Home Blog Page 266

Puntland forces kill eight ISIS fighters in Calmiskaad Mountains.

0

Monday December 1, 2025 {HMC} Puntland security forces on Sunday conducted a planned operation in the Togga Daanyo area of the Calmiskaad mountains, killing eight members of the ISIS faction active in the Bari region.

According to the regional administration, three militants were killed earlier in the day, while five others were eliminated in a second phase of the operation, bringing the total number of dead fighters to eight.

advertisements

The targeted cell, consisting of 10 members, was reportedly responsible for collecting livestock seized by ISIS from communities in Sixna and Daanyo along the Jeceel River.
Officials confirmed that three Puntland soldiers were also killed during the operation. Fighting subsided by the afternoon after all members of the targeted group were neutralized, according to sources familiar with the operation.

The development comes just days after Puntland forces withdrew from Baallade, an ISIS stronghold where militants continue to maintain a presence. Security sources report that following the troop withdrawal from the Baallade crossings, ISIS fighters began mobilizing, crossing the Baallade stream and surrounding areas.

Source Hiiraan online

Nairobi leads in new HIV infections as Kenya records increased AIDS-related deaths

0

Monday December 1, 2025 {HMC} Nairobi County has recorded the highest number of new HIV infections. Data from the National Syndemic Disease Control Council (NSDCC) shows that in the last year, new infections have risen by 19 per cent, up from 16,752 to 19,991.

Ten (10) counties, Nairobi, Migori, Kisumu, Homa Bay, Busia, Siaya, Kakamega, Nakuru, Mombasa, and Bungoma, accounted for 60% of all new HIV infections in 2024. Nairobi County led with 3045 new infections, followed by Migori (1572) and Kisumu (1341).

advertisements

The NSDCC noted that the concentration of new infections in the 10 counties shows persistent regional disparities, calling for differentiated county-led interventions to achieve equitable epidemic control.
“In 2024, the national HIV prevalence stood at 3.0 per cent, with higher rates among females (4.0%) compared to males (2.0%),” details the Kenya HIV Estimates report released by NSDCC on Sunday.

Further, the survey shows that HIV related deaths increased by 0.05 in 2024, as 21,007 deaths were recorded. This was a rise from 18,473 in 2023.

“AIDS-related deaths, recorded at 21,007 in 2024, remind us of the need for renewed focus on early diagnosis, treatment adherence, and retention in care,” said Health PS Ouma Oluga.

NSDCC data also shows that in 2025, Kenya recorded a 52% decrease in new HIV infections. As of 2024, 1,326,336 Kenyans were living with HIV, among them 62,798 children.
The data further reveals that infections remain highest among youth aged 15 to 34, who form the bulk of new cases.

On the other hand, Elgeyo-Marakwet, Wajir, Mandera, Kisii, Machakos, Kericho, Uasin Gishu, Nakuru, Bomet, Baringo, Trans-Nzoia and Laikipia recorded a 75% drop in new infections.

Source Citizen Digital Logo

Dowlada Soomaaliya oo Heegan galisay Bahda Caafimaadka Kadib xanuunka Marburg ee Itoobiya laga xaqiijiyay.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC}  Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa shaaciyay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH Somalia) ay si dhow ula socdaan xaaladda cudurka halista ah ee Marburg, kadib markii dowladda Itoobiya ay xaqiijisay kiisaska laga helay deegaanka Jinka.

Wasiir-ku-xigeenka oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay fariin feejignaan ah ayaa sheegay in inkastoo aan Soomaaliya weli laga diiwaangelin hal kiis, hadana Machadka Cafimaadka uu qaaday tallaabooyin degdeg ah oo ka tarjumaya diyaar-garow heer sare ah.

Tallaabooyinka ay qaadeen waxaa ka mid ah: Xoojinta la socodka iyo kormeerka caafimaadka, Diyaargarowga jawaab celinta degdegga ah, Wacyigelinta bulshada, Xiriir joogto ah oo lala leeyahay hay’adaha caafimaadka caalamiga ah, sida WHO.

