kastoo aanay waxba ku qabin,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Aragtidaas mid ka duwan waxa qaba gudoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban Jubaland oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Al-qaadi, waxa uu rumeysan yahay in degmooyinka qaar wali la isla joogo.

“Gedo degmooyinkeeda marka wax yar laga reebo waxa gacanta ku haysa Jubaland, oo wax hadda federaal ama dawladda Muqdisho ay gacanta ku wada hayaan ma jiro, meel walba ciidan baa isku horfadhiya, marka Khalkhal iyo dhibaato ma ogiye wax ay ka faa’iideen weerarka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen gobolka midna ma jirto, hal degmo oo ay 100% maamulaan gabi ahaanba ma jirto” ayuu yiri Al-qaadi.

 

Sirdoonka Ruushka iyo Iiraan oo Baadi goobaayo Hubkii lagu dilay Hogaamiyihii Xisbullah.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa oggaatay in Ruushka iyo Iiraan ay sirdoon badan iyo injineero milatari ku daadiyeen koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan, iyagoo baadi goobaya hal shey oo ah bambo aan qarxin ee nooca GBU-39 oo Mareykanka uu soo saaro oo ka mid ah bambooyinka ay Israa’iil u adeegsatay weerarrada ay ku beegsanaysay hoggaamiyeyaasha Xisbullah , taa oo awood u leh dhulka inay masaafo dheer hoos u gasho, isla markaana burburin karta dhismayaasha adag, waxayna ka raadinayaan si Ruushka iyo Iiraan labadaba awood ugu yeeshaan inay soo saari karaan bambo la mid ah.

Mareykanka wuxuu billaabay inuu ku cadaadiyo dawladda Lubnaan inay raadiso bambada aan qarxin ka hor inta aysan helin Ruushka iyo Iiraan, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.

Laakin waxaa dhacay in isla markiiba warkan uu soo baxay laga sii daayay telefishinka Ruushka ee RT , muuqaal muujinaya sida ay bambadan u shaqeyso, ma cadda haddii tan uu Ruushka ku soo bandhigayo inay yihiin kuwa la socda xaaladda bamkan.

African Union Chairperson Meets with Algerian President.

0

Monday, 1 Dec, 2025 {HMC} H.E. Abdelmadjid Tebboune, President of the People’s Democratic Republic of Algeria, this evening received H.E. Mahmoud Ali Youssouf, Chairperson of the African Union Commission, on the sidelines of the Oran Process in Algiers.

President Tebboune congratulated the Chairperson on his election and reaffirmed Algeria’s full support for his mandate. They held a productive exchange on peace and security, diplomacy, and development across the continent.

The Chairperson expressed gratitude for President Tebboune’s leadership and Algeria’s vital role in regional peace and global diplomacy including at the UN Security Council, encouraging Algeria’s continued engagement in helping resolve conflicts in the region.

President Tebboune expressed concerns about ongoing conflicts and unconstitutional changes of government in Africa and reiterated Algeria’s commitment to work closely with the African Union, under its leadership and agency, to advance lasting solutions.

Earlier in the day, the Chairperson also held a cordial meeting with H.E. Ahmed Attaf, Minister of Foreign Affairs and the National Community Abroad of Algeria, during which they reaffirmed their shared commitment to strengthening cooperation between Algeria and the African Union.

Agaasimihii hore Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhawaaqay in u yahay Musharrax Madaxweynaha Koofur Galbeed.

0

Monday, 1 Dec, 2025 {HMC} Agaasimihii hore Madaxtooyada Xuseen Shiikh oo si cad usheegay inuu yahay Musharrax Madaxweynaha Koofur Galbeed waxa uuna ugu baaqay Taagerayaashiisa reer koofur Galbeed in ay isku diyaariyaan Doorasho Goordhow bilaaban doonta.

Mar laweeydiiyay Musharax katirsan Xisbiga JSP ahna Madaxweynaha haatan xilka haaya ee Koofur Galbeed Lafta Gareen ayuu sheegay in uusan aaminsaneyn inuu ninkaas Musharrax yahay intuu kawarqabo ilaa iyo haatana uusan banaan imaanin.

Su’aashu waxa ay tahay olalahaan ka bilaawday Galmudug iyo Koofur Galbeed Villa Soomaaliya ilaa intee ayeey ku lug leedahay?

Ruushka iyo Shiinaha oo isku raacay in ay dal-ku-gal la’aan isku safraan.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa Isniintii saxiixay wareegtomuwaadiniita Shiinaha u oggolaanaysa in ay fiise la’aan ay ku soo galaan dalka Ruushka.

Dadkaas waxa qayb ka ah dalxiisayaasha, ganacsatada, aqoonyahannada, fanaaniinta iyo ciyaartooyda.Putin iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo istaraatiiji ah oo lagu magacaabo “bilaa xuduud” ka hor intii aan tobanaan kun oo askari loo dirin Ukraine bishii Febraayo 2022, tan iyo markaasna Ruushku wuxuu si weyn ugu tiirsanaa in uu wax kala soo dego Shiinaha si uu ula tacaalo cunaqabateynta reer Galbeedka.

Wareegtada Putin waxay sheegtay in go’aankiisu ku salaysnaa tallaabada Shiinaha ee ah ee ah in ay fududeeyeen in fiiso-la’aanta ay ku soo galaan qaybo kala duwan oo muwaadiniinta Ruushku.

Waa kuwee Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba HIV-AIDS ka.?

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Sida ay daaha ka qaadday xog uu sii daayey xafiiska xakamaynta xanuunka HIV-AIDS ee Wasaarada caafimaadka ee Soomaaliyasannadkii 2023-kii ayaa lagu sheegay in heerka cudurka ee Soomaaliya uu u muuqdo mid hoos u dhacaya.

