Home Blog Page 29

Netanyahu oo bartiisa rasmiga ah ee X ku baahiya muuqaal cusub.

0

Arbaco 18 March 2026 {HMC} Netanyahu ayaa bartiisa rasmiga ah ee X ku baahiya muuqaal cusub oo ay ka soo wada muuqanayaan kala safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil , Mike Huckabee , isagoo wali isku dayaya inuu caddeeyo inuu nool yahay.

Safiirka Mareykanka Mike Huckabee ayaa ugu horreyn oranaya: Waxaan rabay inaad ogaato in Madaxweynuhu iga codsaday inaan ku imaado oo hubiyo inaad fiican tahay.

Netanyahu: Haa Mike. Haa. Waan noolahay.

Waxaan isku salaanay si caadi ah, shan farood oo gacanta kasta ah, waad ogtahay.

Waan noolahay, laakiin waxaan hayaa kaarkan. Maya, ha akhrin. Maanta waxaan ka saaray laba magac kaarka, waxaadna arkaysaa inta kale ee weli ku haray qaybtaan.

Waxaan meesha ka saaraynaa dadkaas waalan ee doonaya inay sameeyaan hub nukliyeer ah iyo hab ay ugu gudbiyaan magaalo kasta oo Maraykan ah kadib marka ay tirtiraan Israa’iil. Taas ma sameyn doonaan. Waan baabi’inaynaa.

Mike Huckabee: Ma ogtahay warka wanaagsan waa in magacayga uusan ku jirin liiskan.

Netanyahu: Magacaaga wuxuu ku jira liiska kuwa ugu wanaagsan

Mike Huckabee: Waan jeclahay. Mahadsanid, Mudane Ra’iisul Wasaare.

Iran ma ka adkaan kartaa Mareykanka iyo Israaiil.?

0

Talaado 17 March 2026 {HMC} Maraykanka iyo Israa’iil iyagoo sii wada dagaalka ka dhanka ah Iiraan, wali ma jiraan tirokoobyo cad oo xaqiijinaya dhinaca dhab ahaantii guuleysanaya.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si joogto ah u adkeeyay inuu jug culus u geystay Iiraan, isagoo si gaar ah u sheegay marar badan in uu burburiyay ciidanka badda iyo cirka ee dalkaas, iyo waxyaabo kale.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego sida Iiraan ay u sii kordhineyso firfircoonideeda, iyo weerarradeeda sii socda, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, waxay u muuqataa in weli ay jiraan wax badan oo soo socda.

Mr. Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in wax walba ay u dhammaadeen Iiraan, isla markaana kuwa yar ee harsan ay is dhiibayaan, isagoo sheegay in Iiraan ay sidoo kale bilowday inay codsato xabbad-joojin.

Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Iiraan ayaa beeniyay codsiga xabbad-joojinta, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay dagaalka sii wadaan ilaa dhammaadka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in la burburiyay difaacooda hawada, awooddooda badda, iyo nidaamkooda hoggaamineed.

Wuxuu ku daray: “Waxay rabaan inay wada hadlaan, laakiin waxaan u sheegay in waqtigu dhammaaday!”

Iran oo ka jawaabeysa ayaa sheegtay in ay iska difaaceyso weeraro kaga imanaya Israa’iil iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe oo uu Mareykanku ku leeyahay saldhigyo ciidan.

Ujeeddooyinka Maraykanka iyo madaxweynihiisa Donald Trump kama cadda si buuxda dagaalkan, balse waxaa la ogyahay in ay jiraan arrimo ay ka mid yihiin hubka nukliyeerka ee Iiraan iyo sidoo kale qorshaha la xiriira in la rido ama la beddelo dowladda Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo hoggaamiyihii diinta ee dalka la dilay, haddana qof kale ayaa durba lagu beddelay, waxaana sidoo kale fashilmay baaqyadii ka yimid Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu ee ahaa in shacabka Iiraan ay kacaan oo ay ridaan dowladdooda—xitaa khubaradu waxay aaminsan yihiin in dagaalku uu sii xoojiyay midnimada dadka Iiraan.

