Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 18-03-2026
{DAAWO MUUQAALKA} ”Reer koofur Galbeed in la takooro oo lalal dagaalamo ma yeeleeyno ”Wasiir Cabdullaahi
Arbaco 18 March 2026 {HMC} ”Reer koofur Galbeed in la takooro oo lalal dagaalamo ma yeeleeyno ”Wasiir Cabdullaahi
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Maxamed Barre ”Dad Boqol qof ka badan ayaa laga celiyey koofur galbeed ineey aadaan”
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wasiir Maxamed Barre ”Dad Boqol qof ka badan ayaa laga celiyey koofur galbeed ineey aadaan”
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
DFS oo war ka soo saartay go’aanka ay KGS xiriirka ugu jartay.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaaraysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee hakinta wada-shaqeyntii kala dhaxaysay dowladda dhexe, iyadoo caddeysay in ay weli gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran deegaannadaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka walaacsan tahay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameyn kara xasilloonida.
DFS ayaa xustay in aysan qayb ka ahayn xasillooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada, balse ay wado dadaallo lagu joojinayo colaadaha, laguna xallinayo khilaafaadka wadahadal.
Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in uu sii wado ka qayb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Ugu dambeyn, DFS waxay ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed in ay ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka.
Koofur Galbeed oo difaacday go’aanka xiriirka ay u jartay Dowladda Federaalka
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in go’aankii ay maamulkaasi xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka dalka iyo kan dowlad goboleedka.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dastuuriga ah ee Koonfur Galbeed, iyo xaqa ay u leedahay inay si xor ah u maamusho arrimaheeda gudaha
Wasaaradda ayaa sidoo kale adkaysay in tallaabadan aysan ka hor imaanayn midnimada Soomaaliya, balse ay tahay mid lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dib u soo celinta wadashaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo sharci
Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa muujiyay inay weli ka go’an tahay ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo wada shaqeyn ku dhisan dastuurka iyo qawaaniinta dalka
MW Lafta gareen oo iska casilay xilka guddoomiye ku xigeenka JSP
Arbaco 18 March 2026 {HMC}Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta iska casilay xubinnimada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee loo soo gaabiyo JSP iyo ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedayda ee Xisbigaasi
Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi oo akhriyay war ka soo baxay Madaxtooyada Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in uu qaatay go’aankaas kuna dhaqaaqay islamaanta sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynaha DG Koofur Galbeed oo xubin ka ahaa Xisbiga CCaddaaladda iyo wadajirka (JSP) Ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad-Goboleedyada waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu iska casilay xilkaas” Ayuu yiri Afhayeenka.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeysa DFS iyo Koofur Galbeed ayaa sii xoogeystay, iyadoo markan dhinacyada dagaalkooda uu gaaaray hawada
{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH Dowlada Soomaaliya oo Garoonka Muqdisho ka celisay Wasiiro kusii jeeday Koofur Galbed
Arbaco 18 March 2026 {HMC} WAR DEG DEG AH Dowlada Soomaaliya oo Garoonka Muqdisho ka celisay Wasiiro kusii jeeday Koofur Galbed
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Khilaafka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Khilaafka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
DFS oo sheegtay in ay si degdeg ah u Xalineeyso khilaafka ka taagan G/Galbeed
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatay deegaanada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku si dhow ula socoto xiisadaha jira, isla markaana ay ka walaacsan tahay saameynta ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta.
Qodobada ugu muhiimsan ee war-saxaafadeedka waxaa ka mid ah in dowladda federaalku ay bogaadisay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed doorkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka, Sidoo kale, waxaa la xusay in dhammaan dhinacyada ay ka fogaadaan falal hurin kara colaado hor leh, ayna doortaan wadahadal iyo is-afgarad.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay kaalin muuqata oo ku saabsan dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka jira, si looga hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.
Warka ayaa tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo si nabad ah oo waafaqsan dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, dowladda federaalka ayaa ugu baaqday madaxda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo wadajirka bulshada ku nool Koonfur Galbeed.
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamadii Maxaas AS ka Saari lahaa oo lasoo Bandhigay.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Ciidamadii Maxaas AS ka Saari lahaa oo lasoo Bandhigay.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY



