Home Blog Page 273

Turkiga oo War Kasoo Saartay Qaraxyada ka dhacay maraakiibta Ruushka ku sii jeedday.

0

Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, dalka Turkiga Cabdulkadir Uraloğlu, ayaa ku dhawaaqay in dadaallada badbaadada la bilaabay kadib qaraxyadii ka dhacay maraakiibta saliidda ee Kairos iyo Virat ee xeebta Badda Madow, isla markaana maraakiibtu ay maranyihiin.

Uraloğlu wuxuu sheegay in shaqaale gaaraya 25 qof oo saarnaa markabka Kairos la badbaadiyay, iyadoo 20 kale oo iyaguna saarnaa qof ee ku markabka Virat ay caafimaad qabaan, waxaana gurmad u fidiyay shale samatabixiyaal ah.

Agaasimaha Guud ee Arrimaha Badda ayaa sheegay in markabka Kairos uu ku sii jeeday dekedda Ruushka ee Novorossiysk, isla markaana dab uu ka kacay isagoo marayay meel 28 mayl-badeed ka xigta xeebta Turkiga.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa in uu yahay wax dibadda kaga yimid oo aanu ka dhalan gudaha Maraakiibta.Markabka Kairos, ayaa weli dabku ka holcayaa.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay qaraxyada, hase-yeeshee waxaa loo maleynayaa in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay weerareen.

Wararkii ugu dambeeyay Maraakiib Ruushka ku sii jeedday oo qaraxyo ka dhaceen

0

Sabti, 29 Nov 2025 {HMC} Hay’adaha badda ee Turkiga ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen laba markab oo ah nooca saliidda xambaara oo ku sii jeeday dalka Ruushka, kuwaas oo dab ka kacay kadib qaraxyo ka dhacay. Mid ka mid ah maraakiibtan wuxuu ku safrayay waqooyiga Biyogga Bosphorus markii qaraxu dhacay.

Markabka labaad waxaa la sheegay inuu marayay bariga badda Madow markii qaraxu uu isna haleelay.

Hay’aduhu waxay sheegayaan in maraakiibtaan laga yaabo in lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan. Labadaba waxay ku jiraan liiska maraakiibta cunaqabataynta lagu soo rogay kadib markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine sannadkii 2022-ka.

Shaqaalaha labada markab saarnaa waa la badbaadiyay, sida wararku sheegayaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah maraakiibta uu weli dab ka holcayo. Dowladda Turkiga ayaa u gurmatay iyadoo weli howshu ay socoto.

TPLF oo soo saartay qaaylo-dhaan kale oo ka dhan ah Dowladda Fedraalka Itoobiya.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Afhayeenka TPLF waxa uu sheegay in ururkooda oo dalka ugu diwaangashan xisbi siyaasadeed in si aan sharci aheyn loo mamnuucay, wuxuuna ku eedeeyay dowladda in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin.

Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay, “Waxaa jira arrin isa-soo-tareysa oo ah in si sharci-darro ah loo joojiyo kaddibna gobolka Tigray laga qabto doorasho sharci-darro ah, wuxuuna ku tilmaamay, “go’aan aan waxba ku saleysneyn”.

TPLF oo weyday xubinnimadeeda in ay tahay xisbi ayaa hore u qabtay shir, waxyna ku baaqeen in laysugu yimaado mid kale oo golaha xisbiga ay ku shirayaan.

Afhayeenka xisbiga waxa uu cadeeyay in uu jiro “dareen lagu qabanayo doorasho aan sharci aheyn” oo ka dhacda gobolka Tigray taas oo uu ku sheegay in lagu “beegsanayo TPLF iyo dadkeeda”.

Shir ay isugu yimaadeen golaha guud ee xisbiga ayaa la sheegay in uu abuuray khilaaf lagu kala qeybsamay oo u dhexeeyay xubnaha ururka iyo madaxda.

Kaddib shirka waxa uu wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Tulu sheegay “in uu khilaafsan yahay heshiiskii Pretoria ee lagu dhameeyay dagaalka labada sano”.

TPLF oo laga saaray liiska argagixisada kaddib heshiiskii Pretoria ayaa sidoo kale hadana laga dhigay in xisbi ahaan aysan sharic aheyn.

Waxaa jira xagjiriin ka baxay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay “Hara Ziraat” oo macnaheedu yahay “dhulkii xorta” ayaa lagu eedeeyay in ay weerayeen ciidamada TPLF.

Maleeshiyada waxay sheegeen in ay isku soo abaabuleen gobolka Cafarta si ay meesha ugu saaraan garabka TPLF ee Dr. Debretsion Gebremichael iyo taliyayaasha ciidamada.

 

TPLF waxay ku eedeysay xagjiriinta la sheegay in ay ka howlgalayaaan dhulka xuduuda ku yaal ee gobolka Tigray in ay yihiin kuwa “taageero ka helaya dowladda federalka”.

Bilihii u dambeeyay waxaa jiray cabsi laga qabo in markale dagaal ka qarxo gobolka Tigray.

Xigasho BBC

Shacabka Kuuriyada Waqooyi oo lagu amray in ay bartaan luuqadda Ruushka.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Kim Jong Un, ayaa soo saaray amar ku khasbaya dadka Kuuriyada Waqooyi inay bartaan luuqadda Ruushka, waxaana lagu daray manhajka waxbarashada , iyadoo arday kasta oo fasalka 4aad ee dugsiga hoose looga baahanyahay inuu ku hadlo afka Ruushka.

Markii uu soo baxay go’aankan, waxaa warbaahinta la hadlay Alexander Kozlov, wasiirka kheyraadka dabiiciga iyo deegaanka ee Ruushka, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga wadajirka ah ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, oo sheegay dhinaca Ruushka in 3,000 arday oo dugsiyo hoose/dhexe ah iyo 300 arday jaamacadeed ay bartaan luqadda Kuuriyaanka, tallaabo la doonayo qaab nololeedka bulshada labada waddan inuu noqdo mid isku mid ah.

Dowladda Kenya oo la saxiixatay Shirkado Shiineeys ah heshiis ku kacaya 1.5 bilyan oo dollar.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Dowladda Kenya ayaa la saxiixatay heshiis ku kacaya 1.5 bilyan oo dollar labo shirkadood oo ay leedahay dawladda Shiinaha , si ay u billaabaan mashaariic lagu ballaarinayo waddooyin isku xiraya Mombasa iyo dalalka dariska ah oo ay ku jiraan Uganda, Koonfurta Suudaan iyo Tansaaniya, iyadoo la sheegay heshiiskan inay ku dhaqaaqday dawladda Kenya markii maamulka Trump ee Mareykanka ay joojiyeen mashaariic uu Mareykanka ku taageerrayay horumarinta waddooyinka Kenya.

Iran Ayaa qaadacday xafladda lagu sameynayo isku aadka Koobka Adduunka oo lagu qabanaayo Maraykanka.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa qaadacday ka qaybgalka xafladda lagu sameynayo isku aadka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee 2026 ee ka dhacaysa Mareykanka, iyada oo ka ashtakoonaysa sida loogu qoondeeyay dal ku galka dadka uga qaybgali lahaa munaasabaddaas, sida maanta oo Jimce ah uu sheegay xiriirka kubbadda cagta Iran.

“Weftiga Iran kama qaybgeli doono isku aadka Koobka Adduunka marka loo eego xaaladdii ugu dambeysay ee bixinta dal ku galka wafdiga Iran si ay uga qaybgalaan xafladda isku aadka,” ayuu yiri afhayeenka xiriirka Amir Mehdi Alavi, sida uu sheegay mareegaha warrarka ciyaarraha ee Iran Tarafdari.

Mareykanka ayaa xayiraad adag oo muddo dheer soo jirtay oo dhanka dal ku galka ah saaray Iiraaniyiinta sababbo siyaasadeed iyo kuwo amni dartood.

Alavi ayaa laga soo xigtay in Maraykanku uu dal ku galka siiyay afar xubnood oo ka mid ah wafdiga Iran, oo uu ku jiro tababare Amir Ghalenoei, laakiin lama siin dal ku galka guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Iran Mehdi Taj.

Alavi waxa uu intaa ku daray in go’aankan uu daba socday waxa Iran ay ku tilmaantay “fallal aan ciyaarraha shaqo ku lahayn” oo ay sameeyeen mas’uuliyiinta Maraykanka ee la xiriira isku aadka December 5 ee Washington DC. “Marka la eego in go’aannada la qaatay ay yihiin kuwo aan isboorti ahayn, waddadiina laga weeciyay habkii ciyaarraha, waxaa la go’aamiyay in wafdiga Iran aysan ka qeybgalin xafladda isku aadka,” ayuu yiri.