Xitaa ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, wadahadallo u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ayaa ka bilowday Geneva bishii Febraayo, kuwaas oo ay dhexdhexaadinaysay Cumaan, halkaas oo horumar laga sameeyay.

Cumaan waxay sheegtay in Iiraan ay markii hore muujisay oggolaansho ah inay joojiso horumarinta hubka nukliyeerka, balse aysan oggolaan inay joojiso horumarinta gantaallada, sidoo kalena aysan ka tanaasulin taageerada ay siiso kooxaha sida Xuuthiyiinta Yemen iyo Xisbullah ee Lubnaan.

Laakiin waxay u muuqataa in mid ka mid ah danaha ugu waaweyn ee Maraykanka uu yahay in meesha laga saaro nidaamka muxaafidka ah ee Ayatollah, laguna beddelo kuwo dhexdhexaad ah oo ay u arkaan kuwo aan khatar ku ahayn Maraykanka iyo deriskiisa.

Mid ka mid ah waxyaabaha uu Maraykanku doonayo inuu sameeyo waa inuu xaaladda ku adkeeyo oo uu daaliyo Iiraan ilaa ay ka tanaasusho. Hase yeeshee, arrintaas lafteedu waa mid aad u adag, maadaama dalka uu weli muujinayo calaamado weerar iyo iska caabin.

Intaa waxaa dheer, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ee Iiraan ayaa sii kordhiyay dhibaatada tamarta ee caalamka, taasoo muujineysa in Maraykanku uu sameyn doono wax kasta oo suurtagal ah si loo furo marinka, balse uu u baahan doono taageerada dalal kale.

Mohammad Qaddam Siddiq Isa, oo ah falanqeeye Bariga Dhexe ah, ayaa sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu ka hortago in Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Maraykanku uusan si toos ah ugu riixayn in la rido dowladda Iiraan, balse haddii uu keeni karo isbeddel, uu u arko guul.

Israa’iil maxay dooneysaa?

Dhankeeda, Israa’iil waxay dooneysaa in la yareeyo ama gebi ahaanba oo la burburiyo kaydka gantaallada ee Iiraan, isla markaana la dumiyo saldhigyadeeda milatari.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha iyo kaabayaashaas waa kuwa dib loo dhisi karo xitaa haddii la burburiyo, balse Israa’iil waxay rabtaa inay Iiraan u muujiso in ay mar kale burburin karto haddii dib loo dhiso muddo bilo gudahood ah.

Israa’iil waxay u aragtaa hubka gantaallada ee Iiraan iyo dadaalladeeda la sheegay ee ku aaddan helitaanka hub nukliyeer ah khatar weyn.

Iiraan waxay leedahay warshado gudaha ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna xitaa siisay Ruushka diyaaradaha Shahed si uu ugu adeegsado dagaalka Ukraine.

Sidoo kale, Iiraan waxay gaarsiisay kobcinta yuraaniyamka heer 60%, taas oo ka sarreysa heerka looga baahan yahay soo saarista tamarta.

Hase yeeshee, Qaddam wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay wax yar kaga horreyso Maraykanka marka laga eego dalabaadka, maadaama ay dooneyso in gebi ahaanba la rido dowladda Iiraan.

Rejada Iran
Danaha Iiraan ma badna, maadaama ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay inay ka fogaato shuruudaha ay Maraykanka iyo Israa’iil doonayaan inay ku gaaraan dagaalka.

Qaddam ayaa sheegay in marka dagaalku dhammaado, haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku guuldareystaan inay gaaraan ujeeddooyinkooda, markaas oo keliya ay Iiraan sheegan doonto guul dagaalkaas.

Iiraan sidoo kale waxay dooneysaa dammaanad qaad ah inaan mar kale la weerarin mustaqbalka.

Hadda dagaalku wuxuu u wareegay dhinaca dhaqaalaha, iyadoo xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ee Iiraan uu soo jiitay dareenka caalamka.

Iran ma guulaysan kartaa?

Marka laga hadlayo in Iiraan ay guuleysan karto, Qaddam Siddiq wuxuu sheegay in arrintu ay ku xiran tahay waxa dhinac walba u arko guul.