Mashruuca HIV_AIDS ee Wasaarada Caafimaadka Federalka ayaa BBC-da u sheegay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkankaasi, guud ahaan Soomaaliya cudurka laga helay dad gaaray ilaa 438 ruux.

Tiradan ayaa ka dhigan, sida ay sheegtay mid muujinayso in dadaallada la sameeyey ay dhimeen kororka Dr.Sacdiyo Cabdisamad waxay BBC u sheegtay in magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Berbera iyo Bosaaso ay yihiin kuwa ugu badan ee ay ku nool yihiin dadka la nool xanuunka HIV-AIDS.

‘’Sida la yaqaan adduunka xanuunku wuxuu ku badan yahay magaalooyinka, sidaa darteed waxaa soomaaliya ugu badan Muqdisho waayo waa magaalo caasimad ah, maagaalo xeebeed, dad tiro badan ku nool yihiin, ganacsi badan ka jiro’’ ayey intaas raacisay.

Soomaaliland oo Xabsiga dhigtay Jaamac Shabeel.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay siyaasiga Jaamac Shabeel.

Jaamac ayaa oo laga qabtay magaalada Wajaale ee xuduudda ku taalla ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood, halkaas oo uu sheegay in uu ka waday hawlo nabadda la xidhiidha.

Ma jiraan ilaa hadda warar faahfaahsan oo booliska Somaliland ay ka soo saareen xadhigga siyaasigan.

Booliska Somaliland oo faah faahiyey dhacdadii ka dhacday Hargeysa.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Ciidamada Booliska Somaliland ayaa talaabo adag ka qaaday koox baaskoolada ku hubaysan oo uu watay Korneyl Biixi oo saaka ka dhoofayay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Ciidanka illaalada madaarka ayaa is hortaagay in maleeshiyaadkan Korneylku wato ee uu sheegay inay amnigiisa ilaalinayaan ay hub la galaan gudaha waxaana lagu wargeliyay inay wixii hub ah kaga tagaan banaanka.

Qaar kamid ah maleeshiyaadka Korneylka ayaa amar diido sameeyay oo rasaas adeegsaday kuwaas oo xabsiga loo taxaabay inkasta oo markii dambe damaanad lagu sii daayey.

Booliska ayaa ogolaaday inay gudaha u gudbaan dhawr kamid ah maleeshiyaadkii Korneylka barbar socday kaddib markii ay iska wareejiyeen baaskooladihii ay siteen.

Wasaaradda arrimaha dibadda Morocco oo shaacisay heshiiskii ay lagaleen Soomaaliya.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Wasaaradda arrimaha dibadda Morocco ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya iyo Morocco kala saxiixdeen hannaan cusub oo lagu diyaarinayo iskaashiga labada dal inta u dhaxeysa 2026–2028, iyadoo iskaashigan diiradda lagu saarayo xoojinta booqashooyinka heerka sare iyo horumarinta iskaashiga meelaha muhiimka ah sida beeraha,

kalluumaysiga, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiin karo, tababarka iyo waxbarashada sare.

Wasiirka arrimaha dibadda Morocco, Nasser Bourita ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu sannad kasta siin doono 120 arday oo Soomaali ah deeq waxbarasho, si ay u galaan jaamacadaha, xarumaha farsamada iyo barnaamijyada xirfadaha, kaddib wada-hadallo ka dhacay Rabat oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya.

Dib u cusbooneysiinta iskaashiga Soomaaliya iyo Morocco, wuxuu dhacaya toddobaadyo kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Aljeeriya , halka toddobaadkii hore Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu isagana booqasho ku tagay Morocco, tallaabo lagu muujinayo sida ay Soomaaliya u dheeli-tirayso iskaashiga dalalkan iska soo horjeeda ee waqooyiga Afrika.

Morocco, waxay doonaysa inay sii heysato xiriirka Soomaaliya oo dhawaan taageertay qaraarkii golaha ammaanka ee saxaraha galbeedka loo aqoonsaday is maamul ka tirsan Morocco, halka Aljeeriya ay iskudayayso inay dhisto xiriirka Soomaaliya , kaddib markii Morocco ay isku ballaarisay geeska Afrika.

Waxa horyaal waqtigan Soomaaliya waa in iskaashiga labadan uga tagin warqadaha ee dalku si dhab ah uga faa’iideystaa, isagoo hab dano wadaag ah u wajahaya.

Somalia heightens surveillance after Marburg cases confirmed in Ethiopia.

0

Monday December 1, 2025 {HMC} Somalia’s Ministry of Health announced on Sunday that it is closely monitoring the spread of the dangerous Marburg virus following Ethiopia’s confirmation of cases in the Jinka area.

Deputy Minister of Health, Dr. Mohamed Hassan Mohamed, said that although Somalia has not recorded a single case, the National Institute of Health has already activated urgent preparedness measures.

advertisements
According to the Ministry, the steps taken include strengthening health surveillance and monitoring systems, preparing emergency response mechanisms, enhancing public awareness, and maintaining regular communication with international health bodies, including the World Health Organization (WHO).
Dr. Mohamed thanked Ethiopia for its transparent reporting, noting that timely information-sharing is critical for protecting the health of people in both countries and the wider region.

“The safety of the Somali people is our primary responsibility. We will continue to work diligently, in collaboration with regional partners and WHO offices, to ensure the country is prepared for any potential pandemic threat,” he said.

Recent Marburg outbreaks have been reported in Ethiopia (November 2025) and Rwanda, where an outbreak declared in December 2024 was among the largest recorded and heavily affected healthcare workers. Ethiopia is currently battling its first-ever Marburg outbreak. Response efforts in both countries have included contact tracing, isolation, and supportive care, while Rwanda also deployed experimental vaccines and therapeutics.