Xiriirka Kubadda Cagta Iiraan ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay FIFA muddo labo maalmood ah, waxaana uu ku wargeliyay madaxweyne Gianni Infantino iyo xoghayaha guud. “FIFA waxay sheegtay inay si dhab ah ula socon doonto arrintan,” Tarafdari ayaa sidaa u sheegay Alavi.

Iiraan ayaa xaqiijisay u soo bixidda koobka aduunka bishii Maarso ee sanadkan kaddib markii ay 2-2 la gashay xulka Uzbekistan ciyaar ka dhacday magaalada Tehraan, waana markii 7aad ee ay u soo baxayso koobka aduunk, halka ay tahay markii 4-aad oo xiriir ah oo ay tartankan ciyaarayso.

Madaxweynihii la afgambiyay ee Guinea-Bissau oo u baxsaday dalka Senegal.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló ayaa gaaray wadanka ay jaarka yihiin ee Senegal kaddib markii ay sii daayeen ciidamada militariga ee afgamiyay dowladiisa todobaadkan, sida ay sheegtay dawladda Senegal.

Arintan ayaa dabo joogtay wada xaajood uu sameeyay ururka wadamada Galbeedka Afrika ee Ecowas oo dalbaday in madaxweynaha la sii daayo, xili ay sii kordheyso xiisadda ka taagan Guinea-Bissau.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Senegal ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Embaló uu si nabad ah ku soo caga dhigtay dalkaasi isagoo soo raacay diyaarad ciidan oo loo kireeyay goor dambe oo Khamiistii ah.

Milateriga dalka Guinea-Bissau ayaa horey u dhaariyay hogaamiyaha cusub ee kumeel gaarka ah Gen Horta N’Tam, kaas oo muddo sanad ah maamuli doona wadankaasi u nugul inqilaabka.

Afgambigii Arbacadii dhacay ayaa ku soo beegmay maalin ka hor inta aysan mas’uuliyiintu ku dhawaaqin natiijada ku meel gaarka ah ee doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Ciidamada ayaa hakiyay habsami u socodkii doorashada, waxayna hor istaageen in natiijada doorashada la shaaciyo.

Xigasho BBC

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.

Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.

Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha.

Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.

Mombasa oo lagu saxiixay Dastuurka Golaha Saxaafadda Bariga Afrika (EAPC).

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Kulankii magaalada Mombasa dalka kenya uga socday Xubnaha Goleyaasha warbaahinta Bariga Afrika EAPC ayaa lagu saxiixay heshiiska Dastuurka ay yeelanayaan Golaeyaasha warbaahinta Bariga afrika.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa la soo bandhigay aadna loo falanqeeyay Dastuurka, ugu dambeyna mabd’a ahaan ayaa la isku raacay qaabdhismeedka goboleed ee Xeerka Anshaxa ee Saxafiyiinta Bariga Afrika iyo qaabeynta dhaqanka Saxaafadda Bariga Afrika.

Kulanka oo lagu soo gabagabeeyay saxiixa Dastuurka Goleyaasha Saxaafadda Bariga Afrika waxaa wada saxiixay goleyaasha warbaahinta waddamada bariga Afrika ee Kenya, Uganda Tansaniya, Ruwanda, Kongo iyo Ururka Saxafiyiinta Soomaliyeed FESOJ ee Soomaliya.

Goleyaasha Saxafada Bariga Afrika (EAPC) waxaa loo aasaasay si ay u horumariyaan xorriyadda saxaafadda, xirfadda, iyo xeer-nidaamiyaha guud ahaan Bulshada Bariga Afrika (EAC). Sida ku cad qodobka 104 ee EAC.

 

Saddex qof oo Shiineeys ah oo Maanta lagu dilay xadka Tajikistaan iyo Afgaanistaan.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Saddex qof oo u dhalatay Shiinaha ayaa maanta lagu dilay xadka Tajikistan iyo Afgaanistaan, markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu qarxiyay warshada sifeysa macdanta oo ay ka shaqeynayeen shaqaale u dhashay Shiinaha , iyadoo dawladda Tajikistan ay sheegtay in weerarka laga soo qaaday gudaha dalka Afgaanistaan.

Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay inay sameynayaan baaritaan la xiriira weerarka lagu dilay muwaadiniintiisa.

Horey weerarro laga soo qaaday Afgaanistaan ayaa ka dhacay xadka Pakistan, markan waa Tajikistan, taa oo indhaha ku soo jeedinaysa maamulka ay hoggaamiyaan Taalibaan ee dalka Afgaanistaan oo loo soo bandhigi karo inay hadda khatar ku yihiin gobolka koonfurta Aasiya.