“Guusha ugu weyn ee Iiraan waxay noqon kartaa inay soo afjarto dagaalka iyadoo Maraykanka iyo Israa’iil aysan gaarin ujeeddooyinkooda,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Donald Trump uu sheegto guul, haddana wuxuu weli raadinayaa taageerada dalalka Yurub, Qaramada Midoobay, iyo kuwo kale, gaar ahaan arrinta furitaanka marin-biyoodka Hormuz.

Arrintan waxay keentay in dadka qaarkood u arkaan mid u eg dacaayad, taasoo adkeynaysa in si dhab ah loo fahmo guulaha dhinacyada.

Dhanka kale, qaar ayaa u arka weerarrada joogtada ah ee Iiraan, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz, iyo carqaladeynta ganacsiga tamarta caalamka inay muujinayaan in Iiraan ay weli door firfircoon ka ciyaareyso dagaalka.

Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah in Iiraan ay leedahay taariikh dheer oo iska caabin dagaal, sidoo kalena ay ka mid tahay dalalka leh saldhigyo milatari oo badan oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Warbixin ka soo baxday Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah ee awoodda milatari ee 2025 ayaa sheegtay in Iiraan ay leedahay qiyaastii 610,000 oo askari, oo ay ku jiraan 350,000 oo ka tirsan ciidanka dalka iyo 190,000 oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo mas’uul ka ah horumarinta drones-ka, gantaallada, iyo hawlgallada kale ee gobolka.

Iiraan sidoo kale waxay ku tiirsan tahay xulafadeeda gobolka, oo ay ka mid yihiin Xuuthiyiinta Yemen, Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha hubeysan ee Ciraaq, iyo Xamaas.

Nicole Grajewski ayaa sheegtay in inkastoo cunaqabateynno ay saaran yihiin Iiraan, haddana dalka uu leeyahay taariikh dheer oo u adkeysiga colaadaha muddada dheer.

Marka laga hadlayo adkeysiga Iiraanwaxaa tusaale loo soo qaadan karaa dagaalkii ay la galeen Ciraaq, halkaas oo lagu weeraray magaalooyin badan inkastoo ay liidatay dhinaca hubka casriga ah xilligaasi , hadana way is difaacday.

Xigasho BBC Somali

Saxafi Israa’iili ah oo sheegay in uu helay fariin hanjabaad dil ah oo uga timid dad galay sharad lagu helayo $14 milyan.

0

Talaado 17 March 2026 {HMC} Saxafi Israa’iili ah oo lagu magacaabo Emanuel Fabian, kana tirsan wargeyska Times of Israel, ayaa sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo uga yimid dad galay sharad lagu helayo $14 milyan.

Dadkan waxay ku sharatameen gantaallada Iiraan inaysan ku dhacayn gudaha Israa’iil oo ay nidaamyada difaaca ka hortaggi doonaan, halka kuwa kale ay ku sharatameen in gantaalladu ku dhacayaan gudaha Israa’iil.

Balse ,wargeyska Times of Israel ayaa joogteeyay inuu soo bandhigo gantaallada ku dhacay gudaha Israa’iil, gaar ahaan warbixinno uu qoray saxafiga Emanuel Fabian, markaas ayay dadka sharadka galay ka dalbadeen inuu warbixinnada beddelo ama dib u qoro.

Fabian wuxuu sheegay inuu helay emailo, wicitaanno iyo fariimo WhatsApp ah oo hanjabaad ah. Mid ka mid ah fariimaha ayaa lagu yiri: “Kadib markaad naga khasaarisay $900,000, waxaan lacag intaas la eg ku bixin doonnaa si lagaa eryo shaqada.”
Wariyahan wuxuu arrintan u gudbiyay booliska Israa’iil, kuwaas oo bilaabay baaritaan.

Sri Lanka oo Arbaco kasto loo fasaxo shidaal la’aan darteed.

0

Talaado 17 March 2026 {HMC} Dagaalka Mareykanka iyo Iran ayaa saameyn daran ku yeeshay qiimaha shidaalka adduunka oo hadda uu halkii fuusto Dubai ka marayo $150, waaba haddii la helo.

In kasta oo dalal badan oo Hindiya ku jirto ay amreen in shaqaaluhu guriga ku shaqeeyo, Sri Lanka ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey oo shidaal la’aan darti maalin u asteeya fasax.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha shidaalku uu hadda kor u dhaafay celcelis ahaan $200, waaba haddii la helo.

