Jimac 28, Nov 2025 {HMC} As oo laga dilay Hogaamiye Sare iyo Ilaaladiisii.
Jimac 28, Nov 2025 {HMC} As oo laga dilay Hogaamiye Sare iyo Ilaaladiisii.
Jimco 28, Nov 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas oo kaashanaya Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Jamaame lagu dilay sarkaal katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Faarax Jibriil iyo 7 kamid ah ilaaladiisa sida hadalka loo dhigay.
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in xubinta la dilay muddo ay ku raad-joogeen waxaana ugu dambayn maamulkaas shaaciyay in lagu guulaystay in howlgalkaas lagu toogto sida qoraalka lagu sheegay.
Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa tilmaamay in ciidanka DANAB ay si qorsheysan isaga kaashadeen howlgallo kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Ilo kala duwan ayaa sheegay in inta howlgalka uu socday uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada iskaashanayay ee Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo dhinac ah iyo xubnaha ‘AS’ ee howlgalkaas lagu beegsaday.
Friday 28, Nov 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, hosted a state banquet in Mogadishu yesterday evening to honor the distinguished Islamic scholars who participated in the 3rd National Conference of Somali Scholars. The event marked the conclusion of the influential summit, which brought together religious leaders from across the country to deliberate on critical national issues.
During the dinner, President Mohamud praised the ulama for their indispensable role in guiding public consciousness, combating extremist ideologies, and fostering national unity. He emphasized that the strength of Somali culture and the integrity of its governance are deeply rooted in the wisdom, counsel, and moral leadership provided by the country’s religious scholars.
Highlighting the government’s commitment to integrating religious guidance into state institutions, the President revealed a historic initiative: for the first time, a dedicated cohort of scholars has been incorporated into the Somali National Armed Forces. This move aims to provide moral guidance and spiritual support to the troops, ensuring they are inoculated against harmful ideologies while upholding ethical standards.
President Mohamud also welcomed the resolutions and communiqués issued at the end of the 3rd National Conference. He affirmed that the government takes the scholars’ recommendations seriously and views them as vital components in strengthening state-building efforts, preserving Islamic values, and neutralizing the distorted narratives propagated by terrorist groups.
The President reiterated the necessity of maintaining a robust and continuous partnership between the state and the religious community, noting that their collaboration is essential for the peace and stability of Somalia.
Source Sonna
Friday 28, Nov 2025 {HMC} The Federal Republic of Somalia has officially acceded to the Convention on the International Mobile Satellite Organization (IMSO), marking a significant milestone in the nation’s maritime safety and technological integration.
The Minister of Ports and Marine Transport, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, formally deposited the instrument of accession during a meeting with the Secretary-General of the International Maritime Organization (IMO), Mr. Arsenio Dominguez. The handover took place on the sidelines of the 34th Regular Session of the IMO Assembly currently underway in London.
This strategic move demonstrates the Federal Government of Somalia’s dedication to enhancing maritime security and fostering international cooperation. By joining IMSO, Somalia gains access to critical global satellite communication systems that are essential for maritime safety, search and rescue operations, and the monitoring of shipping activities within its territorial waters.
The high-level meeting was also attended by key Somali officials, including the General Manager of Mogadishu Port, Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), and Somalia’s Ambassador to the United Kingdom, H.E. Abdulkadir Abdi Hashi.
Discussions with Secretary-General Dominguez focused on how this new partnership will bolster the security of Somali waters. The delegation explored avenues for modernizing Somalia’s maritime institutions, strengthening legal frameworks governing the coast, and leveraging IMSO’s capabilities to protect the country’s vast marine resources.
The accession is part of a broader government strategy to reclaim and secure Somalia’s maritime domain, ensuring safe passage for international trade while developing a robust national blue economy.
Source Sonna
Friday 28, Nov 2025 {HMC} South West State President Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen has strongly condemned the presence of illegal checkpoints across the region, calling them a major threat to civilian movement and safety.
President Laftagareen said it is unacceptable for armed individuals to obstruct travelers on public roads, especially at a time when the country is grappling with severe drought and recurring conflict.
“It is unacceptable to stop travelers on the road. Yesterday, I heard the sad news that a traveler was killed in his car for just two dollars. Fortunately, the perpetrator has been arrested and justice will be brought to him,” Laftagareen said.
The South West leader urged communities within his administration to uphold justice and support efforts to stabilise the region.
“The only thing we have is justice, which is the only thing that can fix everything. If there is no justice, everything will fall apart,” he added.
His remarks come amid rising tensions and deadly clan revenge attacks in parts of South West State, including recent incidents in which people were burned alive.
Source Hiiraan Online
Cabdifataax ayaa sheegay in meelaha ay Daacish ku dhuumaneyso si buuxda loo hareereeyay, ayna ka mid tahay qorshaha in laga xannibo raashiinka, shidaalka iyo adeegyadii kale ee gaari lahaa.
“Waxaa saaran dowladda iyo ciidankeeda culeys aad u weyn, waxaana ka mid ah in nimanka dhinac walba laga cunaqabateeyo oo aan waxba u gali karin, laguna hareereeysan yahay,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in xubno kooban oo Daacish ah ay weli si dhuumaaleysi ah ugu sugan yihiin qaybaha hoose ee buuraha Calmíska, balse wuxuu sheegay rajo ka muujiyay in hawlgallada socda ay ku dhamaan doonaan muddo kooban.
Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in juqraafiga deegaanka ay caqabad weyn ku noqotay ciidamada, maaddaama dhulku yahay mid si weyn u dhib badan oo aan gaadiidka culus geli karin. “Ciidamada waxaad ku aragteen inay ku socdaan Dameero, Awr iyo xataa lug, sababtoo ah waa meel aad u adag in si fudud loo gaaro,” ayuu yiri Cabdifataax.
Waxaa uu intaas ku daray in ay ciidamada khasab ku noqotay in ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo ku habboon deegaannada buuraha ah, si loo xaqiijiyo in kooxdaasi gebi ahaanba laga saaro meesha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Hadalka wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadaya xilli shalay ay ku beegnayd markii la qorsheeyay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray howlgalka Hilaac ee muddada sanadka ah lagula dagaalamayay ururka Daacish.
Qorshaha ayaa dib u dhacay sababa la xiriira madaxweyne Deni oo ku maqan dibadda. Si kastaba ha ahaatee, weli dagaalamayaa katirsan Daacish ayaa ku sugan Baallade oo Boosaaso u jira 20km. Dad badan ayaa maamulka Puntland uga digay in lagu dhawaaqo in lasoo afjaray Daacish, iyadoo aan weli laga nadiifin togga Baallade iyo degaanada ku dhow.
Jimco 28, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Soomaaliya Cabdulkhaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada London kulan miro-dhal ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Badaha Caalamiga ah (IMO), Arsenio Dominguez.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada sii kordhaya ee Soomaaliya ugu jirto xoojinta amniga badda, casriyeynta hay’adaha badeed, iyo kor u qaadidda kaalinteeda caalamiga ah ee dhinacyada badqabka iyo gaadiidka badda sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in Intii kulanku socday, uu Wasiir Cabdulkhaadir si rasmi ah ugu wareejiyay Xoghayaha Guud waraaqaha caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska (IMSO), taas oo ka dhigan tallaabo taariikhi ah oo sare u qaadaysa awoodda dalka ee la socodka, maareynta, iyo ilaalinta howlaha badda.
Ku biirista heshiiskan ayaa sidoo kale xoojinaysa iskaashiga Soomaaliya iyo IMO ee ku aaddan horumarinta awoodaha farsamo, sharci, iyo amni.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qorsheyaal ay Soomaaliya ku horumarinayso nidaamyada sharci-dejineed ee la xiriira badda, tababarrada hay’adaha badeed, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan casri ah oo looga hortago halisaha badda, looguna kobcin lahaa dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag ku gaartay dib u dhiska iyo casriyeynta hay’adaha badda, isagoo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga IMO uu gacan weyn ka geysan doono xaqiijinta amni badeed oo waara.