Dr. Maxamed ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya xogwadaag hufan taas oo uu sheegay inay gacan ka geysanayso difaaca caafimaadka shacabka labada dal iyo guud ahaan gobolka.

“Badbaadada shacabka Soomaaliyeed waa mas’uuliyaddeenna koowaad, Waxaan sii wadi doonaa shaqada adag, iskaashiga gobolka iyo laamaha WHO, si loo hubiyo in dalka u diyaar garoobo halis kasta oo cudur faafa ah,” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka.

 

Faah Faahin Puntland oo Shaacisay Tirada Daacish-ta lagu dilay Calmiskaad.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC}   Ciidamada Puntland ayaa maanta howlgal qorshaysan ka fuliyay Calmiskaad gaar ahaan halka loo yaqaano Togga Daanyo, halkaas oo lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Gelinkii hore ee maanta ayaa la toogtay 3 xubnood, halka 5 kale lagu dilay wejigii dambe ee hawlgalka, taasoo tirada guud ka dhigaysa siddeed.

Kooxda la beegsaday oo ka koobnayd 10 xubnood ayaa la sheegay inay qaabilsanaayeen ururinta xoolaha ay Daacish ka qashaan bulshada ku nool Sixna iyo Daanyo, kuwaas oo ku yaalla nawaaxiga togga Jeceel ee gobolka Bari.

Saraakiisha howlgalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay dhinacooda ku waayeen saddex askari. Dagaalka ayaa galabta istaagay ka dib markii dhammaan xubnihii kooxda la weeraray la jabiyey, sida ay sheegeen ilo wareedyadu.

Warkaan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii ay Puntland ciidamadeeda ka saartay furimihii ay kaga sugnaayeen Baallade, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin dagaalamayaal katirsan Daacish.

Ilo amni ayaa sheegaya in kaddib markii ciidamadu kasoo baxeen furimaha Baallade ay Daacish sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay isaga kala gudbayaan togga Baallade iyo degaano ku dhow.

Puntland weli wax war ah kamasoo saarin dagaalka maanta ka dhacay Calmiskaad.

Boqollaal qof oo Nolol iyo Geeri lagu la yahay daadad ka dhacay Indonesia.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC} Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Indonesia ayaa weli wada baadi-goobka ugu yaraan 400 qof oo la sheegay in la waayay, kuwaas oo badankood la rumeysan yahay in ay ku hoos aasmeen dhismayaal kadib markii roobab duufaanno wata ay sababeen daadad ba’an oo dalkaasi ka da’ya ku dhawaad toddobaad.

Tirada dadka ku dhintay jasiiradda Sumatra ayaa kor ugu kacday in ka badan 440, sida ay sheegtay dowladdu.

Waxay arrintani ku soo aadeysaa iyadoo roobab xooggan iyo duufaanno ay burburiyeen qaybo ka mid ah Thailand, Malaysia, Filibiin iyo Sri Lanka, taas oo saameysay malaayiin qof isla markaana keentay in ka badan 900 qof ay ku dhintaan gobolka bishan.

Weerar lagu laayay Caruur oo ka dhacay Mareeykanka.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC}  Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu toogtay laguna dilay xaflad qoys oo ka dhaceysay California, sida ay sheegeen masuuliyiinta Maraykanku.

Dadka la dilay waxaa da’doodu ahayd 8, 9, 14 iyo 21 jir, sida mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii. 11 kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada ka dhacday makhaayad ku taalla magaalada Stockton ee woqooyiga gobolka.

Eedeysanaha weli lama qaban.

Ku xigeenka duqa magaalada, Jason Lee, ayaa sheegay in dhacdadu ka dhacday “xaflad dhalasho.”

Afhayeen lagu magacaabo Heather Brent ayaa sheegtay in ” caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in tani laga yaabo inay ahayd dhacdo si kas ah loo fuliyay.”