Maamulada Soomaaliya weli ma ay meelmarin siyaasad la jaanqaada xaalka cusub ee dhaqaalaha adduunka. Haddaba maxaad maamulada Soomaaliya kula talin lahayd? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

Maxa kajira in Ciidamada Taliska 60 ee Xoogga Dalka ay taagerayan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed?

0

Talaado 17 March 2026 {HMC}  Ciidanka Taliska 60 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo, ayaa si rasmi ah u shaaciyey taageeradooda ku aaddan mowqifka ay qaateen hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah iyo muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, ciidamadaan ayaa cadeeyey in ay garab taagan yihiin maamulka gobolka, iyaga oo muujinaya midnimo iyo daacadnimo.

Tani waxay ku soo beegantay xilli xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo awoodda siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Arinta ayaa si weyn loo dareemay kadib markii Maamulkaasi uu si lama filaan ah maanta u shaaciyay inay jiraan Khilaad kala soo dhex galay iyaga iyo Dowladda uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ayna joojiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeeyay Dowladda iyaga oo ku eedeeyey “faragelin iyo kicinta rabshadaha siyaasadeed.”

Ciidanka Taliska 60, oo ka mid ah talisyada muhiimka ah ee hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan deegaano hoos yimaada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka hakisay Diyaaradihii aadi jiray Baydhabo.

0

Talaado 17 March 2026 {HMC} Ka dib markii Maamulka Koofur Galbeed uu xiriirka u jiray Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Sida ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyeen Baydhabo waxaa maanta ka dagay laba diyaaradood oo mid siday Jaad, halka mida kalena ay leedahay Qaramada Midoobay.

Diyaarad kale oo la qorsheeyay in ay qaado dad rayid ah ayaa lagu hakiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo dadkii rakaabka ahaa ay dib ugu laabteen guryahooda, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Tillaabooyinkan ayaa ku soo aaday xilli War-saxaafadeedka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed a lagu sheegay in ay hakiyeen xiriirka ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku abaabushay deegaannada Koofur Galbeed sidoo kalena Wasiiro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin kana jawaabi waysay xiriir ay la sameyeen sida hadalka loo dhigay.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo looga jawaabay arrintaan, waxaa isasoo taraya xiisadda siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyada oo deegaannada qaar ay ka dhaceen dagaallo halka meelaha qaar abaabul uu ka socdo.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu Waa weeyn Soomaaliya Caalamka 17-03-2026

0

Talaado  17 March 2026 {HMC} Wararka Ugu Waa weeyn Soomaaliya Caalamka 17-03-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Tahriibayaal laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay.

0

Talaado 17 March 2026 {HMC}  Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana leeyahay dalka Spain, ayaa badbaadiyay ugu yaraan 32 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo isugu jira 27 rag ah iyo 5 dumar ah, xilli ay ku jireen xaalad halis ah oo ka jirtay badda Mediterraneanka.

Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Somalia, Cameroon, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana, iyo Côte d’Ivoire.

 

Dadka la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa haweeney uur leh oo siddeed bilood ah iyo sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 15 sano, kuwaas oo wajahaya xaalad nolol iyo geeri u dhaxeysay.

Tahriibayaashan ayaa saarnaa doon yar oo buufin ah oo ka sameysan bac, taasoo muddo laba maalmood ah ku dhex jirtay badda iyada oo aan lahayn hage ama jihayn cad. Sida ay sheegtay hay’adda Salvamento Marítimo Humanitario (SMH), doonida ayaa ku jirtay xaalad aad u halis badan xilliga la helay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku xaqiijiyeen in dhammaan dadka la socday doonida si nabad ah loo badbaadiyay, taasoo ka hortagtay musiibo bani’aadamnimo oo weyn.

Kabtanka markabka Aita Mari ayaa sheegay in howlgalka samatabbixinta uu dhacay qiyaastii 7:32 subaxnimo, Axaddii, kadib markii ay heleen wargelin degdeg ah oo ku saabsan doon dhibaato ku jirta.

