Arbaco 18 March 2026 {HMC} Waa kuma Madaxii Amniga IIRAAN oo ay Israa’iil Duqeeynta ku Dishay.?
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Waa kuma Madaxii Amniga IIRAAN oo ay Israa’iil Duqeeynta ku Dishay.?
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Volodymyr Zelensky ayaa u sheegay BBC inuu “tuhun xun ka qabo” saameynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeelanayo xaaladda Ukraine. Wuxuu sheegay in diiradda Maraykanku ay u leexatay, isla markaana kulamadii diblomaasiyadeed si joogto ah dib loogu dhigayo arrintan awgeed.
Hadaladiisa ayaa yimid kadib markii uu la hadlay xubnaha baarlamaanka ee United Kingdom, halkaas oo uu ku sheegay in Russia iyo Iran ay yihiin “walaalo ku mideysan nacayb.” Zelensky wuxuu sidoo kale muujiyay aragti ah in madaxweynaha Donald Trump uu mudnaantiisa koowaad ka dhigtay joojinta dagaalka Ukraine, balse uusan diiradda saarin difaaca caasimadda Kyiv ee ka dhanka ah weerarka Russia.
Wuxuu ka cabsi qabaa in madaxweynaha Vladimir Putin uu doonayo dagaal dheer oo ka socda Bariga Dhexe, sababtoo ah taasi waxay faa’iido u leedahay isaga isla markaana ay daciifinayso Ukraine.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wargeyska Ingiriiska ee The Times ayaa ku warramay in dalalka Khaliijka ay dareemayaan in Mareykanku dayacay, xitaa uusan horey uga wargelin weerarka lagu qaaday Dowladda Iiraan.
Arrintan ayaa gelisay xaalad adag wadamada Khaliijka kuwaas oo dhaqaale badan ku bixiyay si ay u kasbadaan kalsoonida Trump.
Sarkaal ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa wargeyska u sheegay in Mareykanku awooddiisa si buuxda ugu adeegsanayo difaaca Israa’iil oo horayba u lahayd nidaamyo difaac oo xooggan,halka uu iska indho tiray dalalka Khaliijka, kuwaas oo maanta la kulmaya khasaare weyn oo ka dhashay martigelinta saldhigyada Mareykanka.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Senegal ayaa laga xayuubiyay koobkii ay ku guuleysatay bilo ka hor, kadib go’aan cusub oo si weyn layaab ugu noqday taageerayaasha kubadda cagta qaaradda Afrika.
Tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), oo ah kan ugu weyn ee dalalka Afrika, isla markaana si rasmi ah loo qabto afartii sano mar (hore laba sano mar), ayaa mar kale galay taariikh cusub oo aan hore loo arag.
Morocco ayaa hadda loo aqoonsaday inay tahay ku guuleystaha rasmiga ah ee tartanka, kadib markii natiijadii kama dambaysta ahayd dib loo beddelay, go’aan ay maanta shaacisay CAF.
Ciyaartoyda xulka Senegal ayaa ka baxay garoonka intii ay socotay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee tartanka, arrintaas oo sababtay muran weyn.
Sidaas awgeed, Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa go’aamiyay in Senegal loo aqoonsado inay iska dhiibtay ciyaarta (forfeit), waxaana si toos ah natiijada loogu beddelay 3-0, iyadoo guusha lagu wareejiyay Morocco.
Wed18 March 2026 {HMC} More than 200 Ukrainian military experts are in the Gulf region and wider Middle East helping governments in their defence against Iran’s drone attacks, Ukraine’s President Volodymyr Zelenskyy has said.
In an address to dozens of members of the United Kingdom Parliament in London on Tuesday, the Ukrainian leader said 201 Ukrainian anti-drone experts are in the region and another 34 “are ready to deploy”.
“These are military experts, experts who know how to help, how to defend against Shahed drones,” Zelenskyy said in his speech, referring to the Iranian-designed “kamikaze” drones that Russia has been using in its war against Ukraine since 2022.
“Our teams are already in the Emirates, Qatar, Saudi Arabia, and on the way to Kuwait,” the Ukrainian leader said.
“We are working with several other countries – agreements are already in place. We do not want this terror of the Iranian regime against its neighbours to succeed,” he said.