California waxay leedahay sharciyada hubka ee ugu adag Maraykanka, hase yeeshee sanadihii u dambeeyay waxaa soo foodsaaray caqabado sharciyadeed.

Sanadkii 2021-kii, garsoore federaal ah ayaa buriyay xayiraaddii dowladda gobolka ee hubka sida qori AK-15/AR-15-ka.

Raysal wasaaraha Israa’iil oo La Maxkamadeeynayo.

0

Isniin, 1 Dec, 2025 {HMC}  Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday madaxweynaha dalkaas, Isaac Herzog, inuu cafis uga fidiyo kiisaska musuqmaasuqa ee uu la tacaalayay.

Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Herzog uu ururin doono fikradaha saraakiisha caddaaladda ka hor inta uusan tixgelin codsiga “kaas oo xambaarsan cawaaqib xumo weyn”.

Netanyahu ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wajahayay maxkamad ku saabsan eedeymaha laaluushka, khiyaanada iyo ku xadgudubka aamiga oo ku saabsan saddex kiis oo kala duwan. Wuxuu beeninayaa inuu wax khalad ah sameeyay.

Farriin muuqaal ah ayuu ku sheegay inuu doorbidi lahaa inuu arko geeddi-socodka oo dhammaanaya, laakiin danaha qaranka ayaa “wax kale dalbaday”.

Mucaaradka Israa’iil ayaa sheegaya inuu qirto dambiga ka hor inta uusan raadsan cafis.

Ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan goorta madaxweynuhu gaari karo go’aan.

Sannadkii 2020, Benjamin Netanyahu waxa uu noqday ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee xil haya oo Israa’iili ah oo maxkamad la soo taago:

Dacwadda kowaad, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen in uu haddiyado – ugu horrayn sigaar iyo dhalooyin khamrada champagne ah – ka helay ganacsato awood leh, isaga oo beddel uga dhigayay in uu danahooda ka shaqeeyo.
Dacwad labaad ayaa lagu soo oogay in uu ballan qaaday in uu gacan ka geysanayo hagaajinta qaybinta wargeys Israa’iili ah si uu beddel uga helo warar wanaagsan oo isaga ku saabsan.
Dacwadda saddexaadna, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen in uu horumariyay go’aanno sharciyeed oo u janjeera dhinaca saamileyda ugu sarreysa ee shirkad isgaarsiineed oo Israa’iili ah, taas beddelkeedana uu ka helay in website gudaha ah uu si wanaagsan u tebiyo wararka isaga ku saabsan.
Netanyahu wuu diiday dhammaan eedeymaha, waxaanu ku tilmaamay maxkamadeynta mid ay “soo abaabuleen” siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Farriin muuqaal ah oo uu soo duubay Axaddii, isaga oo muujinaya in uusan cabsanayn, waxa uu ku sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay iska burburayaan, balse hannaanka maxkamadeyntu uu Israa’iil kala qoqobayo.

“Waan hubaa, sida dad badan oo kale oo dalka ku nool ay u hubaan, in joojin degdeg ah oo lagu sameeyo dacwadda ay gacan weyn ka geysan doonto dejinta xaaladda kacsan iyo horumarinta dib-u-heshiisiin ballaaran – taas oo uu dalkeennu si weyn ugu baahan yahay,” ayuu ra’iisul-wasaaruhu ku daray.

Netanyahu waxa uu sheegay in laga rabo in uu maxkamadda hortago saddex jeer toddobaadkii, isaga oo taas ku tilmaamay “dalab aan macquul ahayn”.

Waxa uu ku adkaystay in cafis loo fidiyo uu ka caawin doono Israa’iil in ay iska difaacdo khataraha, ugana faa’iidaysato fursadaha iyada oo kor loogu qaadayo “midnimada qaranka”.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu isku xiro danihiisa gaarka ah iyo kuwa dawladda.

Hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid waxa uu sheegay in aanu jiri karin wax cafis ah haddii aan la qiran dembiga, aan la muujin qoomamo, isla markaana Netanyahu aanu isla markiiba ka fariisan saaxada siyaasadda.