Muhaajiriinta la badbaadiyay ayaa hadda loo sii qaaday dekedda Vibo Valentia ee gobolka Calabria, dalka Italy, halkaas oo la filayo inay gaaraan Talaadada, si gargaar iyo daryeel caafimaad loogu sameeyo.

Benjamin Netanyahu oo amar ku bixiyay in la beegsado madaxda sare ee Iiraan.

0

Talaado 17 March 2026 {HMC} Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in la bixiyay amar toos ah oo lagu badhtilmaameedsanayo madaxda sare ee dowladda Iiraan. Xafiiska ayaa sidoo kale baahiyay sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo taleefoon ku hadlaya xilli la sheegay inuu amarro bixinayay.

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay kusoo beegmayso iyadoo Israa’iil ay sheegtay inay dishay madax sare oo Iiraani ah, oo uu ku jiro Cali Laarijaani, oo ahaa masuul sare oo dhinaca amniga ah, inkasta oo dowladda Iiraan aanay weli si rasmi ah u xaqiijin.

Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dileen taliyaha ciidamada Basij ee Iiraan, Ghulamrida Sulaymaani, kaddib weerarro xalay la fuliyay. Duqeymo culus ayaa sidoo kale laga fuliyay caasimadda Tehran iyo goobo kale oo muhiim ah, iyadoo sidoo kale weerarro laga geystay Bayruut, halkaas oo ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamada Lubnaan.

Dhanka kale, Iiraan ayaa wada weerarro ay u adeegsanayso gantaallo iyo diyaarado daroon ah oo ay si toos ah ugu beegsanayso Israa’iil iyo dalal ka tirsan Khaliijka, iyadoo Qadar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Kuweyd ay sheegeen inay ka hortageen weerarro hawadooda lagu soo qaaday.

Dhanka siyaasadda, Jarmalka ayaa caddeeyay in anay u qorsheysnayn inuu ku biiro dagaalkan, halka dalalka Midowga Yurub ay muujiyeen in aanay diyaar u ahayn inay ciidamo diraan Bariga Dhexe si loo sugo marin-biyoodka Hormuus, oo Iiraan ay sheegtay inay ka xidhay cadawgeeda.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa si toos ah u saameyn karta dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka, maadaama Marinka Hormuus uu yahay marin muhiim u ah dhoofinta saliidda adduunka.

Maxay tahay waxa uu kala kulmay Donald Trump duullaanka Iiraan uu kuqaaday ?

0

Talaado 17 March 2026 {HMC}  Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dalkiisa usoo jeediyay ceeb xun kaddib markii uu kaalmo militari waydiistay dalal uu horay ugu sheegay in aysan waxba gelin balse mudankiisa ay maanta mariyeen kaddib markii ay diideen inay garabsiiyaan.

Donald Trump oo ku jabay dagaallada socda waxa uu ka khasaaray dhinacyada Militariga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxa uu joogaa heer uu ku fakiro in uu naf ka raadiyo dalal Ameerika ay dhinac isaga riixi jirtay culayskaas haysta dartiis.

Dagaalka Iiraan oo si aan ka fiirsi lahayn uu u galay ayaa ku noqday mid si kale isku rogay kolkii Xukuumadda Tehran ay beegsatay Dalalka Khaliijka si ay u tusiso hubka uu ku faanayo in aanay waxba ka celin Karin Dalalkaas Carbeed.

Dhowr maalin ayaa la duqaynayay Saldhigyo iyo talisyo Maraykanka uu ku leeyahay Carabta weliba dhowr waddan ilaa markii dambe uu gaaray in uu ciidamadiisa iyo qalabkiisa Militariga uu kala baxo halkaas waa inta ka badbaaday duqaymihii hore.

Marinka Hormuuz oo Shidaalka Carabta iyo tan kale ee Caalamka ay marto 20% waxa ay Maraakiibtu u joogsadeen hanjabaad uga timid Iiraan, si uu Trump cabsidaas meesha uga saaro waxa uu u qaylo-dirsaday saaxiibadiis oo ugu dambayn ka diiday dalabkaas.

Haddaba, maxaa ugu wacan in Donald Trump uu waji-gabax kala kulmo saaxiibadiis Siyaasadeed?