Last week, the Ukrainian leader said military teams had been sent to several Gulf states and Jordan.
Zelenskyy, who met with UK Prime Minister Keir Starmer and NATO chief Mark Rutte earlier on Tuesday, said Russia had received the Shahed-136 drones from the Iranians, who had “taught Russia how to launch them and gave it the technology to produce them”.

“Russia then upgraded them. And now we have clear evidence that Iranian Shaheds used in the region contain Russian components,” Zelenskyy said, describing the drones as designed for “low-cost destruction of expensive critical infrastructure”.
“So what is happening around Iran today is not a faraway war for us, because of the cooperation between Russia and Iran,” he said.
“The regimes in Russia and Iran are brothers in hatred, and that is why they are brothers in weapons. And we want regimes built on hatred to never win – in anything,” he added.
The Ukrainian leader then addressed his country’s newly developed prowess in drone warfare and manufacturing, claiming that 90 percent of Russian losses on the front lines in Ukraine are being “caused by our drones”.
Ukraine has moved on from making sea and aerial drones to producing interceptors that target drones, he said, adding that Ukraine is capable of producing at least 2,000 interceptors per day – half of which are required for its own defence and the remainder available for use by Kyiv’s allies.
“If a Shahed needs to be stopped in the Emirates – we can do it. If it needs to be stopped in Europe or the United Kingdom – we can do it. It is a matter of technology, investment, and cooperation,” he said.
While Ukraine has become one of the world’s leading producers of sophisticated, battlefield-proven drone interceptors, US President Donald Trump has said he does not need Ukraine’s help with countering Tehran’s drones targeting military targets in the Middle East.
After meeting with Zelenskyy at 10 Downing Street, Starmer said Russian President Vladimir Putin “can’t be the one who benefits from the conflict in Iran, whether that’s oil prices or the dropping of sanctions”.
During Zelenskyy’s visit on Tuesday, London and Kyiv signed a deal on a “defence partnership”, which is said to combine “Ukraine’s expertise and the UK’s industrial base to manufacture and supply drones and innovative capabilities”.
SOURCE Aljazeera,
Arbaco18 March 2026 {HMC} Sacuudiga ayaa billaabay inuu quudiyo dalalka khaliijka, iyadoo hadda gaadiid badan ay ka gudbayaan xadka Sacuudiga iyo Kuwait , halkaa oo Kuwait lagu gaarsiinayo cunto, dawooyin iyo waxyaabo kale, ka dib markii uu xirmay marinka Hormuz.
Badeecadaha gaaraya dalalka khaliijka ayaa ka deggaya dekedaha Sacuudiga ee badda cas, taa oo mar kale sare u qaadaysa muhiimada badda cas oo hadda noqotay goobta kaliya ee ay wax usoo maraan dalalka khaliijka.
Waa isbeddelka dunidan, dalalka hodonka ahaa ee khaliijka waxay raadinayaan raashin ay cunaan.
Arbaco18 March 2026 {HMC} Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 11 ayaa waxyar ka hor ku warramay inay Israa’iil adeegsatay qalab badan si ay ula socdaan madaxii golaha amniga Iiraan, Cali Larijani oo howlgal ka dhacday Tehran , maanta lagu dilay.
Warbixintu waxay sheegtay in Larijani uu sameeyay qalad ay Israa’iil ku tilmaantay isku kalsoonaan amni oo xad-dhaaf ah. taas oo sahashay in la ogaado halka uu joogo.
Waxaa la arkay isagoo si fagaare ah uga qeyb galaya munaasabado (sida maalinta Qudus), sidoo kalena wareysiyo siinaya warbaahinta, taas oo u sahashay sirdoonka inay si sahlan ula socdaan dhaqdhaqaaqiisa.
Macluumaadka ugu muhiimsan ayaa la helay Isniintii shalay, markii la arkay isagoo galay guri qarsoodi ah.
Laakiin weerarka ayaa dib loo dhigay daqiiqaddii ugu dambeysay si loo helo xaqiijin dheeraad ah oo lagu hubinayo inuu si dhab ah ugu jiro gudaha guriga, illaa ugu dambeyn la xaqiijiyay oo maanta la fuliyay dilkiisa.
Wed18 March 2026 {HMC} Iran is allowing a small but growing number of commercial ships to pass through the Strait of Hormuz, according to ship tracking data.