Yair Golan, oo ah siyaasi bidix-dhexe ah iyo ku-xigeenkii hore ee taliyaha ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in “kuwa dembiga leh oo keliya” ay doonaan cafis.

Sida uu dhigayo Sharciga Aasaasiga ah ee Israa’iil, madaxweynaha “waxaa u bannaan awood uu ku cafiyo dembiilayaasha, kuna yareeyo ama ku beddelo [wax ka beddelo] xukunka lagu riday”.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare ee Caddaaladda Israa’iil ayaa horay u xukuntay in madaxweynuhu uu cafis u fidin karo qof aan weli la xukumin haddii ay tahay mid dan guud ah ama haddii ay jiraan duruufo shakhsi ah oo aad u daran.

Xisbiga midigta fog ee Netanyahu ee Likud iyo taageerayaashiisa ayaa mar walba taageersanaa in hoggaamiyahooda la siiyo cafis. Laakiin dad badan oo Israa’a’iil ah, gaar ahaan kuwa dhanka bidixda ah, waxay arrintaas u arkayeen shaki kale oo ka fogeynaya dareenka ah inuu dalka yahay mid leh dimuqraadiyad adag oo leh nidaam sharci oo xooggan.

Walaaca dadweynaha ee ku saabsan qorshayaasha dib-u-habaynta garsoorka ee dawladda ayaa sababay in boqollaal kun oo qof ay usoo baxaan waddooyinka iyagoo dhigayay mudaharaadyo socday bilo badan, ka hor weerarradii uu hoggaaminayay Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kuwaas oo kiciyay dagaalkii ugu dambeeyay ee Qasa.

Dacwad gaar ah oo kale, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa sannadkii hore soo saartay amar soo xirid oo ka dhan ah Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa’iil, Yoav Gallant, oo ku saabsan dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee la sheegay in lagu kacay intii uu socday dagaalka u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas. Netanyahu ayaa tallaabadan ku cambaareeyay “mid ka dhan ah Yuhuudda”.

Mareykanka oo hoos u dhigay joogitaankiisa Gaarada Yurub.

0

Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Isbahaysiga NATO, ayaa wajahaya dhibaato ay kala kulmayaan Mareykanka oo hoos u dhigay joogitaankiisa Yurub, isagoo u weecday dhinaca Aasiya.

Arrintan waxay ku qasabtay reer Yurub oo Faransiiska hoggaaminayo inay hadda billaabaan tababbar ay isugu diyaarinayaan weerar kasta oo uga yimaada Ruushka,

balse xaaladan xataa ma ah mid ay xamili karaan , maaddama Yurub ay si weyn ugu tiirsanayd sahayda ciidammada, difaaca cirka, sirdoonka, iyo awoodda weerarka fog ee Mareykanka oo hadda u sheegay in la soo gaara waqtigii ay Yurub isku tashan lahayd, sida ay werisey Bloomberg.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, oo booqasho ku tagay caasimadda Dalka Iiraan.

0

Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan, isagoo halkaa kula kulmay; madaxweynaha Iiraan, guddoomiyaha Baarlamaanka , wasiirka arrimaha dibadda iyo la-taliyaha amniga qaranka Iiraan.

Fidan, wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen dhiggiisa Iiraan ; “ Is ballaarinta Israa’iil ayaa maanta ah khatar koowaad ee gobolka uu wajahayo.”

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal qorsheysan kasameeyay Sh/Dhexe,

0

Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kasameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa baacsiga iyo kahortagga dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Aqabka Bidhida, Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Berweyn Celi, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay Khawaarijtu ku lahaayeen goobaha ay ka abaabulaan falalka amni darro ee ay ka geystaan gobolka.

Taliyaha Ururka 191-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Muqtaar Axmed Cumar, oo hoggaaminayay hawlgalkan, ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen gabaadyo iyo meelo ay Khawaarijtu isku aruursan jireen, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Shabeellaha dhexe.