“Sharaf bay ii ahayd inaan la kulmo Xoghayaha Guud ee IMO Arsenio Dominguez,” ayuu yiri Wasiir Cabdulkhaadir.
“Wareejinta waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee IMSO waa bog cusub oo Soomaaliya u furmaya, kaas oo xoojinaya badqabka badda, ganacsiga, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Jimco 28, Nov 2025 {HMC}Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saaranayeen sadax ruux.
Sadaxda ruux ee saarna Bajaajta ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu geeriyooday, iyadoo labada ruux ee kale uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah uu isaga baxday goobta uu shilka ka dhacay, islamarkaana haatan ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen.
Shilkaan saakay ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas, waxaana xusid mudan shilalka noocan oo kale ah inta badan loo sababeeyo khibrad yarida darawalada qaar oo gaadiidka si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasina ay keento inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.
Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa lagu qarxiyay ceelka gaaska Khormor ee ku yaalla gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq , iyadoo weerarka uu dhacay xilli marxalad xasaasi ah ay ku jirto Ciraaq oo ay socdaan dadaallada lagu soo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha cusub , kaddib doorashadii dhawaan ka dhacday Ciraaq.
Laakin muxuu salka ku hayaa weerarka ka dhacay ceelka Khormor?
Weerarkan wuxuu dhaliyay in isla markiiba ay istaagaan dhammaan sahaydii gaaska u socday warshadaha korontada ee gobolka, taas oo saameyn ku yeelatay ku dhowaad sideetan boqolkiiba korontada Kurdistaan.
Weerarkani ma ahayn mid cusub, waayo marar hore ayaa isla goobtan lagu qaaday weerarro ay fuliyeen kooxaha Shiicada Ciraaq, kuwaas oo loo arkay inay si hoose uga amar qaataan Tehran.
Dhacdadu waxay ku soo beegantay xilli dawladda cusub ee Ciraaq laga wadahadlayo, taas oo ka dhigaysa in weerarka loo qaadanayo farriin siyaasadeed. Todobaadkan, Nouri al-Maliki oo ka mid ah magacyada la hadal hayo ee noqon kara ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa booqday Kurdistaan, wuxuu la kulmay Masu‘ud Barzani.
Waxaa suuragal ah in kooxo doonaya inay carqaladeeyaan wadahadalkaas inay beegsadeen Khormor, si Barzani loogu cadaadiyo go’aanno ku saabsan qaabka lagu dhisayo dawladda cusub. Waxaa kaloo macquul ah in kulankii Maliki iyo Barzani aanu si fiican u dhamaan, weerarkana uu yahay mid ka dhashay khilaaf qarsoon oo labada dhinac u dhexeeya.
Dhanka kale, ceelka gaaska ee Khormor waxaa iminka maamula shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo guulo muuqda ka gaartay kordhinta tamarta gobolka, ilaa heer sahayda korontada ay ku dhowdahay inay noqoto mid si buuxa ugu filan baahida gobolka.
Arrintani waxay keentay in su’aalo la iska weydiiyo cidda ka soo horjeeda maalgashiga Khaliijka ee Kurdistaan inuu guuleysto, iyo in dadka qaarkood aysan dooneyn in Ciraaq yareyso ku-tiirsanaanta gaaska Iiraan.
Waxaa u muuqata in weerarku u yahay farriin laba-geesood ah; mid lagu cadaadinayo Barzani marka uu go’aamada dawladda cusub lagu dhisayo qaadanayo, iyo mid lagu tusayo Imaaraadka in saameyntooda dhaqaale ee Kurdistaan aysan cid walba u farxad gelin.
Marka la isku wada daro, tilmaamaha ugu waaweyn waxay muujinayaan in weerarka ay ka dambeeyeen kooxo gudaha Ciraaq ka dhisan oo leh xiriir dhow oo siyaasadeed iyo mid amni oo ay la leeyihiin Iiraan, kuwaas oo aan doonayn isbeddel ku yimaada dhaqaalaha Kurdistaan, hadday noqon lahayd awood siyaasadeed oo Barzani helayo ama madaxbannaani dhaqaale oo ka imaanaysa maalgashiga Khaliijka.
Xigasho Iman Jamac