Eight vessels, not including ships flying the Iranian flag, were detected in the critical waterway via the vessels’ automatic identification systems on Monday, maritime intelligence company Windward said on Tuesday.
The number of transits was “nearly double” the numbers seen in recent days, according to Windward.
Michelle Wiese Bockmann, an analyst at Windward, said that a growing number of ships have been rerouting via Iran’s territorial waters, suggesting that Tehran is allowing “permission-based transits to friendly countries”.
“Western-affiliated vessels won’t voluntarily come into Iranian waters, but likely Chinese, Indian and others will,” Bockmann said in a post on X.
MarineTraffic, another ship tracking service, recorded nine transits on Monday and Sunday, compared with five over the previous two days.
Traffic through the strait, which normally carries about one-fifth of global oil supplies, has plunged more than 95 percent since the start of the United States and Israel’s war on Iran.
Daily transits by non-Iranian ships, mostly Chinese, Indian and Pakistani-flagged vessels, have dropped into the single digits amid Iranian threats against shipping in the region.
The effective halt of traffic through the waterway has sent oil prices surging above $100 per barrel, an increase of more than 40 percent compared with before the start of the war.
Tehran has sent mixed messages about the status of the strait, which is bordered by Iran, the United Arab Emirates and Oman.
Iranian Minister of Foreign Affairs Abbas Araghchi said on Monday that the strait was “open, but closed to our enemies”, after a spokesperson for the Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) earlier this month warned that any ship attempting passage would be set ablaze.
US President Donald Trump said on Tuesday that Washington did not need other countries’ help to unblock shipping traffic, even as he chided NATO partners for rebuffing his proposals for the deployment of an international coalition of warships to secure the waterway.
“Despite the fact that we helped them so much – we have thousands of soldiers in different countries all over the world – they don’t want to help us, which is amazing,” Trump said during a meeting with Irish Prime Minister Michael Martin at the Oval Office.
The US military said late on Tuesday that it had dropped bunker buster bombs on “hardened” Iranian missile sites located near the strait.
“The Iranian anti-ship cruise missiles in these sites posed a risk to international shipping in the strait,” US Central Command said in a post on X.
SOURCE ALJAZEERA.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} aliyaha ciidanka Iiraan, Amir Hatami, ayaa ku hanjabay inuu bilaabi doono aargoosi kama dambays ah, kadib dilka taliyihii amniga Ali Larijani oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil qaaday.
“Wakhtiga iyo goobta ku habboon, jawaab go’aan leh, cabsi gelin ah, oo laga shallaayi doono ayaa la siin doonaa Maraykanka dambiga galay iyo nidaamka Sahyuuniyadda ee dhiigga u ooman,” ayuu Hatami bayaan ku sheegay.
Wuxuu intaas ku daray in Larijani iyo dhimashada “shuhadada” kale la aargudan doono.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan, oo ka madax bannaan ciidanka caadiga ah, ayaa sheegay inay horey u bilaabeen gantaallo ay ku garaacayaan bartamaha Israa’iil “oo aargoosi u ah” dilka Larijani, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.
Arbaco 18 March 2026 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed.
Wasaaraddu waxay ka walaacsan tahay in xilligan la abuuro caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameynaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed:
Sidaa darteed, DFS waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynaysaa arrimaha soo socda:
1. DFS waxa ay bogaadineysaa dowrka Shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo hormuud ka ah ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isla markaana si buuxda uga qeyb qaatay hannaanka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, qeybna ka ah geedi socodka dimuqraadiyeynta dalka ee hadda lagu howlan yahay.
2. DFS waxa aysan marna qeyb ka ahayn xasillooni darrada ka abuurantay qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna si degdeg ah uga howlgaleysaa joojinta colaadaha iyo in wixii khilaafaad ah lagu xalliyo wadahadal, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.
3. DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool.
4. DFS waxa ay ugu baaqaysaa maamulka Koonfur-Galbeed in uu sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta.
Sidoo kale, DFS waxa ay ugu baaqeysaa bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka in ay ka feejignaadaan wax walba oo khatar galin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka ee ku dhagan deegaannada Koonfur Galbeed.

– DHAMMAAD –