Home Blog Page 275

Uganda oo si rasmi ah toddobaadkan ugu dhawaaqday inay joojisay diiwaangelinta qaxootiga.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Uganda ayaa si rasmi ah toddobaadkan ugu dhawaaqday inay joojisay diiwaangelinta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea, sabab la xiriirta inay taageerrada joojiyeen dalalkii qaxootiga kaalmada siin jiray, sida uu sheegay wasiirka qaxootiga Uganda, Hilary Onek.

Tallaabadan waxay ka dhigantahay inaysan jirin doonin qaxooti cusub oo ay Uganda qaadanayso gaar ahaan dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay , tana waxay soo gabagabeynaysa kaararka qaxootiga ee ay qaadan jireen Soomaalida doonaysa inay xareystaan nidaamka Group 5 ee Canada iyo fursadaha kale ee ay heli jireen dadka heysta kaararka qaxootiga.

Ciidanka Israa’iil ayaa maanta fadeexad kala kulmay iskuday Afduub.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC}  Ciidanka Israa’iil ayaa maanta fadeexad kala kulmay iskuday ay ku doonayeen inay 3 qof ka soo afduubaan magaalada Beit Jinn oo 60 km u jirta caasimadda Suuriya ee Dimishiq , kaddib markii askarta Israa’iil oo watay gaadiid gaashaaman oo gudaha u galay Beit Jinn ay iska caabin kala kulmeen dadka deegaanka ,

waxayna ku dhawaadeen askarta Israa’iil inay gacanta u galaan dadka deegaanka oo hubeysnaa kuwaasoo gubay labo gaari oo ay wateen ciidanka Israa’iil, taa oo dhalisay inay Israa’l magaalada ku weerarto diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo duqeymo culus fuliyay , 13 qof oo dadka deegaanka ah ayaa duqeynta ku geeriyooday, halka Israa’iil ay sheegatay dhaawaca 6 askari.

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa sheegay inay Israa’iil ku guul darreysteen howlgalkaa oo ay gaari waayeen ciidanka Israa’iil, halkii ay doonayeen inay ka soo af duubaan saddex nin oo deegaanka ku sugnaa , waxayna ciidanka Israa’iil oo lagu haraareeyay magaaladaa ay ku badbaadeen duqeymaha diyaaradaha , iyagoo markii dambe isaga soo baxay , sida uu wargeysku sheegay.

Madaxweynaha Suuriya Oo Shaaciyay in lagu la taliyay in uu ku dhawaaqo Dowlad madax banaan.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya,Axmed Sharac ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in marar badan loo soo jeediyay in dhulkii ay heysteen ka hor 8 December 2024 inta aysan soo gelin Dimishiq in loo soo jeedinayay inay waqooyiga Suuriya kaga dhawaaqaan dawlad madax bannaan oo laga jaro Suuriya intee kale , balse wuxuu sheegay inuu ku adkeystay midnimada Suuriya.

Wuxuu intaa ku daray : “ Iskadaa Idlib inan ka jaro Suuriya inteeda kale , waxaan diyaar u ahaa inan la dagaallamo oo ka hortaggo ciddii iskudayda qeyb ka mid dalka inay jarto, waxay Suuriya ku noqon kartaa dal ; midnimo iyo wadajirkeeda.”

RW Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee Boqortooyada Morooko.

0

Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dekadda Tanger Med ayaa si istiraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.

Intii uu kusugnaa Dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, xukuumadda Dan Qarana ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna uu qorshaha ku jiro.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 28-11-2025

0

Jimac  28, Nov 2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 28-11-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dhulka ku haray gacanta DCSH ee Gobalka bari oo la shaaciyay.

0

Jimac  28, Nov 2025 {HMC} Dhulka ku haray gacanta DCSH ee Gobalka bari oo la shaaciyay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} As oo laga dilay Hogaamiye Sare iyo Ilaaladiisii.

0

Jimac  28, Nov 2025 {HMC} As oo laga dilay Hogaamiye Sare iyo Ilaaladiisii.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

ciidanka Jubbaland oo sheegtay in aydilieen sarkaal katirsan AS

Jimco 28, Nov  2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay.

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana ugu dambayn maamulkaas shaaciyay in lagu guulaystay in howlgalkaas lagu toogto sida qoraalka lagu sheegay.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidanka DANAB ay si qorsheysan isaga kaashadeen howlgallo kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada iskaashanayay ee Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo dhinac ah iyo xubnaha ‘AS’ ee howlgalkaas lagu beegsaday.

President Hassan Sheikh Hosts Banquet for Somali Scholars Following Conclusion of 3rd National Conference

Friday 28, Nov  2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, hosted a state banquet in Mogadishu yesterday evening to honor the distinguished Islamic scholars who participated in the 3rd National Conference of Somali Scholars. The event marked the conclusion of the influential summit, which brought together religious leaders from across the country to deliberate on critical national issues.

During the dinner, President Mohamud praised the ulama for their indispensable role in guiding public consciousness, combating extremist ideologies, and fostering national unity. He emphasized that the strength of Somali culture and the integrity of its governance are deeply rooted in the wisdom, counsel, and moral leadership provided by the country’s religious scholars.

Highlighting the government’s commitment to integrating religious guidance into state institutions, the President revealed a historic initiative: for the first time, a dedicated cohort of scholars has been incorporated into the Somali National Armed Forces. This move aims to provide moral guidance and spiritual support to the troops, ensuring they are inoculated against harmful ideologies while upholding ethical standards.

President Mohamud also welcomed the resolutions and communiqués issued at the end of the 3rd National Conference. He affirmed that the government takes the scholars’ recommendations seriously and views them as vital components in strengthening state-building efforts, preserving Islamic values, and neutralizing the distorted narratives propagated by terrorist groups.

The President reiterated the necessity of maintaining a robust and continuous partnership between the state and the religious community, noting that their collaboration is essential for the peace and stability of Somalia.

Source Sonna

Somalia Formally Joins International Mobile Satellite Organization (IMSO) at IMO Council Session in London

Friday 28, Nov  2025 {HMC} The Federal Republic of Somalia has officially acceded to the Convention on the International Mobile Satellite Organization (IMSO), marking a significant milestone in the nation’s maritime safety and technological integration.

The Minister of Ports and Marine Transport, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, formally deposited the instrument of accession during a meeting with the Secretary-General of the International Maritime Organization (IMO), Mr. Arsenio Dominguez. The handover took place on the sidelines of the 34th Regular Session of the IMO Assembly currently underway in London.

This strategic move demonstrates the Federal Government of Somalia’s dedication to enhancing maritime security and fostering international cooperation. By joining IMSO, Somalia gains access to critical global satellite communication systems that are essential for maritime safety, search and rescue operations, and the monitoring of shipping activities within its territorial waters.

The high-level meeting was also attended by key Somali officials, including the General Manager of Mogadishu Port, Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), and Somalia’s Ambassador to the United Kingdom, H.E. Abdulkadir Abdi Hashi.

Discussions with Secretary-General Dominguez focused on how this new partnership will bolster the security of Somali waters. The delegation explored avenues for modernizing Somalia’s maritime institutions, strengthening legal frameworks governing the coast, and leveraging IMSO’s capabilities to protect the country’s vast marine resources.

The accession is part of a broader government strategy to reclaim and secure Somalia’s maritime domain, ensuring safe passage for international trade while developing a robust national blue economy.

Source Sonna